Bilowgii 8:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbiguna wuxuu uriyey caraftii udgoonayd, kolkaasuu Rabbigu iska yidhi qalbigiisa, Mar dambe dadka aawadiis dhulka uma habaari doono, maxaa yeelay, malaha qalbiga dadku waa shar tan iyo yaraantiisa; mar dambena ma aan dili doono wax kasta oo nool sidii aan yeelay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 17:9 : 9 Qalbiga dadku wax kasta buu ka khiyaano badan yahay, oo aad iyo aad buu u xun yahay, bal yaa garan kara?
  • Bil 3:17 : 17 Aadanna wuxuu ku yidhi, Codkii naagtaadaad maqashay oo waxaad wax ka cuntay geedkii aan kugu amray, anigoo leh, Waa inaadan waxba ka cunin, sidaas daraaddeed dhulku waa habaaran yahay adiga aawadaa; maalmaha cimrigaaga oo dhanna dhibaataad wax kaga cuni doontaa.
  • Bil 6:5 : 5 Rabbiguna wuxuu arkay in dadka sharkiisu ku badan yahay dhulka, iyo in male kasta oo fikirrada qalbigiisu ay shar keliya yihiin had iyo goorba.
  • Bil 6:17 : 17 Oo bal eeg, anigu daad biyo ah baan ku soo dayn dhulka, inaan baabbi'iyo inta jidhka leh oo dhan oo neefta noloshu ku jirto, inta samada ka hoosaysa; wax kasta oo dhulka joogaaba way dhiman doonaan.
  • Laaw 1:9 : 9 laakiinse neefka uurkujirtiisa iyo addimmadiisa biyo ha ku maydho, oo wadaadku meesha allabariga dusheeda dhammaantiis ha ugu gubo qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.
  • Laaw 1:13 : 13 laakiinse neefka uurkujirtiisa iyo addimmadiisa biyo ha ku maydho, oo wadaadku dhammaantiis ha bixiyo, oo meesha allabariga dusheeda ha ku gubo, waayo, waa qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo, oo Rabbiga caraf udgoon u ah.
  • Sab 51:5 : 5 Bal eeg, aniga waxaa laygu qabanqaabiyey xumaan, Oo waxaa hooyaday igu uuraysatay dembi.
  • 2 Kor 2:15 : 15 Waayo, waxaynu Ilaah u nahay udgoonka Masiix xagga kuwa badbaadaya iyo kuwa lumayaba;
  • Room 1:21 : 21 Maxaa yeelay, iyagoo Ilaah garanaya ayayan isaga Ilaah ahaan u ammaanin, umana ay mahadnaqin, laakiin fikirradoodii waa xumaadeen, qalbigoodii garaadka la'aana waa madoobaaday.
  • Room 3:23 : 23 Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah;
  • Yex 20:41 : 41 Oo sida caraf udgoon baan idiin aqbali doonaa markaan dadyowga idinka soo dhex bixiyo oo aan waddammadii aad ku kala dhex firidheen idinka soo ururiyo, oo dhexdiinnaan quduus ku ahaan doonaa quruumaha hortooda.
  • Mat 15:19 : 19 Waayo, waxaa qalbiga ka soo baxaa fikirrada sharka leh iyo dilidda iyo sinada iyo galmada xaaraanta ah iyo tuuganimada iyo maragga beenta ah iyo cayda.
  • Yoox 3:6 : 6 Waxa jidhka ka dhashaa waa jidh, waxa Ruuxa ka dhashaana waa ruux.
  • Ef 2:1-3 : 1 ¶ Idinku waxaad ku dhimateen xadgudubyadiinna iyo dembiyadiinna, 2 kuwaas oo aad markii hore ugu socon jirteen sida socodka wakhtigan iyo sida madaxda xoogga hawada oo ah ruuxa haatan ka dhex shaqaynaya carruurta caasinimada. 3 Iyaga dhexdooda mar baynu dhammaanteen ku dhaqmi jirnay damacyada jidhkeenna, innagoo samaynayna waxyaalaha jidhka iyo maanku ay doonayaan, oo innaguna xagga dabiicadda waxaynu ka ahayn carruurtii cadhada sida dadka kale.
  • Ef 5:2 : 2 Jacayl ku socda siduu Masiixuba idiin jeclaa, oo uu nafsaddiisii inoogu bixiyey inuu Ilaah u ahaado qurbaan iyo allabari oo uu ahaado caraf udgoon.
