Ishacyaah 27:1
¶ Oo wakhtigaas ayaa Rabbigu seeftiisa adag ee weyn ee xoogga badan ku ciqaabi doonaa Lewiiyaataan oo ah maska dheereeya, iyo xataa Lewiiyaataan oo ah maska qalloocan, oo wuxuu dili doonaa bahalka baas ee badda ku jira.
¶ Oo wakhtigaas ayaa Rabbigu seeftiisa adag ee weyn ee xoogga badan ku ciqaabi doonaa Lewiiyaataan oo ah maska dheereeya, iyo xataa Lewiiyaataan oo ah maska qalloocan, oo wuxuu dili doonaa bahalka baas ee badda ku jira.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
2¶ Oo wakhtigaas waxaa la odhan doonaa, Beerta canabka ee la jecel yahay darandoorri ugu heesa.
1War bahalbadeedka Lewiiyaataan la yidhaahdo miyaad jillaab kalluun ku soo bixin kartaa? Carrabkiisase ma hoos baad xadhig ugu adkayn kartaa?
2Ma sankiisaad xadhig ku xidhi kartaa? Mase daankiisaad jillaab ku duleelin kartaa?
25Halkoo waxaa ku taal bad weyn oo ballaadhan, Gudaheedana waxaa ku jira waxyaalo gurguurta oo aan la tirin karin, Iyo xayawaan waaweyn iyo kuwo yaryarba.
26Halkaas waxaa ku socda doonniyo, Oo waxaa halkaas yaal bahal badeed oo Lewiiyaataan la odhan jiray oo aad u abuurtay inuu ku dhex cayaaro.
13Xooggaagaad badda ku kala qaybisay, Oo masbadeedyada ku dhex jirana madaxaad ka jebisaa.
14Waxaad kala burburisay madaxyada bahalbadeedyada oo Lewiiyaataan la odhan jiray, Oo cunto ahaan ayaad u siisay dadkii cidlada degganaa.
15Waxaad kala furtay ilo iyo durdurro, Oo waxaad qallajisay webiyo waaweyn.
9¶ Gacanta Rabbigoy, toos oo toos, oo xoog yeelo, oo u toos sidii waayihii hore, iyo sidii qarniyadii hore. Miyaadan ahayn tii Rahab googooysay oo bahalbadeeddii mudday?
10Miyaadan ahayn tii engejisay baddii ahayd biyihii moolka dheeraa? Sow ma aad tihid tii badda moolkeeda jidka ka samaysay in kuwa la soo furtay ay ku gudbaan?
7Rabbiga dhulka ka ammaana, Masbadeedyo iyo moolal oo dhammow,
3La hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Fircoonow, boqorka Masarow, anigu col baan kugu ahaye bal ogow, waxaad tahay yaxaas weyn oo webiyaashiisa iska dhex jiifa, oo yidhi, Webigayga anigaa iska leh, oo anigaa samaystay.
4Laakiinse qabatooyin baan camanka kaa soo sudhi doonaa, oo kalluunka webiyaashaadana waxaan ka dhigi doonaa inuu qolfahaaga ku dhego, oo webiyaashaadaan kaa soo bixin doonaa adiga iyo kalluunka webiyaashaada ee qolfahaaga ku wada dhegi doona oo dhan.
3Oo xataa hadday ku dhuntaan Buur Karmel dhaladeeda anigaa halkaas ka baadhi doona oo ka soo bixin doona, oo xataa hadday badda gunteeda iga dhuntaan, halkaasna waan ka amri doonaa mas, oo isna wuu qaniini doonaa.
22Oo yeey baana guryahooda cidloobay qaylo isugu jawaabi doona, oo daarahooda qurqurxoonna dawacooyin baa ka dhex qaylin doona, oo wakhtigeediina kol dhow buu iman doonaa, oo cimrigeedana lama sii dheerayn doono.
