Ishacyaah 21:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Kanu waa warka culus ee ku saabsan cidlada badda ku ag taal. Sida cirwareentu koonfur uga timaado oo kale ayuu cidlada oo ah dal cabsi badan uga yimaadaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 13:1 : 1 ¶ Kanu waa warka culus ee Baabuloon ku saabsan oo uu Ishacyaah ina Aamoos arkay.
  • Yer 51:42 : 42 Baabuloon baddii baa ku soo kor butaacday, oo waxaa qarqiyey hirarkeedii badnaa.
  • Sak 9:14 : 14 ¶ Oo Rabbigiina waa lagu arki doonaa korkooda, oo fallaadhihiisuna waa u soo bixi doonaan sida hillaac. Oo Sayidka Rabbiga ahu buunkuu afuufi doonaa, oo wuxuu raaci doonaa dabaylo cirwareen ah ee koonfureed.
  • Ish 13:20-22 : 20 Oo weligeed innaba lama degi doono oo tan iyo ab ka ab laguma dhex hoyan doono, oo Carabkuna halkaas teendho kama dhisan doono, oo adhijirraduna halkaas adhigooda ma daajin doonaan. 21 Laakiinse halkaas waxaa jiifsan doona dugaagga lamadegaanka, oo guryahoodana waxaa ka buuxsami doona guumeyso, oo waxaa ku hoyan doona gorayo, waxaana ku dhex cayaari doona xayawaan dhogor dheer leh. 22 Oo yeey baana guryahooda cidloobay qaylo isugu jawaabi doona, oo daarahooda qurqurxoonna dawacooyin baa ka dhex qaylin doona, oo wakhtigeediina kol dhow buu iman doonaa, oo cimrigeedana lama sii dheerayn doono.
  • Ish 14:23 : 23 Oo weliba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxaan ka dhigi doonaa hantida caanaqubta iyo balliyo biyo ah, oo waxaan ku xaaqi doonaa xaaqinka baabbi'inta.
  • Ish 17:1 : 1 ¶ Kanu waa warka culus ee Dimishaq ku saabsan. Bal eega, Dimishaq inay magaalo sii ahaato waa laga joojiyey, oo waxay ahaan doontaa tuulmooyin burbur ah.
  • Ish 13:4-5 : 4 Waxaa la maqlayaa bulxanka dadka badan oo buuraha ka yeedhaya sida dad fara badan! Waxaana la maqlayaa buuqa boqortooyooyinkii quruumaha isa soo wada urursaday! Rabbiga ciidammadu wuxuu soo ururinayaa ciidanka dagaalka. 5 Waxay ka imanayaan waddan fog iyo samada darafka ugu shisheeya inay dalka oo dhan baabbi'iyaan, waana Rabbiga iyo hubkii dhirifkiisaba.
  • Ish 13:17-18 : 17 Bal eega, waxaan iyaga ku soo kicin doonaa reer Maaday oo aan innaba lacag ka fikirayn oo aan dahabkana ku farxin. 18 Qaansooyinkoodu waxay baabbi'in doonaan barbaarrada, oo midhaha maxalkana innaba uma ay naxariisan doonaan, oo carruurtana uma ay tudhi doonaan.
  • Yex 30:11 : 11 Isaga iyo dadkiisa la jira oo ah kuwa ugu nac weyn ee quruumaha ayaa loo keeni doonaa inay dalka baabbi'iyaan, oo seefahooda ayay Masar ula bixi doonaan oo waxay dalka ka buuxin doonaan kuwa la laayay.
  • Yex 31:12 : 12 Shisheeyayaashii ahaa kuwii quruumaha ugu nac weynaa ayaa isaga baabbi'iyey oo ka tegey. Buuraha korkooda iyo dooxooyinka dhexdooda oo dhanba waxaa daadsan laamihiisii, oo laamihiisii waxay ku ag jajaban yihiin webiyaasha dalka oo dhan; oo dadyowgii dunida oo dhammuna hooskiisay ka wada dareereen oo isagay ka tageen.
  • Daan 11:40 : 40 Wakhtiga ugu dambaysta ayaa boqorka koonfureed la dagaallami doonaa isaga, oo boqorka woqooyina wuxuu ugu iman doonaa sida dabayl cirwareen ah, isagoo wata gaadhifardood, iyo fardooley, iyo doonniyo badan, wuxuuna soo dhex geli doonaa waddammada, wuuna qarqin doonaa, oo dhex mari doonaa.
  • Ayuub 37:9 : 9 Koonfurta waxaa ka soo baxa duufaanka, Oo qabowguna wuxuu ka yimaadaa woqooyiga.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 21:2-3
    2 aayado
    80%

