Ishacyaah 23:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse baayacmushtarigeeda iyo kiradeedaba quduus baa Rabbiga looga dhigi doonaa, lama urursan doono, lamana kaydsan doono, waayo, baayacmushtarigeedu wuxuu u ahaan doonaa kuwa Rabbiga hortiisa jooga inay wax ku filan cunaan oo ay dhar raagaya xidhaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 72:10 : 10 Boqorrada Tarshiish iyo kuwa gasiiraduhuba waxay isaga u keeni doonaan gabbaro, Boqorrada Shebaa iyo kuwa Sebaana waxay isaga siin doonaan hadiyado.
  • Maah 3:9-9 : 9 Rabbiga ku murwee maalkaaga Iyo midhaha ugu horreeya waxa kuu kordha oo dhan; 10 Sidaasay maqsinnadaadu barwaaqo uga buuxsami doonaan, Macsarooyinkaaguna waxay la buuxdhaafi doonaan khamri cusub.
  • Maah 13:22 : 22 Ninkii wanaagsanu dhaxal buu uga tagaa carruurta carruurtiisa, Oo maalka dembilahana waxaa loo kaydiyaa kuwa xaqa ah.
  • Maah 28:8 : 8 Kii korsaar iyo ribo maalkiisa ku korodhsadaa, Wuxuu u ururin doonaa mid masaakiinta u naxariista.
  • Wacd 2:26 : 26 Waayo, qofkii Ilaah ka farxiyo wuxuu siiyaa xigmad iyo aqoon iyo farxad, laakiinse dembilaha wuxuu siiyaa dhib inuu wax u ururiyo oo uu taallaysto si uu u siiyo kan Ilaah ka farxiya. Taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.
  • Ish 60:5-9 : 5 Markaasaad arki doontaa oo nuuri doontaa, oo qalbigaaguna farxad buu la gariiri doonaa, wuuna rayrayn doonaa, waayo, badda maalkeeda badan adigaa laguu soo leexin doonaa, oo hodantinimada quruumahuna adigay kuu iman doontaa. 6 Waxaa kuu badan doona awr iyo qaalmihii reer Midyaan iyo reer Ceefah, kulligood waxay ka iman doonaan Shebaa, oo waxay keeni doonaan dahab iyo foox. Rabbiga ammaantiisana waa la naadin doonaa. 7 Adhyaha reer Qedaar oo dhammuna adigay kugu soo wada ururi doonaan, oo wananka Nebayodna waxay noqon doonaan wax laguugu adeego, meeshayda allabariga dusheeda way iman doonaan, iyagoo la aqbalo, oo gurigayga ammaanta leh waan ammaani doonaa. 8 Waa kuwee kuwan u duulaya sida daruur oo kale, iyo sida qoolleyo buulalkooda u duulaya? 9 Hubaal gasiiraduhu anigay i sugi doonaan, oo doonniyaha Tarshiish ayaa marka hore iman doona inay wiilashaadii meelo fog ka keenaan iyagoo lacagtoodii iyo dahabkoodiiba wata, oo waxay u iman doonaan magaca Rabbiga ah Ilaahaaga iyo Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil aawadiis, maxaa yeelay, isagu wuu ku ammaanay.
  • Miik 4:13 : 13 Magaalada Siyoonay, sara joogso, oo wax tun, waayo, geeskaaga waxaan ka dhigi doonaa bir, oo qoobabkaagana waxaan ka dhigi doonaa naxaas, oo adna dadyow badan baad burburin doontaa oo faa'iidadooda waxaad gooni u sooci doontaa Rabbiga, oo maalkoodana waxaad gooni u sooci doontaa Sayidka adduunka oo dhan.
  • Sak 14:20-21 : 20 Wakhtigaas dawannada fardaha waxaa ku qornaan doona, WAA U QUDUUS RABBIGA, oo dheryaha guriga Rabbiga ku jiraana waxay ahaan doonaan sida maddiibadaha meesha allabariga hor yaal. 21 Oo xataa dheri kasta oo Yeruusaalem dhex yaal iyo mid kasta oo dalka Yahuudah dhex yaalba quduus buu u ahaan doonaa Rabbiga ciidammada, oo kuwa allabariga bixiya oo dhammu way iman doonaan oo intay qaataan ayay wax ku karsan doonaan, oo wakhtigaas ka dib mid reer Kancaan ahu guriga Rabbiga ciidammada kuma jiri doono.
