Bilowgii 5:32

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Nuuxna wuxuu jiray shan boqol oo sannadood; wuxuuna dhalay Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 6:10 : 10 ¶ Oo Nuux wuxuu dhalay saddex wiil oo ahaa Sheem, iyo Xaam iyo Yaafed.
  • Bil 10:21 : 21 ¶ Sheem oo aabbe u ahaa carruurtii Ceeber oo dhan, oo ahaa Yaafed walaalkiisii weynaa, isagana carruur baa u dhalatay.
  • Bil 10:32 : 32 Kuwanu waa qabiilooyinkii wiilashii Nuux; sidii farcankoodii iyo quruumahoodii ay ahaayeen; oo kuwanaa quruumuhu ka kala qaybsameen daadkii dabadiis.
  • 1 Taar 1:4-9 : 4 Nuux, Sheem, Xaam, iyo. 5 ¶ Wiilashii Yaafed waxay ahaayeen Gomer, iyo Maajuuj, iyo Maaday, iyo Yaawaan, iyo Tubal, iyo Mesheg, iyo Tiiraas. 6 Wiilashii Gomerna waxay ahaayeen Ashkenas, iyo Diifad, iyo Togarmaah. 7 Wiilashii Yaawaanna waxay ahaayeen Eliishaah, iyo Tarshiish, iyo Kitiim, iyo Rodaaniim. 8 ¶ Wiilashii Xaamna waxay ahaayeen Kuush, iyo Misrayim, iyo Fuud iyo Kancaan. 9 Wiilashii Kuushna waxay ahaayeen Sebaa, iyo Xawiilaah, iyo Sabtaa, iyo Racmaah, iyo Sabteka. Wiilashii Racmaahna waxay ahaayeen Shebaa iyo Dedaan. 10 Kuushna wuxuu dhalay Nimrod, wuxuuna noqday mid dhulka xoog weyn ku leh. 11 Misrayimna wuxuu dhalay Luudiim, iyo Canaamiim, iyo Lehaabiim, iyo Naftuxiim, 12 iyo Fatrusiim, iyo Kasluxiim oo ay reer Falastiin ka soo farcamay, iyo Kaftoriim. 13 Kancaanna wuxuu dhalay Siidoon oo curadkiisii ahaa, iyo Xeed, 14 iyo reer Yebuus, iyo reer Amor, iyo reer Girgaash, 15 iyo reer Xiwi, iyo reer Carqi, iyo reer Siini, 16 iyo reer Arwaad, iyo reer Semaar, iyo reer Xamaad. 17 ¶ Wiilashii Sheemna waxay ahaayeen Ceelaam, iyo Ashuur, iyo Arfaksad, iyo Luud, iyo Araam, iyo Cuus, iyo Xuul, iyo Geter, iyo Mesheg. 18 Oo Arfaksad wuxuu dhalay Sheelaah, Sheelaahna wuxuu dhalay Ceeber. 19 Oo Ceeberna waxaa u dhashay laba wiil, mid magiciisu wuxuu ahaa Feleg, waayo, waagiisii ayaa dhulku qaybsamay, magaca walaalkiisna wuxuu ahaa Yoqtaan. 20 Yoqtaanna wuxuu dhalay Almoodaad, iyo Shelef, iyo Xasarmaawed, iyo Yerah, 21 iyo Hadooraam, iyo Uusaal, iyo Diqlah, 22 iyo Ceebaal, iyo Abiimaa'el, iyo Shebaa, 23 iyo Oofir, iyo Xawiilaah, iyo Yoobaab. Kuwaasu kulli waxay ahaayeen wiilashii Yoqtaan. 24 ¶ Sheem, Arfaksad, Sheelaah, 25 Ceeber, Feleg, Recu, 26 Seruug, Naaxoor, Terax, 27 Aabraam (kaasoo ah Ibraahim). 28 ¶ Wiilashii Ibraahimna waxay ahaayeen Isxaaq iyo Ismaaciil.
  • Luuk 3:36 : 36 kan ahaa ina Qaynaan, kan ahaa ina Arfaksad, kan ahaa ina Sheem, kan ahaa ina Nuux, kan ahaa ina Lameg,
  • Bil 7:13 : 13 Isla maalintaas Nuux wuxuu galay doonnidii, isagii iyo Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed, oo ahaa wiilashii Nuux, iyo naagtii Nuux, iyo saddexdii naagood oo wiilashiisa ee la jiray;
  • Bil 9:18-19 : 18 ¶ Oo wiilashii Nuux oo doonnidii ka soo baxay, waxay ahaayeen Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed: Xaamna waa Kancaan aabbihiis. 19 Saddexdanu waxay ahaayeen wiilashii Nuux; oo iyagii farcankoodii baa dhulka oo dhan ku fiday.
  • Bil 9:22-27 : 22 Oo Xaam, oo ahaa Kancaan aabbihiis, ayaa arkay qaawanaantii aabbihiis, kolkaasuu u sheegay labadii walaalihiis ahayd oo dibadda joogta. 23 Kolkaasaa Sheem iyo Yaafed dhar qaadeen, oo labadoodu garbahay saareen, oo dib dib u socdeen, kolkaasay qaawanaantii aabbahood ku dedeen, oo wejiyadooduna way sii jeedeen, mana ay arkin qaawanaantii aabbahood. 24 Nuuxna khamrigiisii wuu ka soo miyirsaday, wuuna ogaaday wixii wiilkiisa yaru ku sameeyey. 25 Kolkaasuu yidhi, Inkaaru ha ku dhacdo Kancaan; Addoonkii addoommaduu u noqon doonaa walaalihiis. 26 Oo wuxuu yidhi, Ammaanu ha u ahaato Rabbiga ah Ilaaha Sheem, Kancaanna addoon ha u noqdo. 27 Ilaah ha fidiyo Yaafed, Hana dego teendhooyinka Sheem; Kancaanna addoon ha u noqdo isaga.
  • Bil 10:1 : 1 ¶ Haddaba kuwanu waa farcankii wiilashii Nuux, kuwaas oo ahaa Sheem, Xaam iyo Yaafed: oo wiilal baa u dhashay iyaga daadkii dabadiis.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 6:9-10
    2 aayado
    84%