    2Waxaa lay tusay muujin culus. Khaa'inkii khiyaanuu sameeyaa, oo kan wax dhacaana wax buu dhacaa. Reer Ceelaamow, ku kac, reer Maadayow, hareeree. Taahiddii oo dhan anigu waan joojiyey.

    3Sidaas daraaddeed naxdin baa cidhiidhi i gelisay, oo waxaa i qabtay xanuun badan sida naag foosheed oo kale, oo xanuun aawadiis waxba waan maqli kari waayay, oo naxdin aawadeed waxba waan arki kari waayay.

  • 32¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, masiibaa soo bixi doonta oo quruun bay quruun kale uga sii gudbi doontaa, oo duufaan weyn ayaa laga soo kicin doonaa dhulka darafyadiisa.

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 19Bal eega, duufaankii Rabbiga ayaa soo baxay, kaasoo ah cadhadiis, waana dabayl cirwareen ah, oo waxay ku dhici doontaa madaxa sharrowyada.

  • 21Waxaa isaga kaxaysa dabaysha bari, oo isna wuu tagaa, Oo meeshiisana way ka xaaqdaa.

  • 1¶ Kanu waa warka culus ee Turos ku saabsan. Doonniyaha Tarshiishow, baroorta, waayo, way baabba'day, guri iyo irid la galo midna ma leh, waxaana iyaga looga muujiyey dalka Kitiim.

  • Yer 4:11-12
    2 aayado
    74%

    11Oo wakhtigaas waxaa dadkan iyo Yeruusaalemba lagu odhan doonaa, Dadkayga dabayl kulul ayaa uga iman doonta xagga meelaha dhaadheer ee cidlada ku yaal, mana ahaan doonto mid wax haadinaysa amase wax safaynaysa,

    12laakiinse waxay ahaan doontaa dabayl xoog badan oo amarkayga ku imanaysa, oo weliba haatan anigu xukunkoodii waan ku hadli doonaa.

  • 23¶ Bal eega, duufaankii Rabbiga ayaa soo baxay, kaasoo ah cadhadiis, waana dabayl cirwareen ah, oo waxay ku dhici doontaa madaxa sharrowyada.

  • 9Koonfurta waxaa ka soo baxa duufaanka, Oo qabowguna wuxuu ka yimaadaa woqooyiga.

  • 15Maalintaasu waa maalin ay cadho jirto, oo waa maalin ay jiraan dhibaato iyo cidhiidhi, oo waa maalin ay jiraan dumin iyo baabbi'in, oo waa maalin ay jiraan gudcur iyo mugdi madow, oo waa maalin ay jiraan daruuro iyo gudcur dam ah,

  • 13¶ Kanu waa warka culus ee dalka Carabta ku saabsan. Kuwiinna safarka ah oo reer Dedaanow, waxaad ku hoyan doontaan kaynta dalka Carabta.

  • 27Markay cabsidiinnu u timaado sida duufaan oo kale, Oo belaayadiinnuna u timaado sida dabayl cirwareen ah; Oo dhibaato iyo cidhiidhi idinku yimaadaan.

  • Yer 51:42-43
    2 aayado
    72%

    42Baabuloon baddii baa ku soo kor butaacday, oo waxaa qarqiyey hirarkeedii badnaa.

