Hosheeca 3:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, dadka Israa'iil wakhti dheer bay joogi doonaan boqorla'aan, iyo amiirla'aan, allabarila'aan, iyo tiirla'aan, eefodla'aan, iyo teraafiimla'aan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Xaak 17:5 : 5 Oo ninkii Miikaah ahaana wuxuu lahaa guri ilaahyood, oo wuxuu sameeyey eefod iyo teraafiim, oo wuxuuna quduus ka dhigay wiilashiisii midkood, oo isna wuxuu u noqday wadaadkiisii.
  • Bil 31:19 : 19 Laabaanna wuxuu ku maqnaa inuu idihiisa dhogorta ka soo xiirto; kolkaasay Raaxeel xadday sanamyadii aabbeheed lahaa.
  • Bax 28:4 : 4 Oo dharka ay u samaynayaanna waxa weeyaan laabgashi, iyo eefod, iyo khamiis, iyo jubbad, iyo duub, iyo dhex-xidh, oo waa inay dhar quduus ah u sameeyaan walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada.
  • 1 Sam 23:9 : 9 Oo Daa'uudna wuu ogaa in Saa'uul belaayo la damacsan yahay; markaasuu wadaadkii Aabyaataar ahaa ku yidhi, Halkan eefodka keen.
  • 2 Taar 15:2 : 2 oo intuu u soo baxay inuu Aasaa ka hor tago ayuu ku yidhi, Aasaa, iyo dadkii Yahuudah iyo Benyaamiin oo dhammow, i maqla. Rabbigu wuu idinla jiraa intaad isaga la jirtaan, oo haddaad isaga doondoontaanna waad heli doontaan, laakiinse haddaad isaga ka tagtaan, isna wuu idinka tegi doonaa.
  • Daan 12:11 : 11 Oo wakhtiga qurbaanka joogtada ah la qaadi doono, ilaa la taagi doono waxa baas oo wax baabbi'iya, waxaa jiri doona kun iyo laba boqol iyo sagaashan maalmood.
  • Daan 9:27 : 27 Oo toddobaad ayuu kuwo badan axdi kula dhigan doonaa: markaasuu toddobaadka badhtankiisa joojin doonaa allabariga iyo qurbaankaba; oo dushiisa waxaa ku iman doona mid wax baabbi'iya ilaa dhammaadkii la goostay lagu dejiyo kan wax baabbi'iya.
  • Xaak 8:27 : 27 Markaasaa Gidcoon wuxuu dahabkii ka sameeyey eefod, oo wuxuu dhigay magaaladiisii taasoo ahayd Coofraah; oo reer binu Israa'iil oo dhammuna way wada raaceen sidii naag ninkeedii ka dhillowday, markaasuu dabin ku noqday Gidcoon iyo reerkiisiiba.
  • Daan 11:31 : 31 Oo ciidan baa isaga la gees noqon doona, oo waxay nijaasayn doonaan meesha quduuska ah ee qalcadda leh, oo waxay qaadan doonaan qurbaanka joogtada, oo waxay qotomin doonaan waxa baas oo wax baabbi'iya.
  • Hos 2:11 : 11 Oo weliba farxaddeeda oo dhanna waan wada joojin doonaa, tan ciidaheeda, iyo bilaheeda cusub, iyo sabtiyadeeda, iyo shirarkeedaba.
  • Hos 10:1-3 : 1 ¶ Dadka Israa'iil waa geed canab ah oo barwaaqaysan, kaasoo midhihiisa soo bixiya, oo sida midhihiisu u bateen ayuu meelihiisa allabariga u badiyey, oo sida dalkiisu u barwaaqaysan yahay ayay u samaysteen tiirar qurqurxoon. 2 Qalbigoodu waa kala qaybsan yahay, oo haatan waxaa lagu heli doonaa gardarro. Meelahooda allabariga ayuu wax ku dhufan doonaa, oo tiirarkoodana wuu wada kharribi doonaa. 3 Sida xaqiiqada ah hadda waxay odhan doonaan, Annagu boqor ma lihin, waayo, Rabbiga kama cabsanno, haddaba bal maxaa boqor noo taraya?