  • Mal 3:10 : 10 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeltobnaadyada oo dhan khasnadda soo geliya in gurigayga cunto ku jirto aawadeed, oo haddaba taas igu tijaabiya, haddii aan idiin furi waayo daaqadaha samada, oo aan idinkaga soo shubi waayo barako aan meel qaadi karta la arag.
  • Mat 6:19-21 : 19 ¶ Maal ha ku urursanina dhulka, meesha aboorka iyo miridhku ku baabbi'iyaan, iyo meesha tuugaggu jebiyaan oo ka xadaan, 20 laakiin maal jannada ku urursada, meesha aboorka iyo miridhku ayan ku baabbi'in iyo meesha tuugaggu ayan jebin oo ayan ka xadin. 21 Waayo, meesha maalkaagu ku jiro, meeshaasaa qalbigaaguna ku jiri doonaa.
  • Mat 25:35-40 : 35 Waayo, waan gaajooday oo cuntaad i siiseen, waan harraadsanaa oo waad i waraabiseen, qariib baan ahaa oo waad i soo dhoweeyseen, 36 waan qaawanaa oo dhar baad i huwiseen, waan bukay oo waad i soo booqateen, xabsi baan ku jiray oo waad ii timaadeen. 37 Markaasaa kuwa xaqa ahu u jawaabi doonaan iyagoo leh, Sayidow, goormaannu ku aragnay adigoo gaajaysan oo aannu cunto ku siinnay, ama adigoo harraadsan oo aannu ku waraabinnay? 38 Goormaannu ku aragnay adigoo qariib ah oo aannu ku soo dhowaynay ama adigoo qaawan oo aannu wax ku huwinnay? 39 Goormaannu ku aragnay adigoo buka ama adigoo xabsi ku jira oo aannu kuu nimid? 40 Markaasaa Boqorkii u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayseen mid ka mid ah walaalahaygan u yaryar, waad ii samayseen.
  • Mark 3:8 : 8 iyo Yeruusaalem, iyo Idumiya, iyo Webi Urdun shishadiisa, iyo kuwa ag joogay Turos iyo Siidoon; dad tiro badan goortii ay maqleen waxa weyn ee uu samaynayay ayay u yimaadeen.
  • Luuk 8:3 : 3 iyo Yo'anna afadii Khusas ee wakiilkii Herodos ahaa, iyo Susanna, iyo qaar badan oo kale oo waxooda ugu adeegi jiray.
  • Luuk 12:18-20 : 18 Markaasuu yidhi, Sidan ayaan samayn doonaa. Maqsinnadaydii ayaan dumin doonaa oo kuwa ka waaweyn ayaan dhisan doonaa; halkaasna ayaan ku urursan doonaa sarreenkayga iyo alaabtayda oo dhan, 19 oo waxaan naftayda ku odhan doonaa, Nafay, waxaad leedahay alaab badan oo sannado badan loo dhigay. Naso oo wax cun oo cab oo farax. 20 Laakiin Ilaah wuxuu ku yidhi, Kaaga doqonka ahow, caawa naftaada waa lagu weyddiisan doonaa, wixii aad diyaarsatayna yaa lahaan doonaa?
  • Luuk 12:33 : 33 Iibiya waxaad leedihiin oo sadaqo bixiya. Samaysta kiishash aan duugoobaynin, oo maal aan dhammaanaynin ku urursada jannada, meesha aan tuug ku soo dhowaan oo aan aboor ku baabbi'in.
