Bilowgii 5:24
Enoogna Ilaah buu la socday; waana la waayay; maxaa yeelay, Ilaah baa qaatay isagii.
Enoogna Ilaah buu la socday; waana la waayay; maxaa yeelay, Ilaah baa qaatay isagii.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
5Enoog rumaysad baa kor loogu qaaday si uusan dhimasho u arag, lamana helin, maxaa yeelay, Ilaah baa isagii qaaday, waayo, intaan kor loo qaadin ka hor ayaa markhaati loo furay inuu Ilaah ka farxiyey.
17Wakhtigii Mahalale'el noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa siddeed boqol iyo shan iyo sagaashan sannadood, dabadeedna wuu dhintay.
18¶ Yaaredna wuxuu jiray boqol iyo laba iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Enoog.
19Yaaredna markuu Enoog dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol oo sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
20Wakhtigii Yaared noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo laba iyo lixdan sannadood; wuuna dhintay.
21¶ Enoogna wuxuu jiray shan iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Metushelax.
22Enoogna wuxuu la socday Ilaah saddex boqol oo sannadood markuu Metushelax dhalay ka dib, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
23Wakhtigii Enoog jiray oo dhammuna wuxuu ahaa saddex boqol iyo shan iyo lixdan sannadood.
8Wakhtigii Seed noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo laba iyo toban sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
9¶ Enoosna wuxuu jiray sagaashan sannadood, wuxuuna dhalay Qaynaan.
10Enoosna markuu Qaynaan dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo shan iyo toban sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
11Wakhtigii Enoos noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo shan sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
27Wakhtigii Metushelax noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo sagaal iyo lixdan sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
25¶ Metushelaxna wuxuu jiray boqol iyo toddoba iyo siddeetan sannadood, wuxuuna dhalay Lameg.
5Wakhtigii Aadan noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo soddon sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
6¶ Seedna wuxuu jiray boqol iyo shan sannadood, wuxuuna dhalay Enoos.
9¶ Kuwanu waa farcankii Nuux. Nuux wuxuu ahaa nin xaq ah, oo ku eed la' farcankiisii; Nuuxna Ilaah buu la socon jiray.
3Enoog, Metushelax, Lameg,
18Enoogna waxaa u dhashay Ciiraad, Ciiraadna wuxuu dhalay Mexuuya'el, Mexuuya'elna wuxuu dhalay Metuusha'el, Metuusha'elna wuxuu dhalay Lameg.
14¶ Enoog oo ahaa farcankii toddobaad oo Aadan isna kuwanuu wax ka sii sheegay isagoo leh, Bal eega, Rabbigu wuxuu yimid isagoo wata quduusiintiisii aan tirada lahayn,
14Wakhtigii Qaynaan noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo toban sannadood, dabadeedna wuu dhintay.