Cibraaniyiintii 7:25

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaas daraaddeed dhammaan buu u badbaadin karaa kuwa Ilaah ugu dhowaada isaga, maxaa yeelay, isagu weligiis waa nool yahay si uu ugu duceeyo iyaga.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Room 8:34 : 34 Waa ayo kan wax xukumi doonaa? Waa Ciise Masiix kii dhintay, oo haddana kuwii dhintay ka sara kacay, oo Ilaah midigtiisa jooga, oo haddana inoo duceeya innaga.
  • 1 Yoox 2:1-2 : 1 ¶ Carruurtaydiiyey, waxaan waxyaalahan idiinku soo qorayaa si aydnaan u dembaabin; oo qof uun hadduu dembaabo, waxaynu xagga Aabbaha ku leennahay Dhexdhexaadiye, waana Ciise Masiix kan xaqa ah. 2 Oo isaguna wuxuu dembiyadeenna u yahay kafaaraggudka; oo kuweenna oo keliya uma aha ee weliba wuxuu u yahay dembiyada dunida oo dhan.
  • Yoox 14:6 : 6 Markaasaa Ciise wuxuu Toomas ku yidhi, Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee.
  • Room 5:2 : 2 kan xaggiisa aynu rumaysad ku galnay nimcadan aynu dhex taagan nahay, oo waxaynu ku faraxnaa rajada ammaanta Ilaah.
  • 1 Tim 2:5 : 5 Waayo, waxaa jira Ilaah keliya iyo dhexdhexaadiye keliya oo u dhexeeya Ilaah iyo dadka, waana ninka Ciise Masiix ah,
  • Cib 7:19 : 19 maxaa yeelay, sharcigu waxba ma uu kaamilin. Oo waxaa la keenay rajo ka wanaagsan oo aynu Ilaah ugu dhowaanno.
  • Cib 9:24 : 24 Masiixu ma uu gelin meel quduus ah oo gacmo lagu sameeyey, oo u eg tan runta ah, laakiin wuxuu galay jannada qudheeda inuu hadda Ilaah hortiisa inooga muuqdo.
  • Cib 2:18 : 18 Waayo, isaga qudhiisu wuu xanuunsaday isagoo la jirrabay, taas aawadeed wuu karaa inuu caawiyo kuwa la jirrabo.
  • Cib 5:7 : 7 Masiixu maalmihii jidhkiisa wuxuu tukasho iyo baryooyin qaylo dheer iyo ilmo ugu bixiyey kan kara inuu isaga dhimasho ka badbaadiyo, waana loo maqlay cibaadadiisa.
  • Ef 2:18 : 18 waayo, labadeennaba isagaynu Ruux keliya ugu galnaa Aabbaha.
  • Ef 3:12 : 12 kaas oo aynu ku leennahay dhiirranaan, oo aynu iskuhallayn ugu geli karno xagga rumaysadka aynu isaga rumaysan nahay.
  • Yoox 14:13 : 13 Oo wax alla waxaad magacayga ku weyddiisataan, waan samayn doonaa in Aabbuhu ku ammaanmo Wiilka.
  • Yoox 14:16 : 16 Aniguna Aabbahaan baryi doonaa, isna wuxuu idin siin doonaa Gargaare kale inuu idinla jiro weligiin,
  • Ish 53:12 : 12 Sidaas daraaddeed waxaan isaga wax ula qaybin doonaa kuwa waaweyn, isna wuxuu boolida la qaybsan doonaa kuwa xoogga badan, maxaa yeelay, isagu naftiisuu geeri u huray, waxaana lagu tiriyey kuwa xadgudbay, weliba wuxuu xambaartay kuwa badan dembigood, wuuna u duceeyey kuwa xadgudbay.
  • Yuud 1:24 : 24 ¶ Oo kan kara inuu turunturada idinka ilaaliyo oo uu ammaantiisa idin hor taago, idinkoo aan iin lahayn oo aad u faraxsan,
  • Cib 13:15 : 15 Haddaba xaggiisa aynu had iyo goor Ilaah ugu bixinno allabariga ammaanta, kaas waxaa weeye dibnaha magiciisa qirta midhahooda.
  • Cib 7:16 : 16 kii aan wadaad lagaga dhigin sharciga abtirsiinyada xagga jidhka, laakiin xagga xoogga nolosha aan dhammaadka lahayn.
  • Muj 8:3-4 : 3 ¶ Oo haddana waxaa timid malaa'ig kale, oo waxay is-ag taagtay meeshii allabariga, iyadoo haysata idan dahab ah, oo waxaa la siiyey foox badan si ay ugu darto baryadii quduusiinta oo dhan oo ay ugu shiddo meeshii allabariga oo dahabka ahayd oo carshiga hortiisa tiil. 4 Oo qiiqii fooxa oo ay baryadii quduusiintu la socoto ayaa wuxuu ka baxay gacantii malaa'igta oo wuxuu kor u aaday Ilaah hortiis.