  • Luuk 16:9-9 : 9 ¶ Oo waxaan idinku leeyahay, Saaxiibbo ku samaysta maalka xaqdarrada in goortuu dhammaado ay idiinku dhoweeyaan degmooyinka weligood ah. 10 Kan waxa u yar aamin ku ah, ayaa weliba wax badan aamin ku ah. Kan waxa u yar ku xaqdaran, ayaa waxa badanna ku xaqdaran. 11 Haddii aydnaan maalka xaqdaran aamin ku ahayn, waxa run ah yaa idinku aaminaya? 12 Haddii aydnaan wixii qof kale leeyahay aamin ku ahayn, yaa idin siinaya wixiinna? 13 Midiidinna laba sayid uma shaqayn karo, waayo, mid buu nacayaa, kan kalena wuu jeclaanayaa, ama mid buu la jirayaa, kan kalena wuu quudhsanayaa. Uma wada shaqayn kartaan Ilaah iyo maal.
  • Fal 9:39 : 39 Markaasaa Butros kacay oo raacay iyagii. Oo kolkuu yimidna, waxay geeyeen qolladdii sare; carmalladii oo dhammina waa ag taagnaayeen iyagoo ooyaya oo tusaya garbageliyaashii iyo dharkii Dorkas samaysay intay la joogi jirtay iyaga.
  • Fal 21:3-5 : 3 Oo kolkii Qubrus noo muuqatay, ayaannu dhinaca bidixda ka marnay oo u dhoofnay Suuriya, oo waxaannu ku degnay Turos, maxaa yeelay, meeshaasaa doonnidu shixnaddeedii ku dejin lahayd. 4 Oo markaannu xertii ka helnay, ayaannu meeshaas joognay toddoba maalmood; oo kuwaasu waxay Ruuxa ugu sheegeen Bawlos inaanu Yeruusaalem cag saarin. 5 Oo markii maalmahaasu noo dhammaadeen ayaannu ka tagnay oo sii soconnay; oo dhammaantood, iyaga iyo dumarkoodii iyo carruurtoodiiba, ayay na sii ambabbixiyeen ilaa magaalada dibaddeeda; markaasaannu xeebta ku jilba joogsannay oo tukannay,
  • Room 15:25-27 : 25 laakiinse haatan waxaan aadayaa Yeruusaalem inaan u adeego quduusiinta. 26 Waayo, dadka Makedoniya iyo Akhaya waxay aad u jeclaysteen inay wax u ururiyaan masaakiinta ka midka ah quduusiinta Yeruusaalem joogta. 27 Way jeclaysteen, waana ku waajib inay sameeyaan. Waayo, dadka aan Yuhuudda ahayn hadday noqdeen kuwo ka qayb galay waxyaalahooda ruuxa, de markaas waxaa ku waajib ah iyaga inay ugu adeegaan waxyaalaha jidhka.
  • Gal 6:6 : 6 ¶ Kan hadalka la baraa wax walba oo wanaagsan qayb ha ka siiyo kan wax bara.
  • Fil 4:17-18 : 17 Ma aha inaan hadiyad doonayo, laakiin waxaan doonayaa midhaha xaggiinna ku kordhaya. 18 Laakiinse anigu wax kastaba waan haystaa, oo waan barwaaqaysanahay. Waan dheregsanahay, waayo, waxaan Ebafroditos ka helay wixii aad ii soo dirteen, kuwaas oo ah allabari Ilaah aqbali karo oo uu aad ugu farxo oo caraf udgoon leh.
  • Bax 28:36 : 36 ¶ Oo waa inaad samaysaa waslad khafiifa oo dahab saafiya ah, waxaad ku xaradhaa xaradhka u eg xaradhka shaabadda oo leh, WAA U QUDUUS RABBIGA.
  • Sharc 12:18-19 : 18 laakiinse iyaga waa inaad ku cuntaan Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa taasoo ah meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu dooranayo. Midkiin kasta iyo wiilkiisa iyo gabadhiisa, iyo addoonkiisa iyo addoontiisa, iyo ka reer Laawi oo irdihiisa ku jira, meeshaas ha ku cuneen, oo idinkoo Rabbiga hor jooga waa inaad ku faraxdaan wax alla wixii aad gacanta ku qabataanba. 19 Haddaba digtoonaada, oo reer Laawi ha dayrinina in alla intaad dalkiinna ku nooshihiin oo dhan.
