Hosheeca 7:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, iyagu waxay qalbigoodii u diyaariyeen sidii foorno oo kale intii ay wax u gabbanayeen, oo kibisdubahoodiina wuu hurdaa habeenkii oo dhan, oo aroortiina qalbigu waa u qaxmayaa sida dab ololaya oo kale.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Sam 19:11-15 : 11 Markaasaa Saa'uul rag u diray Daa'uud gurigiisii, oo wuxuu ku yidhi, Dhawra oo subaxdii isaga dila. Markaasaa Miikaal oo Daa'uud naagtiisii ahayd ayaa warkii u sheegtay, oo ku tidhi, Haddaadan caawa naftaada la baxsan, berri waa lagu dilayaa. 12 Haddaba Miikaal waxay Daa'uud ka dejisay daaqaddii; oo isna intuu tegey ayuu cararay, waana baxsaday. 13 Markaasaa Miikaal waxay soo qaadday sanam oo sariirtay saartay, oo waxay madaxa u dhigtay barkin dhogor riyood ah, waxayna ku dedday dhar. 14 Oo markii Saa'uul rag u soo diray inay Daa'uud soo kexeeyaan ayay ku tidhi, Wuu bukaa. 15 Markaasaa Saa'uul raggii soo diray inay Daa'uud soo arkaan, oo wuxuu ku yidhi, Isagoo sariirta ku jiifa ii keena aan dilee.
  • 2 Sam 13:28-29 : 28 Markaasaa Absaaloom midiidinnadiisii amray, oo ku yidhi, Haddaba ogaada markii Amnoon intuu khamriga cabbo ku farxo, oo aan idinku idhaahdo, Amnoon dila, markaas waa inaad dishaan, hana baqina, waayo, sow anigu idinkuma amrin? Saas aawadeed dhiirranaada oo xoog yeesha. 29 Oo midiidinnadii Absaaloomna waxay Amnoon ku sameeyeen wixii Absaaloom ku amray. Markaasaa wiilashii boqorka oo dhammu wada kaceen, oo nin waluba wuxuu fuulay baqalkiisii, wayna wada carareen.
  • Sab 10:8-9 : 8 Isagu wuxuu fadhiistaa tuulooyinka meelahooda lagu dhuunto, Oo kan aan xaqa qabinna wuxuu ku dilaa meelaha qarsoon, Oo indhihiisuna waxay si qarsoon hoos uga fiiriyaan miskiinka. 9 Isagu wuxuu ku dhuuntaa meel qarsoon sida libaax godkiisa ku jira, Oo wuxuu u gaadaa inuu miskiinka qabsado, Oo intuu miskiinka qabsado ayuu ku soo jiitaa shabaggiisa.
  • Sab 21:9 : 9 Oo markii aad cadhootid waxaad iyaga ka dhigi doontaa sida foorno dab ah. Oo Rabbigu wuxuu iyaga ku liqi doonaa cadhadiisa, Oo dab baa gubi doona.
  • Maah 4:16 : 16 Waayo, iyagu ma seexdaan haddaanay xumaan falin, Oo hurdadoodana waa laga qaadaa iyagoo cid kufiya mooyaane.
  • Hos 7:4 : 4 Dhammaantood waa dhillayo, oo waa sida foorno uu kibisdubuhu kululeeya oo dabka ololintiisa joojiyaa uun markuu cajiinka cajiimayo ilaa uu cajiinku khamiiro.
  • Hos 7:7 : 7 Iyagu dhammaantood waxay u kulul yihiin sida foorno oo kale, oo waxay baabbi'iyaan xaakinnadooda, oo boqorradii oo dhammuna waxay yihiin kuwa dhacay, oo dhexdooda lagama arko innaba mid i barya.
  • Miik 2:1 : 1 ¶ Waxaa hoogay kuwa xumaanta ka fikira oo waxyaalaha sharka ah sariirahooda ku hindisa. Markii waagu beryo ayay sameeyaan, maxaa yeelay, taas gacantooda baa xoog u leh.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 7Iyagu dhammaantood waxay u kulul yihiin sida foorno oo kale, oo waxay baabbi'iyaan xaakinnadooda, oo boqorradii oo dhammuna waxay yihiin kuwa dhacay, oo dhexdooda lagama arko innaba mid i barya.

  • Hos 7:2-5
    4 aayado
    80%

    2Oo qalbiga kagama ay fikiraan inaan xumaantooda oo dhan xusuusto. Haatan waxaa iyagii dhinacyada ka hareereeyey falimahoodii, oo way i hor yaallaan.

    3Waxay boqorka kaga farxiyaan xumaantooda, oo amiirradana beentooda.

    4Dhammaantood waa dhillayo, oo waa sida foorno uu kibisdubuhu kululeeya oo dabka ololintiisa joojiyaa uun markuu cajiinka cajiimayo ilaa uu cajiinku khamiiro.