  • Hos 13:11 : 11 Anigoo xanaaqsan ayaan boqor idin siiyey, oo haddana anigoo cadhaysan ayaan idinka qaaday.
  • Miik 5:11-14 : 11 Oo magaalooyinka dalkiinna waan baabbi'in doonaa, oo qalcadihiinnana waan wada dumin doonaa. 12 Oo gacantiinnana sixir waan ka baabbi'in doonaa, oo mar dambena ma lahaan doontaan faaliyayaal. 13 Oo waxaan dhexdiinna ka baabbi'in doonaa taswiirahiinna xardhan iyo tiirarkiinna, oo mar dambe ma aad caabudi doontaan sancada gacmihiinna. 14 Oo dhexbadhtankiinna waan ka rujin doonaa geedihiinna Asheeraah ah, oo magaalooyinkiinnana waan wada dumin doonaa.
  • Sak 13:2 : 2 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxay wakhtigaas noqon doontaa inaan dalka dhexdiisa ka wada baabbi'iyo magacyada sanamyada, oo mar dambena iyaga lama soo xusuusan doono, oo weliba waxaan ka dhigi doonaa inay nebiyada beenta ah iyo ruuxa wasakhda ahuba dalka ka dhex baxaan.
  • Mat 24:1-2 : 1 ¶ Ciise ayaa macbudka ka baxay, oo intuu tegayay ayaa xertiisii u timid inay tusaan dhismaha macbudka. 2 Laakiin wuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Miyaydnaan waxyaalahan oo dhan arkaynin? Runtii waxaan idinku leeyahay, Halkan lagu dul dayn maayo dhagax dhagax kale dushiisa oo aan la dumin doonin.
  • Luuk 21:24 : 24 Waxayna ku dhici doonaan seef afkeeda, oo waa la qabsan doonaa, oo quruumaha oo dhan la geeyn doonaa; quruumuhuna Yeruusaalem ayay ku tuman doonaan ilaa wakhtiga quruumuhu ka dhammaado.
  • Yoox 19:15 : 15 Sidaa daraaddeed waxay ku qayliyeen, Kaxee, kaxee, iskutallaabta ku qodob. Markaasaa Bilaatos wuxuu ku yidhi, Boqorkiinna miyaan iskutallaabta ku qodbaa? Wadaaddadii sare ayaa ugu jawaabay, Boqor ma lihin Kaysar maahee.
  • Fal 6:13-14 : 13 Markaasay waxay soo taageen markhaatiyaal been ah oo leh, Ninkanu iskama daayo inuu meeshan quduuska ah iyo sharciga erayo xunxun ka sheego, 14 waayo, waxaannu maqalnay isagoo leh, Ciisahan reer Naasared meeshan buu dumin doonaa, wuxuuna beddeli doonaa caadooyinkii Muuse inooga tegey.
  • Cib 10:26 : 26 ¶ Haddaynu badheedh u dembaabno kolkaynu aqoonta runta helnay dabadeed, allabari dambe oo dembiyo loo bixiyaa ma hadho.
  • Ish 19:19-20 : 19 ¶ Oo wakhtigaas dalka Masar dhexdiisa meel allabari baa Rabbiga ugu oolli doonta, oo soohdinteedana waxaa Rabbiga u jiri doona tiir. 20 Oo taasu waxay calaamad iyo markhaati dalka Masar dhexdiisa ugu noqon doontaa Rabbiga ciidammada, waayo, kuwa dulma aawadood ayay Rabbiga ugu qayshan doonaan, oo isna wuxuu u soo diri doonaa badbaadiye iyo mid xoog badan, wuuna samatabbixin doonaa.