  • Fil 4:18 : 18 Laakiinse anigu wax kastaba waan haystaa, oo waan barwaaqaysanahay. Waan dheregsanahay, waayo, waxaan Ebafroditos ka helay wixii aad ii soo dirteen, kuwaas oo ah allabari Ilaah aqbali karo oo uu aad ugu farxo oo caraf udgoon leh.
  • Sab 58:3 : 3 Kuwa sharka lahu waxay qalaad ku noqdaan uurkii hooyadood, Oo mar alla markii ay dhashaan ayay habaabaan iyagoo been sheegaya.
  • Ayuub 14:4 : 4 Bal yaa wax wasakh ah wax nadiif ah ka soo bixin kara? Xataa mid qudha oo saas yeeli karaa ma jiro.
  • Laaw 1:17 : 17 Oo garbaha ha ka jeexo, laakiinse yuusan kala dillaacin dhammaanteed, oo wadaadku ha ku dul gubo qoryaha dabka meesha allabariga saaran, waayo, waa qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo, oo Rabbiga caraf udgoon u ah.
  • Wacd 7:20 : 20 Waayo, dhulka laguma arag nin xaq ah oo wanaag fala, oo aan dembaabin.
  • Hees 4:10-11 : 10 Walaashayay, aroosaddaydiiyey, jacaylkaagu qurux badanaa! Oo jacaylkaagu intee buu khamri ka sii fiican yahay! Oo saliiddaada carafteeduna way ka fiican tahay dhirta udgoon oo dhan. 11 Aroosaddaydiiyey, bushimahaaga malab baa ka soo tiftifqaya, Oo carrabkaaga hoostiisana malab iyo caanaa ku jira. Oo dharkaaga caraftiisuna waa sida carafta Buur Lubnaan.
  • Ish 47:12 : 12 Haddaad ku faa'iidi karaysid iyo haddaad ku adkaan karaysid, bal haatan la soo istaag falfalkaaga iyo saaxirnimadaada faraha badan oo aad tan iyo yaraantaadii ku soo hawshoonaysay.
  • Ish 47:15 : 15 Saasay kuu noqon doonaan waxyaalihii aad ku hawshootay, oo kuwii aad macaamilada la lahayd tan iyo yaraantaadii midkood kastaaba meeshiisuu tegi doonaa, oo mid ku badbaadiyana ma jiri doono.
  • Ish 48:8 : 8 Idinku ma aydaan maqlin, oo ma aydaan aqoon, oo dhegtiinnana waa hore ma furmin, waayo, waan ogaa inaad si khiyaano badan u macaamilooteen, iyo in laydiin bixiyey Xadgudbayaal tan iyo intaad uurka hooyadiin kasoo baxdeen.
  • Ish 53:6 : 6 Dhammaanteen sidii ido baynu u hallownay, midkeen waluba jidkiisuu u leexday, oo Rabbigu wuxuu isaga dul saaray xumaanteenna oo dhan.
  • Ish 54:9-9 : 9 Maxaa yeelay, tanu waxay iila mid tahay sidii biyihii wakhtigii Nuux oo kale, waayo, sidaan ugu dhaartay inaanay biyihii Nuux mar dambe dhulka kor mari doonin ayaan ugu dhaartay inaanan mar dambe kuu cadhoon doonin, iyo inaanan innaba ku canaanan doonin. 10 Waayo, Rabbiga kuu naxariistaa wuxuu leeyahay, In kastoo ay buuruhu fogaadaan oo ay kuruhuna dhaqdhaqaaqaan raxmaddaydu innaba kaa fogaan mayso, oo axdigayga nabdeedna dhaqdhaqaaqi maayo.
  • Ish 65:6 : 6 Bal eega, tanu hortayday ku qoran tahay, Anigu iska aamusi maayo, laakiinse waan abaalmarin doonaa, oo waxaan abaalmarinta gelin doonaa laabtooda.
  • Yer 8:6 : 6 Waan dhegaystay oo waan maqlay, laakiinse si qumman uma ay hadlin. Oo midkoodna xumaantiisii kama toobadkeeno, isagoo leh, Bal maxaan sameeyey? Mid kastaaba wuxuu u leexdaa jidkiisii sida faras dagaal ku yaacaya.
  • Laaw 26:31 : 31 Oo magaalooyinkiinna baabba' waan ka dhigi doonaa, oo meeshiinna quduuska ahna cidla waan ka dhigi doonaa, oo weliba carafta fooxiinna udgoon ma aan ursan doono.
