Cibraaniyiintii 7:22

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo sidaasuu Ciise ku noqday dammiinka axdiga ka wanaagsan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 43:9 : 9 Anigaa dammiin u noqon doona oo anaad i weyddiisan doontaa isaga. Haddii aan kuu keeni waayo isaga oo aan hortaada soo joojin waayo, aniga eeddu ha i saarnaato weligay,
  • Bil 44:32 : 32 Waayo, anigoo addoonkaaga ah ayaa aabbahay dammiin uga noqday wiilka, oo waxaan ku idhi, Haddaan kuu keeni waayo, xaggaaga eeddu ha iga saarnaato weligay, Aabbahayow.
  • Maah 6:1 : 1 Wiilkaygiiyow, haddaad deriskaaga dammiin u noqotid, Ama haddaad shisheeye gacanta dhaar ugu dhiibtid,
  • Maah 20:16 : 16 Kii qof qalaad dammiinta dharkiisa ka qaad, Oo markuu shisheeyayaal dammiinto, isaga rahmad ahaan u hay.
  • Daan 9:27 : 27 Oo toddobaad ayuu kuwo badan axdi kula dhigan doonaa: markaasuu toddobaadka badhtankiisa joojin doonaa allabariga iyo qurbaankaba; oo dushiisa waxaa ku iman doona mid wax baabbi'iya ilaa dhammaadkii la goostay lagu dejiyo kan wax baabbi'iya.
  • Mat 26:28 : 28 Waayo, kanu waa dhiiggayga axdiga cusub kan kuwo badan loo daadshay dembidhaafkooda aawadiis.
  • Mark 14:24 : 24 Wuxuu ku yidhi, Kanu waa dhiiggayga axdiga cusub kan kuwo badan loo daadshay.
  • Luuk 22:20 : 20 Sidaas oo kale cashada dabadeed koobkuu qaaday isagoo leh, Koobkanu waa axdiga cusub oo dhiiggayga aawadiin loo daadshay,
  • 1 Kor 11:25 : 25 Sidaas oo kalena cashada dabadeed ayuu qaaday koobkii, isagoo leh, Koobkanu waa axdiga cusub ee dhiiggayga. Tan u sameeya inaad igu xusuusataan mar alla markaad cabtaan.
  • Cib 8:6-9 : 6 Laakiin haatan wuxuu helay shuqul aad uga wanaagsan siduu u yahay dhexdhexaadiyaha axdiga ka wanaagsan ee lagu dhisay ballamo ka wanaagsan. 7 Waayo, haddii axdigii hore uusan eed lahayn, mid labaad meella looma dooneen. 8 Wuxuu yidhi, isagoo iyaga eedaynaya, Bal eega, maalmihii waa imanayaan, ayaa Rabbigu leeyahay, Oo anigu axdi cusub baan la dhigan doonaa reer Israa'iil iyo reer Yahuudah; 9 Oo aan ahayn axdigii aan awowayaashood la dhigtay oo kale Maalintii aan iyaga gacanta qabtay inaan ka kaxeeyo dalka Masar, Waayo, iyagu kuma ay sii socon axdigaygii, Aniguna farahaan ka qaaday, ayaa Rabbigu leeyahay. 10 Waayo, kanu waa axdiga aan la dhigan doono reer Israa'iil Maalmahaas dabadood, ayaa Rabbigu leeyahay; Qaynuunnadayda waxaan gelin doonaa maankooda, Qalbigoodana waan ku qori doonaa, Oo Ilaah baan u ahaan doonaa, Iyaguna dad bay ii ahaan doonaan; 11 Oo iyagu ma bari doonaan mid walba deriskiisa Iyo mid walba walaalkiis, iyagoo leh, Rabbiga garo, Waayo, kulli way i garan doonaan, Kan ugu yar ilaa kan ugu weyn. 12 Waayo, iyagoo xaqdaran baan u naxariisan doonaa, Dembiyadoodana kol dambe ma xusuusan doono.
  • Cib 9:15-23 : 15 ¶ Oo sidaas daraaddeed isagu waa dhexdhexaadiyaha axdiga cusub in kuwii loo yeedhay ay helaan dhaxalka weligiis ah oo la ballanqaaday, waayo, dhimashadu waxay u noqotay ka madaxfurashada xadgudubyada lagu sameeyey axdigii hore. 16 Waayo, meeshii dardaaran jiro waa lagamamaarmaan inuu kii dardaarmay dhinto. 17 Waayo, dardaaranka waa la fuliyaa meeshii dhimasho jirto, maxaa yeelay, waxba ma taro intii kii dardaarmay nool yahay. 18 Haddaba xataa axdigii hore laguma gelin dhiigla'aan. 19 Waayo, markii Muuse amar kasta kula hadlay dadka oo dhan sida sharcigu leeyahay, wuxuu qaaday dhiiggii weylalka iyo orgiyada, iyo biyo, iyo dhogor guduudan, iyo geed husob la yidhaahdo, oo wuxuu ku rusheeyey kitaabka qudhiisa iyo dadka oo dhanba, 20 isagoo leh, Kanu waa dhiiggii axdiga oo Ilaah idinku amray. 21 Sidaas oo kalena taambuugga iyo weelasha lagu adeego oo dhan ayuu ku rusheeyey dhiiggii. 22 Inta badan wax walba waxaa lagu nadiifiyaa dhiig sida sharcigu leeyahay, oo dhiigdaadinla'aan dembidhaaf ma jiro. 23 ¶ Haddaba lagamamaarmaan bay ahayd in u-ekaanta waxyaalaha jannooyinka ku jira kuwan lagu nadiifiyo; laakiin waxyaalaha jannada qudhooda waa in lagu nadiifiyo allabaryo kuwan ka wanaagsan.
  • Cib 12:24 : 24 iyo Ciise oo ah dhexdhexaadiyaha axdiga cusub, iyo dhiigga rushaynta oo u hadla si ka wanaagsan kii Haabiil.
  • Cib 13:20 : 20 ¶ Haddaba Ilaaha nabadda oo ka soo celiyey kuwii dhintay Rabbigeenna Ciise oo ah Adhijirka weyn ee idaha, oo ku soo celiyey dhiigga axdiga weligiis ah,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Cib 7:15-21
    7 aayado
    81%

