Cibraaniyiintii 11:26
isagoo ku tirinaya cayda lagu caayo Masiixa aawadiis inay ka qiimo weyn tahay maalka Masar, waayo, wuxuu filanayay abaalgudka.
isagoo ku tirinaya cayda lagu caayo Masiixa aawadiis inay ka qiimo weyn tahay maalka Masar, waayo, wuxuu filanayay abaalgudka.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
27Rumaysad buu kaga tegey Masar isagoo aan ka cabsanayn boqorka cadhadiisii, waayo, wuxuu u adkaystay sidii mid fiirinaya kan aan la arkin.
28Rumaysad buu ku sameeyey Kormaridda iyo dhiigga rushayntiisii inuusan Baabbi'iyihii curadyadu iyaga taaban.
29Rumaysad bay ku dhex mareen Badda Cas sidii dhul engegan, laakiin markay Masriyiintu saas isku dayeen, way liqday.
22Yuusufna markii dhimashadiisii dhowayd rumaysad buu kaga hadlay bixitinka reer binu Israa'iil, wuxuuna ka dardaarmay lafihiisa.
23¶ Muusena markuu dhashay, waalidkiis rumaysad bay ku qariyeen saddex bilood, maxaa yeelay, waxay arkeen inuu ilmo wanaagsan yahay, kamana ay cabsan amarkii boqorka.
24Muuse markuu weynaaday rumaysad buu ku diiday in loogu yeedho wiilkii gabadha Fircoon.
25Oo wuxuu ka doortay in lala silciyo dadkii Ilaah intuu wakhti yar dembi ku farxi lahaa;
33Mar waxaa laydinku bandhigay cay iyo dhibaatooyin, marna waxaad wax la wadaagteen kuwa sidaas oo kale loo galay.
34Waayo, waad u naxariisateen kuwii xidhnaa, farxad baadna ku aqbasheen dhicitinka maalkiinna la dhacay, idinkoo og inaad idinka qudhiinnu maal ka wanaagsan oo raagaya haysataan.
35Sidaas daraaddeed ha iska tuurina dhiirranaantiinna abaalgudka weyn leh.
36Waayo, waxaad dulqaadasho ugu baahan tihiin si aad u qaadataan wixii laydiin ballanqaaday markaad doonista Ilaah samaysaan dabadeed.
1¶ Sidaas daraaddeed, innagoo haysanna markhaatiyaal badan oo sida daruur u weyn oo inagu wareegsan, aynu iska dhigno culays kasta iyo dembiga dhibyaraanta inoogu dhegaya, oo aynu adkaysasho ku orodno tartanka ina hor yaal,
2innagoo fiirinayna Ciise oo ah Bilaabaha iyo Dhammeeyaha rumaysadkeenna, kii farxaddii hor tiil daraaddeed u adkaystay iskutallaabta, isagoo fududaysanaya ceebta, oo fadhiistay midigta carshiga Ilaah.
3¶ Haddaba ka fiirsada kii u adkaystay hadalkii ka geesta ahaa oo dembilayaasha inaydnaan daalin oo aanay nafihiinnu itaal beelin.
13¶ Kuwaasu kulligood rumaysad bay ku wada dhinteen, iyagoo aan helin waxyaalihii loo ballanqaaday, laakiin meel fog bay ka arkeen oo way aqbaleen, oo waxay qirteen inay dhulka ku ahaayeen shisheeyayaal iyo dad sodcaal ah.
14Waayo, kuwa waxyaalahan oo kale yidhaahdaa waxay muujiyaan inay doondoonayaan waddan kooda ah.
8Ibraahim kolkii loo yeedhay, rumaysad buu ku addeecay inuu tago meeshuu ku heli lahaa dhaxalka, wuuna tegey isagoo aan garanaynin meeshuu ku socdo.
9Rumaysad buu ku degganaa dhulkii loo ballanqaaday sidii dhul qalaad, wuxuuna taambuugyo la degganaa Isxaaq iyo Yacquub oo ahaa kuwii la dhaxlay isku ballan.
10Waayo, wuxuu filanayay magaalo aasaas leh oo kan dhisay oo sameeyey uu Ilaah yahay.
38Dunidu ma ay istaahilin iyagii. Waxayna warwareegi jireen lamadegaanka iyo buuraha iyo boholaha iyo godadka dhulka.
39Kuwaas oo dhammu, iyagoo loo markhaati furay rumaysadkoodii daraaddiis, ayaanay helin wixii loo ballanqaaday;
13Haddaba aynu isaga ugu tagno xerada dibaddeeda, innagoo qaadayna caydii la caayay isaga.
14Waayo, innagu halkan kuma lihin magaalo sii raagaysa, laakiin waxaynu doondoonaynaa tan iman doonta.
16Laakiin imminka waxay aad u doonayaan waddan ka wanaagsan oo ah jannada, sidaas daraaddeed Ilaah ka xishoon maayo in loogu yeedho Ilaahood, waayo, wuxuu iyaga u diyaariyey magaalo.
