Cibraaniyiintii 6:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kuwii mar loo iftiimiyey, oo hadiyaddii jannada dhadhamiyey, oo laga dhigay kuwa ka qayb galay Ruuxa Quduuskaa,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 But 2:20-22 : 20 Waayo, markii ay nijaasta dunida kaga baxsadeen aqoontii Rabbiga ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, haddii ay haddana ku dhex murgaan oo laga adkaado, xaalkooda dambe waa ka sii xumaadaa kii hore. 21 Intii ay jidka xaqnimada aqoon lahaayeen oo ay dib uga noqon lahaayeen amarka quduuska ah oo iyaga la siiyey, waxaa uga wanaagsanaan lahayd inayan aqoon jidkaas. 22 Wixii maahmaahda runta ah lagu yidhi ayaa iyaga ku dhacay. Eeygu wuxuu ku noqdaa mantaggiisa. Doofaarraddii maydhatayna waxay dib ugu noqotaa gelgelinta dhoobada.
  • Cib 10:26-29 : 26 ¶ Haddaynu badheedh u dembaabno kolkaynu aqoonta runta helnay dabadeed, allabari dambe oo dembiyo loo bixiyaa ma hadho. 27 Laakiin waxaa u hadha filasho cabsi leh oo xukun, iyo dab kulul oo baabbi'in doona kuwa Ilaah ka geesta ah. 28 Ninkii diida sharciga Muuse kolkii laba ama saddex nin ku markhaati furaan ayuu naxariisla'aan dhintaa. 29 Taqsiir intee le'eg oo ka sii xun baad u malaynaysaan inuu istaahili doono kii Wiilka Ilaah ku joogjoogsaday, oo dhiigga axdiga oo isaga quduuska lagaga dhigay ku tiriyey wax aan quduus ahayn, oo caayay Ruuxa nimcada?
  • Cib 10:32 : 32 ¶ Laakiin xusuusta maalmihii hore, kolkii laydin iftiimiyey dabadeed, oo aad u adkaysateen dagaal weyn oo xanuunno badan leh.
  • Ef 2:8 : 8 Waayo, idinku waxaad ku badbaaddeen nimco xagga rumaysadka, mana aha wax xaggiinna ka yimid,
  • Mat 5:13 : 13 ¶ Idinku waxaad tihiin cusbadii dhulka, laakiin haddii cusbadu dhadhan beesho, maxaa lagu cusbaynayaa? Dabadeed waxba tari mayso in dibadda loo tuuro oo dadku ku tunto maahee.
  • Yoox 15:6 : 6 Qof uun hadduusan igu jirin waxaa loo tuuraa sida laan oo kale, waana qallalaa, markaasaa la ururiyaa, oo dabka lagu tuuraa, oo la gubaa.
  • Yoox 4:10 : 10 Ciise waa u jawaabay oo ku yidhi iyada, Haddaad garanaysid hadiyaddii Ilaah iyo kuu yahay kan kugu leh, I waraabi, adigu waad weyddiisan lahayd isaga, oo wuxuu ku siin lahaa biyaha nool.
  • Gal 3:2 : 2 Waxaan keliyahoo idinka doonayaa inaan idinka barto, Ruuxa ma waxaad ku hesheen shuqullada sharciga mise maqlidda rumaysadka?
  • Gal 3:5 : 5 Haddaba kan Ruuxa idin siiya oo shuqullada xoogga leh idinku dhex sameeyaa, ma wuxuu ku sameeyaa shuqullada sharciga mise maqlidda rumaysadka?
  • Mat 7:21-22 : 21 ¶ Ma aha qof kasta oo igu yidhaahda, Rabbow, Rabbow, kuwa boqortooyadii jannada gelayaa, laakiin kii sameeya doonista Aabbahayga jannada ku jira, kaasaa gelaya. 22 Maalintaas qaar badan baa igu odhan doona, Rabbow, Rabbow, miyaannan magacaaga wax ku sii sheegin, oo miyaannan magacaaga jinniyo ku saarin, oo miyaannan magacaaga wax badan oo xoog leh ku samayn?
  • Tir 24:15-16 : 15 ¶ Markaasuu hadalkiisii sii watay oo wuxuu yidhi, Balcaam ina Becoor wuxuu leeyahay, Oo ninkii ishiisu daboolnaan jirtay wuxuu leeyahay, 16 Wuxuu leeyahay kii erayadii Ilaah maqla, Oo yaqaan aqoonta Kan ugu sarreeya, Oo tusniintii Ilaaha Qaadirka ah arka, Oo dhaca, isagoo indhihiisu furan yihiin,
  • Mat 12:45 : 45 Markaasuu tagaa oo wuxuu wataa toddoba jinni oo kale oo ka xunxun isaga, wayna galaan oo halkaas joogaan. Ninkaas wakhtigiisa dambe ayaa ka darnaada wakhtiga hore. Sidaasay u noqon doontaa qarnigan sharka leh.
  • Luuk 11:24-26 : 24 ¶ Jinniga wasakhda leh goortuu ninka ka baxo, wuxuu maraa meelo aan biyo lahayn, isagoo nasasho doonaya, oo markuu heli waayo, wuxuu yidhaahdaa, Waxaan ku noqonayaa gurigaygii aan ka baxay. 25 Oo goortuu yimaado wuxuu helaa isagoo xaaqan oo hagaagsan. 26 Markaasuu tagaa oo wuxuu wataa toddoba jinni oo kale oo ka xunxun isaga, wayna galaan oo halkaas joogaan. Ninkaas wakhtigiisa dambe ayaa ka darnaada wakhtiga hore.
  • Yoox 3:27 : 27 Yooxanaa waa u jawaabay oo ku yidhi, Ninna waxba ma heli karo haddaan jannada laga siin.