  • Sharc 26:12-14 : 12 ¶ Oo markaad wada dhammaysid bixintii meeltobnaadyada aad ka bixinaysid midhaha kuu baxa sannadda saddexaad taasoo ah sannaddii bixinta meeltobnaadyada, waa inaad siisaa kan reer Laawi, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka inay irdahaaga gudahooda ku cunaan oo dhergaan. 13 Oo Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa waxaad ka tidhaahdaa, Anigu gurigaygii waan ka soo bixiyey waxyaalihii quduuska ahaa, oo sidaad iigu amartay oo dhan ayaan u siiyey kan reer Laawi, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka. Amarradaadii midna kuma xadgudbin, mana aanan illoobin iyagii. 14 Oo iyaga wax kama cunin anoo barooranaya, waxna kama qaadan anigoo nijaas ah, qof dhintayna wax ugama siin. Waan dhegaystay codkii Rabbiga Ilaahayga ah, oo waxaan sameeyey wixii aad igu amartay oo dhan.
  • 2 Taar 2:7-9 : 7 Haddaba waxaad ii soo dirtaa nin yaqaan sancada dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta, iyo birta, iyo guduudka, iyo casaanka, iyo buluugga, kaasoo si wacan u yaqaan sancada xaradhka, inuu la jiro ragga saanacyada ah oo ila jooga dalka Yahuudah iyo Yeruusaalem, kuwaasoo uu aabbahay Daa'uud diyaariyey. 8 Oo weliba waxaad dalka Lubnaan iiga soo dirtaa geedo kedar ah iyo geedo beroosh ah iyo geedo almuug ah, waayo, waan ogahay in addoommadaadu sanco u leeyihiin inay Lubnaan alwaax ka soo jaraan, oo bal eeg addoommadayduna waxay la jiri doonaan addoommadaada, 9 si ay iigu diyaariyaan alwaax faro badan, waayo, guriga aan dhowaan dhisi doonaa wuxuu ahaan doonaa mid yaab weyn oo badan.
  • 2 Taar 2:11-16 : 11 Markaasaa Xuuraam oo ahaa boqorkii Turos wuxuu ku soo jawaabay warqad uu u soo qoray Sulaymaan oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu dadkiisa waa jecel yahay, sidaas daraaddeed buu boqor kaaga dhigay. 12 Oo weliba Xuuraam wuxuu kaloo yidhi, Ammaan waxaa leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo sameeyey samada iyo dhulkaba, oo Boqor Daa'uudna siiyey wiil xigmad leh oo ay ka buuxaan caqli iyo waxgarasho oo doonaya inuu Rabbiga guri u dhiso iyo guri ay boqortooyadiisu leedahay. 13 Oo haddaba waxaan kuu soo diray nin saanac ah oo waxgarad miidhan ah kaasoo ah Xuuraamaabbii. 14 Oo isaga waxaa dhashay naag reer Daan ah oo aabbihiisna wuxuu ahaa nin reer Turos ah. Isagu wuxuu yaqaan sancada dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta, iyo birta, iyo dhagaxa, iyo alwaaxda, iyo guduudka, iyo buluugga, iyo dharka wanaagsan, iyo casaanka, oo weliba wuxuu yaqaan inuu xaradh cayn kasta ah xardho iyo inuu wax kasta hindiso; haddaba isaga meel ha laga dhex siiyo raggaaga saanacyada ah iyo sayidkayga Daa'uud oo aabbahaa ah raggiisa saanacyada ah. 15 Haddaba sarreenkii iyo shaciirkii, iyo saliiddii iyo khamrigii aad ka hadashay noo soo dir, sayidkaygiiyow. 16 Oo annana in alla intaad u baahan tahay oo alwaax ah ayaannu Lubnaan kaaga soo jaraynaa; oo Yaafaa xaggeeda ayaannu badda kuu soo sabbaysiinaynaa, markaasaad Yeruusaalem u qaadan doontaa.
  • Sab 45:12 : 12 Oo waxaa halkaas joogi doonta gabadha reer Turos, iyadoo hadiyad wadda, Xataa taajiriinta dadka ku jirtaa waxay kaa baryi doonaan raallinimo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 23:15-17
    3 aayado
    83%

