Ishacyaah 45:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Waayo, Rabbiga samooyinka uumay oo ah Ilaaha dhulka uumay, oo sameeyey, oo dhisay, oo aan si aan waxba tarayn u uumin, laakiinse u uumay in la degganaado wuxuu leeyahay, Anigaa Rabbiga ah mid kalena ma jiro.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 42:5 : 5 ¶ Saas waxaa leh Ilaaha Rabbiga ah oo samooyinka uumay oo kala bixiyey, kan dhulka iyo waxa ka soo baxaba kala fidiyey, kan dadka jooga neefta siiya, oo kuwa dhulka ku socdana ruuxa siiya.
  • Bil 1:2 : 2 Dhulkuna qaab ma lahayn, wuuna madhnaa; gudcurna moolkuu dul joogay; oo Ruuxa Ilaahna wuxuu ka dul dhaqdhaqaaqayay biyaha.
  • Sab 115:16 : 16 Samooyinku waa samooyinkii Rabbiga, Laakiinse dhulka wuxuu siiyey binu-aadmiga.
  • Yex 36:10-12 : 10 Oo waxaan idinku badin doonaa dad ah reer binu Israa'iil oo dhan, xataa kulligoodba, oo magaalooyinka waa la degi doonaa, meelaha burbursanna waa la wada dhisi doonaa. 11 Oo waxaan idinku badin doonaa dad iyo duunyo, oo iyana way sii kordhi doonaan oo wax bay dhali doonaan, oo dad baan idin dejin doonaa sidii markii hore, oo waxaan idiin samayn doonaa wax bilowgiinnii hore ka sii wanaagsan, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay. 12 Hubaal waxaan ka dhigi doonaa in dad kugu dul socdo, waana dadkayga reer binu Israa'iil, oo way ku hantiyi doonaan, oo dhaxalkoodii baad ahaan doontaa, oo haatan ka dibna mar dambe ma aad gablamin doontid.
  • Bil 1:26 : 26 Ilaahna wuxuu yidhi, Aan nin inoo eg ka samayno araggeenna, oo iyagu ha xukumeen kalluunka badda, iyo haadda hawada, iyo xoolaha, iyo dhulka oo dhan, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan.
  • Bil 1:28 : 28 Oo Ilaah waa barakeeyey iyaga; oo Ilaah wuxuu iyaga ku yidhi, Wax badan dhala oo tarma, oo dhulka ka buuxsama, oo ka sara mara dhulka, oo xukuma kalluunka badda, iyo haadda hawada, iyo wax kasta oo nool oo dhulka kor dhaqdhaqaaqa.
  • Ish 45:12 : 12 Dhulka anigaa abuuray, oo dad baan ku dul uumay. Aniga qudhayda ayaa samooyinka gacmahayga ku kala bixiyey, oo ciidankooda oo dhanna anigaa amray.
  • Yer 10:12 : 12 ¶ Isagu dhulka xooggiisuu ku sameeyey, dunidana xigmaddiisuu ku dhisay, oo samooyinkana waxgarashadiisuu ku kala bixiyey.
  • Yer 51:15 : 15 ¶ Isagu dhulka xooggiisuu ku sameeyey, dunidana xigmaddiisuu ku dhisay, oo samooyinkana waxgarashadiisuu ku kala bixiyey.
  • Bil 9:1 : 1 ¶ Oo Ilaah waa barakeeyey Nuux iyo wiilashiisii, oo wuxuu ku yidhi, Wax badan dhala, oo tarma, oo dhulka ka buuxsama.
  • Ish 45:5-6 : 5 Waxaan ahay Rabbiga, oo mid kale ma jiro, aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro. Anigaa guntiga kuu xidhay in kastoo aadan i aqoon, 6 in qorrax ka soo bax iyo galbeedba laga ogaado inaan aniga mooyaane mid kale jirin. Anigaa Rabbiga ah, mid kalena ma jiro.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2Rabbiga waxyaalahaas sameeya, oo u yeela inuu sii adkeeyo aawadeed, magiciisu waa Rabbiga, oo wuxuu leeyahay,

  • 5¶ Saas waxaa leh Ilaaha Rabbiga ah oo samooyinka uumay oo kala bixiyey, kan dhulka iyo waxa ka soo baxaba kala fidiyey, kan dadka jooga neefta siiya, oo kuwa dhulka ku socdana ruuxa siiya.