10Waayo, taasu waa maalintii Sayidka ah Rabbiga ciidammada, waana maalin aarsasho, oo uu cadaawayaashiisa ka aarsan doono. Seeftuna way wada baabbi'in doontaa, wayna ka dhergi doontaa, oo dhiiggooday ku sakhraami doontaa, waayo, Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu qurbaan ku samaynayaa dalka woqooyi Webi Yufraad agtiisa.
12Badda ayuu xooggiisa ku aamusiiyaa, Oo kibirkana waxgarashadiisuu ku dhuftaa.
13Samooyinka waxaa lagu sharraxay Ruuxiisa, Gacantiisuna waxay mudday abeesada dheeraysa.
17Haddaba miyuu shabaggiisa madhin doonaa, oo miyuu quruumaha had iyo goorba layn doonaa, isagoo aan u tudhin?
17Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Anigu waxaan dhexdiinna ku soo dayn doonaa abeesooyin iyo jilbisyo aan la sixri karin, oo iyana way idin qaniini doonaan.
9Bal eega, maalinta Rabbigu way imanaysaa iyadoo nac weyn oo ka buuxda cadho iyo xanaaq kulul si dhulka cidla looga dhigo oo dembilayaasha oo dhan dhexdiisa looga baabbi'iyo.
16Sidaas waxaa leh Rabbiga badda dhexdeeda jid ka sameeya, oo biyaha xoogga badan dhexdoodana dhabbe ka hagaajiya,
7Haraggiisa miyaad hotooyin ka buuxin kartaa? Madaxiisase miyaad warmaha kalluunka lagu qabsado ka buuxin kartaa?
9Oo cadowgii wuxuu yidhi, Anigu waan eryan doonaa, anigu waan gaadhi doonaa, boolida waan kala qaybin doonaa. Oo damacaygu waa ka dhergi doonaa iyaga; Oo seeftaydaan galka kala bixi doonaa, gacantayduna way baabbi'in doontaa iyaga.
17¶ Oo Rabbigu wuxuu Yoonis u diyaariyey kalluun weyn oo isaga liqa; Yoonisna wuxuu kalluunka calooshiisii ku dhex jiray saddex habeen iyo saddex maalmood.
15Oo maskiina wuxuu afkiisa ka tufay oo naagtii ka daba tuuray biyo ah sidii webi, si uu durdurku u qaado.
2Oo markaasay qabsatay masduulaagii ahaa maska duqa ah, kaasoo ah Ibliiska iyo Shayddaanka, oo intii kun sannadood ah ayay xidhay,
30Oo maalintaas waxay iyaga ugu gurxami doonaan sida gurxanka badda; oo haddii dalka la eegana waxaa ka muuqda gudcur iyo cidhiidhi, oo iftiinkuna waa ku dhex madoobaaday daruurihii.
4Isagu wuxuu canaantaa badda, oo weliba iyaduu engejiyaa, oo webiyaasha oo dhanna wuu wada qallajiyaa. Baashaan iyo Karmel way engegaan, oo ubixii Lubnaanna waa dhaday.
31Isagu moolkuu u kariyaa sidii dheri oo kale, Oo baddana wuxuu ka dhigaa sida weel cadar ku jiro oo kale.
2¶ Oo bahalkii aan arkay wuxuu u ekaa shabeel, oo cagihiisuna waxay u ekaayeen cago orso, afkiisuna wuxuu u ekaa af libaax; markaasaa masduulaagii wuxuu isaga siiyey xooggiisii iyo carshigiisii iyo amar weyn.
2Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku dhaartay quduusnimadiisa, isagoo leh, Bal eega, waxaa iman doona wakhti laydinkula tegi doona qabatooyin, oo jillaabbo baa lagu qabsan doonaa kuwiinna hadhay.
15Oo Rabbigu wuxuu dhammaantiis wada baabbi'in doonaa carrabka badda Masar, oo gacantiisa oo dabayl xoog leh wadata ayuu ku kor ruxi doonaa Webiga, oo intuu wax ku dhufto ayuu toddoba faraq u kala qaybin doonaa, oo wuxuu ka dhigi doonaa in dadku kabo kaga gudbaan.