    9¶ Kuwanu waa farcankii Nuux. Nuux wuxuu ahaa nin xaq ah, oo ku eed la' farcankiisii; Nuuxna Ilaah buu la socon jiray.

    10¶ Oo Nuux wuxuu dhalay saddex wiil oo ahaa Sheem, iyo Xaam iyo Yaafed.

  • Bil 5:25-31
    7 aayado
    81%

    25¶ Metushelaxna wuxuu jiray boqol iyo toddoba iyo siddeetan sannadood, wuxuuna dhalay Lameg.

    26Metushelaxna wuxuu noolaa markuu Lameg dhalay ka dib toddoba boqol iyo laba iyo siddeetan sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

    27Wakhtigii Metushelax noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo sagaal iyo lixdan sannadood; dabadeedna wuu dhintay.

    28¶ Lamegna wuxuu jiray boqol iyo laba iyo siddeetan sannadood; wuxuuna dhalay wiil:

    29magiciisiina wuxuu u bixiyey Nuux, isagoo leh, Kanu waa inooga raaxayn doonaa shuqulkeenna iyo hawsha gacmaheenna, xagga dhulka Ilaah habaaray.

    30Lamegna markuu Nuux dhalay ka dib wuxuu noolaa shan boqol iyo shan iyo sagaashan sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

    31Wakhtigii Lameg noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa toddoba boqol iyo toddoba iyo toddobaatan sannadood; dabadeedna wuu dhintay.

  • 1¶ Haddaba kuwanu waa farcankii wiilashii Nuux, kuwaas oo ahaa Sheem, Xaam iyo Yaafed: oo wiilal baa u dhashay iyaga daadkii dabadiis.

  • 1 Taar 1:3-5
    3 aayado
    80%

    3Enoog, Metushelax, Lameg,

    4Nuux, Sheem, Xaam, iyo.