  • Bil 9:11-15 : 11 Oo waxaan idinku adkayn doonaa axdigayga; inta jidh leh oo dhan mar dambe biyo daad ah laguma baabbi'in doono; daad dambe oo dhulka baabbi'iyaana mar dambe ma jiri doono. 12 Oo Ilaah wuxuu yidhi, Waa tan calaamadii axdiga aan idinla dhiganayo idinka iyo uun kasta oo nool oo idinla jooga, tan iyo qarni kasta. 13 Waxaan qaansadayda ku dhex dhigay daruurta, waxayna noqon doontaa calaamadii axdiga dhex yaal aniga iyo dhulka. 14 Waxaana dhici doonta, markii aan dhulka daruur dul keeno, in qaansada lagu arki doono daruurta dhexdeeda, 15 oo waxaan xusuusan doonaa axdigayga ina dhex yaal aniga iyo idinka iyo uun kasta oo nool oo jidh kasta leh; biyuhuna dib dambe ma noqon doonaan daad baabbi'iya inta jidh leh oo dhan.
  • Bax 29:18 : 18 Oo wanka oo dhan waa inaad ku dul gubtaa meesha allabariga, waayo, waa qurbaan Rabbiga loo gubo; oo waa caraf udgoon oo waa qurbaan dab loogu sameeyo Rabbiga.
  • Bax 29:25 : 25 Oo markaas waa inaad gacmahooda ka qaaddid, oo waxaad ku dul gubtaa qurbaanka la gubo oo meesha allabariga kor yaal, inay caraf udgoon ku ahaadaan Rabbiga hortiisa. Waa qurbaan dab loogu sameeyey Rabbiga.
  • Ayuub 15:14-16 : 14 Bal binu-aadmigu muxuu yahay oo uu daahir ahaado? Kii naagu dhashayse muxuu yahay oo uu xaq ahaado? 15 Bal eeg, Ilaah ma aamino kuwiisa quduuska ah, Oo xataa samooyinku hortiisa daahir kuma aha. 16 Haddaba bal sidee buu u daahir ahaanayaa nin karaahiyo iyo wasakhaan ah, Oo dembiga sida biyo u cabbaa!
  • Bil 4:12 : 12 Kolkii aad dhulka beeratid, wax badan kuuma dhali doono. Waxaad dhulka ku noqon doontaa mid carcarara oo warwareega.
  • Bil 5:29 : 29 magiciisiina wuxuu u bixiyey Nuux, isagoo leh, Kanu waa inooga raaxayn doonaa shuqulkeenna iyo hawsha gacmaheenna, xagga dhulka Ilaah habaaray.
  • Maah 20:9 : 9 Bal yaa odhan kara, Qalbigayga waan nadiifiyey, Oo dembigayga waan ka daahirsanahay?
  • Yer 18:12 : 12 Laakiinse iyagu waxay leeyihiin, Taas ha ka yaabin, annagu waxaannu iska daba soconaynaa hindisooyinkayaga, oo midkayo kastaaba wuxuu samayn doonaa caasinimada qalbigiisa sharka ah.
  • Yac 1:14-15 : 14 Mid kasta waxaa jirraba damaciisa sharka ah isagoo la jiidanayo oo la sasabayo. 15 Dabadeed damacu kolkuu uuraysto wuxuu dhalaa dembi, dembiguna kolkuu weynaado wuxuu keenaa dhimasho.
  • Yac 4:1-2 : 1 ¶ Dagaallada iyo dirirta idinku dhex jira xaggee bay ka yimaadaan? Miyaanay ka imanin damacyadiinna ku dhex dagaallamaya xubnihiinna? 2 Waad damacdaan, mana lihidin; waad dishaan, waadna xaasiddaan, mana heli kartaan; waad dirirtaan, waadna dagaallantaan, mana lihidin, waayo, ma aad weyddiisataan.
  • 2 But 3:6-7 : 6 kuwaas oo dunidii waagaas jirtay ay ku baabba'day iyadoo daad qaaday. 7 Laakiinse samooyinka haatan jira iyo dhulkaba isku eray baa dab loogu kaydiyey, oo waxaa loo hayaa maalinta xisaabta iyo halligaadda dadka cibaadalaawayaasha ah.
  • 1 Yoox 5:19 : 19 Waxaynu og nahay inaynu kuwa Ilaah nahay, oo ay dunida oo dhammuna ku jirto gacanta ka sharka leh.
  • Aam 5:21-22 : 21 Iidihiinna waan nebcahay, waanna quudhsadaa, oo shirarkiinnana kuma farxo. 22 In kastoo aad ii bixisaan qurbaannadiinna aad gubtaan iyo qurbaannadiinna hadhuudhka ah anigu aqbali maayo, oo qurbaannadiinna nabaadiino oo xoolihiinna buurbuuranna dan ka yeelan maayo.
  • Room 8:7-8 : 7 maxaa yeelay, jidhka kafikiriddiisu waa la col Ilaah, waayo, ma hoos gasho sharciga Ilaah, mana hoos geli karto. 8 Kuwa jidhka ku dhex jiraana kama farxin karaan Ilaah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 6:5-8
    4 aayado
    77%