3Rabbigu wuxuu leeyahay, Dad iyo duunyoba waan wada baabbi'in doonaa, haadda samada iyo kalluunka baddaba waan wada baabbi'in doonaa, oo waxa lagu turunturoodo iyo sharrowyadaba waan wada baabbi'in doonaa, oo binu-aadmigana waan ka gooyn doonaa dhulka korkiisa.
13Oo xayawaankeeda oo dhanna biyaha badan dhinacoodaan ka wada baabbi'in doonaa, oo mar dambe dad cagtiis ma ay qasi doonto oo duunyo qoobkeedna ma uu qasi doono.
16Oo canaantii Rabbiga aawadeed, iyo dulalka sankiisa neefta ka soo baxaysa aawadeed Ayaa durdurradii baddu la muuqdeen, Oo aasaaskii duniduna wuu soo bannaan baxay.
3Oo sidaas daraaddeed ayaa dalku u barooran doonaa, oo mid kastoo dhexdiisa degganuba waa macaluuli doonaa, oo xayawaanka duurka iyo haadda samada, iyo xataa kalluunka badduna way wada baabbi'i doonaan.
16Waayo, Rabbigu wuxuu binu-aadmiga oo dhan ku xukumi doonaa dab iyo seeftiisa, oo kuwa Rabbigu laayana way badan doonaan.
8Oo isaga ha habaareen kuwa maalinta habaaraa, Oo kicin kara bahalka la yidhaahdo Lewiiyaataan.
21¶ Oo waxay maalintaas noqon doontaa in Rabbigu ciidanka kuwa sare kor ku ciqaabi doono, oo boqorrada dunidana dhulkuu ku ciqaabi doonaa.
26Oo Rabbiga ciidammaduna wuxuu iyaga ku ciqaabi doonaa karbaash u gala sida layntii reer Midyaan oo ka dhacday dhagixii weynaa ee Xoreeb agtiisa, oo sida ushiisu u kor ahayd badda ayuu kor ugu qaadi doonaa sidii Masar loogu qaaday oo kale.
8Waayo, taasu waa maalinta aarsashada Rabbiga, iyo sannaddii abaalgudka dacwaddii Siyoon loo qabay.
15Maalintaasu waa maalin ay cadho jirto, oo waa maalin ay jiraan dhibaato iyo cidhiidhi, oo waa maalin ay jiraan dumin iyo baabbi'in, oo waa maalin ay jiraan gudcur iyo mugdi madow, oo waa maalin ay jiraan daruuro iyo gudcur dam ah,
28Oo neeftiisuna waa sida durdur wax qarqinaya, oo xataa tan iyo qoorta gaadhaya, inuu quruumaha ku kala shaandheeyo shaandho halaag ah, oo dadka afkiisana waxaa ku jiri doona xakame qalda.
4¶ Sayidka Rabbiga ahu wax buu i tusay, oo bal eeg, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu amray in dab lagu diriro, oo dabku wuxuu laastay moolkii weynaa, oo wuxuu cuni lahaa dhulka.
13Rabbiyow, kac, Oo isaga ka hor tag, oo dhulka hoos ugu tuur, Oo naftaydana kan sharka leh seeftaada kaga samatabbixi,
7Si ay quruumaha uga aargutaan, Oo ay dadyowgana u ciqaabaan,
31Oo waxaan kugu soo kor shubi doonaa dhirifkayga, oo dabkii cadhadayda ayaan kugu soo afuufi doonaa, oo waxaan gacanta kuugu ridi doonaa niman doqonna ah oo aad waxbaabbi'inta u yaqaan.
8Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogow, waxaan dushaada ku soo dayn doonaa seef, oo dad iyo duunyaba waan kaa dhex baabbi'in doonaa.