  • 1 Yoox 5:16 : 16 Haddii qof uun arko walaalkii oo samaynaya dembi aan xagga dhimashada ahayn, waa inuu Ilaah baryo; isaguna noloshuu siin doonaa kuwa samaynaya dembi aan xagga dhimashada ahayn. Waxaa jira dembi xagga dhimashada ah. Oo anigu odhan maayo, Kaas ha ka tukado.
  • 2 Tim 2:25 : 25 oo si qabow u edbiya kuwa isaga diida; mindhaa Ilaah waa siin doonaa toobadkeenid inay runtay gartaan,
  • Cib 2:4 : 4 Ilaahna wuxuu ugu marag furay calaamooyin iyo yaababba, iyo xoogag kala duduwan, iyo hadiyado Ruuxa Quduuska ahu u qaybiyey siduu doonayay.
  • Ef 3:7 : 7 kaas oo aniga layga dhigay midiidin sida ay tahay hadiyadda nimcada Ilaah oo lay siiyey sida ay tahay shaqaynta xooggiisu.
  • 1 Kor 13:1-2 : 1 ¶ Haddaan ku hadlo afafka dadka iyo malaa'igaha, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxaan noqday naxaas dhawaaqaysa ama saxan bir ah oo sanqadhaya oo kale. 2 Oo haddaan leeyahay hadiyadda wax sii sheegidda, oo aan garanayo waxyaalaha qarsoon oo dhan iyo aqoonta oo dhan, iyo haddaan leeyahay rumaysadka oo dhan oo aan buuraha ku dhaqaajiyo, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxba ma ihi.
  • 1 Tim 4:14 : 14 Ha dayicin hibada aad haysatid oo lagugu siiyey waxyaalihii laguu sii sheegay markii waayeelladu gacmahooda ku saareen.
  • Cib 12:15-17 : 15 Fiiro u yeesha si aan ninna u gaadhi waayin nimcada Ilaah, waaba intaasoo xidid qadhaadhi soo baxaa oo idin dhibaa, oo qaar badanu ku nijaasoobaane, 16 si aan dhillay u jirin ama qof cibaado la' sidii Ceesaw oo ahaa kii curadnimadiisii kala baxay waxoogaa cunto ah. 17 Waayo, waad og tihiin, xataa kolkuu dabadeedto jeclaaday inuu dhaxlo barakada, in loo diiday, in kastoo uu doondoonay, isagoo ilmo daadinaya, waayo, ma uu helin meel uu ka soo noqdo.
  • Luuk 10:19-20 : 19 Bal ogaada, waxaan idin siiyey amar aad kula tumataan abeesooyin iyo dabaqalloocyo iyo xoogga oo dhan ee cadowga; innaba waxba idinma yeeli doono. 20 Laakiin tan ha ku farxina in jinniyadu ay idinka dambeeyaan, laakiin ku farxa in magacyadiinnu ay jannada ku qoran yihiin.
  • Mat 12:31-32 : 31 Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Dembi walba iyo cay walba waa loo cafiyi doonaa dadka, laakiin cayda Ruuxa Quduuska ah ka gees ah looma cafiyi doono. 32 Ku alla kii ku hadla hadal Wiilka Aadanaha ka gees ah waa loo cafiyi doonaa, laakiin ku alla kii ku hadla hadal Ruuxa Quduuska ah ka gees ah looma cafiyi doono wakhtigan iyo wakhtiga iman doona.
  • Yoox 6:32 : 32 Haddaba Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Muuse samada idinkama siin kibistii, laakiin Aabbahay baa samada idinka siiya kibista runta ah.
  • Fal 8:20 : 20 Laakiin Butros baa wuxuu ku yidhi, Lacagtaadu ha kula baabba'do, maxaa yeelay, waxaad u malaysay in hadiyadda Ilaah lacag lagu helo.
  • Fal 10:45 : 45 Oo kuwii ka mid ahaa kuwii gudnaa oo rumaystay, iyagoo ahaa intii Butros la timid, way wada yaabeen, maxaa yeelay, xataa dadka aan Yuhuudda ahayn ayaa lagu soo shubay hadiyadda Ruuxa Quduuska ah.
  • Fal 11:17 : 17 Haddaba haddii Ilaah iyaga siiyey isku hadiyaddii, siduu inoo siiyey markii aynu Rabbi Ciise Masiix rumaysannay, anigu kumaan ahaa kaygan Ilaah diidi karaa?
  • Fal 15:8 : 8 ¶ Oo Ilaaha qalbiga garta ayaa u markhaati furay iyaga, wuxuuna iyaga siiyey Ruuxa Quduuska ah siduu innagana inoo siiyey;
  • Room 1:11 : 11 Waayo, aad baan u doonayaa inaan idin arko oo idin siiyo hadiyad Ruuxa ka timaada inaad ku xoogaysataan;
  • Tir 24:3 : 3 Markaasuu hadalkiisii watay oo wuxuu yidhi, Balcaam ina Becoor wuxuu leeyahay, Oo ninkii ishiisu daboolnaan jirtay wuxuu leeyahay,
  • Yac 1:17-18 : 17 Hadiyad kasta oo wanaagsan iyo hibo kasta oo kaamil ah kor bay ka timaadaa iyadoo ka soo degaysa xagga Aabbaha nuurarka isagoo aan lahayn rogrogmad ama hoos laallaabasho. 18 Isagoo doonaya ayuu hadalka runta ah inagu dhalay si aynu u noqonno midhaha ugu horreeya oo uunkiisa.
  • Ef 4:7 : 7 Laakiinse midkeen kastaba nimcada waxaa laynoo siiyey sida ay tahay qiyaasta hadiyadda Masiixa.
  • 2 Tim 4:14 : 14 Aleksanderos, kii naxaasta tumi jiray, wax xun oo badan buu ii yeelay; Rabbigu wuxuu ugu abaalgudi doonaa sidii camalladiisu ahaayeen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Cib 6:5-7
    3 aayado
    87%