    15Oo waxay wakhtigaas noqon doontaa in Turos la illoobi doono toddobaatan sannadood, oo ah sida boqor wakhtigiis. Oo toddobaatankaas sannadood markay dhammaadaan ayaa Turos waxaa laga heesi doonaa sida dhillada oo kale.

    16Dhilladii la illoobayay, kataarad qaado, oo magaalada ku dhex wareeg, oo luuq macaan luuqee, oo heeso badan hees, si lagugu soo xusuusto aawadeed.

    17Oo toddobaatanka sannadood markay dhammaadaan ayaa Rabbigu Turos soo booqan doonaa, oo waxay ku soo noqon doontaa kiradeedii, oo waxay dhulka kaga dhillaysan doontaa boqortooyooyinka dunida oo dhan.

  • Ish 23:7-8
    2 aayado
    75%

    7Tanu ma magaaladiinnii waa hore jirtay oo faraxsanayd baa oo cagaheeda meel fog u waday inay dal shisheeye degto aawadeed?

    8Yaa taladan u goostay Turos oo ahayd magaaladii taajajka bixisay, oo baayacmushtariyaasheedu amiirro ahaayeen, oo geddisleydeeduna ay ahaayeen kuwii dhulka sharafta ku lahaa?

  • Muj 18:11-17
    7 aayado
    73%

    11¶ Oo baayacmushtariyadii duniduna iyaday u ooyaan oo u baroortaan, waayo, ninna hadda ka dib iibsan maayo shixnaddoodii;

    12shixnaddaas oo ah dahab, iyo lacag, iyo dhagaxyo qaali ah, iyo luul, iyo dhar wanaagsan, iyo dhar guduudan, iyo xariir, iyo dhar cas, iyo alwaax kasta oo tu'inos ah, iyo weel kasta oo foolmaroodi laga sameeyey, iyo weel kasta oo alwaax qaali ah laga sameeyey, iyo kuwa laga sameeyey naxaas, iyo bir, iyo marmar,

    13iyo qorfe, iyo xawaash, iyo uunsi, iyo barafuun, iyo foox, iyo khamri, iyo saliid, iyo bur wanaagsan, iyo sarreen, iyo lo', iyo ido, iyo fardo, iyo gaadhifardood, iyo addoommo, iyo nafaha dadka.

    14Oo midhihii naftaadu ay damacday way kaa tageen, oo waxyaalihii fiicanaa oo dhalaalayay oo dhammuna way kaa baabbe'een, oo mar dambena lama heli doono.

    15Oo baayacmushtariyadii alaabtaas lahaa oo iyada taajir ku noqday, waxay meel fog la istaagi doonaan cabsida caddibaaddeeda iyagoo ooyaya oo barooranaya;

    16oo waxay odhan doonaan, Waxaa hoogtay oo hoogtay magaalada weyn, tii qabi jirtay dhar wanaagsan, iyo dhar guduudan, iyo dhar cas, oo ku sharraxnaan jirtay dahab, iyo dhagaxyo qaali ah, iyo luul.

    17Waayo, maalka saas u badanu saacad keliya buu ku baabba'ay. Oo waxaa meel fog istaagay naakhude kasta, iyo mid kasta oo dhoofa, iyo ragga baxriyiinta ah, iyo in alla inta badda ka faa'iidaysata,

  • 7Taswiiraheeda xardhan oo dhan waa la wada burburin doonaa, oo kirooyinkeeda oo dhanna dab baa lagu gubi doonaa, oo sanamyadeeda oo dhanna waan wada baabbi'in doonaa, waayo, iyadu waxay ku soo urursatay dhillo kiradeed, oo kulligoodna waxay dib ugu noqon doonaan dhillo kiradeed.

  • 33Markay alaabtaadu badda ka soo baxday dad faro badan baad dhergin jirtay, oo boqorradii dunidana hodan baad maalkaagii badnaa iyo baayacmushtarkaagii kaga dhigtay.

  • 3Waayo, quruumihii oo dhammu waxay ku dhaceen khamrigii cadhada sinadeeda; oo boqorradii dhulka oo dhammuna iyaday ka sinaysteen, oo baayacmushtariyadii dunidu waxay ku taajireen xooggii barwaaqadeeda.

  • Yex 16:35-36
    2 aayado
    71%

    35¶ Haddaba dhillo yahay, bal erayga Rabbiga maqal:

    36Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Nijaastaadii way shubantay, oo cawradaadiina daahaa lagaga qaaday dhillanimadaadii aad kuwii ku caashaqay ka dhillaysanaysay, iyo sanamyada waxyaalahaaga karaahiyada ah oo dhan, iyo dhiiggii carruurtaada oo aad iyaga siisay.

  • Ish 23:1-3
    3 aayado
    71%

    1¶ Kanu waa warka culus ee Turos ku saabsan. Doonniyaha Tarshiishow, baroorta, waayo, way baabba'day, guri iyo irid la galo midna ma leh, waxaana iyaga looga muujiyey dalka Kitiim.

    2Kuwiinnan gasiiradda deggan ee baayacmushtariyaasha Siidoon oo badda gudbayaa ay alaab ka buuxiyeenow, aamusa.

    3Biyaha badan waxaa laga keenay sarreenkii Shiixoor iyo waxa beerihii Webi Niil laga goostay oo faa'iidadeedii ahaa, oo iyadu waxay noqotay suuqii quruumaha.