  • Ish 59:16 : 16 Wuxuuna arkay inaan ninna la arag, oo inaan dhexdhexaadiye la arag wuu ka yaabay, sidaas daraaddeed gacantiisa ayaa isaga badbaado u keentay, oo xaqnimadiisii ayaa tiirisay.
  • Ish 63:1 : 1 ¶ Yuu yahay kan Edom ka soo socda oo dharka cas Bosraah kala imanaya? Kan dharkiisa ku quruxda badan oo weynaanta xooggiisa ku soo socda waa kuma? Waa anigan xaqnimada ku hadla oo inaan wax badbaadiyo u xoogga badan.
  • Yer 3:22 : 22 Carruurta dib u noqotayay, soo noqda, oo dibunoqoshadiinna ayaan bogsiin doonaa. Bal eeg, haatan waannu kuu nimid, waayo, waxaad tahay Rabbiga Ilaahayaga ah.
  • Ayuub 23:3 : 3 Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado meeshaan isaga ka heli karo, Si aan kursigiisa ugu imaado!
  • Ish 45:22 : 22 Dhulka darafyadiisa oo dhammow, i soo eega, oo kulligiin badbaada, waayo, anigaa Ilaah ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jiro.
  • Yoox 16:23-24 : 23 Oo maalintaasna waxba ima weyddiin doontaan. Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Haddii aad wax uun weyddiisataan Aabbaha, magacayga ayuu idinku siin doonaa. 24 Tan iyo imminka waxba magacayga kuma weyddiisan. Weyddiista, waanad heli doontaan, inay farxaddiinnu buuxsanto.
  • Yoox 17:9-9 : 9 ¶ Iyaga waan kuu baryayaa; kuu baryi maayo dunida, laakiin waxaan kuu baryayaa kuwaad i siisay, waayo, waa kuwaagii. 10 Waxayga oo dhan adaa leh, waxaagana anaa leh, iyagana waan ku ammaanmay. 11 Anigu dunida sii joogi maayo; kuwanuse duniday joogayaan, aniguna waan kuu imanayaa. Aabbe Quduusow, iyaga ku hay magacaagii aad i siisay, inay mid ahaadaan sideenna oo kale. 12 Intaan iyaga la jiray, waxaan iyaga ku hayay magacaagii aad i siisay, waanan ilaaliyey, midkoodna ma lumin, wiilka halaagga maahee, in Qorniinku ahaado. 13 Haddana waan kuu imanayaa, oo waxyaalahan ayaan ku hadlayaa intaan dunida joogo inay haystaan farxaddayda oo ay ka buuxsanto iyaga. 14 Ereygaagii ayaan siiyey, oo dunidu waa nebcaatay, waayo, iyagii kuwa dunida ma aha, sidaanan kan dunida u ahayn. 15 Kaa baryi maayo inaad iyaga dunida ka qaaddid, waxaanse kaa baryayaa inaad ka dhawrtid kan sharka leh. 16 Iyagu kuwa dunida ma aha, sidaanan kan dunida u ahayn. 17 Iyaga quduus kaga dhig runta, ereygaagu waa rune. 18 Sidaad dunida iigu soo dirtay ayaan anna iyaga dunida ugu diray. 19 Oo aawadood ayaan quduus iskaga dhigaa, in iyagana xagga runta quduus lagaga dhigo. 20 ¶ Kuwan oo keliya kuu baryi maayo, waxaanse weliba kuu baryayaa kuwa igu rumaysanaya hadalkooda aawadiis, 21 inay dhammaan mid ahaadaan, sidaad adigu, Aabbow, iigu jirtid, aniguna aan kuugu jiro, inay iyaguna inoogu jiraan, in dunidu rumaysato inaad i soo dirtay. 22 Oo ammaantaad i siisay iyagaan siiyey, inay mid ahaadaan sidaynu mid u nahay. 23 Iyagaan ku jiraa, adna anigaad igu jirtaa, inay mid ku dhan yihiin, in dunidu garato inaad i soo dirtay, iyo inaad iyaga u jeclaatay, sidaad ii jeclaatay. 24 ¶ Aabbow, kuwaad i siisay waan doonayaa inay ila joogaan meeshaan joogo inay arkaan ammaantaydii aad i siisay, waayo, adaa i jeclaa intaan dunida la aasaasin. 25 Aabbaha xaqa ahow, dunidu kuma ay garanaynin, laakiinse waan ku garanayay; kuwanna waxay garanayeen inaad i soo dirtay. 26 Magacaagaan iyagii garansiiyey, waanan garansiin doonaa, in jacaylkii aad i jeclayd uu ku jiro iyaga, anna aan iyaga ku jiro.
  • Daan 3:17 : 17 Haddaba hadday saas tahay, Ilaahayaga aannu u adeegnaa waa awoodaa inuu naga samatabbixiyo foornada dabka ah oo ololaysa; oo isagu waa naga samatabbixin doonaa gacantaada, Boqorow.