    5¶ Wiilashii Yaafed waxay ahaayeen Gomer, iyo Maajuuj, iyo Maaday, iyo Yaawaan, iyo Tubal, iyo Mesheg, iyo Tiiraas.

  • Bil 9:28-29
    2 aayado
    78%

    28¶ Nuuxna daadka ka dib wuxuu sii noolaa saddex boqol iyo konton sannadood.

    29Wakhtigii Nuux noolaa oo dhammuna waxay ahaayeen sagaal boqol iyo konton sannadood; dabadeedna wuu dhintay.

  • Bil 9:18-19
    2 aayado
    77%

    18¶ Oo wiilashii Nuux oo doonnidii ka soo baxay, waxay ahaayeen Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed: Xaamna waa Kancaan aabbihiis.

    19Saddexdanu waxay ahaayeen wiilashii Nuux; oo iyagii farcankoodii baa dhulka oo dhan ku fiday.

  • Bil 11:10-11
    2 aayado
    77%

    10¶ Kuwanu waa farcankii Sheem. Sheem wuxuu jiray boqol sannadood, oo laba sannadood oo daadkii ka dambaysay wuxuu dhalay Arfaksad.

    11Sheemna markuu Arfaksad dhalay ka dib wuxuu noolaa shan boqol oo sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

  • 6¶ Nuuxna wuxuu jiray lix boqol oo sannadood markii daadka biyuhu dhulka dul joogay.

  • Bil 5:18-23
    6 aayado
    74%

    18¶ Yaaredna wuxuu jiray boqol iyo laba iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Enoog.

    19Yaaredna markuu Enoog dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol oo sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

    20Wakhtigii Yaared noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo laba iyo lixdan sannadood; wuuna dhintay.

    21¶ Enoogna wuxuu jiray shan iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Metushelax.

    22Enoogna wuxuu la socday Ilaah saddex boqol oo sannadood markuu Metushelax dhalay ka dib, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

    23Wakhtigii Enoog jiray oo dhammuna wuxuu ahaa saddex boqol iyo shan iyo lixdan sannadood.

  • 13Isla maalintaas Nuux wuxuu galay doonnidii, isagii iyo Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed, oo ahaa wiilashii Nuux, iyo naagtii Nuux, iyo saddexdii naagood oo wiilashiisa ee la jiray;

  • Bil 5:3-6
    4 aayado
    73%

    3Aadanna wuxuu jiray boqol iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay wiil isagii u eg oo araggiisii leh; magiciisiina wuxuu u bixiyey Seed.

    4Aadanna markuu Seed dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol oo sannadood; wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

    5Wakhtigii Aadan noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo soddon sannadood; dabadeedna wuu dhintay.

    6¶ Seedna wuxuu jiray boqol iyo shan sannadood, wuxuuna dhalay Enoos.

  • 32Kuwanu waa qabiilooyinkii wiilashii Nuux; sidii farcankoodii iyo quruumahoodii ay ahaayeen; oo kuwanaa quruumuhu ka kala qaybsameen daadkii dabadiis.

  • 36kan ahaa ina Qaynaan, kan ahaa ina Arfaksad, kan ahaa ina Sheem, kan ahaa ina Nuux, kan ahaa ina Lameg,

  • Bil 5:15-16
    2 aayado
    71%

    15¶ Mahalale'elna wuxuu jiray shan iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Yaared.

    16Mahalale'elna markuu Yaared dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo soddon sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

  • 21¶ Sheem oo aabbe u ahaa carruurtii Ceeber oo dhan, oo ahaa Yaafed walaalkiisii weynaa, isagana carruur baa u dhalatay.

  • 20Yoqtaanna wuxuu dhalay Almoodaad, iyo Shelef, iyo Xasarmaawed, iyo Yerah,

  • 23Kolkaasaa Sheem iyo Yaafed dhar qaadeen, oo labadoodu garbahay saareen, oo dib dib u socdeen, kolkaasay qaawanaantii aabbahood ku dedeen, oo wejiyadooduna way sii jeedeen, mana ay arkin qaawanaantii aabbahood.

  • 15¶ Ilaahna Nuux buu la hadlay, isagoo leh,