    43Magaalooyinkeedii waxay noqdeen cidla iyo dhul engegan, iyo lamadegaan, iyo dal aan ciduna degganayn, ama aan binu-aadmi innaba soo ag marin.

  • Ish 18:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Dalka baalasha hadhsanaya wuxuu ka sii shisheeyaa webiyaasha Kuush!

    2Ergooyin ayuu badda ku diraa, oo xataa doonniyo caw ah ayuu biyaha korkooda ku diraa oo yidhaahdaa, Wargeeyayaasha dheereeyow, waxaad u tagtaan quruun dheer oo sulubsan, oo ah dad tan iyo bilowgoodii aad looga cabsado, oo ah quruun xoog badan oo wax ku tumata, oo dalkeeda webiyadu kala qaybiyaan!

  • 15In kastoo uu walaalihiis dhexdooda ku dhal badan yahay, waxaa iman doonta dabayl bari ka timid, taasoo ah neefta Rabbiga oo cidlada ka soo baxaysa, oo ishiisa biyood way engegi doontaa, oo durdurkiisuna wuu iska gudhi doonaa, oo waa laga wada dhici doonaa khasnadda alaabta qaaliga ahu ugu jirto.

  • 21¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 36Oo waxaan reer Ceelaam ku soo dayn doonaa afarta dabaylood oo samada afarteeda qabladood ka timid, oo iyaga waxaan u kala firdhin doonaa qabladahaas oo dhan, oo innaba ma ay jiri doonto quruun aan reer Ceelaam masaafurisyadoodu geli doonin.

  • 1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu Baabuloon iyo kuwa dalka reer Kaldayiin dhex degganba waxaan ku soo kicin doonaa dabayl wax baabbi'isa.

  • 13Quruumuhu waxay u guuxi doonaan sida guuxa biyo faro badan, laakiinse wuu canaanan doonaa, oo meel fog bay u carari doonaan, oo waxaa loo eryi doonaa sida xaabka buuraha ee dabayshu kaxayso iyo sida boodh cirwareen ah.

  • 18Haddaba maalinta dhiciddaada gasiiraduhu way wada gariiri doonaan, hubaal gasiiradaha badda ku dhex yaallaa bixitinkaaga aawadiis ayay la argaggixi doonaan.

  • 3Hortooda dab baa wax laasanaya, oo dabadoodana olol baa wax gubaya. Dhulka iyaga ka horreeya waa sida Beer Ceeden, oo kan iyaga ka dambeeyana waa sidii cidla baabba' ah oo kale, oo wax iyaga ka baxsadayna innaba ma jiraan.

  • 23¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 8¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 22Bal maqla qaylada warka iyo rabshadda weyn oo xagga dalka woqooyi ka soo socota, oo markaas waxaa magaalooyinka dalka Yahuudah laga dhigi doonaa baabba' iyo meel ay dawacooyinku ku hoydaan.

  • 1¶ Kanu waa warka culus ee Dimishaq ku saabsan. Bal eega, Dimishaq inay magaalo sii ahaato waa laga joojiyey, oo waxay ahaan doontaa tuulmooyin burbur ah.

  • Ish 21:10-11
    2 aayado
    71%

    10Dadkayga sida hadhuudh la tumayow, wixii aan Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil ka maqlay waan idin ogeysiiyey.

    11¶ Kanu waa warka culus ee Duumah ku saabsan. Mid baa aniga Seciir iiga yeedhay, isagoo leh, Waardiyow, habeenka ka warran?

  • 1¶ Kanu waa war culus ee dooxada muujinta ku saabsan. War maxaa idinku dhacay, oo aad dhammaantiin guryaha dushooda la korteen?

  • 4Isagu wuxuu canaantaa badda, oo weliba iyaduu engejiyaa, oo webiyaasha oo dhanna wuu wada qallajiyaa. Baashaan iyo Karmel way engegaan, oo ubixii Lubnaanna waa dhaday.