  • Yer 15:4-5 : 4 Manaseh ina Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wixii uu Yeruusaalem ku dhex sameeyey daraaddood ayaan ka dhigi doonaa inay iyagu boqortooyooyinka dunida oo dhan ku dhex rogrogmadaan hore iyo dib. 5 Waayo, Yeruusaalemay, bal yaa kuu tudhi doona? Yaase kuu barooran doona? Yaase u soo leexan doona inuu sidaad tahay weyddiiyo?
  • Yex 20:32 : 32 Oo waxa maankiinna soo galaana innaba ma ay ahaan doonaan, waayo, waxaad isku tidhaahdaan, Annagu waxaannu noqon doonnaa sida quruumaha kale, iyo sida qolooyinka waddammada deggan oo kale si aannu qoryo iyo dhagax ugu adeegno.
  • Yex 21:21 : 21 Waayo, boqorkii Baabuloon wuxuu soo istaagay meesha jidadku ku kala leexdaan oo ah labada jid madaxooda inuu faaliyo aawadeed. Fallaadhihiisii wuu ku faaliyey, oo teraafiim ayuu la tashaday, oo beer buu fiiriyey.
  • Daan 8:11-13 : 11 Oo weliba wuu ka sii xoog weynaaday amiirkii ciidanka, oo wuxuu ka qaaday qurbaankii la gubanayay oo joogtada ahaa, oo meeshiisii quduuska ahaydna hoos baa loo tuuray. 12 Markaasaa ciidankii iyo qurbaankii joogtada ahaaba isagii la siiyey, waxaana loo siiyey xadgudub, markaasuu runtii dhulka ku soo tuuray, wuxuu sameeyey ayuuna ku barwaaqoobay. 13 Dabadeedna waxaan maqlay mid quduus ah oo hadlaya, markaasaa mid kale oo quduus ahu wuxuu ku yidhi kii hadlay, Ilaa goormay ahaan doontaa riyada ku saabsan qurbaanka joogtada ah, iyo xadgudubka wax baabbi'iya, si meesha quduuska ah iyo ciidankaba loogu tunto?
  • 1 Sam 30:7 : 7 ¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu wadaadkii ahaa Aabyaataar ina Axiimeleg ku yidhi, Waan ku baryayaaye eefodka halkan iigu keen. Aabyaataarna eefodkii buu Daa'uud u keenay.
  • 2 Sam 6:14 : 14 Oo Daa'uudna Rabbiga hortiisuu xooggiisii oo dhan ugu cayaaray, wuxuuna guntanaa eefod dhar wanaagsan laga sameeyey.
  • 2 Boq 23:24 : 24 Oo weliba Yoosiyaah wuxuu baabbi'iyey kuwii ruuxaanta lahaa, iyo saaxiriintii, iyo teraafiimtii, iyo sanamyadii, iyo dhammaan karaahiyadii lagu arkay dalka Yahuudah iyo Yeruusaalemba, si uu u adkeeyo erayadii sharcigii ku qornaa kitaabkii wadaadkii Xilqiyaah ka dhex helay gurigii Rabbiga.
  • Laaw 8:7 : 7 Oo wuxuu isagii u geliyey jubbaddii, oo dhexdana wuxuu ugu xidhay dhex-xidhka, oo wuxuu u geliyey khamiiskii, eefodkiina wuu u geliyey, oo dhexdana wuxuu ugu xidhay dhex-xidhkii eefodka oo daabaca lahaa, oo kaasuu isagii ku xidhay.
  • Bil 49:10 : 10 Usha boqortooyadu kama tegi doonto Yahuudah, Usha taliyuhuna cagihiisa kama dhex bixi doonto; Ilaa Shiiloh yimaado; Dadkuna isagay addeeci doonaan.
