Cibraaniyiintii 11:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Ibraahim kolkii la jirrabay, rumaysad buu Isxaaq allabari ahaan ugu bixiyey. Kii ballamada aqbalay ayaa wuxuu bixinayay wiilkiisii keliyaha,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 22:1-9 : 1 ¶ Oo waxaa dhacay waxyaalahaas ka dib, in Ilaah tijaabiyey Ibraahim, oo uu ku yidhi, Ibraahimow. Isna wuxuu yidhi, Waa i kan. 2 Markaasuu ku yidhi, Hadda kaxee wiilkaaga keligiis ah, kan aad jeceshahay, oo ah Isxaaq, oo u kac dalka Moriyaah; oo halkaas isaga sida allabari la gubo ku dul bixi buuraha middood oo aan kuu sheegi doono. 3 Oo aroortii horaa Ibraahim kacay, oo wuxuu kooraystay dameerkiisii, oo wuxuu kaxaystay laba ka mid ah dhallinyaradiisii, iyo wiilkiisii Isxaaq; qoryihiina allabariga la gubo wuu u jeexjeexay, wuuna kacay, oo wuxuu tegey meeshii Ilaah u sheegay. 4 Maalintii saddexaad ayuu Ibraahim indhihiisa kor u taagay, markaasuu meeshii oo ka fog arkay. 5 Ibraahimna wuxuu raggiisii dhallinyarada ahaa ku yidhi, Idinku halkan dameerka la jooga, aniga iyo wiilkuna halkoo baannu tegaynaa oo Ilaah ku soo caabudaynaa, dabadeedna waannu idinku soo noqonaynaa. 6 Ibraahimna wuxuu qaaday qoryihii allabariga la gubo, oo wuxuu saaray wiilkiisii Isxaaq, isna wuxuu gacantiisa ku qaaday dabkii iyo mindidii; markaasay labadoodiiba israaceen. 7 Isxaaqna waa la hadlay aabbihiis Ibraahim, oo yidhi, Aabbow. Isna wuxuu yidhi, Waa i kan, wiilkaygiiyow. Markaasuu ku yidhi, Bal eeg, waa kuwan dabkii iyo qoryihii, laakiinse meeh wankii allabariga la gubo loo bixin lahaa? 8 Ibraahimna wuxuu yidhi, Ilaah qudhiisaa keeni doona wankii allabariga la gubo loo bixin lahaa, wiilkaygiiyow; saas daraaddeed labadoodiiba way israaceen. 9 Oo waxay yimaadeen meeshii Ilaah isaga u sheegay; Ibraahimna meeshaasuu ka dhisay meeshii allabariga, qoryihiina wuu hagaajiyey, markaasuu xidhay wiilkiisii Isxaaq, oo meeshii allabariga saaray qoryihii dushooda. 10 Ibraahimna gacantiisii buu fidiyey, oo mindidii buu u qaaday inuu wiilkiisii dilo. 11 Markaasay malaa'igtii Rabbigu samada uga yeedhay isaga, oo waxay ku tidhi, Ibraahimow, Ibraahimow. Kolkaasuu yidhi, Waa i kan. 12 Markaasay ku tidhi, Gacantaada ha saarin wiilka, waxbana ha ku samaynin: waayo, hadda waan garanayaa inaad Ilaah ka cabsatid, maxaa yeelay, igama aadan lexejeclaysan wiilkaaga, kaas oo ahaa wiilkaaga keligiis ah.
  • Bil 22:16 : 16 oo waxay ku tidhi, Rabbigu wuxuu yidhi, Waxan aad samaysay aawadood, iyo wiilkaaga aadan iga lexejeclaysan, kaas oo ah wiilkaaga keligiis ah aawadiis ayaan nafsaddayda ku dhaartay
  • Sharc 8:2 : 2 Oo waa inaad xusuusataan jidkii uu Rabbiga Ilaahiinna ahu afartankan sannadood idinku soo dhex mariyey cidladii, si uu idiin hoosaysiiyo oo idiin tijaabiyo si uu u ogaado wixii qalbigiinna ku jiray, bal inaad amarradiisa xajinaysaan iyo in kale.
  • 2 Taar 32:31 : 31 Habase ahaatee markay amiirradii dalka Baabuloon isaga cid ugu soo direen inay soo haybiyaan waxa uu yahay yaabka dalkiisa lagu dhex sameeyo ayaa Ilaah isagii uga tegey inuu tijaabiyo oo ogaado waxa qalbigiisa ku jira oo dhan.
  • Ayuub 1:11-12 : 11 Laakiinse haddaba bal gacantaada soo fidi, oo wuxuu haysto oo dhan taabo, oo isna sida runta ah, hortaada wax xun buu kaaga sheegi doonaa. 12 Markaaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Bal eeg, wuxuu haysto oo dhammu gacantaaday ku jiraan, laakiinse isaga nafsaddiisa waa inaadan far saarin. Markaasaa Shayddaan Rabbiga hortiisii ka tegey.
