Ishacyaah 7:25

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo kurihii sabaradda lagu qodi jiray oo dhan innaba ma aad iman doontaan xaggooda, waana cabsi aad ka qabtaan yamaarugga iyo qodxanta, laakiinse waxay noqon doonaan meel dibida lagu sii daayo daaqaan iyo meel iduhu ku tuntaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 5:17 : 17 Oo markaasay baraarku daaqsintooda ikhtiyaar u daaqi doonaan, oo kuwii barwaaqaysnaana meelahooda baabba'ay waxaa cuni doona shisheeyayaal.
  • Ish 7:21-22 : 21 ¶ Oo waxay maalintaas noqon doontaa in nin dhaqaalaysto sac iyo laba laxaad, 22 oo caanaha tirada badan oo uu ka heli doono aawadood ayuu subag cuni doonaa, waayo, mid kasta oo dalka ku hadhayba wuxuu quudan doonaa subag iyo malab.
  • Ish 13:20-22 : 20 Oo weligeed innaba lama degi doono oo tan iyo ab ka ab laguma dhex hoyan doono, oo Carabkuna halkaas teendho kama dhisan doono, oo adhijirraduna halkaas adhigooda ma daajin doonaan. 21 Laakiinse halkaas waxaa jiifsan doona dugaagga lamadegaanka, oo guryahoodana waxaa ka buuxsami doona guumeyso, oo waxaa ku hoyan doona gorayo, waxaana ku dhex cayaari doona xayawaan dhogor dheer leh. 22 Oo yeey baana guryahooda cidloobay qaylo isugu jawaabi doona, oo daarahooda qurqurxoonna dawacooyin baa ka dhex qaylin doona, oo wakhtigeediina kol dhow buu iman doonaa, oo cimrigeedana lama sii dheerayn doono.
  • Ish 17:2 : 2 Magaalooyinkii Carooceer waa laga wada tegey. Waxay noqon doonaan meelo adhyuhu daaqaan oo ay iska fadhiistaan, oo ciduna ma didin doonto.
  • Saf 2:6 : 6 Badda xeebteedu waxay noqon doontaa berrimmo daaqsiin ah, oo leh rug adhijirro iyo xeryo adhi.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 7:21-24
    4 aayado
    85%

    21¶ Oo waxay maalintaas noqon doontaa in nin dhaqaalaysto sac iyo laba laxaad,

    22oo caanaha tirada badan oo uu ka heli doono aawadood ayuu subag cuni doonaa, waayo, mid kasta oo dalka ku hadhayba wuxuu quudan doonaa subag iyo malab.

    23¶ Oo waxay maalintaas noqon doontaa in meel kasta oo ay ku yiilleen kun geed oo canab ah oo kun xabbadood oo lacag ah lagu qiimeeyo, ay noqoto meel ay ka soo baxaan yamaarug iyo qodxan.

    24Oo waxaa halkaas lala iman doonaa fallaadho iyo qaansooyin, maxaa yeelay, dalka oo dhammu wuxuu noqon doonaa yamaarug iyo qodxan miidhan.

  • 19Oo iyana way iman doonaan, oo kulligood waxay ku degi doonaan dooxooyinka cidlada, iyo godadka dhagaxyada, iyo geedaha qodxanta leh oo dhan, iyo meelaha daaqsinta ah oo dhan.

  • 13Oo dalka dadkayga iyo xataa guryaha farxadda oo magaalooyinka faraxsan ku yaal oo dhan waxaa ka soo bixi doona qodxan iyo yamaarug,

  • 22Xayawaanka duurkow, ha cabsanina, waayo, naqii cidladu waa soo baxayaa, oo dhirtiina midhaheeday dhalaysaa, oo berdihii iyo canabkiiba way barwaaqoobayaan.

  • Ish 55:12-13
    2 aayado
    75%

    12Waayo, farxad baad la bixi doontaan, oo nabad baa laydinku hoggaamin doonaa, oo buuraha iyo kuruhuna hortiinnay hees ku dhufan doonaan, oo dhirta duurka oo dhammuna way sacbin doonaan.