  • 24¶ Rabbiga ah Samatabbixiyihiinna iyo kii tan iyo markaad uurka ku jirteen idin samaynayay wuxuu leeyahay, Waxaan ahay Rabbiga wax kasta sameeya, oo keligiis samooyinka kala bixiya, oo keligiisna dhulka kala fidiya.

  • Ish 45:11-12
    2 aayado
    79%

    11Rabbiga ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil, oo ah Uumihiisu wuxuu leeyahay, Waxyaalaha iman doona ma i weyddiinaysaan, oo wax ku saabsan wiilashayda, iyo shuqulka gacmahayga ma igu amraysaan?

    12Dhulka anigaa abuuray, oo dad baan ku dul uumay. Aniga qudhayda ayaa samooyinka gacmahayga ku kala bixiyey, oo ciidankooda oo dhanna anigaa amray.

  • Ish 45:5-8
    4 aayado
    77%

    5Waxaan ahay Rabbiga, oo mid kale ma jiro, aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro. Anigaa guntiga kuu xidhay in kastoo aadan i aqoon,

    6in qorrax ka soo bax iyo galbeedba laga ogaado inaan aniga mooyaane mid kale jirin. Anigaa Rabbiga ah, mid kalena ma jiro.

    7Iftiinka anigaa sameeya, oo masiibadana anigaa abuura. Anigoo Rabbiga ah ayaa waxyaalahan oo dhan sameeya.

    8¶ Samooyinkow, xagga sare ka soo tiftifqa, oo daruuruhuna xaqnimo ha soo shubeen, dhulkuna ha furmo, oo badbaadada iyo xaqnimaduna ha isla soo wada baxaan. Aniga Rabbiga ah ayaa uumay.

  • 13Waayo, bal eega, kan buuraha sameeya, oo dabaysha uuma, oo binu-aadmiga u sheega waxa fikirkiisu yahay, kan subaxdii gudcur ka dhiga, oo ku kor tunta dhulka meelihiisa sare, magiciisu waxaa weeye Rabbiga oo ah Ilaaha ciidammada.

  • Ish 45:21-22
    2 aayado
    75%

    21Sheega oo soo saara, iyagu ha isla wada tashadeen. Bal yaa waxyaalahan waa hore muujiyey? Oo bal yaa wakhti hore sii sheegay? Sow ma aha aniga Rabbiga ah? Oo aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro. Waxaan ahay Ilaah xaq iyo Badbaadiye ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jiro.

    22Dhulka darafyadiisa oo dhammow, i soo eega, oo kulligiin badbaada, waayo, anigaa Ilaah ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jiro.

  • 19Anigu kuma hadlin qarsoodi iyo meel gudcur ah oo dhulka ka mid ah. Farcanka Yacquub kuma odhan, Si aan waxba tarin ii doondoona. Aniga Rabbiga ahu waxaan ku hadlaa xaqnimo, oo waxaan sheegaa waxyaalo qumman.

  • 9Bal waxyaalihii hore oo qadiimka ahaa soo xusuusta, waayo, anigaa Ilaah ah, mid kalena ma jiro, anigaa Ilaah ah, oo mid ila mid ahuna ma jiro.

  • Ish 44:6-8
    3 aayado
    74%

    6¶ Rabbiga ah Boqorka iyo Bixiyaha reer binu Israa'iil oo ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ahay kan ugu horreeyey iyo kan ugu dambeeya, oo aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro.

    7Bal yaa sidayda oo kale u sheegi kara? Ha naadiyo, oo si hagaagsan ha iigu sheegeen anoo dadkii hore dhisay. Oo waxyaalaha soo socda iyo waxa dhici doona iyagu ha sii sheegeen.