    5Maalinta boqorkayaga amiirradu way isku bukaysiiyeen kulaylka khamriga, isagu wuxuu gacanta u taagay kuwo wax quudhsada.

  • Maah 4:16-17
    2 aayado
    75%

    16Waayo, iyagu ma seexdaan haddaanay xumaan falin, Oo hurdadoodana waa laga qaadaa iyagoo cid kufiya mooyaane.

    17Waayo, iyagu waxay cunaan kibistii sharnimada, Oo waxay cabbaan khamrigii dulmiga.

  • 9Oo markii aad cadhootid waxaad iyaga ka dhigi doontaa sida foorno dab ah. Oo Rabbigu wuxuu iyaga ku liqi doonaa cadhadiisa, Oo dab baa gubi doona.

  • 10Waayo, in kastoo ay la mid yihiin qodxan isku wada murugsan, oo ay yihiin sidii kuwo cabniinkoodii ku sakhraamay, haddana waxaa loo wada baabbi'in doonaa sidii bal engegay.

  • 18¶ Waayo, xumaantu waxay wax u gubtaa sida dabka oo kale, oo waxay dam ka dhigtaa yamaarugga iyo qodxanta, oo jiqda duuddana way ololisaa, oo waxaa kor uga baxa daruur qiiq ah.

  • 1¶ Waxaa hoogay kuwa xumaanta ka fikira oo waxyaalaha sharka ah sariirahooda ku hindisa. Markii waagu beryo ayay sameeyaan, maxaa yeelay, taas gacantooda baa xoog u leh.

  • 2Kuwaasoo qalbigooda kaga fikira belaayooyin, Had iyo goorna dagaal bay isu soo urursadaan.

  • 2Waayo, bal eega, kuwa sharka lahu waxay xoodaan qaansada, Fallaadhoodana waxay ku diyaariyaan xadhigga, Inay kan qalbiga ka qumman goor gudcur ah ku ganaan.

  • 14Sida dabka duurka guba, Iyo sida ololka buuraha huriya,

  • Sab 64:4-6
    3 aayado
    72%

    4Si ay meelo qarsoon kan qumman fallaadh ugaga ganaan, Haddiiba si kedis ah ayay ugu ganaan, mana cabsadaan.

    5Qasdi shar ah bay isku dhiirrigeliyaan, Waxay ku arrinsadaan inay si qarsoon dabinno u dhigaan, Oo ay isyidhaahdaan, Bal yaa arki doona?

    6Waxay baadhaan xumaatooyin, iyagoo leh, Annagu baadhid caqli ah ayaannu ebinnay, Fikirka ku jira uurka nin walba iyo qalbiguba waa mool dheer yihiin.

  • 6Way isa soo wada urursadaan, oo way dhuuntaan, Oo waxay fiirsadaan tallaabooyinkayga, Markay gaadayaan naftayda.

  • 10Dhuxulo ololaya ha ku soo dul daateen, Oo iyaga ha lagu dhex tuuro dabka, Iyo godad aad u dhaadheer, si aanay mar dambe u soo sara kicin.

  • 71%

    16Oo goor gudcur ah ayay guryaha dhacaan, Oo maalinnimadana meel bay isku xidhaan, Oo iftiinka maba yaqaaniin.

    17Waayo, subaxnimadu dhammaantood waxay u tahay sida hooska dhimashada, Maxaa yeelay, waxay yaqaaniin cabsida hooska dhimashada.

  • Hos 7:14-15
    2 aayado
    71%

    14Oo qalbigooda igama ay baryin, laakiinse sariirahooday ku kor ooyaan. Waxay u soo wada shiraan hadhuudh iyo khamri aawadood, oo anigana way igu caasiyoobaan.

    15In kastoo aan wax baray oo aan gacmahooda xoogeeyey, ayay weliba shar ii fikiraan.

  • 8Carrabkoodu waa sida fallaadh wax dilaysa oo kale. Khiyaanuu ku hadlaa. Mid waluba deriskiisa nabad buu afka uga sheegaa, laakiinse uurka wuu uga gabbadaa.

  • 2Waayo, qalbigoodu wuxuu ka fikiraa kharribaad, Oo bushimahooduna waxay ku hadlaan belaayo.

  • 14Bal eeg, iyagu waxay noqon doonaan sida xaab oo kale, oo dabka ayaa wada gubi doona, oo iyana xoogga ololka iskama ay samatabbixin doonaan, oo dabkaasuna ma ahaan doono dhuxul la kulaalo, amase dab la hor fadhiisto.

  • 29Buufinkii aad buu wax u buufiyaa, oo laxaamaddiina dabkaa baabba'saday, oo lacag shubihiina waxtarla'aan buu wax u sii dhalaalinayaa, waayo, sharrowyadii weli ma soocna.

  • 18Iyagu waxay u gaadaan si dhiiggooda loo daadiyo, Oo waxay si qarsoon ugu dhuuntaan si naftooda looga qaado.