  • Xaak 18:17-24 : 17 Markaasay shantii nin oo dalka soo basaastay yimaadeen oo gudaha galeen, oo waxay soo qaateen sanamkii xardhanaa, iyo eefodkii, iyo teraafiimkii, iyo sanamkii la shubay; oo wadaadkiina wuxuu iridda laga soo galo isla taagay lixdii boqol oo nin ee xidhnayd hubka dagaalka. 18 Oo kuwaasu markay galeen gurigii Miikaah, oo ay soo qaateen sanamkii xardhanaa, iyo eefodkii, iyo teraafiimkii, iyo sanamkii la shubay, ayuu wadaadkii ku yidhi, War maxaad samaynaysaan? 19 Oo iyana waxay isagii ku yidhaahdeen, Iska aamus, oo gacanta afka saar, ee haddaba na soo raac, oo noo noqo aabbe iyo wadaad; bal kee baa kuu roon, inaad nin keliya reerkiis wadaad u ahaatid, iyo inaad wadaad u ahaatid qabiil iyo jilib reer binu Israa'iil ka mid ah? 20 Markaasuu wadaadkii qalbiga ka farxay, oo qaaday eefodkii iyo teraafiimkii, iyo sanamkii xardhanaa, oo wuxuu dhex galay dadka. 21 Markaasay noqdeen oo tageen, oo waxay iska horraysiiyeen dhallaankii, iyo xoolihii iyo alaabtii. 22 Oo markay ka fogaadeen gurigii Miikaah ayaa raggii joogay guryihii u dhowaa gurigii Miikaah soo wada ururay, oo waxay gaadheen reer Daan. 23 Oo waxay u dhawaaqeen reer Daan. Iyana intay ku soo jeesteen ayay Miikaah ku yidhaahdeen, War maxaa kaa qaylisiinaya oo aad guutada caynkan ah u soo kaxaysatay? 24 Isna wuxuu yidhi, Waxaad iga qaadateen ilaahyadaydii aan sameeyey, iyo wadaadkaygii, oo waad tagteen, haddaba maxaan kaloo haystaa? Haddaba sidee baad ii leedihiin, War maxaa kaa qaylisiinaya?
  • 1 Sam 2:18 : 18 ¶ Laakiinse Samuu'eel wuxuu ka adeegi jiray Rabbiga hortiisa, isagoo wiil yar ah, ee guntan eefod dhar wanaagsan laga sameeyey.
  • 1 Sam 14:3 : 3 iyo Axiiyaah oo ahaa ina Axiituub, oo Iikaboodna walaalkiis ahaa, ee ahaa reer Fiinexaas ina Ceelii oo ahaa wadaadkii Rabbiga oo Shiiloh joogay, isagoo eefod qaba. Oo dadkuna ma ogayn inuu Yoonaataan tegey.
  • 1 Sam 21:9 : 9 Oo wadaadkiina wuxuu yidhi, Bal eeg, waxaa halkan eefodka dabadiisa taal iyadoo maro ku duudduuban seeftii Goli'adkii reer Falastiin, oo aad dooxii Eelaah ku dishay, oo haddaad doonaysid inaad taas qaadatid, iska qaado, maxaa yeelay, taas mooyaane mid kale halkan ma taal. Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Taasoo kaleba ma jirto; ee bal i soo sii.
  • 1 Sam 22:18 : 18 Markaasaa boqorkii Do'eeg ku yidhi, Adigu ku jeeso oo wadaaddada laa. Do'eeggii reer Edomna wuu ku jeestay oo wadaaddadii laayay, oo maalintaas wuxuu laayay shan iyo siddeetan qof oo wada qaba eefod dhar wanaagsan laga sameeyey.
  • 1 Sam 23:6 : 6 ¶ Oo markii Aabyaataar oo ina Axiimeleg ahaa Daa'uud ugu soo cararay xagga Qeciilaah, wuxuu yimid isagoo eefod gacanta ku sita.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 79%

