Hosheeca 5:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Reer Efrayim markuu arkay cudurkiisa, oo dadka Yahuudahna ay dhaawacooda arkeen, markaasaa reer Efrayim wuxuu tegey dalka Ashuur, oo wuxuu u cid dirsaday Boqor Yaareeb. Laakiinse isagu ma awoodo inuu ku bogsiiyo, oo dhaawacaaga kaa dawayn maayo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Hos 7:11 : 11 Reer Efrayim waa sida qoolley doqon ah oo aan waxgarasho lahayn, waayo, iyagu waxay u yeedhaan Masar oo waxay tagaan dalka Ashuur.
  • Hos 10:6 : 6 Oo weliba sanamkii waxaa loo qaadi doonaa dalka Ashuur inuu Boqor Yaareeb gabbaro u noqdo aawadeed. Reer Efrayim wuxuu heli doonaa ceeb, oo dadka Israa'iilna waxay ka ceeboobi doonaan taladooda.
  • Hos 12:1 : 1 ¶ Reer Efrayim waxay quutaan dabayl oo waxay daba galaan dabaysha bari. Had iyo goorba been iyo baabba' bay badiyaan, oo waxay axdi la dhigtaan dadka dalka Ashuur, saliidna Masar bay u qaadaan.
  • Hos 8:9 : 9 Waayo, iyagu waxay u keceen dalka Ashuur, oo waa sidii dameer banjoog ah oo keligiis jooga. Reer Efrayim waxay soo kiraysteen kuwa caashaqa.
  • Yer 30:12 : 12 ¶ Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Nabarkaagu waa mid aan bogsan karin, oo dhaawacaaguna aad buu u xun yahay.
  • 2 Boq 15:19 : 19 Markaasaa waxaa waddankii ku kacay Fuul oo ahaa boqorkii Ashuur; oo Menaxeem ayaa Fuul kun talanti oo lacag ah siiyey inuu gacan ku siiyo si ay boqortooyadu ugu xoogaysato.
  • Yer 30:14-15 : 14 Kuwii ku jeclaan jiray oo dhammu way ku wada illoobeen, oo innaba kuma ay doondoonaan, waayo, waxaan kugu dhaawacay dhaawicii cadowga, iyo edbintii kan naca weyn, waana xumaantaadii badatay aawadeed, maxaa yeelay, dembiyadaadii way sii kordheen. 15 Bal maxaad ula qaylinaysaa nabarkaaga? Xanuunkaagu waa mid aan bogsan karin, waana xumaantaadii badatay aawadeed, oo waxaan waxyaalahan kuugu sameeyey waa dembiyadaadii sii kordhay aawadood.
  • 2 Boq 15:29 : 29 Oo wakhtigii Feqax boqorka ka ahaa dalka Israa'iil waxaa yimid Tiglad Fileser oo ahaa boqorka Ashuur, oo wuxuu qabsaday Ciyoon, iyo Aabeel Beytmacakaah, iyo Yaanoo'ax, iyo Qedesh, iyo Xaasoor, iyo Gilecaad, iyo Galili, iyo dalkii reer Naftaali oo dhan, oo dadkiina maxaabiis ahaan ayuu Ashuur ugu kaxaystay.
  • 2 Boq 16:7 : 7 Sidaas daraaddeed Aaxaas wuxuu farriin u diray Tiglad Fileser oo ahaa boqorkii Ashuur, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay addoonkaagii iyo wiilkaagiiba, haddaba ii kaalay oo iga badbaadi boqorka Suuriya iyo boqorka dalka Israa'iil kuwaas oo igu kacay.
  • 2 Taar 28:16-18 : 16 ¶ Oo wakhtigaas ayaa Boqor Aaxaas u cid dirsaday boqorradii reer Ashuur inay caawiyaan. 17 Waayo, waxaa haddana yimid reer Edom oo intay dalka Yahuudah wax ku dhufteen ayay dadkoodii maxaabiis ahaan u kaxaysteen. 18 Oo weliba reer Falastiinna waxay weerareen magaalooyinkii dooxada iyo kuwii dalka Yahuudah ee Koonfureed, oo waxay qabsadeen Beytshemesh, iyo Ayaaloon, iyo Gedeerood, iyo Sookoo iyo tuulooyinkeedii, iyo Timnaah iyo tuulooyinkeedii, iyo weliba Gimsoo iyo tuulooyinkeedii, oo intaas oo dhanna way iska degeen.
  • 2 Taar 28:20-21 : 20 Markaasaa waxaa isagii u yimid Tilgad Filneser oo ahaa boqorkii Ashuur, oo isna aad buu u dhibay, mana uu caawin isagii. 21 Markaasaa Aaxaas qayb ka soo qaaday gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka iyo kii amiirradaba, oo wuxuu siiyey boqorkii Ashuur, laakiinse taasu isagii waxba uma tarin.
  • Hos 14:3 : 3 Reer Ashuur na badbaadin maayo, oo annagu fardo fuuli mayno, oo weliba sancada gacmahayagana mar dambe ku odhan mayno, Waxaad tihiin ilaahayo. Waayo, agoontu adigay naxariis kaa helaan.
  • Miik 1:9 : 9 Waayo, nabraheedu ma bogsan karaan, oo xataa waxay soo gaadheen dalka Yahuudah, oo waxay soo gaadheen xataa iridda dadkayga taasoo ah Yeruusaalem.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Hos 5:11-12
    2 aayado
    77%