  • 41Oo guryahaagana dab bay ku gubi doonaan, oo iyadoo ay naago badanu indhaha kugu hayaan ayay xukummo kugu samayn doonaan, oo aniguna waxaan kaa dhigi doonaa inaad dhillaysiga ka joogsatid, oo mar dambe kiro ma aad bixin doontid.

  • Yex 27:24-25
    2 aayado
    71%

    24Kuwaasu waxay ahaan jireen baayacmushtariyaasha kaa iibin jiray alaab door ah oo cayn kasta ah oo ahaa dhar buluug ah, iyo daabac, iyo sanaaduuq uu dhar qaali ahu ka buuxo oo ay xadhko ku xidhxidhan yihiin oo alwaax kedar ah laga sameeyey.

    25Doonniyaha Tarshiish ayaa shixnaddaada qaadi jiray, oo adigu waad buuxsantay, oo badda dhexdeeda ayaad aad ugu sharaf badnayd.

  • 16Oo dharkaagiina waad iska furtay, oo meelo sarsare ayaad samaysatay oo waxaad ku sharraxday marooyin midabyo badan, oo halkaasaad ku dhillaysatay. Waxyaalahaas oo kale ma jirin, oo weligood ma ay noqon doonaan.

  • 31Oo jid kasta madaxiisa waxaad ka dhisataa qudbad, oo jid kastana waxaad ka samaysataa meel sare, oo weliba ma aadan ahayn sidii dhillo oo kale, waayo, adigu kirada waad quudhsataa.

  • 16Suuriyana way kula baayacmushtari jirtay, maxaa yeelay, sanco faro badan baad samayn jirtay, oo waxay alaabtaada kaga baayacmushtari jireen dhagaxyo sumurud la yidhaahdo, iyo guduud, iyo daabac, iyo dhar wanaagsan, iyo shacaab iyo dhagax agate la yidhaahdo.

  • 12Tarshiish waxay ahayd tii kula baayacmushtari jirtay hodantinimadaadii badnayd ee cayn kasta ahayd aawadeed, oo waxay alaabtaadii kaga baayacmushtari jirtay lacag, iyo bir, iyo qasacad, iyo alxan.

  • 3Turos waxay dhisatay qalcad, oo waxay lacag u urursatay sida ciidda oo kale, iyo dahab saafiya sida dhoobada jidadka dhex taal oo kale.

  • 4maxaa yeelay, waa dhillanimadii faraha badnayd oo ay fashay dhilladii aad loo jeclaa oo ah sayidaddii sixirrada, oo quruumo ku iibisa dhillanimadeeda, oo reerona ku iibisa sixirradeeda.

  • 18Dhillo kiradeed iyo eey kiradiis toona waa inaydaan guriga Rabbiga Ilaahiinna ah u soo gelin nidar aawadiis, waayo, labadaasuba waa u karaahiyo Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 23oo laambad iftiinkeedna mar dambe dhexdaada innaba kama ifi doono, oo codkii arooska iyo aroosaddana dhexdaada innaba mar dambe lagama maqli doono, waayo, baayacmushtariyadaadu waxay ahaayeen amiirradii dhulka, maxaa yeelay, saaxirnimadaadii ayaa quruumaha oo dhan lagu khiyaaneeyey.

  • 8Oo iyadu innaba kama ay tegin dhillanimadeedii tan iyo markay Masar joogtay, waayo, iyadoo yar ayay la seexdeen, oo ibihii naasaha ee bikradnimadeeda way nabareeyeen, oo dhillanimadoodii ayay iyada ku kor shubeen.

  • 18Meelahaagii quduuska ahaa waxaad ku nijaasaysay xumaatooyinkaagii badnaa, iyo xaqdarradii baayacmushtarkaaga, oo sidaas daraaddeed dhexdaadaan dab ka soo bixiyey, oo isna wuu ku baabbi'iyey, oo dhulka korkiisa ayaan dambas kaaga dhigay iyadoo ay kuwa kuu jeeda oo dhammu indhaha kugu hayaan.

  • 18Dimishaqna way kula baayacmushtari jirtay sancadaadii faraha badnayd aawadeed, iyo hodantinimadaadii badnayd ee cayn kasta ahayd oo dhan, oo waxay ka dhaafsan jirtay khamrigii Xelboon iyo dhogor cad.

  • 24Waxay samaysaa dhar wanaagsan, wayna iibisaa, Oo baayacmushtarigana waxay ka iibisaa boqorro dhexda lagu xidho.