  • Daan 6:20 : 20 Oo markuu u soo dhowaaday bohoshii Daanyeel ku jiray ayuu si weyn u ooyay; markaasa boqorkii hadlay oo Daanyeel ku yidhi, Daanyeelow, Ilaaha nool midiidinkiisow, Ilaahaaga aad had iyo goor u adeegtaa ma awoodi karaa inuu libaaxyada kaa samatabbixiyo?
  • Ef 3:20 : 20 ¶ Haddaba kan awooda inuu inoo sameeyo wax aad iyo aad uga sii badan waxa aynu weyddiisanno ama ku fikirno oo dhan sida u yahay xoogga inaga dhex shaqeeya,
  • Yoox 5:37-40 : 37 Aabbihii i soo dirayna waa ii marag furay. Idinkuna codkiisa ma maqlin goornaba, mana aydnaan arkin muuqiisa. 38 Mana haysataan ereygiisa oo idinku sii jira, waayo, kii uu soo diray waad rumaysan weydeen. 39 Qorniinka ayaad baadhaan, waayo, waxaad u malaynaysaan inaad nolosha weligeed ah ka helaysaan, waana iyaga kuwa ii marag furayaa. 40 Idinkuna dooni maysaan inaad ii timaadaan inaad nolol lahaataan.
  • 2 Tim 1:12 : 12 Sababtaas aawadeed ayaan waxyaalahan ugu xanuunsanayaa; laakiinse ka xishoon maayo, waayo, waan garanayaa kan aan rumaystay, oo waxaan aaminsanahay inuu awoodo inuu dhawro wixii aan ku ammaanaystay ilaa maalintaas.
  • Cib 11:6 : 6 Oo rumaysadla'aantiis ma suurtowdo in isaga laga farxiyo, taas aawadeed kan Ilaah u yimaadaa waa inuu rumaysto inuu jiro oo uu yahay kan u abaalguda kuwa isaga doondoona.
  • Cib 7:24 : 24 Isaguse wuxuu haystaa wadaadnimadiisa aan beddelmi karin, waayo, weligiis buu sii jirayaa.
  • Yoox 10:29-30 : 29 Aabbahaygii i siiyey iyaga ayaa wax walba ka weyn, oo ninna kama dhufsan karo gacanta Aabbahay. 30 Aniga iyo Aabbuhu mid baannu nahay.
  • Fil 3:21 : 21 Isagu wuxuu beddeli doonaa jidhkeenna liita inuu u ekaado jidhkiisa ammaanta leh, oo wuxuu ku beddelayaa xoogga uu isagu ku awoodo inuu wax kastaba isaga hoosaysiiyo.
  • Daan 9:16 : 16 Sayidow, waan ku baryayaaye xaqnimadaada oo dhan aawadeed, Dhirifkaaga iyo cadhadaaduba ha ka leexdeen magaaladaada Yeruusaalem, oo ah buurtaada quduuska ah; waayo, dembiyadayada iyo xumaantii awowayaashayo aawadood ayaa Yeruusaalem iyo dadkaagiiba kuwo ceebaysan ugu noqdeen inta nagu wareegsan oo dhan.
  • Daan 3:29 : 29 Sidaas daraaddeed waxaan amar ku bixinayaa in dad kasta, iyo quruun kasta, iyo kuwa kasta oo kala af ah, oo wax xun kaga hadla Ilaaha Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, la googooyn doono, guryahoodana laga dhigi doono meel digo lagu tuulo, maxaa yeelay, ma jiro ilaah kale oo sidaas wax u badbaadin karaa.
  • Ish 45:24 : 24 Waxaa laygu odhan doonaa, Rabbiga uun ayaa xaqnimo iyo xoogba leh. Isagaa loo iman doonaa, oo kuwii isaga u cadhaysnaa oo dhammuna way wada ceeboobi doonaan.
  • Sab 68:31-32 : 31 Masar waxaa ka iman doona amiirro, Itoobiyana haddiiba gacmaheeday u hoorsan doontaa Ilaah. 32 Boqortooyooyinka dhulkow, Ilaah u gabya, Ammaan ugu gabya Sayidka, (Selaah)
  • Daan 3:15 : 15 Haddaba haddaad diyaar tihiin in wakhtigii aad maqashaan codka buunka, iyo biibiilaha, iyo kataaradda, iyo shareeradda, iyo kiraarka, iyo cayn kasta oo muusiko ah, aad hoos u dhacdaan oo aad u sujuuddaan ekaanta aan sameeyey, hagaag, laakiinse haddaad u sujuudi weydaan, waxaa isla saacaddiiba laydinku dhex tuuri doonaa foorno dab ah oo ololaysa. Kolkaas waa ayo Ilaaha gacantayda idinka badbaadin doonaa?
  • Ayuub 22:17 : 17 Waxay Ilaah ku yidhaahdeen, War naga tag, Bal maxaa Ilaaha Qaadirka ahu nagu samayn karaa?
  • Cib 7:8 : 8 Oo halkan waxaa meeltobnaadyada qaata dadka dhinta, laakiin halkaas mid loo markhaati furay inuu nool yahay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Cib 7:19-24
    6 aayado
    81%