    15Oo weliba aad bay u sii cad dahay, haddii wadaad kale oo Malkisadaq u egi kaco,

    16kii aan wadaad lagaga dhigin sharciga abtirsiinyada xagga jidhka, laakiin xagga xoogga nolosha aan dhammaadka lahayn.

    17Waayo, isaga waxaa loogu markhaati furay, Adigu weligaaba wadaad baad tahay Sidii derejadii Malkisadaq.

    18Waayo, amarkii hore waxaa loo buriyey itaaldarradiisii iyo faa'iidola'aantiisii,

    19maxaa yeelay, sharcigu waxba ma uu kaamilin. Oo waxaa la keenay rajo ka wanaagsan oo aynu Ilaah ugu dhowaanno.

    20Oo isagu dhaarla'aan wadaad kuma uu noqon.

    21Iyagu dhaarla'aan bay wadaaddo ku noqdeen, laakiin isagu wuxuu ku noqday dhaarta kan ku yidhi, Rabbigu waa dhaartay, kana soo noqon maayo, Adigu weligaaba wadaad baad tahay.

  • Cib 8:5-7
    3 aayado
    81%

    5kuwa u adeega waxa ah u-ekaanta iyo hooska waxyaalaha jannada, sidii Muuse loogu digay kolkuu ku dhowaa inuu taambuugga sameeyo. Waayo, wuxuu yidhi, Aad ugu fiirso inaad wax walba u samayso siduu ahaa u-ekaanshihii buurta lagugu tusay.

    6Laakiin haatan wuxuu helay shuqul aad uga wanaagsan siduu u yahay dhexdhexaadiyaha axdiga ka wanaagsan ee lagu dhisay ballamo ka wanaagsan.