    5Rabbiguna wuxuu arkay in dadka sharkiisu ku badan yahay dhulka, iyo in male kasta oo fikirrada qalbigiisu ay shar keliya yihiin had iyo goorba.

    6Rabbiguna wuxuu ka qoomamooday abuuriddii uu dadka ku abuuray dhulka, wuuna caloolxumaaday.

    7Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Waxaan dhulka ka baabbi'in doonaa dadkii aan abuuray; dadka, iyo weliba dugaagga, iyo waxa gurguurta, iyo haadda hawada; maxaa yeelay, waan ka qoomamooday samayntii aan sameeyey iyaga.

    8Laakiin Rabbigu Nuux raalli buu ka ahaa.

  • 20Nuuxna meel allabari buu Rabbiga u dhisay; xayawaankii daahirka ahaa iyo haaddii daahirka ahaydba, intuu wax ka qaatay, ayuu allabaryo la gubo ku bixiyey meeshii allabariga dusheeda.

  • Bil 9:10-12
    3 aayado
    74%

    10iyo uun kasta oo nool oo idinla jooga, haadda iyo xoolaha, iyo dugaag kasta oo dhulka idinla jooga; oo ah in alla intii ka soo baxda doonnida, xataa dugaag kasta oo dhulka.

    11Oo waxaan idinku adkayn doonaa axdigayga; inta jidh leh oo dhan mar dambe biyo daad ah laguma baabbi'in doono; daad dambe oo dhulka baabbi'iyaana mar dambe ma jiri doono.

    12Oo Ilaah wuxuu yidhi, Waa tan calaamadii axdiga aan idinla dhiganayo idinka iyo uun kasta oo nool oo idinla jooga, tan iyo qarni kasta.