    11Reer Efrayim waa la dulmay, oo xukun baa lagu burburiyey, waayo, raalli bay ku ahaayeen inay amarka daba socdaan.

    12Haddaba sidaas daraaddeed reer Efrayim waxaan u ahay sida balanbaallista oo kale, oo dadka Yahuudahna waxaan u ahay sida waxa qudhmay oo kale.

  • Yer 30:12-15
    4 aayado
    77%

    12¶ Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Nabarkaagu waa mid aan bogsan karin, oo dhaawacaaguna aad buu u xun yahay.

    13Oo innaba mid dacwadaada kuu qaada lama arko in nabarkaaga la duubo, oo dawo wax bogsiisana ma aad haysatid.

    14Kuwii ku jeclaan jiray oo dhammu way ku wada illoobeen, oo innaba kuma ay doondoonaan, waayo, waxaan kugu dhaawacay dhaawicii cadowga, iyo edbintii kan naca weyn, waana xumaantaadii badatay aawadeed, maxaa yeelay, dembiyadaadii way sii kordheen.

    15Bal maxaad ula qaylinaysaa nabarkaaga? Xanuunkaagu waa mid aan bogsan karin, waana xumaantaadii badatay aawadeed, oo waxaan waxyaalahan kuugu sameeyey waa dembiyadaadii sii kordhay aawadood.

  • Hos 5:14-15
    2 aayado
    75%

    14Waayo, waxaan reer Efrayim ku noqon doonaa sidii aar libaax oo kale, oo dadka Yahuudahna waxaan ku noqon doonaa sidii aaran libaax oo kale. Anigu qudhayda ayaa jeexjeexan doona oo bixi doona, waan la tegi doonaa, oo mid iga samatabbixiyaana ma jiri doono.

    15Anigu waan tegi doonaa oo waxaan ku noqon doonaa meeshaydii, jeeray iyagu xumaantooda qirtaan oo ay i doondoonaan. Iyagoo cidhiidhi ku dhex jira ayay aad ii doondooni doonaan.

  • 9Waayo, nabraheedu ma bogsan karaan, oo xataa waxay soo gaadheen dalka Yahuudah, oo waxay soo gaadheen xataa iridda dadkayga taasoo ah Yeruusaalem.

  • 6Markaasuu ku noqday Yesreceel in lagu soo daweeyo nabrihii ay Raamaah kaga dhufteen markuu la diriray Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya. Markaasaa Axasyaah ina Yehooraam oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah tegey inuu soo arko Yehooraam ina Axaab oo joogay Yesreceel, maxaa yeelay, dhaawac buu ahaa.

  • Ish 1:5-6
    2 aayado
    74%

    5Bal maxaa mar dambe wax laydiinku dhufan doonaa, oo aad u sii fallaagoobi doontaan? Madaxa oo dhammu waa bukaa, oo qalbiga oo dhammuna waa taag daranyahay.

    6Madaxa iyo minjaha inta ka dhex leh innaba caafimaad ma leh, laakiinse waxaa ku yaal nabro, iyo burbur, iyo boogo cusub, lama awdin, lamana duubin, oo saliidna laguma dhayin.

  • 17Adiga, iyo dadkaaga iyo reerka aabbahaaba waxaa Rabbigu ku soo dejin doonaa wakhti aan idiin iman tan iyo waa reer Efrayim ay dalka Yahuudah ka tageen, oo kaasuna waa kii boqorka Ashuur.

  • 73%

    28Oo wuxuu raacay Yooraam oo ahaa ina Axaab inay Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya kula diriraan Raamod Gilecaad; oo reer Suuriyana Yooraam bay dhaawaceen.