    3Haddaba intii wakhti dheer ah dadka Israa'iil ma ay haysan Ilaaha runta ah, iyo wadaad iyaga wax bara, iyo sharci toona,

    4laakiinse markay cidhiidhi galeen ayay u soo jeesteen oo doondooneen Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, wayna heleen.

  • 5Oo markaas dabadeedna dadka Israa'iil way soo noqon doonaan, oo waxay doondooni doonaan Rabbiga Ilaahooda ah, iyo Daa'uud oo boqorkooda ah, oo ugu dambaysta ayay cabsi ula iman doonaan Rabbigooda iyo wanaaggiisa.

  • Xaak 17:5-6
    2 aayado
    71%

    5Oo ninkii Miikaah ahaana wuxuu lahaa guri ilaahyood, oo wuxuu sameeyey eefod iyo teraafiim, oo wuxuuna quduus ka dhigay wiilashiisii midkood, oo isna wuxuu u noqday wadaadkiisii.

    6Waagaasna reer binu Israa'iil boqor ma ay lahayn; oo nin walubana wuxuu samayn jiray wixii isaga la qumman.

  • Hos 10:1-3
    3 aayado
    70%

    1¶ Dadka Israa'iil waa geed canab ah oo barwaaqaysan, kaasoo midhihiisa soo bixiya, oo sida midhihiisu u bateen ayuu meelihiisa allabariga u badiyey, oo sida dalkiisu u barwaaqaysan yahay ayay u samaysteen tiirar qurqurxoon.

    2Qalbigoodu waa kala qaybsan yahay, oo haatan waxaa lagu heli doonaa gardarro. Meelahooda allabariga ayuu wax ku dhufan doonaa, oo tiirarkoodana wuu wada kharribi doonaa.

    3Sida xaqiiqada ah hadda waxay odhan doonaan, Annagu boqor ma lihin, waayo, Rabbiga kama cabsanno, haddaba bal maxaa boqor noo taraya?

  • 1¶ Waagaas reer binu Israa'iil boqor ma ay lahayn; oo qabiilkii reer Daan waxay wakhtigaas doonayeen dal dhaxal u ah oo ay degaan; waayo, ilaa maalintaas dhaxal kama ay helin qabiilooyinka reer binu Israa'iil.

  • 16Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas markaad tarantaan oo aad dalka dhexdiisa ku badataan, waxay noqon doontaa inaan mar dambe la odhan, Sanduuqii axdiga Rabbiga, oo lagamana fikiri doono, lamana soo xusuusan doono, lamana soo booqan doono, oo mar dambena lama samayn doono.

  • 3Oo waxaan iyada ku idhi, Waa inaad wakhti dheer ii joogtaa, oo aadan dhilloobin, oo aadan innaba nin kale naagtiis noqon, oo aniguna sidaas oo kalaan kuu ahaan doonaa.

  • 1¶ Oo yarkii Samuu'eel ahaana wuxuu Rabbiga uga adeegi jiray Ceelii hortiisa. Oo wakhtigaasna erayga Rabbigu wax aan marar badan la helin buu ahaa, oo muuqasho bayaan ahna lama muujin.

  • Hos 8:3-4
    2 aayado
    68%

    3Dadka Israa'iil way iska xooreen wixii wanaagsanaa, oo iyaga cadowgu waa eryan doonaa.

    4Boqorray boqradeen, laakiinse iyagu ma aha kuwa aan amray, waxayna doorteen amiirro laakiinse anigu ma aan aqoonsan. Lacagtoodii iyo dahabkoodiiba ayay sanamyo ka samaysteen, oo sidaas darteed ayaa loo baabbi'in doonaa.

  • 6Waxay kaxayn doonaan adhyahooda iyo ishkinkooda iyagoo Rabbiga doondoonaya, laakiinse isaga ma ay heli doonaan, waayo, wuu ka noqday iyaga.

  • 25Waagaasna reer binu Israa'iil boqor ma ay lahayn; oo nin walubana wuxuu samayn jiray wixii isaga la qumman.

  • 36Oo Rabbigu wuxuu idinka iyo boqorkiinna aad boqran doontaanba u geeyn doonaa quruun idinka iyo awowayaashiinba aydaan aqoon, oo halkaas waxaad ugu adeegi doontaan ilaahyo kale oo qoryo iyo dhagax ah.

