Bilowgii 8:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kolkaasuu toddoba maalmood oo kale sugay; markaasuu mar kale qoolleydii doonnidii ka diray;

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 7:4 : 4 Waayo, waxaa weli hadhay toddoba maalmood, dabadeedna afartan maalmood iyo afartan habeen ayaan roob ku soo dayn dhulka; oo wax kasta oo nool oo aan sameeyey waan ka baabbi'in doonaa dhulka dushiisa.
  • Bil 7:10 : 10 Waxaana dhacday, in toddobadii maalmood dabadeed, ay biyihii daadka ahaa dhulka dul joogeen.
  • Bil 8:12 : 12 Kolkaasuu toddoba maalmood oo kale sugay; dabadeedna qoolleydii buu diray; iyadiina mar dambe kuma ay soo noqon.
  • Sab 40:1 : 1 Anigu Rabbiga samir baan ku sugay, Oo isna wuu i soo jalleecay, qayladaydiina wuu maqlay,
  • Ish 8:17 : 17 Anigu waxaan sugi doonaa Rabbiga wejigiisa dadka Yacquub ka qariya, oo isagaan filan doonaa.
  • Ish 26:8 : 8 Rabbiyow, annagu waxaannu kugu sugaynay jidka xukummadaada. Oo naftayaduna waxay xiiso u qabtaa magacaaga iyo xusuustaada.
  • Room 8:25 : 25 Laakiin haddaynu rajayno wax aynaan arkin, de haddaba dulqaadasho ayaynu ku sugnaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 8:11-19
    9 aayado
    94%

    11qoolleydiina waxay isagii ku soo noqotay fiidkii; oo afkana waxay ku wadatay caleen saytuun oo qoyan; kolkaasuu Nuux ogaaday in biyihii dhulka ka yaraadeen.

    12Kolkaasuu toddoba maalmood oo kale sugay; dabadeedna qoolleydii buu diray; iyadiina mar dambe kuma ay soo noqon.

    13Oo waxaana dhacday sannaddii lix boqol iyo kowaad, bishii kowaad, maalinteedii kowaad, inay biyihii dhulka ka engegeen: Nuuxna daboolkii buu doonnidii ka qaaday, wuuna fiiriyey, oo bal eeg, dhulka dushiisu way engegnayd.

    14Oo bishii labaad, maalinteedii toddoba iyo labaatanaad, ayaa dhulka engegay.

    15¶ Ilaahna Nuux buu la hadlay, isagoo leh,

    16Doonnida ka baxa adiga, iyo naagtaada, iyo wiilashaada, iyo naagaha wiilashaada ee kula jiraba.

    17Soo bixi wax kasta oo nool oo kula jooga, inta jidhka leh oo dhan, kuwaas oo ah haadda, iyo xoolaha, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan; si ay dhulka ugu bataan, oo ay wax badan u dhalaan, oo ay dhulka ugu tarmaan.

    18Nuuxna wuu baxay, isagii iyo wiilashiisii, iyo naagtiisii, iyo naagihii wiilashiisa ee la jirayba.

    19Dugaag kasta, iyo wax kasta oo gurguurta, iyo haad kasta, iyo wax alla wixii dhulka ku dhaqaaqaaba, jinsigoodii ayay doonnidii kala soo baxeen.

  • Bil 8:1-9
    9 aayado
    87%

    1¶ Oo Ilaah wuxuu xusuustay Nuux, iyo wixii noolaa, iyo xoolihii doonnidii kula jiray isagii oo dhan; oo Ilaah dabayl buu dhulka dul mariyey, biyihiina way dhinmeen;

    2ilihii moolka iyo dariishadihii samaduna way awdmeen; roobkii samadana waa la joojiyey;

    3biyihiina had iyo goorba dhulkay ka noqonayeen, oo boqol iyo konton maalmood dabadood ayaa biyihii dhinmeen.

    4Oo bishii toddobaad, maalinteedii toddoba iyo tobnaad, ayay doonnidii ku fadhiisatay buuraha Araarad.

    5Biyihiina way sii dhinmayeen ilaa bishii tobnaad. Bishii tobnaad, maalinteedii kowaad, ayaa buuraha dushoodii la arkay.

