Ishacyaah 40:24
Hubaal iyaga lama beerin, lamana abuurin, jirriddooduna dhulka xidid kuma yeelan, weliba wuu afuufaa, oo iyana way engegaan, oo dabaysha cirwareenta ah ayaa iyaga sida xaab oo kale u qaada.
Hubaal iyaga lama beerin, lamana abuurin, jirriddooduna dhulka xidid kuma yeelan, weliba wuu afuufaa, oo iyana way engegaan, oo dabaysha cirwareenta ah ayaa iyaga sida xaab oo kale u qaada.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
9Waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Miyaa geedkaasu liibaani doonaa? Miyuusan xididdadiisa rujin doonin, oo uusan midhihiisa u googooyn doonin si uu u engego, oo caleemihiisa cagaarka ah oo dhammu ay u engegaan, in kastoo aan xoog weyn amase dad tiro badanu xididdadiisa rujin?
10In kastoo la beeray miyuu liibaani doonaa? Oo miyuusan kulligiis engegi doonin markii dabaysha bari ay taabato? Meeshii lagu beeray wuu ka engegi doonaa.
18Oo ay sababtaas aawadeed u noqdaan sidii xaab dabayl ka horreeya, Iyo sidii buunshe uu duufaanu kaxeeyo?
7Waayo, waxay beertaan dabaysha, oo dabaysha cirwareenta ah ayay soo goosan doonaan. Hadhuudh taagan ma leh, baalkuna midho ma dhali doono, oo hadduu dhalona, shisheeyaa cuni doona.
16Xididdadiisa hoose way qallali doonaan, Oo laamihiisa sarena waa la jari doonaa.
24Haddaba sidaas daraaddeed sida carrabka dabku xaabka u gubo, oo uu cawskuna ololka ugu dhammaado ayaa xididkoodu u xumaan doonaa, oo ubaxooduna wuxuu u duuli doonaa sida boodh oo kale, maxaa yeelay, waxay diideen sharcigii Rabbiga ciidammada, oo waxay quudhsadeen Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil eraygiisii.
27Oo sidaas daraaddeed dadkii degganaa way xoog yaraayeen, Wayna naxeen oo wareereen, Oo waxay ahaayeen sida cawska berrinka, iyo sida doogga, iyo sida cawska guryaha korkooda ka soo baxa, iyo sida hadhuudh intaanu korin.
24Iyaga waa la sarraysiiyaa, laakiin in yar dabadeed way wada baabba'aan; Hubaal iyaga waa la hoosaysiiyaa, oo jidka ayaa looga tuuraa sida kuwa kale oo dhan, Oo waxaa loo jaraa sida sabuul hadhuudh oo kale.
26Oo sidaas daraaddeed dadkii degganaa way xoog yaraayeen, Wayna naxeen oo wareereen; Oo waxay ahaayeen sida cawska berrinka, iyo sida doogga, Iyo sida cawska guryaha korkooda ka soo baxa, iyo sida hadhuudh gubtay intaanu korin.
14Bal eeg, iyagu waxay noqon doonaan sida xaab oo kale, oo dabka ayaa wada gubi doona, oo iyana xoogga ololka iskama ay samatabbixin doonaan, oo dabkaasuna ma ahaan doono dhuxul la kulaalo, amase dab la hor fadhiisto.
24Sidaas daraaddeed ayaan kala firdhin doonaa sida dabaysha cidladu ay xaab baabba'aya u kala firdhiso oo kale.
23Isagu amiirrada wuxuu ka dhigaa sida wax aan jirin oo kale, oo xaakinnada dhulkana wuxuu ka dhigaa sida wax aan waxba ahayn oo kale.
4Laakiinse kuwa sharka lahu sidaas ma aha, Iyaguse waxay la mid yihiin buunshaha dabayshu kaxayso.
12Laakiinse iyadii cadhaa lagu rujiyey, oo dhulkaa lagu soo xooray, oo dabayshii bari ayaa midheheedii qallajisay, laameheedii adadkaana way jajabeen oo engegeen, oo dab baa iyagii baabbi'iyey.
11Waxaad uuraysan doontaan buunshe, oo waxaad dhali doontaan xaab, oo neeftiinnuna waa dab idin baabbi'in doona.
9Intaan dheryihiinnu qodxaha taaban, Ayuu kuwa qoyan iyo kuwa ololayaba ku kala firdhin doonaa dabayl cirwareen ah.
2Waayo, iyaga haddiiba waxaa loo jari doonaa sida cawska oo kale, Oo waxay u engegi doonaan sida geedo yaryar oo qoyan.
7Cawsku wuu engegaa, ubaxuna wuu dhacaa, maxaa yeelay, neefta Rabbigu way afuuftaa, sida xaqiiqada ah dadku waa caws oo kale.
3Haddaba sidaas daraaddeed waxay noqon doonaan sida daruurta subaxnimo, iyo sida sayaxa aroor hore baabba'a, iyo sida buunshaha dabayshu ka kaxayso goobta hadhuudhka lagu tumo, iyo sida qiiqa sholadda ka baxa.
12Intuu weli cagaarka yahay oo aan la gooyn, Wuu ka hor engegaa dhalatada kale oo dhan.
30Waayo, idinku waxaad ahaan doontaan sida geed caleentiisu dhado iyo sida beer aan biyo lahayn.
16Dab baa lagu gubay, oo waa la gooyay, Oo waxay ku halligmeen canaantii jaahaaga.
13Ilaahayow, iyaga ka dhig sida boodhka warwareega, Iyo sida xaab dabaysha ka horreeya,
16Waad haadin doontaan, oo dabayshaa kaxaysan doonta, cirwareentuna way kala firdhin doontaa, oo waxaad ku rayrayn doontaan Rabbiga, waanad ku faani doontaan kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.