    19maxaa yeelay, sharcigu waxba ma uu kaamilin. Oo waxaa la keenay rajo ka wanaagsan oo aynu Ilaah ugu dhowaanno.

    20Oo isagu dhaarla'aan wadaad kuma uu noqon.

    21Iyagu dhaarla'aan bay wadaaddo ku noqdeen, laakiin isagu wuxuu ku noqday dhaarta kan ku yidhi, Rabbigu waa dhaartay, kana soo noqon maayo, Adigu weligaaba wadaad baad tahay.

    22Oo sidaasuu Ciise ku noqday dammiinka axdiga ka wanaagsan.

    23Iyaguna waxay noqdeen wadaaddo tiro badan, maxaa yeelay, dhimashada ayaa ka joojisay inay sii jiraan:

    24Isaguse wuxuu haystaa wadaadnimadiisa aan beddelmi karin, waayo, weligiis buu sii jirayaa.

  • Cib 7:26-28
    3 aayado
    78%

    26¶ Waayo, wadaad sare oo caynkan ahu waa inagu habboonaa, mid quduus ah oo aan khiyaano iyo wasakh toona lahayn, oo dembilayaasha ka soocan, oo samooyinka laga sarraysiiyey,

    27kan aan u baahnayn inuu maalin walba allabari u bixiyo sida wadaaddadii sare, kolka hore dembiyadiisa aawadood, dabadeedna kuwa dadka aawadood; tan mar keliya ayuu sameeyey markuu isbixiyey.

    28Waayo, sharcigu niman itaaldaran ayuu wadaaddo sare ka dhigaa, laakiin hadalka dhaarta oo sharciga ka dambeeyey wuxuu ka dhigaa Wiil weligiis kaamil ah.

  • 20meeshii Ciise sida horseed inoo galay isagoo noqday wadaad sare oo weligiis ah sidii derejadii Malkisadaq.

  • Cib 5:6-7
    2 aayado
    74%

    6Meel kalena wuxuu ka yidhi. Adigu weligaaba wadaad baad tahay Sidii derejadii Malkisadaq.

    7Masiixu maalmihii jidhkiisa wuxuu tukasho iyo baryooyin qaylo dheer iyo ilmo ugu bixiyey kan kara inuu isaga dhimasho ka badbaadiyo, waana loo maqlay cibaadadiisa.