    7Waayo, haddii axdigii hore uusan eed lahayn, mid labaad meella looma dooneen.

  • 28Waayo, sharcigu niman itaaldaran ayuu wadaaddo sare ka dhigaa, laakiin hadalka dhaarta oo sharciga ka dambeeyey wuxuu ka dhigaa Wiil weligiis kaamil ah.

  • 20meeshii Ciise sida horseed inoo galay isagoo noqday wadaad sare oo weligiis ah sidii derejadii Malkisadaq.

  • Cib 9:15-16
    2 aayado
    74%

    15¶ Oo sidaas daraaddeed isagu waa dhexdhexaadiyaha axdiga cusub in kuwii loo yeedhay ay helaan dhaxalka weligiis ah oo la ballanqaaday, waayo, dhimashadu waxay u noqotay ka madaxfurashada xadgudubyada lagu sameeyey axdigii hore.

    16Waayo, meeshii dardaaran jiro waa lagamamaarmaan inuu kii dardaarmay dhinto.

  • Cib 6:16-17
    2 aayado
    74%

    16Waayo, dadku waxay ku dhaartaan kan iyaga ka weyn, oo waxaa muran kasta oo kooda ah ugu dambaysa dhaar si loo xaqiiqaysto,

    17sidaas daraaddeed, Ilaah, isagoo aad u doonaya inuu kuwa ballanka dhaxla tuso taladiisa aan beddelmi karin, ayuu dhaar ku galay;

  • Cib 7:11-12
    2 aayado
    72%

    11¶ Haddaba haddii kaamilnimo ku jirtay wadaadnimadii Laawi, waayo, iyada ayuu dadku sharciga ka hoos helaye, maxaa weli loogu baahnaa in wadaad kale ka kaco derejadii Malkisadaq oo aan lagu magacaabin derejadii Haaruun?

    12Waayo, wadaadnimada markii la beddelo waa lagamamaarmaan in sharcigana la beddelo.

  • Cib 7:23-26
    4 aayado
    72%

    23Iyaguna waxay noqdeen wadaaddo tiro badan, maxaa yeelay, dhimashada ayaa ka joojisay inay sii jiraan:

    24Isaguse wuxuu haystaa wadaadnimadiisa aan beddelmi karin, waayo, weligiis buu sii jirayaa.

    25Sidaas daraaddeed dhammaan buu u badbaadin karaa kuwa Ilaah ugu dhowaada isaga, maxaa yeelay, isagu weligiis waa nool yahay si uu ugu duceeyo iyaga.

    26¶ Waayo, wadaad sare oo caynkan ahu waa inagu habboonaa, mid quduus ah oo aan khiyaano iyo wasakh toona lahayn, oo dembilayaasha ka soocan, oo samooyinka laga sarraysiiyey,

  • 7Laakiin muranla'aan kan yar waxaa barakeeya kan ka wanaagsan.

  • 4isagoo aad uga wanaagsan malaa'igaha siduu u dhaxlay magac ka sii wanaagsan kooda.

  • 11¶ Masiixu wuxuu yimid, isagoo ah wadaadka sare ee waxyaalaha wanaagsan oo iman doona. Taambuuggii wadaadnimadiisu wuxuu ahaa ku ka weyn oo ka kaamilsan, oo aan gacmo lagu samayn, kaasu waxaa weeyaan mid aan abuuristan ka iman.

  • 3Aabbe ma lahayn, hooyona ma lahayn, abtirsiinyona ma lahayn, oo isagoo aan lahayn bilowga maalmaha ama dhammaadka nolosha laakiin loo ekaysiiyey Wiilka Ilaah, ayuu weligiis wadaad sii ahaanayaa.

  • Cib 8:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Waxyaalihii la yidhi wixii ugu muhimsanaa waa kan, Waxaynu leennahay wadaad sare oo caynkaas ah, kan fadhiistay midigta carshiga Weynaha jannooyinka ku jira,

    2kan u adeega waxyaalaha quduuska ah iyo taambuugga runta ah ee Rabbigu dhisay oo aan dad dhisin.