  • 12Iyadu si aan waxba tarayn ayay isu daalisay, oo miridhkeeda badanna iyada kama uu baxo, oo miridhkeeda dabka kagama baxo.

  • Muj 18:7-9
    3 aayado
    68%

    7Oo intii ay isfaanisay iyo intii ay raaxaysatay oo kale, waxaad iyada siisaan caddibaad iyo murug; waayo, iyadu waxay qalbigeeda iska tidhaahdaa, Anigoo boqorad ah ayaan iska fadhiyaa, oo carmalna ma ihi, oo sinaba murug u arki maayo.

    8Sidaas daraaddeed maalin keliya waxaa iyada u iman doona belaayooyinkeeda, kuwaas oo ah dhimasho iyo murug iyo abaar; oo iyada kulligeed waxaa lagu gubi doonaa dab, waayo, Rabbiga Ilaaha ah oo iyada xukumay waa xoog badan yahay.

    9Oo boqorradii dunida oo iyada ka sinaystay oo la raaxaystay ayaa u ooyi doona oo u barooran doona markii ay arkaan qiiqa gubashadeeda,

  • 17Oo reer Baabuloon ayaa iyada sariirtii caashaqa ugu soo galay, oo dhillanimadoodii iyaday ku nijaaseeyeen, oo iyana iyagay la nijaasowday, oo nafsaddeediina iyagay ka go'day.

  • 15oo dhexda dhex-xidhyo ugu xidhan yihiin, oo madaxana duubab la sibaaqeeyey ugu xidhan yihiin, oo kulligood la wada moodo amiirro u eg reer Baabuloon dalkoodu Kalday yahay.

  • 19Lacagtooda jidadkay ku xoori doonaan, oo dahabkooduna wuxuu noqon doonaa sida wasakh oo kale. Maalinta cadhada Rabbiga lacagtooda iyo dahabkooduba ma ay samatabbixin kari doonaan. Naftooda ma ay dhergin doonaan, oo calooshoodana kama ay buuxin doonaan, maxaa yeelay, kuwaasu waxay ahaayeen dhagaxii turunturada ee xumaantooda.

  • Yex 23:29-30
    2 aayado
    68%

    29Iyagu si nacayb badan ayay kugula macaamiloon doonaan, oo wixii aad ku hawshootay oo dhanna way kaa qaadan doonaan, oo waxay kaa tegi doonaan adigoo qaawan oo aan dednayn. Oo cawradii dhillanimadaadana daahaa laga qaadi doonaa, xataa sharkaaga iyo dhillanimadaadaba.

    30Waxyaalahaas waa lagugu samayn doonaa, maxaa yeelay, dhillanimo baad quruumaha la daba gashay, oo sanamyadooda waad ku nijaasowday.

  • 5Waxaad qaadateen lacagtaydii iyo dahabkaygii, oo alaabtaydii wanaagsanayd oo qurxoonaydna waxaad geliseen macbudyadiinna,

  • 33Iyagu dhillo kasta hadiyad bay siiyaan, laakiinse adigu waxaad hadiyadahaaga siisaa kuwa ku caashaqa oo dhan, oo laaluush baad u siisaa inay dhinac kasta kaaga yimaadaan dhillanimadaada aawadeed.

  • 3oo waxaad Turos ku tidhaahdaa, Taada badda kadinkeeda ku taal, oo ah meesha ay gasiirado badan dadkoodu ka baayacmushtaraanay, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Turosay, waxaad istidhi, Anigu waxaan leeyahay qurux kaamil ah.

  • 5waayo, dembiyadeedii waxay gaadheen xataa samada, oo Ilaahna wuu xusuustay xaqdarradeedii:

  • 18Oo dharkaagii daabaca lahaa intaad iska furtay ayaad iyagii huwisay, oo saliiddaydii iyo fooxaygiina iyagaad hor dhigtay.

  • 27Maalkaaga, iyo alaabtaada, iyo baayacmushtarkaaga, iyo baxriyadaada, iyo doonniyawadayaashaada, iyo kuwa dillaacyada awda, iyo kuwa baayacmushtarkaaga ka shaqaysta, iyo raggaaga dagaalyahanka ah oo ku dhex jooga oo dhan, iyo guutada ku dhex joogta oo dhammuba waxay maalinta baabbi'iddaada ku wada daadan doonaan badaha dhexdooda.