17¶ Ibraahim kolkii la jirrabay, rumaysad buu Isxaaq allabari ahaan ugu bixiyey. Kii ballamada aqbalay ayaa wuxuu bixinayay wiilkiisii keliyaha,
1¶ Rumaysadku waa hubaasha waxyaalaha la rajeeyo, iyo xaqiiqaynta waxyaalaha aan la arkin.
2Waayo, saasaa loogu markhaati furay waayeelladii.
16si aan dhillay u jirin ama qof cibaado la' sidii Ceesaw oo ahaa kii curadnimadiisii kala baxay waxoogaa cunto ah.
17Waayo, waad og tihiin, xataa kolkuu dabadeedto jeclaaday inuu dhaxlo barakada, in loo diiday, in kastoo uu doondoonay, isagoo ilmo daadinaya, waayo, ma uu helin meel uu ka soo noqdo.
19Wuxuu ku tirinayay in Ilaah ka kicin karo xataa kuwii dhintay; oo sida masaal oo kale ayuu isagii uga helay kuwii dhintay.
20Isxaaq rumaysad buu ugu duceeyey Yacquub iyo Ceesaw xagga waxyaalaha iman doona.
5Enoog rumaysad baa kor loogu qaaday si uusan dhimasho u arag, lamana helin, maxaa yeelay, Ilaah baa isagii qaaday, waayo, intaan kor loo qaadin ka hor ayaa markhaati loo furay inuu Ilaah ka farxiyey.
6Oo rumaysadla'aantiis ma suurtowdo in isaga laga farxiyo, taas aawadeed kan Ilaah u yimaadaa waa inuu rumaysto inuu jiro oo uu yahay kan u abaalguda kuwa isaga doondoona.
29Taqsiir intee le'eg oo ka sii xun baad u malaynaysaan inuu istaahili doono kii Wiilka Ilaah ku joogjoogsaday, oo dhiigga axdiga oo isaga quduuska lagaga dhigay ku tiriyey wax aan quduus ahayn, oo caayay Ruuxa nimcada?
17Waayo, dhibtayada fudud ee wakhtiga yar ah ayaa aad iyo aad noogu sii yeesha culayska ammaanta ee weligiis ah.
18Ma fiirsanno waxyaalaha la arko, laakiin waxyaalaha aan la arkin, waayo, waxyaalaha la arko in dhawr ah ayay sii joogaan, laakiin waxyaalaha aan la arkini weligood bay sii joogaan.
1¶ Haddaba walaalaha quduuska ah oo ka qayb gala yeedhniinta jannadow, u fiirsada Ciise oo ah Rasuulka iyo Wadaadka sare ee iimaanka aynu qiranno.
2Aamin buu u ahaa kan doortay, sidii Muuseba gurigiisii oo dhan aaminka ugu ahaa.
3Waayo, waxaa isaga lagu tiriyey inuu istaahilo ammaan ka badan tii Muuse, sida kan guriga dhisa uga murwad badan yahay guriga.
15Oo sidaas isagoo u dulqaadanaya ayuu helay wixii loo ballanqaaday.
18Caydhnimo iyo ceebba waxaa lahaan doona kii edbinta diida, Laakiinse kii canaanta maqla waa la murwayn doonaa.
3Waayo, Masiixiiba naftiisii kama uu farxin, laakiinse sida qoran, Caydii kuwii adiga ku caayay ayaa igu kor dhacday.
2Waayo, haddii hadalkii malaa'iguhu ku hadleen xaqiiq ahaa, oo kii kasta oo xadgudub iyo caasinimo sameeyey uu helay abaalgud xaq ah,
12inaydnaan caajisiin noqon laakiin aad noqotaan kuwo ku dayda kuwa rumaysadka iyo dulqaadashada ku dhaxla ballamada.
8Isaga ma aydin arkin, waadse jeceshihiin, hadda in kastoo aydnaan arkin, waadse rumaysan tihiin, oo waxaad ku faraxdaan farxad aan la sheegi karin oo ammaan leh.
24idinkoo garanaya inaad xagga Rabbiga ka heli doontaan abaalgudkii dhaxalka. Waxaad u adeegtaan Rabbiga Masiixa ah.
36Qaar kalena waxay jirrabaad ahaan ula kulmeen majaajilo iyo karbaashid iyo weliba silsilado iyo xabbis.
39¶ Isaga awowayaasheen ma ay doonaynin inay addeecaan, laakiin intay iska riixeen ayay qalbigooda geliyeen inay Masar dib ugu jeestaan,
11Haddaba aynu u dadaalno inaynu nasashadaas galno inaan ninna caasinimadaas oo kale ku dhicin.
30maxaa yeelay, shuqulka Masiixa aawadiis ayuu dhimasho ugu dhowaaday, markuu nafsaddiisa khatar u geliyey inuu dhammaystiro wixii ka dhinnaa hawshii aad ii qabateen.