    8Ha cabsanina oo ha baqina, waayo, miyaanan waa hore idiin sii sheegin, oo aanan idin tusin? Idinku waxaad tihiin markhaatiyaashaydii. Aniga mooyaane ma Ilaah kalaa jira? Hubaal Dhagax kale ma jiro. Innaba mid kale garan maayo.

  • Ish 43:10-13
    4 aayado
    73%

    10Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinka iyo addoonkaygii aan doortayba markhaatiyaashaydii baad tihiin inaad ogaataan oo aad i rumaysataan, oo aad garataan inaan anigu isagii ahay. Aniga hortay Ilaah lama samayn, dabadayna innaba ma jiri doono.

    11Aniga, aniga qudhayda ayaa Rabbiga ah, oo aniga mooyaane Badbaadiye kale ma jiro.

    12Anigu waan naadiyey, oo waan badbaadiyey, oo waan muujiyey, oo ilaah qalaad dhexdiinna kuma uu jirin, haddaba sidaas daraaddeed idinku waxaad tihiin markhaatiyaashaydii, ayaa Rabbigu leeyahay. Aniguna Ilaah baan ahay.

    13¶ Tan iyo maalintii ugu horraysay anigu waxaan ahay isagii, oo mana jiro mid gacantayda wax ka samatabbixin kara, anigu waan shaqayn doonaa, balse yaa hor joogsan kara?

  • 17¶ Waayo, bal eega, waxaan abuuri doonaa samooyin cuscusub iyo dhul cusub, oo waxyaalihii horena lama soo xusuusan doono, oo innaba maanka sooma ay geli doonaan.

  • 1¶ Kanu waa warka culus ee erayga Rabbiga oo ku saabsan dalka Israa'iil. Rabbigii samada kala bixiyey, oo aasaaska dhulka dhigay, oo dadka naftiisa ku dhex sameeyey wuxuu leeyahay,

  • 6Waa isaga kan qolladihiisa sare samada ka dhistay, oo hoygiisa hoose ee isku qabtana dhalka ku aasaasay, oo intuu biyaha badda u yeedha dhulka korkiisa ku daadiya, magiciisuna waa Rabbi.

  • 16Bal eeg, anigaa abuuray birtumaha dabka dhuxuleed afuufa oo hub dagaal u soo saara, oo weliba waxaan abuuray kan wax dumiya inuu wax baabbi'iyo aawadeed.

  • 15¶ Isagu dhulka xooggiisuu ku sameeyey, dunidana xigmaddiisuu ku dhisay, oo samooyinkana waxgarashadiisuu ku kala bixiyey.

  • Ish 43:15-16
    2 aayado
    72%

    15Anigu waxaan ahay Rabbiga ah Kiinna Quduuska ah, iyo Abuuraha reer binu Israa'iil, iyo Boqorkiinna.

    16Sidaas waxaa leh Rabbiga badda dhexdeeda jid ka sameeya, oo biyaha xoogga badan dhexdoodana dhabbe ka hagaajiya,

  • 4Yaa waxan sameeyey oo sidan yeelay isagoo facaca bilowgii uga yeedhaya? Anigoo Rabbiga ah, oo ah Kan ugu horreeya iyo Kan kuwa dambe la jira, isagaan ahay.

  • 21oo ah dadkaan abuurtay si ay ammaantayda u muujiyaan.

  • Ish 51:15-16
    2 aayado
    71%

    15Laakiinse anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah oo badda isku walaaqa si ay mawjadaheedu u guuxaan. Magiciisa waxaa la yidhaahdaa Rabbiga ciidammada.

    16Oo erayadaydii ayaan afkaaga geliyey, hooskii gacantaydana waan kugu daboolay si aan samooyinka u kala bixiyo, oo aan aasaaska dhulka u dhigo, oo aan reer Siyoonna ugu idhaahdo, Dadkayga baad tihiin.