  • 24iyo Ciise oo ah dhexdhexaadiyaha axdiga cusub, iyo dhiigga rushaynta oo u hadla si ka wanaagsan kii Haabiil.

  • Cib 5:9-10
    2 aayado
    70%

    9oo goortuu kaamil noqday wuxuu kuwa isaga addeeca oo dhan u noqday sababta badbaadada weligeed ah.

    10Oo Ilaah baa isaga wuxuu ku magacaabay wadaad sare sidii derejadii Malkisadaq.

  • 6Meel kalena wuxuu ka yidhi. Adigu weligaaba wadaad baad tahay Sidii derejadii Malkisadaq.

  • 20isagoo leh, Kanu waa dhiiggii axdiga oo Ilaah idinku amray.

  • Cib 10:14-15
    2 aayado
    70%

    14Maxaa yeelay, bixin keliya ayuu kaamil kaga dhigay weligood kuwa quduus laga dhigay.

    15Oo taas Ruuxa Quduuska ahuna markhaati ahaan buu noogu sheegaa, waayo, kolkuu yidhi,

  • 18Haddaba xataa axdigii hore laguma gelin dhiigla'aan.

  • 20¶ Haddaba Ilaaha nabadda oo ka soo celiyey kuwii dhintay Rabbigeenna Ciise oo ah Adhijirka weyn ee idaha, oo ku soo celiyey dhiigga axdiga weligiis ah,

  • 17Haddaba waxaa isaga u ekayd inuu wax walba ugu ekaado walaalihiis, inuu wadaad sare oo naxariis iyo aamin badan leh u noqdo xagga waxyaalaha Ilaah, si uu cadhotir ugu noqdo dembiyada dadka.

  • 14¶ Haddaba innagoo leh wadaad sare oo weyn, kan samooyinka sii dhex maray, kaas oo ah Ciisoo Wiilka Ilaah ah, aynu qirashadeenna xajinno.

  • 13¶ Markii Ilaah ballan u qaaday Ibraahim, isagoo mid ka weyn oo uu ku dhaarto aan haysan, ayuu isku dhaartay,

  • Cib 3:1-2
    2 aayado
    68%

    1¶ Haddaba walaalaha quduuska ah oo ka qayb gala yeedhniinta jannadow, u fiirsada Ciise oo ah Rasuulka iyo Wadaadka sare ee iimaanka aynu qiranno.

    2Aamin buu u ahaa kan doortay, sidii Muuseba gurigiisii oo dhan aaminka ugu ahaa.

  • 17Oo isla kaas wuxuu u adkeeyey oo qaynuun uga dhigay Yacquub, Oo Israa'iilna wuxuu uga dhigay axdi weligiis jiraya,

  • 10Sida doonistaasu tahay, waxaa quduus laynagaga dhigay bixinta jidhka Ciise Masiix oo mar keliya la bixiyey.

  • 21Oo waxaynu haysannaa wadaad weyn oo ka sarreeya guriga Ilaah.

  • 40waayo, Ilaah wuxuu hore u arkay wax ka wanaagsan oo inagu saabsan, inaan la'aanteen iyaga kaamil laga dhigin.

  • 4Rabbigu wuu dhaartay, kana soo noqon maayo, oo wuxuu yidhi, Adigu weligaaba wadaad baad tahay, Sidii derejadii Malkisadaq.

  • 19¶ Taas daraaddeed, walaalayaalow, waxaynu haysannaa dhiirranaan inaynu meesha quduuska ah ku galno dhiigga Ciise,

  • 9Kaasu waa axdigii uu Ibraahim la dhigtay, Oo uu Isxaaq ugu dhaartay,

  • 13Kolkuu yidhi, Axdi cusub, ayuu kii hore duug ka dhigay. Laakiin kan duugoobayaa oo gaboobayaa wuxuu u dhow yahay inuu libdho.