  • Cib 2:17-18
    2 aayado
    74%

    17Haddaba waxaa isaga u ekayd inuu wax walba ugu ekaado walaalihiis, inuu wadaad sare oo naxariis iyo aamin badan leh u noqdo xagga waxyaalaha Ilaah, si uu cadhotir ugu noqdo dembiyada dadka.

    18Waayo, isaga qudhiisu wuu xanuunsaday isagoo la jirrabay, taas aawadeed wuu karaa inuu caawiyo kuwa la jirrabo.

  • Cib 7:15-17
    3 aayado
    74%

    15Oo weliba aad bay u sii cad dahay, haddii wadaad kale oo Malkisadaq u egi kaco,

    16kii aan wadaad lagaga dhigin sharciga abtirsiinyada xagga jidhka, laakiin xagga xoogga nolosha aan dhammaadka lahayn.

    17Waayo, isaga waxaa loogu markhaati furay, Adigu weligaaba wadaad baad tahay Sidii derejadii Malkisadaq.

  • Cib 4:14-16
    3 aayado
    73%

    14¶ Haddaba innagoo leh wadaad sare oo weyn, kan samooyinka sii dhex maray, kaas oo ah Ciisoo Wiilka Ilaah ah, aynu qirashadeenna xajinno.

    15Waayo, ma aynu lihin wadaad sare oo aan itaaldarradeenna ka nixi karin, laakiin waxaynu leennahay mid si walba loo jirrabay sideenna oo kale, oo aan weliba dembi lahayn.

    16Haddaba aynu carshiga nimcada dhiirranaan ugu soo dhowaanno si aynu naxariis u qaadanno oo aynu u helno nimco ina caawisa wakhtiga baahida.

  • Cib 8:1-3
    3 aayado
    73%

    1¶ Waxyaalihii la yidhi wixii ugu muhimsanaa waa kan, Waxaynu leennahay wadaad sare oo caynkaas ah, kan fadhiistay midigta carshiga Weynaha jannooyinka ku jira,

    2kan u adeega waxyaalaha quduuska ah iyo taambuugga runta ah ee Rabbigu dhisay oo aan dad dhisin.

    3Waayo, wadaad kasta oo sare waxaa loo doortay inuu hadiyado iyo allabaryo bixiyo, sidaas daraaddeed waa lagamamaarmaan in wadaadkan sarena haysto wax uu bixiyo.

  • 1¶ Wadaad sare oo kasta, oo dadka laga dhex bixiyo, waxaa dadka loogu doortaa waxyaalaha Ilaah ku saabsan, inuu hadiyado iyo allabaryoba u bixiyo dembiyada aawadood.

  • Cib 10:14-15
    2 aayado
    72%

    14Maxaa yeelay, bixin keliya ayuu kaamil kaga dhigay weligood kuwa quduus laga dhigay.

    15Oo taas Ruuxa Quduuska ahuna markhaati ahaan buu noogu sheegaa, waayo, kolkuu yidhi,

  • Cib 5:9-10
    2 aayado
    72%

    9oo goortuu kaamil noqday wuxuu kuwa isaga addeeca oo dhan u noqday sababta badbaadada weligeed ah.

    10Oo Ilaah baa isaga wuxuu ku magacaabay wadaad sare sidii derejadii Malkisadaq.

  • 3Aabbe ma lahayn, hooyona ma lahayn, abtirsiinyona ma lahayn, oo isagoo aan lahayn bilowga maalmaha ama dhammaadka nolosha laakiin loo ekaysiiyey Wiilka Ilaah, ayuu weligiis wadaad sii ahaanayaa.

  • Cib 9:24-26
    3 aayado
    72%

    24Masiixu ma uu gelin meel quduus ah oo gacmo lagu sameeyey, oo u eg tan runta ah, laakiin wuxuu galay jannada qudheeda inuu hadda Ilaah hortiisa inooga muuqdo.

    25Weliba uma uu gelin inuu marar badan isbixiyo, sida wadaadka sare meesha quduuska ah sannad walba ula galo dhiig uusan lahayn.

    26Haddii kale lagamamaarmaan bay ahayd inuu marar badan xanuunsado tan iyo aasaaskii dunida; laakiin haatan oo dhammaadkii wakhtiga ah isaga mar keliya ayaa la muujiyey inuu dembiga ku baabbi'iyo allabarigiisa.