    29Oo Boqor Yooraamna wuxuu ku noqday Yesreceel in laga soo daweeyo nabrihii ay reer Suuriya Raamaah kaga dhufteen markuu la diriray Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya. Markaasaa Axasyaah ina Yehooraam oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah Yesreceel tegey inuu soo arko Yooraam ina Axaab, maxaa yeelay, dhaawac buu ahaa.

  • 6Oo weliba sanamkii waxaa loo qaadi doonaa dalka Ashuur inuu Boqor Yaareeb gabbaro u noqdo aawadeed. Reer Efrayim wuxuu heli doonaa ceeb, oo dadka Israa'iilna waxay ka ceeboobi doonaan taladooda.

  • 19¶ Rabbiyow, aslanba dalka Yahuudah ma nacday? Naftaadu Siyoon ma karahday? Bal maxaad wax noogu dhufatay oo aannu u bogsan waynay? Nabad baannu filanaynay, laakiinse wax wanaagsanina ma iman, oo waxaannu filanaynay wakhti caafimaad leh, laakiinse waxaa noo timid cabsi keliya!

  • 19Nabarkaagu bogsan maayo, dhaawacaaguna aad buu u xun yahay, oo kuwa warkaaga maqla oo dhammuba way kugu sacab tumaan, waayo, bal waa kuma kan aanay xumaantaadu had iyo goorba gaadhin?

  • 1¶ Haddaba markii aan damco inaan dadka Israa'iil bogsiiyo ayaa waxaa la soo bandhigaa xumaantii reer Efrayim, iyo sharnimadii dadka Samaariya, waayo, waxay sameeyaan wax been ah, oo tuuggiina guduhuu galaa, guutada shuftada ahuna dibadday wax ka dhacaan.

  • 17Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu caafimaad baan kuu soo celin doonaa, oo dhaawacyadaadana waan kaa bogsiin doonaa, maxaa yeelay, iyagu waxay kugu magacaabeen Mid la nacay, oo waxay yidhaahdaan, Tanu waa Siyoon oo aan ninna doonaynin.

  • 3Oo weliba reer Efrayim waan socod baray, oo gacmahaygaan ku xambaaray, laakiinse iyagu ma ay ogayn inaan bogsiiyey iyaga.

  • 1¶ Ina keena aan Rabbiga ku noqonnee, waayo, isagaa ina dillacshay, oo isagaa ina bogsiin doona, isagaa wax inagu dhuftay, oo isagaa nabraheenna inoo duubi doona.

  • 11Reer Efrayim waa sida qoolley doqon ah oo aan waxgarasho lahayn, waayo, iyagu waxay u yeedhaan Masar oo waxay tagaan dalka Ashuur.

  • 5Iyagu kuma noqon doonaan dalkii Masar, laakiinse waxaa boqor u noqon doona kii reer Ashuur, maxaa yeelay, iyagu way diideen inay noqdaan.

  • 11Dadka Masar ee sida bikrad oo kale ahow, waxaad tagtaa Gilecaad, oo beeyo dawo ah soo qaado. Waxtarla'aan baad dawooyin badan u qaadataa, illowse bogsiini kuuma jirto.

  • 21¶ Nebi Ishacyaah wuxuu yidhi, Ha la qaado fud berde ah, oo kasoobaxa ha la saaro, oo isna wuu bogsan doonaa.

  • Hos 5:5-6
    2 aayado
    70%

    5Waxaa dadka Israa'iil ku marag fura kibirkooda, haddaba dadka Israa'iil iyo reer Efrayimba waxay ku turunturoon doonaan xumaantooda, dadka Yahuudahna way la turunturoon doonaan iyaga.

    6Waxay kaxayn doonaan adhyahooda iyo ishkinkooda iyagoo Rabbiga doondoonaya, laakiinse isaga ma ay heli doonaan, waayo, wuu ka noqday iyaga.

  • 5Suuriya, iyo Efrayim, iyo ina Remalyaah waxay kuugu tashadeen talo xun, oo waxay isku yidhaahdeen,

  • 1¶ Reer Efrayim waxay quutaan dabayl oo waxay daba galaan dabaysha bari. Had iyo goorba been iyo baabba' bay badiyaan, oo waxay axdi la dhigtaan dadka dalka Ashuur, saliidna Masar bay u qaadaan.

  • 13Oo weliba hinaasada reer Efrayim wuu idlaan doonaa, oo kuwa dadka Yahuudah dhibana waa la jari doonaa, reer Efrayim kuma hinaasi doonaan dadka Yahuudah, oo dadka Yahuudahna reer Efrayim ma dhibi doonaan.