    5oo dhadhamiyey eraygii wanaagsanaa ee Ilaah iyo xoogagga wakhtiga iman doona,

    6oo dabadeedna dhacay, ma suurtowdo in loo cusboonaysiiyo toobadkeenidda, iyagoo mar kale Wiilka Ilaah iskutallaabta isugu qodbaya oo bayaan u ceebaynaya.

    7Waayo, dhulka cabbay roobka marar badan ku dul da'a, oo u soo saara geedo u wanaagsan kuwii beeray, wuxuu Ilaah ka helaa barako,

  • 6Haddaba waxaa hadhay qaar gelaya, oo kuwii kolkii hore warkii wanaagsanaa lagu wacdiyey way geli waayeen caasinimo aawadeed.

  • Cib 6:1-3
    3 aayado
    71%

    1¶ Taas daraaddeed aynu iska dayno ka hadlidda waxyaalihii ugu horreeyey ee Masiix, oo hore aynu ugu soconno kaamilnimada, oo yeynan mar kale dhigin aasaaska ka-toobadkeenidda shuqulladii dhintay, iyo iimaanka xagga Ilaah,

    2iyo waxbaridda baabtiisyada, iyo gacmo-dul-saaridda, iyo sarakicidda kuwii dhintay, iyo xukunka weligiis ah.

    3Oo tan waynu samayn doonnaa haddii Ilaah idmo.

  • 11Qaarkiin sidaas oo kale baad ahaan jirteen, laakiin waa laydinka maydhay, quduus baa laydinka dhigay, xaq baa laydinkaga dhigay magaca Rabbi Ciise Masiix iyo Ruuxa Ilaaheenna.