  • Cib 9:11-12
    2 aayado
    71%

    11¶ Masiixu wuxuu yimid, isagoo ah wadaadka sare ee waxyaalaha wanaagsan oo iman doona. Taambuuggii wadaadnimadiisu wuxuu ahaa ku ka weyn oo ka kaamilsan, oo aan gacmo lagu samayn, kaasu waxaa weeyaan mid aan abuuristan ka iman.

    12Mar buu wada galay meeshii quduuska ahayd, isagoo aan orgiyo iyo weylal dhiiggoodii wadin, laakiin wuxuu waday dhiiggiisa, sidaasuu furasho weligeed ah inoogu helay.

  • 21Oo waxaynu haysannaa wadaad weyn oo ka sarreeya guriga Ilaah.

  • 19¶ Taas daraaddeed, walaalayaalow, waxaynu haysannaa dhiirranaan inaynu meesha quduuska ah ku galno dhiigga Ciise,

  • Cib 10:11-12
    2 aayado
    70%

    11¶ Wadaad waluba maalin kastuu istaagaa isagoo adeegaya oo marar badan bixinaya allabaryo isku mid ah, kuwa aan marnaba dembiyo qaadi karin,

    12laakiin isagu kolkuu allabari keliya mar keliya dembiyo u bixiyey ayuu fadhiistay midigta Ilaah;

  • 34Waa ayo kan wax xukumi doonaa? Waa Ciise Masiix kii dhintay, oo haddana kuwii dhintay ka sara kacay, oo Ilaah midigtiisa jooga, oo haddana inoo duceeya innaga.

  • Cib 2:10-11
    2 aayado
    70%

    10Waayo, waa u ekayd kan wax walba u yihiin, oo wax walba ka yimaadeen, markuu carruur badan ammaan u keeno, inuu bilaabaha badbaadadooda xanuun ku kaamilo.

    11Waayo, kan quduus ka dhiga iyo kuwa quduus laga dhigaaba kulli mid keliya ayay ka yimaadaan; taas aawadeed isagu kalama xishoodo inuu iyaga ugu yeedho walaalo,

  • 15¶ Oo sidaas daraaddeed isagu waa dhexdhexaadiyaha axdiga cusub in kuwii loo yeedhay ay helaan dhaxalka weligiis ah oo la ballanqaaday, waayo, dhimashadu waxay u noqotay ka madaxfurashada xadgudubyada lagu sameeyey axdigii hore.

  • 15Sidaas daraaddeed waxay joogaan carshiga Ilaah hortiisa; oo waxay isaga ugu adeegaan macbudkiisa habeen iyo maalinba; oo kan carshiga ku fadhiyaana wuxuu dushooda ka dhisan doonaa taambuuggiisa.

  • 1¶ Haddaba walaalaha quduuska ah oo ka qayb gala yeedhniinta jannadow, u fiirsada Ciise oo ah Rasuulka iyo Wadaadka sare ee iimaanka aynu qiranno.

  • 6Laakiin haatan wuxuu helay shuqul aad uga wanaagsan siduu u yahay dhexdhexaadiyaha axdiga ka wanaagsan ee lagu dhisay ballamo ka wanaagsan.

  • 28sidaas oo kalena Masiix, isagoo mar loo bixiyey inuu qaado dembiyada kuwa badan, ayuu dembila'aan mar labaad badbaadin ugu muuqan doonaa kuwa isaga sugaya.

  • 7Laakiin kan labaad waxaa sannaddiiba mar gala wadaadka sare oo keliya, isagoo aan dhiigla'aan gelaynin. Oo dhiiggaas wuxuu u bixiyaa naftiisa iyo dembiyada dadku aqoonla'aanta ku sameeyo.

  • 24¶ Oo kan kara inuu turunturada idinka ilaaliyo oo uu ammaantiisa idin hor taago, idinkoo aan iin lahayn oo aad u faraxsan,

  • 3Oo sidaas daraaddeed waa inuu qudhiisa wax ugu bixiyo dembiyada aawadood, siduu dadka wax ugu bixiyo oo kale.

  • 3Oo isagu waa dhalaalka ammaantiisa iyo u-ekaanta ahaantiisa, oo wax walba wuxuu ku hayaa erayga xooggiisa, oo goortuu daahirinta dadka dembiyadooda sameeyey dabadeed ayuu wuxuu fadhiistay Weynaha xagga sare midigtiisa,