  • 18Oo ay sababtaas aawadeed u noqdaan sidii xaab dabayl ka horreeya, Iyo sidii buunshe uu duufaanu kaxeeyo?

  • 14Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Masiibo ayaa xagga woqooyi kaga soo kici doonta dadka dalka deggan oo dhan.

  • 1¶ Bal eega, Rabbigu dalkuu madhinayaa, oo baabba' buu ka dhigayaa, wuuna afgembiyayaa, oo kuwa degganna wuu kala firdhinayaa.

  • 8Waxaan gabbaad kaga carari lahaa Dabaysha hufada ah iyo duufaanka.

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 19oo bal eeg, waxaa cidlada ka timid dabayl weyn, oo gurigii afartiisa rukun bay ku dhufatay, kolkaasuu ku dumay raggii dhallinyarada ahaa, oo dhammaantood way dhinteen, oo anigoo keliya ayaa ka soo baxsaday inaan warka kuu soo sheego.

  • 7Kan dalka dhex degganow, masiibadaadii waa kuu timid! Wakhtigii waa yimid, oo maalintuna way soo dhow dahay, taasoo ah maalin dhibeed oo aan ahayn dhawaaqa faraxa badan ee buuraha korkooda.

  • 2Bal eega, Sayidku wuxuu leeyahay mid itaal weyn oo xoog badan. Sida roobdhagaxyaale ah, iyo duufaan wax burburinaya, iyo sida daad biyo xoog badan oo wax qarqinaya ayaa gacantiisu dhulka wax ugu xoori doontaa.

  • 3Waayo, quruun baa xagga woqooyi iyada kaga soo kacaysa, taasoo dalkeeda cidla ka dhigi doonta, oo ciduna ma dhex degganaan doonto, oo dad iyo duunyaba way carareen, wayna tageen.

  • 30Oo maalintaas waxay iyaga ugu gurxami doonaan sida gurxanka badda; oo haddii dalka la eegana waxaa ka muuqda gudcur iyo cidhiidhi, oo iftiinkuna waa ku dhex madoobaaday daruurihii.

  • 26Kuwii seebab kuugu kaxaynayay waxay ku geeyeen meel biyo badan, oo dabayshii bari ayaa badda dhexdeeda kugu jebisay.

  • 16si ay dalkoodii uga dhigaan cidla laga yaabo iyo wax had iyo goorba lagu foodhyo. Mid kasta oo ag maraaba wuu yaabi doonaa, oo madaxuu luli doonaa.

  • 5Oo biyuhuna badda way ka madhan doonaan, oo webiguna wuu gudhi doonaa oo engegi doonaa.

  • 9Bal eega, maalinta Rabbigu way imanaysaa iyadoo nac weyn oo ka buuxda cadho iyo xanaaq kulul si dhulka cidla looga dhigo oo dembilayaasha oo dhan dhexdiisa looga baabbi'iyo.

  • 31Oo waxaan kugu soo kor shubi doonaa dhirifkayga, oo dabkii cadhadayda ayaan kugu soo afuufi doonaa, oo waxaan gacanta kuugu ridi doonaa niman doqonna ah oo aad waxbaabbi'inta u yaqaan.

  • 20Belaayo baa belaayay ku soo kor dhacday, ayaa lagu dhawaaqay, waayo, dalkii oo dhan waa baabba'ay. Teendhooyinkaygii haddiiba way baabbe'een, oo daahyadaydiina daqiiqad qudha ayay dhammaadeen.

  • 6¶ Kanu waa warka culus ee xayawaanka koonfureed ku saabsan. Waxay maalkooda dameerro dhabarkooda ugu raraan oo ay khasnadahoodana awr kuruskeed ugu qaataan dad aan iyaga waxba u tari doonin, oo waxay dhex maraan dalka dhibka iyo cidhiidhiga oo ay goosha iyo aarka, iyo jilbiska iyo masduulaaga dabka lahu ka yimaadaan.