  • 14Waayo, waxaynu noqonnay kuwa Masiix ka qayb qaatay, haddaynu aad u xajinno bilowgii kalsoonaanteenna ilaa ugu dambaysta,

  • Cib 10:14-15
    2 aayado
    71%

    14Maxaa yeelay, bixin keliya ayuu kaamil kaga dhigay weligood kuwa quduus laga dhigay.

    15Oo taas Ruuxa Quduuska ahuna markhaati ahaan buu noogu sheegaa, waayo, kolkuu yidhi,

  • 71%

    20Waayo, markii ay nijaasta dunida kaga baxsadeen aqoontii Rabbiga ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, haddii ay haddana ku dhex murgaan oo laga adkaado, xaalkooda dambe waa ka sii xumaadaa kii hore.

    21Intii ay jidka xaqnimada aqoon lahaayeen oo ay dib uga noqon lahaayeen amarka quduuska ah oo iyaga la siiyey, waxaa uga wanaagsanaan lahayd inayan aqoon jidkaas.

  • 3haddii aad dhadhamiseen in Rabbigu raxmad leeyahay,

  • 29Taqsiir intee le'eg oo ka sii xun baad u malaynaysaan inuu istaahili doono kii Wiilka Ilaah ku joogjoogsaday, oo dhiigga axdiga oo isaga quduuska lagaga dhigay ku tiriyey wax aan quduus ahayn, oo caayay Ruuxa nimcada?

  • 26¶ Haddaynu badheedh u dembaabno kolkaynu aqoonta runta helnay dabadeed, allabari dambe oo dembiyo loo bixiyaa ma hadho.

  • 9¶ Laakiin gacaliyayaalow, wax ka wanaagsan oo idinku saabsan ayaa lana aaminsiiyey iyo waxyaalaha badbaadada, in kastoo aannu sidan u hadalnay.

  • 40waayo, Ilaah wuxuu hore u arkay wax ka wanaagsan oo inagu saabsan, inaan la'aanteen iyaga kaamil laga dhigin.

  • Cib 6:17-18
    2 aayado
    69%

    17sidaas daraaddeed, Ilaah, isagoo aad u doonaya inuu kuwa ballanka dhaxla tuso taladiisa aan beddelmi karin, ayuu dhaar ku galay;

    18in laba waxyaalood, oo aan beddelmi karin, oo aan suurtoobin inuu Ilaah been ka sheego, aynu ku helno dhiirranaan xoog leh innagoo magangal u soo cararnay si aynu u qabsanno rajada ina hor taal,

  • 19Kuwanu waa kuwa dadka kala erya, oo nafta dunida u nool iyagoo aan Ruuxa lahayn.

  • Cib 5:11-14
    4 aayado
    68%

    11¶ Waxaannu haysanna waxyaalo badan oo aannu kan kaga hadalno, laakiin waa fasir adag yahay dhegaculayskiinna aawadiis.

    12Wakhtigii aad macallimiin noqon lahaydeen ayaad haddana u baahan tihiin in laydin baro waxyaalaha ugu horreeya ee Ereyada Ilaah, oo waxaad noqoteen sidii kuwa caano u baahan ee aan cunto adag u baahnayn.

    13Waayo, mid kasta oo ay cuntadiisu caano tahay aqoon uma laha hadalka xaqnimada, waayo, waa ilmo yar.

    14Laakiin cuntada adag waxaa leh dadka waaweyn oo ah kuwa ku isticmaalidda kaskooda ku kala garta wanaagga iyo xumaanta.

  • 2Haddii kale miyaan la joojiyeen in allabaryo la bixiyo? Maxaa yeelay, caabudayaashu, iyagoo mar la nadiifiyey, mar dambe dembiyo iskama ay garteen.

  • 2 But 1:9-10
    2 aayado
    68%

    9Waayo, kii waxyaalahaasu ka maqan yihiin wuu indha la' yahay oo arag gaaban yahay, oo wuxuu illoobay in dembiyadiisii hore laga safeeyey.

    10Sidaas daraaddeed, walaalayaalow, aad ugu dadaala inaad xaqiijisaan in laydiin yeedhay oo laydin doortay, waayo, haddii aad waxyaalahaas samaysaan, weligiin ma turunturoon doontaan.

