Bilowgii 9:29

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Wakhtigii Nuux noolaa oo dhammuna waxay ahaayeen sagaal boqol iyo konton sannadood; dabadeedna wuu dhintay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 5:5 : 5 Wakhtigii Aadan noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo soddon sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
  • Bil 5:20 : 20 Wakhtigii Yaared noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo laba iyo lixdan sannadood; wuuna dhintay.
  • Bil 5:27 : 27 Wakhtigii Metushelax noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo sagaal iyo lixdan sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
  • Bil 5:32 : 32 ¶ Nuuxna wuxuu jiray shan boqol oo sannadood; wuxuuna dhalay Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed.
  • Bil 11:11-25 : 11 Sheemna markuu Arfaksad dhalay ka dib wuxuu noolaa shan boqol oo sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. 12 ¶ Arfaksadna wuxuu jiray shan iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay Salah: 13 Arfaksadna markuu Salah dhalay ka dib wuxuu noolaa afar boqol iyo saddex sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. 14 ¶ Salahna wuxuu jiray soddon sannadood, wuxuuna dhalay Ceeber. 15 Salahna markuu Ceeber dhalay ka dib wuxuu noolaa afar boqol iyo saddex sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. 16 ¶ Ceeberna wuxuu jiray afar iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay Feleg: 17 Ceeberna markuu Feleg dhalay ka dib wuxuu noolaa afar boqol iyo soddon sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. 18 ¶ Felegna wuxuu jiray soddon sannadood, wuxuuna dhalay Recu: 19 Felegna markuu Recu dhalay ka dib wuxuu noolaa laba boqol iyo sagaal sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. 20 ¶ Recuna wuxuu jiray laba iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay Seruug. 21 Recuna markuu Seruug dhalay ka dib wuxuu noolaa laba boqol iyo toddoba sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. 22 ¶ Seruugna wuxuu jiray soddon sannadood, wuxuuna dhalay Naaxoor: 23 Seruugna markuu Naaxoor dhalay ka dib wuxuu noolaa laba boqol oo sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. 24 ¶ Naaxoorna wuxuu jiray sagaal iyo labaatan sannadood, wuxuuna dhalay Terax; 25 Naaxoorna markuu Terax dhalay ka dib wuxuu noolaa boqol iyo sagaal iyo toban sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
  • Sab 90:10 : 10 Waayo, wakhtiga cimrigayagu waxa weeye toddobaatan sannadood, Oo xataa hadduu xoog aawadiis ku sii dheeraado waa siddeetan sannadood, Laakiinse faankiisu waa hawl iyo caloolxumo miidhan, Waayo, haddiiba wuu iska dhammaadaa, oo annana waannu duulnaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 28¶ Nuuxna daadka ka dib wuxuu sii noolaa saddex boqol iyo konton sannadood.

  • Bil 5:27-32
    6 aayado
    82%

    27Wakhtigii Metushelax noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo sagaal iyo lixdan sannadood; dabadeedna wuu dhintay.

    28¶ Lamegna wuxuu jiray boqol iyo laba iyo siddeetan sannadood; wuxuuna dhalay wiil:

    29magiciisiina wuxuu u bixiyey Nuux, isagoo leh, Kanu waa inooga raaxayn doonaa shuqulkeenna iyo hawsha gacmaheenna, xagga dhulka Ilaah habaaray.

    30Lamegna markuu Nuux dhalay ka dib wuxuu noolaa shan boqol iyo shan iyo sagaashan sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

    31Wakhtigii Lameg noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa toddoba boqol iyo toddoba iyo toddobaatan sannadood; dabadeedna wuu dhintay.

    32¶ Nuuxna wuxuu jiray shan boqol oo sannadood; wuxuuna dhalay Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed.

  • Bil 5:17-20
    4 aayado
    81%

    17Wakhtigii Mahalale'el noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa siddeed boqol iyo shan iyo sagaashan sannadood, dabadeedna wuu dhintay.

    18¶ Yaaredna wuxuu jiray boqol iyo laba iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Enoog.

    19Yaaredna markuu Enoog dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol oo sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

    20Wakhtigii Yaared noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo laba iyo lixdan sannadood; wuuna dhintay.

  • Bil 5:4-5
    2 aayado
    80%

    4Aadanna markuu Seed dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol oo sannadood; wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

    5Wakhtigii Aadan noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo soddon sannadood; dabadeedna wuu dhintay.

  • Bil 5:8-9
    2 aayado
    78%

    8Wakhtigii Seed noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo laba iyo toban sannadood; dabadeedna wuu dhintay.

    9¶ Enoosna wuxuu jiray sagaashan sannadood, wuxuuna dhalay Qaynaan.

  • Bil 7:5-6
    2 aayado
    77%

    5Nuuxna wax kasta sidii Rabbigu ugu amray ayuu u sameeyey.

    6¶ Nuuxna wuxuu jiray lix boqol oo sannadood markii daadka biyuhu dhulka dul joogay.

  • 11Wakhtigii Enoos noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo shan sannadood; dabadeedna wuu dhintay.

  • Bil 7:21-24
    4 aayado
    75%

    21Oo wax kasta oo jidh leh oo dhulka ku dul dhaqaaqaaba way dhinteen, haaddii, iyo xoolihii, iyo dugaaggii, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta, iyo dadkii oo dhanba.

    22Wax walba oo dhulka engegan joogay oo dulalka sankiisa ay neefta ruuxa nolosha ku jirtay, way wada dhinteen.

    23Waxaa la wada baabbi'iyey wixii dhulka dushiisa ku noolaa oo dhan, xataa dadkii, iyo xoolihii, iyo wixii gurguuran jiray, iyo haaddii cirka; kulli waa laga wada baabbi'iyey dhulka; oo waxaa hadhay Nuux oo keliya, iyo kuwii doonnidii kula jiray isagii.

    24Biyihiina boqol iyo konton maalmood ayay dhulka xoog ku lahaayeen.

  • 14Wakhtigii Qaynaan noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo toban sannadood, dabadeedna wuu dhintay.

  • 23Wakhtigii Enoog jiray oo dhammuna wuxuu ahaa saddex boqol iyo shan iyo lixdan sannadood.

  • 12Roobkuna wuxuu dhulka ku da'ayay afartan maalmood iyo afartan habeen.

  • 9¶ Kuwanu waa farcankii Nuux. Nuux wuxuu ahaa nin xaq ah, oo ku eed la' farcankiisii; Nuuxna Ilaah buu la socon jiray.

  • 8¶ Oo Ilaah Nuux buu la hadlay, iyo wiilashiisii la joogay, isagoo ku leh,

  • 15¶ Ilaahna Nuux buu la hadlay, isagoo leh,

  • 10Waxaana dhacday, in toddobadii maalmood dabadeed, ay biyihii daadka ahaa dhulka dul joogeen.

  • 1¶ Oo Ilaah waa barakeeyey Nuux iyo wiilashiisii, oo wuxuu ku yidhi, Wax badan dhala, oo tarma, oo dhulka ka buuxsama.

  • 32Wakhtigii Terax noolaa wuxuu ahaa laba boqol iyo shan sannadood, Teraxna wuxuu ku dhintay Haaraan.

  • 6Waxaana dhacday in afartan maalmood dabadood Nuux furay dariishaddii doonnidii uu sameeyey;

  • 17Markaasaa Ayuub dhintay isagoo duq ah oo cimri weyn.