  • Ayuub 2:3-6 : 3 Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Addoonkayga Ayuub ma ka fikirtay? Maxaa yeelay, isaga oo kale dhulka ma joogo, waayo, isagu waa nin qumman oo toosan, oo ah mid Ilaah ka cabsada oo sharka ka fogaada. Oo weliba isagu daacadnimadiisii wuu sii haystaa, in kastoo aad igu dirtay, si aan isaga sababla'aan ugu halligo. 4 Markaasaa Shayddaan wuxuu Rabbiga ugu jawaabay, Haragba harag baa loo baxshaa, oo nin wuxuu haysto oo dhan ayuu naftiisa u baxshaa. 5 Laakiinse bal haatan gacantaada soo fidi, oo lafihiisa iyo jiidhkiisa taabo, oo isna markaasuu hortaada wax xun kaaga sheegi doonaa. 6 Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Bal eeg, gacantaaduu ku jiraa, waxaadse u daysaa naftiisa.
  • Maah 17:3 : 3 Weelka lacagta lagu safeeyo lacagtaa iska leh, oo foornadana dahabkaa iska leh, Laakiinse Rabbigu qalbiyaduu imtixaamaa.
  • Daan 11:35 : 35 Oo qaarkooda xigmadda leh ayaa dhici doona, si loo tijaabiyo, oo loo daahiriyo, oo loo caddeeyo, ilaa wakhtiga ugudambaysta, maxaa yeelay, waa weli wakhtigii la xugmay.
  • Sak 13:9 : 9 Oo anna daloolka saddexaad dab baan dhex marsiin doonaa, oo waxaan u kala miiri doonaa sida lacag loo miiro, oo waxaan u tijaabin doonaa sida dahabka loo tijaabsho. Magacaygay igu baryi doonaan oo anna waan maqli doonaa, oo waxaan odhan doonaa, Iyagu waa dadkaygii, oo iyana midkood kastaaba wuxuu odhan doonaa, Rabbigu waa Ilaahay.
  • Mal 3:2-3 : 2 Laakiinse bal yaa u adkaysan kara maalinta imaatinkiisa? Bal yaase taagnaan doona markuu muuqdo? Waayo, isagu waa sida dabka lacagmiiraha iyo sida saabuunta dharmaydhaha. 3 Oo wuxuu u fadhiyi doonaa sida kan lacagta miira oo safeeya, oo reer Laawi wuu daahirin doonaa, oo iyaguu u safayn doonaa sida dahabka iyo lacagta loo safeeyo, oo iyana si xaqnimo ah ayay Rabbiga qurbaanno ugu bixin doonaan.
  • Yoox 3:16 : 16 ¶ Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah.
  • 2 Kor 8:12 : 12 Waayo, haddii diyaar la yahay, sida loo haysto ayaa loo aqbalaa ee ma aha sidaan loo haysan.
  • Cib 7:6 : 6 Laakiin kii aan iyaga ku abtirsanin ayaa wuxuu Ibraahim ka qaatay meeltobnaadyo, oo barakeeyey kii ballamada loo qaaday.
  • Yac 1:2-4 : 2 ¶ Walaalahayow, kolkaad jirrabaaddo kala cayncayn ah kala kulantaan, kulli farxad u tirsada, 3 idinkoo og tijaabinta rumaysadkiinnu inay dulqaadasho keento. 4 Oo dulqaadashadu ha dhammayso shuqulkeeda si aad kaamil u ahaataan oo aad u dhanaataan, oo aydnaan waxba ugu baahnaan.
  • Yac 2:21-24 : 21 Miyaan awowgeen Ibraahim shuqullo lagu caddaynin inuu xaq yahay goortuu wiilkiisii Isxaaq meeshii allabariga ku bixiyey? 22 Waad garanaysaa in rumaysadku shuqulladiisii la shaqeeyey, oo rumaysadku kaamil ku noqday shuqullada. 23 Waxaa rumoobay Qorniinka leh, Ibraahimna Ilaah buu rumaystay, oo waxaa isaga loogu tiriyey xaqnimo, oo waxaa loogu yeedhay saaxiibkii Ilaah. 24 Waxaad garanaysaan in nin shuqullo lagu caddeeyo inuu xaq yahay oo aan lagu caddayn rumaysadka oo keliya.
  • Yac 5:11 : 11 Bal ogaada! Waxaynu ugu yeedhnaa kuwo barakaysan kuwii adkaystay. Waad maqasheen adkaysashadii Ayuub, waadna aragteen dhammaadkii qasdiga Rabbiga, waayo, Rabbigu waa raxmad badan yahay, naxariisna wuu leeyahay.
  • 1 But 1:6-7 : 6 Taas waad ku faraxsan tihiin in kastoo, haddii ay waajib tahay, aad haatan wakhti yar ku murugootaan jirrabaaddo badan oo kala cayncayn ah. 7 Si loo tijaabiyo rumaysadkiinna, oo aad uga sii qaalisan dahabka oo ah wax baabba'a in kastoo dab lagu tijaabiyo. Markaasaa laga helayaa mahad iyo ammaan iyo ciso markii Ciise Masiix la muujiyo.
  • 1 But 4:12 : 12 ¶ Gacaliyayaalow, ha la yaabina jirrabaadda dabka ah oo idinku dhex dhacday in laydiin tijaabiyo sida iyadoo ay idinku dhaceen wax la yaab lihi.
  • Muj 3:10 : 10 Adigu waxaad dhawrtay ereygayga oo aad dulqaadatay, oo sidaas daraaddeed waxaan kaa dhawri doonaa saacadda jirrabaadda oo dhowaan u imanaysa dunida oo dhan inay jirrabto kuwa dhulka deggan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Cib 11:18-20
    3 aayado
    83%