  • 2Waayo, innagana war wanaagsan baa laynagu wacdiyey sidooda oo kale, laakiin hadalkay maqleen waxba uma uu tarin iyaga, maxaa yeelay, kuwii maqlay rumaysad kuma ay darin.

  • 19Iyagoo xishood beelay waxay isu daayeen nijaas inay wasakh kasta hunguriweynaan ku sameeyaan.

  • 68%

    7Sidaas daraaddeed ha ahaanina kuwa iyaga waxyaalahaas la qaybsada; waayo, mar baad ahaydeen gudcur,

  • 4oo aynu helno dhaxal aan dhammaanayn, oo aan nijaasoobayn, oo aan baabba'ayn, oo jannada laydiinku kaydiyey.

  • Cib 2:2-4
    3 aayado
    68%

    2Waayo, haddii hadalkii malaa'iguhu ku hadleen xaqiiq ahaa, oo kii kasta oo xadgudub iyo caasinimo sameeyey uu helay abaalgud xaq ah,

    3sidee baynu u baxsan doonnaa haddaynu dayacno badbaadintan weyn oo Rabbigu kolkii hore ku hadlay oo kuwii maqlayna inoo xaqiiqeeyeen?

    4Ilaahna wuxuu ugu marag furay calaamooyin iyo yaababba, iyo xoogag kala duduwan, iyo hadiyado Ruuxa Quduuska ahu u qaybiyey siduu doonayay.

  • 11Waayo, kan quduus ka dhiga iyo kuwa quduus laga dhigaaba kulli mid keliya ayay ka yimaadaan; taas aawadeed isagu kalama xishoodo inuu iyaga ugu yeedho walaalo,

  • 32¶ Laakiin xusuusta maalmihii hore, kolkii laydin iftiimiyey dabadeed, oo aad u adkaysateen dagaal weyn oo xanuunno badan leh.

  • 4Oo markii aydnaan iyaga u raacin nejisnimadaas badan, way idinla yaabaan oo way idin caayaan.

  • 8Ruuxa Quduuska ahu wuxuu tilmaamaa inaan jidkii Quduuskii Quduusyada weli la muujin, inta taambuugga hore weli taagan yahay.

  • 20meeshii Ciise sida horseed inoo galay isagoo noqday wadaad sare oo weligiis ah sidii derejadii Malkisadaq.

  • 4Wuxuu kuwaas inagu siiyey ballamadiisa qaaliga ah oo aad iyo aad u waaweyn, inaad kuwaas ku noqotaan kuwo ka qayb qaata dabiicadda Ilaah, idinkoo ka baxsaday kharribaadda dunida ku jirta ee ku timid damaca jidhka.

  • 4Waayo, ma suurtowdo in dibiyo iyo orgiyo dhiiggoodu dembiyo qaado.

  • 29laakiin ku alla kii caaya Ruuxa Quduuska ah, weligiis cafiga heli maayo, laakiin wuxuu eed u leeyahay dembi weligiis ah;

  • 4Waayo, waxaa jira niman qarsoodi idiinku soo galay, waana kuwii waa hore xukunkan loo qoray, oo ah kuwa aan cibaadada lahayn, oo nimcada Ilaaheenna ku beddela nijaas, oo inkira Ciise Masiix oo ah Sayidkeenna iyo Rabbigeenna keliya.

  • 6Taas waad ku faraxsan tihiin in kastoo, haddii ay waajib tahay, aad haatan wakhti yar ku murugootaan jirrabaaddo badan oo kala cayncayn ah.

  • 19Way inaga baxeen, laakiin kuweennii ma ay ahayn; hadday kuweennii ahaayeen, way inala joogi lahaayeen; laakiin way inaga baxeen oo taasaa caddaynaysa inaanay kulligood inaga mid ahayn.

  • 18¶ Waayo, ma aydnaan iman buurtii la taaban karay, oo ololaysay, iyo madowgii, iyo gudcurkii, iyo duufaankii,

  • 7Haddaba waa sidan waxa Ruuxa Quduuska ahi leeyahay, Maanta haddaad codkiisa maqashaan,

  • 15Waayo, ma aynu lihin wadaad sare oo aan itaaldarradeenna ka nixi karin, laakiin waxaynu leennahay mid si walba loo jirrabay sideenna oo kale, oo aan weliba dembi lahayn.

  • 22Laakiin haatan idinkoo dembi laydinka xoreeyey oo aad addoommadii Ilaah noqoteen, waxaad midho ku haysataan quduusnaanta, oo ugu dambaysteeduna waa nolosha weligeed ah.