  • 27Markaasay reer binu Israa'iil haddana Rabbiga wax weyddiisteen, (waayo, wakhtigaas waxaa halkaas oolli jiray sanduuqii axdiga Ilaah,

  • 2Oo dadka ayaa ku allabaryi jiray meelaha sarsare oo keliya, maxaa yeelay, ilaa wakhtigaas ma uu jirin guri magaca Ilaah loo dhisay.

  • 1 Sam 7:3-4
    2 aayado
    67%

    3Markaasaa Samuu'eel wuxuu la hadlay reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Haddaad qalbigiinna oo dhan Rabbiga ugu soo noqotaan, de haddaba dhexdiinna ka fogeeya ilaahyada qalaad iyo Cashtarod, oo qalbiyadiinna u diyaariya Rabbiga oo keligiis u adeega; oo isna wuu idinka samatabbixin doonaa gacanta reer Falastiin.

    4Markaasaa reer binu Israa'iil iska fogeeyeen Bacaliim iyo Cashtarod, oo waxay u adeegeen Rabbiga keliya.

  • 1¶ Oo waagaas markii aanay reer binu Israa'iil boqor lahayn, waxaa jiray nin reer Laawi ah oo degganaa dhanka shishe oo dalka buuraha leh oo reer Efrayim, oo kaasuna addoon buu ka guursaday Beytlaxam Yahuudah.

  • 24Waayo, innaba mar dambe reer binu Israa'iil lagama dhex heli doono muujin been ah iyo faal sasab ah.

  • 23ilaa uu Rabbigu dadkii Israa'iil hortiisa ka fogeeyey, siduu kaga hadli jiray addoommadiisii nebiyada ahaa oo dhan. Oo sidaas daraaddeed dadkii Israa'iil waa laga kaxaystay dalkoodii, oo waxaa lala tegey dalka Ashuur, halkaasoo ay ilaa maantadan joogaan.

  • 67%

    31Bal eeg, waxaa iman doona wakhtigii aan gooyn lahaa gacantaada iyo gacanta reerka aabbahaaba si aan reerkaaga nin da' weyn looga helin.

    32Oo waxaad arki doontaa dhibaatada rugtayda markii Ilaah reer binu Israa'iil maal siiyo, oo reerkaaguna nin da' weyn ma yeelan doono weligiisba.

  • 28Oo halkaas waxaad u adeegi doontaan sanamyo gacma dad lagu sameeyey oo ah qoryo iyo dhagax, oo aan waxba arag, waxna maqal, oo aan wax cunin, waxna urin.

  • 3Oo waxay yidhaahdeen, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, maxaa waxanu uga dhex dhaceen reer binu Israa'iil in maanta qabiil ka dhimanaado reer binu Israa'iil?

  • 66%

    34Oo ilaa maantadan waxay sameeyaan sidii caadooyinkoodii hore ay ahaayeen, oo Rabbiga kama cabsadaan, mana ay sameeyaan qaynuunnadoodii, iyo xukummadoodii, iyo sharcigii iyo amarkii uu Rabbigu amray reer Yacquub, kii uu Israa'iil u bixiyey,

    35kuwaasoo uu Rabbigu axdi la dhigtay, oo uu ku amray, isagoo leh, Idinku ilaahyo kale ha ka cabsanina, hana u sujuudina, hana u adeegina, allabarina ha u bixinina;

  • Yer 16:13-14
    2 aayado
    66%

    13Oo sidaas daraaddeed dalkan waan idinka xoori doonaa oo waxaan idinku dhex tuuri doonaa dal aydaan aqoonin idinka iyo awowayaashiin toona, oo halkaasaad ilaahyo kale ugu adeegi doontaan habeen iyo maalinba, oo aniguna innaba raalli idinkama ahaan doono.

    14¶ Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa soo socda wakhti aan mar dambe la odhan doonin, Waxaa nool Rabbigii reer binu Israa'iil dalkii Masar ka soo bixiyey,

  • Ish 17:8-9
    2 aayado
    66%

    8Oo isagu ma uu fiirin doono meelaha allabariga ee uu gacmihiisa ku sameeyey, umana uu jeedsan doono wixii ay farihiisu sameeyeen, kuwaasoo ah geedaha Asheeraah, iyo sanamyada qorraxda.