    6Waxaana dhacday in afartan maalmood dabadood Nuux furay dariishaddii doonnidii uu sameeyey;

    7oo wuxuu dibadda u diray tuke, hor iyo dib buuna u duulayay, ilaa intay biyihii ka engegeen dhulka dushiisa.

    8Dabadeedna wuxuu diray qoolley si uu u ogaado bal in biyihii dhulka dushiisa ka yaraadeen iyo in kale;

    9laakiin qoolleydii meel ay cagta dhigto ayay weyday, kolkaasay Nuux xaggiisii ku soo noqotay iyo xaggii doonnidii, maxaa yeelay, biyihii baa dhulka oo dhan dul joogay; kolkaasuu gacanta dibadda u bixiyey, oo soo qabtay iyadii, oo soo geliyey doonnidii.

  • Bil 7:7-18
    12 aayado
    79%

    7Nuuxna doonniduu galay, isagii iyo wiilashiisii iyo naagtiisii, iyo naagihii wiilashiisii ee la jiray oo dhan, waxayna ka soo galeen biyihii daadka.

    8Xoolihii daahirka ahaa, iyo xoolihii aan daahirka ahayn, iyo haaddii iyo wax kasta oo dhulka gurguurtaba

    9Nuux bay laba laba ugu galeen doonnidii, lab iyo dhaddig, sidii Ilaah ugu amray Nuux.

    10Waxaana dhacday, in toddobadii maalmood dabadeed, ay biyihii daadka ahaa dhulka dul joogeen.

    11Sannaddii uu Nuux lix boqol oo sannadood jiray, bisheedii labaad, maalintii toddoba iyo tobnaad oo bisha, isla maalintaas ayaa ilihii moolka weyn biyo ka buqdeen, dariishadihii samadana la furay.

    12Roobkuna wuxuu dhulka ku da'ayay afartan maalmood iyo afartan habeen.

    13Isla maalintaas Nuux wuxuu galay doonnidii, isagii iyo Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed, oo ahaa wiilashii Nuux, iyo naagtii Nuux, iyo saddexdii naagood oo wiilashiisa ee la jiray;

    14iyagii, iyo dugaag kasta caynkiisa, iyo xoolo kasta caynkooda, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta caynkooda, iyo haad kasta caynkiisa, iyo shimbir kasta oo cayn kasta ah.

    15Wax kasta oo jidh leh oo neefta noloshu ku jirtaba Nuux bay laba laba ugu galeen doonnidii.

    16Oo kuwii galay waxay ahaayeen lab iyo dhaddig oo wax kasta oo jidh leh, sidii Ilaah ku amray isagii: oo Ilaahna waa ku xidhay isagii.

    17Daadkiina afartan maalmood buu dhulka dul joogay; biyihiina way sii kordheen, oo doonnidii bay kor u qaadeen, oo waxaa iyadii kor looga qaaday dhulka.

    18Biyihiina way xoogaysteen, oo dhulkay aad ugu kordheen; doonnidiina waxay dul socotay biyihii.

  • Bil 7:23-24
    2 aayado
    77%

    23Waxaa la wada baabbi'iyey wixii dhulka dushiisa ku noolaa oo dhan, xataa dadkii, iyo xoolihii, iyo wixii gurguuran jiray, iyo haaddii cirka; kulli waa laga wada baabbi'iyey dhulka; oo waxaa hadhay Nuux oo keliya, iyo kuwii doonnidii kula jiray isagii.

    24Biyihiina boqol iyo konton maalmood ayay dhulka xoog ku lahaayeen.

  • Bil 7:3-5
    3 aayado
    75%

    3haadda hawadana toddoba iyo toddoba ka qaad, lab iyo dhaddig: si farcan ugu sii noolaado dhulka dushiisa oo dhan.

    4Waayo, waxaa weli hadhay toddoba maalmood, dabadeedna afartan maalmood iyo afartan habeen ayaan roob ku soo dayn dhulka; oo wax kasta oo nool oo aan sameeyey waan ka baabbi'in doonaa dhulka dushiisa.

    5Nuuxna wax kasta sidii Rabbigu ugu amray ayuu u sameeyey.

  • 10iyo uun kasta oo nool oo idinla jooga, haadda iyo xoolaha, iyo dugaag kasta oo dhulka idinla jooga; oo ah in alla intii ka soo baxda doonnida, xataa dugaag kasta oo dhulka.