  • Bil 9:15-17
    3 aayado
    73%

    15oo waxaan xusuusan doonaa axdigayga ina dhex yaal aniga iyo idinka iyo uun kasta oo nool oo jidh kasta leh; biyuhuna dib dambe ma noqon doonaan daad baabbi'iya inta jidh leh oo dhan.

    16Qaansaduna waxay ku dhex jiri doontaa daruurta; anna waan fiirin doonaa iyada, inaan xusuusto axdiga weligiis dhex yaal Ilaah iyo uun kasta oo nool oo jidh kasta leh oo dhulka jooga.

    17Oo Ilaah wuxuu Nuux ku yidhi, Tanu waa calaamadii axdigii aan ku adkeeyey inta jidhka leh oo dhulka joogta.

  • 3Rabbiguna wuxuu yidhi, Ruuxaygu lama sii dagaallami doono dadka weligiis, maxaa yeelay, isagu waa jidh, laakiinse cimrigiisu wuxuu noqon doonaa boqol iyo labaatan sannadood.

  • Bil 8:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Oo Ilaah wuxuu xusuustay Nuux, iyo wixii noolaa, iyo xoolihii doonnidii kula jiray isagii oo dhan; oo Ilaah dabayl buu dhulka dul mariyey, biyihiina way dhinmeen;

    2ilihii moolka iyo dariishadihii samaduna way awdmeen; roobkii samadana waa la joojiyey;

  • Bil 6:11-13
    3 aayado
    71%

    11Dhulkuna wuu kharribnaa Ilaah hortiisa, dhulkana dulmi baa ka buuxsamay.

    12Ilaahna wuxuu arkay dhulka, oo bal eeg, wuu kharribnaa; waayo, intii jidh lahayd oo dhammu jidkooday ku kharribeen dhulka.

    13¶ Oo Ilaah wuxuu Nuux ku yidhi, Intii jidh leh oo dhan dhammaadkoodii aan dhammayn lahaa ayaa gaadhay; waayo, dhulkii waxaa ka buuxsamay dulmi iyaga ka yimid, oo bal eeg, iyagaan dhulka la baabbi'in doonaa.

  • 4Waayo, waxaa weli hadhay toddoba maalmood, dabadeedna afartan maalmood iyo afartan habeen ayaan roob ku soo dayn dhulka; oo wax kasta oo nool oo aan sameeyey waan ka baabbi'in doonaa dhulka dushiisa.

  • 17Oo bal eeg, anigu daad biyo ah baan ku soo dayn dhulka, inaan baabbi'iyo inta jidhka leh oo dhan oo neefta noloshu ku jirto, inta samada ka hoosaysa; wax kasta oo dhulka joogaaba way dhiman doonaan.

  • Bil 8:13-15
    3 aayado
    70%

    13Oo waxaana dhacday sannaddii lix boqol iyo kowaad, bishii kowaad, maalinteedii kowaad, inay biyihii dhulka ka engegeen: Nuuxna daboolkii buu doonnidii ka qaaday, wuuna fiiriyey, oo bal eeg, dhulka dushiisu way engegnayd.

    14Oo bishii labaad, maalinteedii toddoba iyo labaatanaad, ayaa dhulka engegay.

    15¶ Ilaahna Nuux buu la hadlay, isagoo leh,

  • Bil 7:21-23
    3 aayado
    69%

    21Oo wax kasta oo jidh leh oo dhulka ku dul dhaqaaqaaba way dhinteen, haaddii, iyo xoolihii, iyo dugaaggii, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta, iyo dadkii oo dhanba.

    22Wax walba oo dhulka engegan joogay oo dulalka sankiisa ay neefta ruuxa nolosha ku jirtay, way wada dhinteen.

    23Waxaa la wada baabbi'iyey wixii dhulka dushiisa ku noolaa oo dhan, xataa dadkii, iyo xoolihii, iyo wixii gurguuran jiray, iyo haaddii cirka; kulli waa laga wada baabbi'iyey dhulka; oo waxaa hadhay Nuux oo keliya, iyo kuwii doonnidii kula jiray isagii.