  • 18Jidadkiisii waan arkay, laakiinse isagaan bogsiin doonaa, oo weliba waan soo hoggaamin doonaa, oo isaga iyo kuwa u barooranayaba waan qalbiqaboojin doonaa.

  • 9Dadka Israa'iilow, baabbi'inna waxaa sabab u ah cadownimada aad ii qabtaan anoo caawiyihiinna ah.

  • 11Bal eeg, waad maqashay wixii ay boqorrada Ashuur dalalka oo dhan ku sameeyeen, iyo sidii ay dhammaantood u wada baabbi'iyeen; haddaba adiga ma lagu samatabbixinayaa?

  • 15laakiinse Boqor Yooraam wuxuu ku noqday Yesreceel in laga soo daweeyo nabrihii reer Suuriya ku dhufteen markuu la diriray boqorkii reer Suuriya oo Xasaa'eel ahaa). Markaasaa Yeehuu wuxuu yidhi, Hadday idinla wanaagsan tahay yaan ninna baxsan oo magaalada ka bixin si uu intuu Yesreceel tago xaalkan u sheego.

  • 5Waayo, Yeruusaalemay, bal yaa kuu tudhi doona? Yaase kuu barooran doona? Yaase u soo leexan doona inuu sidaad tahay weyddiiyo?

  • 11Bal eeg, waad maqashay wixii ay boqorrada Ashuur dalalkan oo dhan ku sameeyeen iyo sidii ay dhammaantood u wada baabbi'iyeen, haddaba adiga ma lagu samatabbixinayaa?

  • 14Reer Efrayim si qadhaadh bay Rabbiga uga xanaajiyeen, haddaba dhiiggoodu korkooduu ku hadhi doonaa, oo ceebtoodana Sayidkoodu waa ku soo celin doonaa.

  • 27Oo Rabbigu wuxuu idinku ridi doonaa boogtii Masar, iyo kasoobaxyo, iyo cadho, iyo xajiin aydaan ka bogsan karin.

  • 9Dalka reer Efrayim wuxuu ahaan doonaa meel cidlo ah maalinta canaanta. Waxaan qabiilooyinka reer binu Israa'iil dhexdooda ka ogeysiiyey waxa xaqiiqa ahaan u dhici doona.

  • 26Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay erayadii aad maqashay:

  • 18Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay waxa ku saabsan erayadii aad maqashay:

  • 9Annagu Baabuloon waannu dawayn lahayn, laakiinse iyadu ma ay bogsan. Iyada ka taga oo midkeen kastaaba dalkiisii ha tago, waayo, xukunkeedii wuxuu gaadhay tan iyo samada, oo waxaa kor loogu qaaday tan iyo cirka.

  • 14Rabbiyow, i bogsii, oo anna waan bogsan doonaa, i badbaadi, oo anna waan badbaadi doonaa, waayo, adigu waxaad tahay ammaantaydii.

  • 19Haddaba xumaantaada ayaa ku edbin doonta, oo dibunoqoshadaada ayaa ku canaanan doonta. Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddaba bal ogow oo arag inay tahay wax shar ah oo qadhaadh inaad iga tagtay anigoo Rabbiga Ilaahaaga ah, iyo inaadan iga cabsan.

  • 11Laakiinse Amasyaah taas wuu maqli waayay. Markaasuu Yehoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil soo kacay, oo isagii iyo Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah waxay iskaga hor yimaadeen Beytshemesh oo uu dadka Yahuudah leeyahay.

  • 3Anigu waan aqaan reer Efrayim, dadka Israa'iilna igama qarsoona, waayo, haatan reer Efrayimow, waad sinaysateen, dadka Israa'iilna way nijaasoobeen.

  • 17Reer Efrayim wuxuu raacay sanamyo, haddaba iska daa.

  • 7Oo markii boqorkii dalka Israa'iil warqaddii akhriyey ayuu dharkiisii iska jeexjeexay oo wuxuu yidhi, War ma anigaa ah Ilaah wax dili kara, waxna noolayn kara? Oo ninkanu ma saasuu nin iigu soo diray si aan baraska uga bogsiiyo? Waan idin baryayaaye bal u fiirsada siduu ii daandaansanayo.

  • 7Markaasaa Ishacyaah yidhi, Waxaad qaaddaan fud berde ah, oo iyana way qaadeen, oo waxay saareen kasoobixii, wuuna bogsaday.