  • 7waana mid kasta oo magacayga loogu yeedho, oo aan u uumay sharaftayda aawadeed. Anigaa sameeyey, oo anigaa suubbiyey.

  • 5Anigu dhulka, iyo dadka iyo xayawaanka dhulka joogaba waxaan ku sameeyey xooggayga weyn iyo gacantayda fidsan, oo waxaan siiyaa kii ila qumman.

  • 1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Samadu waa carshigayga, dhulkuna waa meeshaan cagaha saarto. Guri caynmaad ii dhisi doontaan? Oo maxay tahay meeshaan ku nastaa?

  • 6Oo sameeyey cirka iyo dhulka, Iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan, Oo runtana dhawra weligiisba,

  • 25War sow ma aad maqal Sidaan waa hore u sameeyey Oo aan wakhtiyadii hore u qabanqaabiyey? Haddaba anigaa saas kaa yeelay Inaad magaalooyin deyr leh baabbi'isid oo aad ka dhigtid taallooyin burbur ah.

  • 19Kan Yacquub qaybta u ah iyaga la mid ma aha, waayo, isagu waa kan wax kasta abuuray, oo reer binu Israa'iilna waa qoladii dhaxalkiisa, oo magiciisuna waa Rabbiga ciidammada.

  • 17Laakiinse Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil ku badbaadin doonaa badbaado daa'im ah, oo idinku weligiin iyo weligiinba ma aad ceeboobi doontaan, mana aad sharafjabi doontaan.

  • 11Samooyinka adigaa iska leh, dhulkana adigaa iska leh, Dunida iyo waxaa ka buuxana adigaa aasaasay.

  • Ish 40:21-22
    2 aayado
    71%

    21Miyeydaan ogayn? Miyeydaan maqlin? Miyaan bilowgii laydiin sheegin? Oo miyeydaan garan tan iyo aasaaskii dhulka?

    22Waa isaga kan wareegga dhulka dul fadhiya, oo dadka kor degganuna waa sida kabajaan oo kale, oo waa isaga kan samooyinka sida daah u kala fidiya, oo wuxuu u kala bixiyaa sida teendho lagu hoydo oo kale.

  • 5Baddana isagaa iska leh, oo isagaa sameeyey, Oo dhulka engeganna isagaa gacmihiisa ku sameeyey.

  • 4Laakiinse anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar, oo waa inaydaan aqoonsan ilaah kale aniga mooyaane, oo badbaadiye kale ma jiro innaba aniga mooyaane.

  • 24Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaa cidi isku qarin kartaa meelo qarsoon oo aanan ka arki karin? Waxaa kaluu Rabbigu leeyahay, Anigu sow kama buuxo cirka iyo dhulkaba?

  • Yer 10:11-12
    2 aayado
    70%

    11¶ Waxaad iyaga ku tidhaahdaan, Ilaahyadii aan samooyinka iyo dhulka samayninu way ka wada baabbi'i doonaan dhulka dushiisa iyo samooyinka hoostooda.

    12¶ Isagu dhulka xooggiisuu ku sameeyey, dunidana xigmaddiisuu ku dhisay, oo samooyinkana waxgarashadiisuu ku kala bixiyey.

  • 1¶ Laakiinse haatan, reer Yacquubow, Rabbigii idin uumay wuxuu leeyahay, oo reer binu Israa'iilow, kii idin sameeyey wuxuu leeyahay, Ha cabsanina, waayo, anigaa idin soo furtay, oo magiciinna idiin bixiyey, oo kuwayga baad tihiin.

  • 5Waayo, dadyowga ilaahyadooda oo dhammu waa sanamyo, Laakiinse Rabbigu isagaa sameeyey samooyinka.

  • 16Kan Yacquub qaybta u ah iyaga la mid ma aha, waayo, isagu waa kan wax kasta abuuray, oo reer binu Israa'iilna waa qoladii dhaxalkiisa, oo magiciisuna waa Rabbiga ciidammada.