  • 8Iyagu waxay quutaan dembigii dadkayga, wayna jeclaystaan xumaantoodii.

  • 10Qoryo ku sii gur, oo dabka sii shid, oo hilibka aad u kari, oo maraqana xawaash ku shub, oo lafuhuna ha gubteen.

  • 5Kuwii qalbiga adkaa waa la dhacay, oo hurdadoodii ayay wada gam'een, Oo raggii xoogga badnaana midkoodna gacmihiisii waxba kuma samayn.

  • 8Waxay qalbigooda iska yidhaahdeen, Kaalaya aan dhammaantood baabbi'innee, Waxay wada gubeen sunagogyadii Ilaah oo dalka ku dhex yiil oo dhan.

  • Sab 17:11-12
    2 aayado
    70%

    11Oo haatan waxay cidhiidhiyeen tallaabooyinkayagii, Oo waxay noogu dhaygageen inay dhulka nagu tuuraan aawadeed.

    12Isagu waa sida aar libaax ugaadhsi damacsan, Iyo sida aaran libaax oo meelo qarsoon ku dhuunta.

  • 3Gacmahoodu waxay aad ugu dadaalaan inay sameeyaan wax shar ah. Amiirka iyo xaakinkuba waxay dadka weyddiistaan laaluush. Ninka weynuna wuxuu ku hadlaa xumaanta naftiisu doonayso, oo sidaasay isugu maroojiyaan xumaan.

  • 39Rabbigu wuxuu leeyahay, Markay kululaadaan ayaan diyaafad u samayn doonaa, oo waan wada sakhraamin doonaa si ay u reyreeyaan oo ay u seexdaan hurdo weligeed ah oo ayan ka soo toosin.

  • 11Waayo, iyagu waxay ku talo jireen inay xumaan kugu sameeyaan, Oo waxay hindiseen xeel ayan iyagu dhammayn karin.

  • 14Kuwa sharka lahu waxay la bexeen seeftoodii, qaansadoodiina way xooteen, Si ay miskiinka iyo kan baahan hoos ugu tuuraan, Oo ay laayaan kuwa jidkooda ku qumman.

  • 26Waayo, dadkayga dhexdiisa waxaa laga helaa niman shar ah. Waxay u gabbadaan sida kuwa wax dabta, oo intay dabin u qoolaan ayay dad qabsadaan.

  • 22Markaad col sii dhaqsiya ugu soo daysid, qaylo ha ka dhex yeedho guryahooda, waayo, god bay ii qodeen, oo shirqool bay cagahayga u qariyeen.

  • 7Waayo, waxay laayeen reer Yacquub, Rugtoodiina way baabbi'iyeen.

  • 33Waayo, Tofed waa horaa la sii diyaarshay, oo waxaa loo sii hagaajiyey boqorka, oo aad buu u sii qoday oo uu sii ballaadhiyey, oo waxaa ka tuullan dab iyo qoryo faro badan, oo waxaa shidaysa neeftii Rabbiga oo la moodo sida durdur baaruud ah.

  • 14Waayo, dadka Israa'iil Abuurahoodii way illoobeen, oo waxay dhisteen daaro waaweyn, dadka Yahuudahna magaalooyin deyr leh aad bay u badsadeen, laakiinse anigu magaalooyinkooda ayaan dab ku soo dul dayn doonaa, oo wuxuu wada gubi doonaa daarahooda waaweyn oo dhan.

  • 18Oo guutadoodiina dab baa ka dhex shidmay, Ololkiina wuxuu wada gubay kuwii shar lahaa.

  • 7Cagahoodu shar bay u ordaan, oo waxay u degdegaan inay dhiig aan xaq qabin daadiyaan. Fikirradoodu waa fikirro xumaaneed, baabba' iyo halligaad ayaa jidadkooda dhex yaal.

  • 20Waxayna yidhaahdaan, Sida xaqiiqada ah kuwii nagu kacay waa la baabbi'iyey, Oo kuwoodii hadhayna dab baa liqay.

  • 13Oo weliba wuxuu diyaarsaday alaabtii dhimashada, Oo fallaadhihiisana wuxuu ka dhigtaa kuwo ololaya.

  • 14Gacankudhiigluhu kaaha waaberi wuu la soo kacaa, oo wuxuu dilaa miskiinka iyo saboolka baahan, Oo habeenkiina isagu waa sida tuug oo kale.

  • 14Turumbadii bay ku dhufteen, oo wax kastaba way sii diyaariyeen, laakiinse midna dagaalka uma baxo, waayo, dadkooda badan cadhadaydii baa dul saaran.

  • 25Sidaas daraaddeed wuxuu dadka ku sii daayay cadhadiisii aad u kululayd, iyo xooggii dagaalka, oo hareerahooda oo dhanna dab baa lagu shiday, laakiinse way garan waayeen, waana la gubay, illowse innaba qalbiga ma gelin.