    18in kastoo lagu yidhi, Kuwa Isxaaq ka farcama ayaa farcankaaga loogu yeedhi doonaa.

    19Wuxuu ku tirinayay in Ilaah ka kicin karo xataa kuwii dhintay; oo sida masaal oo kale ayuu isagii uga helay kuwii dhintay.

    20Isxaaq rumaysad buu ugu duceeyey Yacquub iyo Ceesaw xagga waxyaalaha iman doona.

  • Bil 22:1-3
    3 aayado
    82%

    1¶ Oo waxaa dhacay waxyaalahaas ka dib, in Ilaah tijaabiyey Ibraahim, oo uu ku yidhi, Ibraahimow. Isna wuxuu yidhi, Waa i kan.

    2Markaasuu ku yidhi, Hadda kaxee wiilkaaga keligiis ah, kan aad jeceshahay, oo ah Isxaaq, oo u kac dalka Moriyaah; oo halkaas isaga sida allabari la gubo ku dul bixi buuraha middood oo aan kuu sheegi doono.

    3Oo aroortii horaa Ibraahim kacay, oo wuxuu kooraystay dameerkiisii, oo wuxuu kaxaystay laba ka mid ah dhallinyaradiisii, iyo wiilkiisii Isxaaq; qoryihiina allabariga la gubo wuu u jeexjeexay, wuuna kacay, oo wuxuu tegey meeshii Ilaah u sheegay.

  • Bil 22:6-13
    8 aayado
    79%

    6Ibraahimna wuxuu qaaday qoryihii allabariga la gubo, oo wuxuu saaray wiilkiisii Isxaaq, isna wuxuu gacantiisa ku qaaday dabkii iyo mindidii; markaasay labadoodiiba israaceen.

    7Isxaaqna waa la hadlay aabbihiis Ibraahim, oo yidhi, Aabbow. Isna wuxuu yidhi, Waa i kan, wiilkaygiiyow. Markaasuu ku yidhi, Bal eeg, waa kuwan dabkii iyo qoryihii, laakiinse meeh wankii allabariga la gubo loo bixin lahaa?

    8Ibraahimna wuxuu yidhi, Ilaah qudhiisaa keeni doona wankii allabariga la gubo loo bixin lahaa, wiilkaygiiyow; saas daraaddeed labadoodiiba way israaceen.

    9Oo waxay yimaadeen meeshii Ilaah isaga u sheegay; Ibraahimna meeshaasuu ka dhisay meeshii allabariga, qoryihiina wuu hagaajiyey, markaasuu xidhay wiilkiisii Isxaaq, oo meeshii allabariga saaray qoryihii dushooda.

    10Ibraahimna gacantiisii buu fidiyey, oo mindidii buu u qaaday inuu wiilkiisii dilo.

    11Markaasay malaa'igtii Rabbigu samada uga yeedhay isaga, oo waxay ku tidhi, Ibraahimow, Ibraahimow. Kolkaasuu yidhi, Waa i kan.