  • 29magiciisiina wuxuu u bixiyey Nuux, isagoo leh, Kanu waa inooga raaxayn doonaa shuqulkeenna iyo hawsha gacmaheenna, xagga dhulka Ilaah habaaray.

  • 22Intuu dhulku jiro, beer abuurid, iyo beer goosasho, iyo qabow iyo kulayl, iyo gu iyo jiilaal, iyo habeen iyo maalin midnaba ma joogsan doono.

  • 20Rabbiguna wuxuu yidhi, Qaylada Sodom iyo Gomora way badatay, dembigooduna aad buu u weynaaday.

  • 3Markaasaa Rabbigu taas ka soo noqday, oo Rabbigu wuxuu yidhi, Taasu ahaan mayso.

  • 1¶ Oo Rabbigu wuxuu Nuux ku yidhi, Adiga iyo dadka gurigaaguba soo gala doonnida; waayo, waxaan arkay adigoo qarnigan xaq ku ah hortayda.

  • 17Soo bixi wax kasta oo nool oo kula jooga, inta jidhka leh oo dhan, kuwaas oo ah haadda, iyo xoolaha, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan; si ay dhulka ugu bataan, oo ay wax badan u dhalaan, oo ay dhulka ugu tarmaan.

  • 1¶ Oo Ilaah waa barakeeyey Nuux iyo wiilashiisii, oo wuxuu ku yidhi, Wax badan dhala, oo tarma, oo dhulka ka buuxsama.

  • 8Xoolihii daahirka ahaa, iyo xoolihii aan daahirka ahayn, iyo haaddii iyo wax kasta oo dhulka gurguurtaba

  • Bil 2:8-9
    2 aayado
    67%

    8Oo Rabbiga Ilaah ahu beer buu ka beeray xagga bari ee Ceeden; oo halkaasuuna geeyey ninkii uu sameeyey.

    9Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu dhulka ka soo bixiyey geed kasta oo indhaha u roon, oo cunto ku wanaagsan; beerta dhexdeedana wuxuu ka soo bixiyey geedkii nolosha iyo geedkii aqoonta wanaagga iyo xumaanta.

  • 6laakiin ceeryaamo baa dhulka kor uga soo bixi jirtay, oo waraabin jirtay dhulka dushiisa oo dhan.

  • 10¶ Oo markaasaa Ilaah wuxuu arkay shuqulkoodii iyo inay iyagu ka noqdeen jidkoodii xumaa, kolkaasaa Ilaah wuxuu ka noqday sharkii uu sheegay inuu iyaga ku samaynayo; oo taasna ma uu samayn.

  • 30oo dugaag kasta oo dhulka jooga, iyo haad kasta oo hawada duula, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta, oo naf nool leh ayaan geed kasta oo cagaar ah cunto u siiyey; sidaasayna ahaatay.

  • 5Oo dunidii horena uma u tudhin, laakiinse wuxuu badbaadshay Nuux, oo ahaa mid xaqnimada wax ku wacdiya, iyo toddoba qof oo kale, markuu daadkii ku soo daayay dunidii cibaadalaawayaasha.

  • 8¶ Oo Ilaah Nuux buu la hadlay, iyo wiilashiisii la joogay, isagoo ku leh,

  • 9Maxaa yeelay, tanu waxay iila mid tahay sidii biyihii wakhtigii Nuux oo kale, waayo, sidaan ugu dhaartay inaanay biyihii Nuux mar dambe dhulka kor mari doonin ayaan ugu dhaartay inaanan mar dambe kuu cadhoon doonin, iyo inaanan innaba ku canaanan doonin.

  • 15Oo Rabbigu wuxuu ku yidhi isagii, Sidaas daraaddeed ku alla kii dila Qaabiil, waxaa looga aargudan doonaa toddoba labanlaab. Rabbiguna calaamad buu u sameeyey Qaabiil, si aanu ku alla kii arkaaba u dilin.

  • 6Markaasaa Rabbigu taas ka soo noqday, oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu yidhi, Taasuna ahaan mayso.