    9Oo maalintaas magaalooyinkiisa xoogga badanu waxay noqon doonaan sida meelaha ay reer Xiwi iyo reer Amor kaga tageen reer binu Israa'iil hortood, oo waxaa jiri doona baabba'.

  • 4Falimahoodu u oggolaan maayaan inay Ilaahoodii ku soo noqdaan, waayo, damaca sinadu waa ku dhex jiraa, oo Rabbiga ma ay yaqaaniin.

  • 10Haddaba magaalooyinkiinna oo dhan ha idinku badbaadiyee meeh boqorkiinnii? Oo meeye xaakinnadiinnii aad ka tidhaahdeen, Na sii boqor iyo amiirro?

  • 47Oo Edomna boqor ma lahayn, laakiinse waxaa u talin jiray boqor-ku-xigeen.

  • Yer 33:17-18
    2 aayado
    66%

    17Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Daa'uud marnaba ma waayi doono nin carshiga reer binu Israa'iil ku fadhiista.

    18Oo wadaaddada reer Laawina marnaba ma waayi doonaan nin hortayda jooga inuu qurbaanno la gubo bixiyo, iyo inuu qurbaanno hadhuudh ah gubo, iyo inuu had iyo goorba allabaryo.

  • 14Kolkaasaa shantii nin oo waddanka Layish soo basaastay waxay ku jawaabeen oo walaalahood ku yidhaahdeen, War ma og tihiin inay guryahan ku jiraan eefod iyo teraafiim, iyo sanam xardhan iyo sanam la shubay? Haddaba sidaas daraaddeed ka fiirsada waxaad samayn lahaydeen.

  • 9Haddaba iyagu bal dhillanimadooda iyo meydka boqorradooda ha iga fogeeyeen, oo aniguna weligayba dhexdoodaan degganaan doonaa.

  • 4inuu Rabbigu oofiyo eraygiisii uu igaga hadlay, isagoo leh, Carruurtaadu hadday jidkooda dhawraan, oo ay qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhanba si run ah hortayda ugu socdaan, waayi maysid nin carshiga dalka Israa'iil ku fadhiista.

  • 17Adiga, iyo dadkaaga iyo reerka aabbahaaba waxaa Rabbigu ku soo dejin doonaa wakhti aan idiin iman tan iyo waa reer Efrayim ay dalka Yahuudah ka tageen, oo kaasuna waa kii boqorka Ashuur.

  • 20Markaasuu wadaadkii qalbiga ka farxay, oo qaaday eefodkii iyo teraafiimkii, iyo sanamkii xardhanaa, oo wuxuu dhex galay dadka.

  • 1¶ Dadka Israa'iilow, Rabbiga eraygiisa maqla, waayo, Rabbigu dacwad buu la leeyahay dadka dalka deggan, maxaa yeelay, dalka dhexdiisa laguma arko run, ama naxariis, ama aqoonta Ilaah toona.

  • 5waayo, guri ma degin ilaa maalintii aan reer binu Israa'iil soo bixiyey iyo tan iyo maantadan, laakiinse teendhaba teendho kalaan uga bixi jiray oo taambuugna mid kalaan uga bixi jiray.

  • 7¶ Oo reer binu Israa'iilna waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, oo Rabbiga Ilaahooda ahna way illoobeen, wayna u adeegeen Bacaliimkii iyo geedihii Asheeraah.

  • 7Maalintaasba wuu dhawaaqi doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Anigu bogsiiye noqon maayo, maxaa yeelay, gurigayga dhar iyo dhuuni midna laguma arko, haddaba dadka taliye ha iiga dhigina.

  • 17Oo isna wuxuu yidhi, Waxaan arkay dadka Israa'iil oo dhan oo buuraha ku kala firdhay sidii ido aan adhijir lahayn, oo Rabbigu wuxuu yidhi, Kuwanu sayid ma leh ee nin waluba gurigiisii ha ku nabad noqdo.