10Waayo, in kastoo ay la mid yihiin qodxan isku wada murugsan, oo ay yihiin sidii kuwo cabniinkoodii ku sakhraamay, haddana waxaa loo wada baabbi'in doonaa sidii bal engegay.
29Isagu taajir noqon maayo, oo maalkiisuna sii raagi maayo, Oo dhulkana ku sii waari maayo.
30Isagu marnaba gudcur ka bixi maayo, Oo laamihiisa olol baa qallajin doona, Oo neefta afkiisa ayaa qaadi doonta.
6Ha noqdeen sida cawska guryaha korkooda ka baxa Oo engega intaanu korin,
14Taasu waa si dhirta biyaha ku ag taal oo dhammu ayan dhererkooda aawadiis kor isugu sii qaadin, ama ayan dhaladooda daruuraha u gaadhsiin, ama aan geedahooda midna dhererkiisa ugu sii taagnaan inta biyaha cabta oo dhan, waayo, kulligood waxaa loo gacangeliyey geeri inay dhulka meelaha ugu hooseeya oo binu-aadmigu ku dhex jiro hoos ugula dhacaan kuwa yamayska ku dhaadhaca.
18Isagu biyaha dushooda wuu ku dheereeyaa, Qaybtoodii dhulkaa lagu habaaray, Isagu uma leexdo xagga jidka beeraha canabka ah.
6oo iyada waxaan ka dhigi doonaa baabba' oo lama gooyn doono, lamana xagaafi doono, laakiinse waxaa ka soo bixi doona yamaarug iyo qodxan, oo weliba daruurahana waan ku amri doonaa inayan roob ku soo dayn.
7Kuwa sharka lahu markii ay sida doog u soo baxaan, Iyo markii xumaanfalayaasha oo dhammu ay barwaaqoobaan, Waa in weligoodba la baabbi'iyo,
11Oo wakhtigaas waxaa dadkan iyo Yeruusaalemba lagu odhan doonaa, Dadkayga dabayl kulul ayaa uga iman doonta xagga meelaha dhaadheer ee cidlada ku yaal, mana ahaan doonto mid wax haadinaysa amase wax safaynaysa,
13Oo nebiyaduna dabayl bay noqon doonaan, oo eraygu iyaga kuma jiro, oo sidaasaa iyaga lagu samayn doonaa.
8Markaad eriday qiyaas baad ku edbisay. Intuu dalka ka masaafuriyey ayuu maalintii dabaysha bari duufaan adag ku eryay.
17Abuurkii la beeray wuxuu ku qalalay ciidda hoosteeda, oo maqsinnadiina way baabbe'een, oo bakhaarradiina waa la dumiyey, maxaa yeelay, hadhuudhkii baa qalalay.
15In kastoo uu walaalihiis dhexdooda ku dhal badan yahay, waxaa iman doonta dabayl bari ka timid, taasoo ah neefta Rabbiga oo cidlada ka soo baxaysa, oo ishiisa biyood way engegi doontaa, oo durdurkiisuna wuu iska gudhi doonaa, oo waa laga wada dhici doonaa khasnadda alaabta qaaliga ahu ugu jirto.
8In kastoo xididkiisu uu ciidda ku dhex gaboobo, Oo ay jirriddiisiina dhulka dhexdiisa ku dhimato,
20Oo iyaga kuma darsami doontid, lagumana aasi doono, maxaa yeelay, dalkaagii waad baabbi'isay, dadkaagiina waad laysay. Farcanka xumaanfalayaasha weligood mar dambe lama magacaabi doono.
10Midhahooda dhulkaad ka baabbi'inaysaa, Farcankoodana binu-aadmiga dhexdiisa.
20Subaxdii iyo fiidkii inta ka dhex leh ayay baabba'aan; Weligoodba way halligmaan iyadoo aan ciduna ka fikirayn.
16Waayo, dabayl baa dul marta, wuuna baabba'aa, Oo meeshiisiina mar dambe ma aqoon doonto.
12Laakiinse iyagu ma ay yaqaaniin Rabbiga fikirradiisa, mana ay gartaan taladiisa, waayo, isagu wuxuu iyaga u ururshay sidii xidhmooyin loo wada meesha hadhuudhka lagu tumo.
9Iyagu waxay ku baabba'aan Ilaah neeftiisa, Oo waxay ku dhammaadaan afuufidda cadhadiisa.
5Sanamyadaas waa sida geed timireed oo toosan, laakiinse ma ay hadlaan, oo waxay u baahan yihiin in la qaado, maxaa yeelay, ma ay socon karaan. Iyaga ha ka baqina, waayo, wax xun idinkuma samayn karaan, oo weliba innaba wax san ma samayn karaan.
25Ma waxaad dhibaysaa caleen iska bidaysa? Oo ma waxaad eryanaysaa xaab engegay?
11Maalintii aad beerto ayaad xeraysaa, subaxdiina waxaad ubax ka keentaa abuurkaaga, laakiinse beergoosadku wuxuu carari doonaa maalin murug iyo caloolxumo badan.
14laakiinse waxaan iyaga ku kala firdhiyey dabayl duufaan ah oo waxaan dhex geeyey quruumaha ayan aqoon oo dhan. Sidaasuu dalkii cidla u noqday iyaga dabadood, oo ninna ma dhex marin, ciduna kuma soo noqon, waayo, dalkii wacnaa cidla baa laga dhigay.
25Haddaba kan Quduuska ahu wuxuu leeyahay, Bal yaad ii ekaysiinaysaan si aan ula mid noqdo?
6Subaxda way cagaaraan, wayna soo baxaan, Oo fiidkana waa la jaraa, wayna engegaan.