    12Markaasay ku tidhi, Gacantaada ha saarin wiilka, waxbana ha ku samaynin: waayo, hadda waan garanayaa inaad Ilaah ka cabsatid, maxaa yeelay, igama aadan lexejeclaysan wiilkaaga, kaas oo ahaa wiilkaaga keligiis ah.

    13Markaasaa Ibraahim indhihiisii kor u taagay, oo wax fiiriyey, oo wuxuu dabadiisa ku arkay wan geesaha kayn kula jira. Markaasaa Ibraahim tegey oo wankii soo kaxeeyey, oo wuxuu u bixiyey allabari guban meeshii wiilkiisa.

  • 21Miyaan awowgeen Ibraahim shuqullo lagu caddaynin inuu xaq yahay goortuu wiilkiisii Isxaaq meeshii allabariga ku bixiyey?

  • Cib 11:8-9
    2 aayado
    78%

    8Ibraahim kolkii loo yeedhay, rumaysad buu ku addeecay inuu tago meeshuu ku heli lahaa dhaxalka, wuuna tegey isagoo aan garanaynin meeshuu ku socdo.

    9Rumaysad buu ku degganaa dhulkii loo ballanqaaday sidii dhul qalaad, wuxuuna taambuugyo la degganaa Isxaaq iyo Yacquub oo ahaa kuwii la dhaxlay isku ballan.

  • 16oo waxay ku tidhi, Rabbigu wuxuu yidhi, Waxan aad samaysay aawadood, iyo wiilkaaga aadan iga lexejeclaysan, kaas oo ah wiilkaaga keligiis ah aawadiis ayaan nafsaddayda ku dhaartay

  • 11Saarah qudheedu rumaysad bay ku heshay xoog ay ku uuraysato, oo iyadoo dhaaftay wakhtigii dhalmada ayay dhashay, waayo, waxay ku tirisay ku aamin ah kii u ballanqaaday.

  • 13¶ Markii Ilaah ballan u qaaday Ibraahim, isagoo mid ka weyn oo uu ku dhaarto aan haysan, ayuu isku dhaartay,

  • 5Ibraahimna wax alla wuxuu lahaa wuxuu siiyey Isxaaq.

  • 5Oo Ibraahimna wuxuu jiray boqol sannadood, markii wiilkiisii Isxaaq u dhashay isaga.

  • 4Haabiil rumaysad ayuu Ilaah ugu bixiyey allabari aad uga wanaagsan kii Qaabiil, sidaas daraaddeed waxaa loogu markhaati furay inuu xaq yahay, Ilaahna waa ka markhaati furay hadiyadihiisii. Saas daraaddeed isagoo dhintay ayuu weli hadlaa.

  • Room 4:19-20
    2 aayado
    73%

    19Isagoo aan rumaysadkii ku tabaryaraan wuxuu ka fikiray jidhkiisii sida meyd oo kale ahaa (isagoo boqol jir ku dhow) iyo meydnimadii maxalkii Saarah.

    20Ballankii Ilaah rumaysaddarro kagama uu shakiyin, laakiinse rumaysad buu ku xoogaystay, isagoo Ilaah ammaanaya

  • 19¶ Kuwanuna waa farcankii Isxaaq ina Ibraahim. Ibraahim Isxaaq buu dhalay:

  • 19Oo Ilaah wuxuu yidhi, Maya, laakiin naagtaada Saarah wiil bay kuu dhali doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Isxaaq; oo waxaan isaga ku adkayn doonaa axdigayga, kaas oo farcankiisa ka dambeeya u ahaan doona axdi weligiis waara.

  • 9Kaasu waa axdigii uu Ibraahim la dhigtay, Oo uu Isxaaq ugu dhaartay,

  • 10Oo taas oo keliyana ma ahee, laakiin Rebeqahna mid bay u uuraysatay, kaas oo ahaa aabbeheen Isxaaq.

  • 16Kaasu waa axdigii uu Ibraahim la dhigtay, Oo uu Isxaaq ugu dhaartay,

  • 15Oo sidaas isagoo u dulqaadanaya ayuu helay wixii loo ballanqaaday.

  • 6Sidaas oo kalaa Ibraahim Ilaah u rumaystay, oo waxaa isaga loogu tiriyey xaqnimo.

  • 3Oo Ibraahim wuxuu wiilkiisii u dhashay, oo Saarah u dhashay isaga, u bixiyey Isxaaq.

  • 13¶ Kuwaasu kulligood rumaysad bay ku wada dhinteen, iyagoo aan helin waxyaalihii loo ballanqaaday, laakiin meel fog bay ka arkeen oo way aqbaleen, oo waxay qirteen inay dhulka ku ahaayeen shisheeyayaal iyo dad sodcaal ah.