    13Qodaxda meesheedii waxaa ka soo bixi doona geed beroosh ah, oo maraboobta meesheediina waxaa ka soo bixi doona geed hadaas ah, oo taasu waxay Rabbiga u ahaan doontaa magac iyo calaamad weligeed sii waaraysa oo aan la baabbi'in doonin.

  • Ish 5:5-7
    3 aayado
    74%

    5Haddaba waxaan idiin sheegayaa waxaan beertayda canabka ah ku samayn doono: heeraarkeeda waan ka qaadi doonaa, oo dhammaanteed way baabbi'i doontaa, oo deyrkeedana waan dumin doonaa, oo waa lagu joogjoogsan doonaa,

    6oo iyada waxaan ka dhigi doonaa baabba' oo lama gooyn doono, lamana xagaafi doono, laakiinse waxaa ka soo bixi doona yamaarug iyo qodxan, oo weliba daruurahana waan ku amri doonaa inayan roob ku soo dayn.

    7Waayo, Rabbiga ciidammada beercanabkiisu waa dadka Israa'iil, oo dadka Yahuudahna waa geedkuu ku farxo, oo wuxuu ka sugayay caddaalad, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay dhiigdaadasho oo wuxuu ka sugayay xaqnimo, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay qaylo.

  • 10Waayo, magaaladii deyrka lahayd way cidlowday, waxayna tahay hoy laga kacay, oo waxaa looga tegey sida cidlada oo kale. Halkaas waxaa daaqi doona weylka, wuuna jiifsan doonaa, oo wuxuu dhammayn doonaa laamaheeda oo dhan.

  • Ish 30:23-25
    3 aayado
    74%

    23Oo markaasuu roob idiin siin doonaa abuurkiinna si aad dhulka ugu abuurtaan, oo wuxuu cunto idinka siin doonaa waxa dhulka idiinka baxa, oo waxayna ahaan doontaa barwaaqo badan, oo wakhtigaas lo'diinnu waxay daaqi doontaa berrimmo balballaadhan.

    24Oo dibida iyo dameeraha dhulka qodaana waxay cuni doonaan cunto dhanaan oo gacaf iyo fargeeto weyn lagu haadiyey.

    25Oo wakhtiga laynta weyn oo munaaraduhu soo wada dhici doonaan buur kasta oo dheer iyo kur kasta oo dheerba waxaa jiri doona webiyo iyo durdurro biya ah.

  • 3¶ Rabbigu wuxuu dadka dalka Yahuudah iyo reer Yeruusaalem ku leeyahay, Dhulkiinna jeexan jabsada, oo qodxan dhexdood waxba ha ku beeranina.

  • 8laakiin hadduu dhalo qodxan iyo yamaarug, waxtar ma leh, oo habaar buu ku dhow yahay, ugudambaystiisana waa in la gubaa.

  • 20Waxaa barakaysan kuwiinna biyo dhinacyadooda oo dhan wax ku abuura oo dibiga iyo dameerka u sii daaya inay daaqaan.

  • Laaw 26:5-6
    2 aayado
    73%

    5Tumidda hadhuudhkiinnu waxay gaadhi doontaa guridda canabkiinna, guridda canabkuna waxay gaadhi doontaa ilaa wakhtiga beeridda, oo cuntadiinna ayaad cuni doontaan ilaa aad dheregtaan, oo dalkiinnana ammaan baad ku degganaan doontaan.

    6Oo anigu waxaan dalka idinku siin doonaa nabaadiino, oo idinna waad iska jiifsan doontaan, oo waxba idinma cabsiin doonaan, oo anna dugaagga xun dalkiinna waan ka baabbi'in doonaa, oo seefuna dalkiinna innaba ma dhex mari doonto.

  • 24Oo mar dambe ma ay jiri doonaan yamaarug reer binu Israa'iil muda, amase qodax iyaga xanuujisa oo ka mid ah kuwa hareerahooda ku wareegsan oo iyaga quudhsaday oo dhan; oo waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Sayidka Rabbiga ah.

  • 12Waxay ku tifqaan daaqa cidlada, Oo buuruhuna waxay guntadaan farxad.

  • 17Waayo, in kastoo berduhu uusan ubxin, Ama aan midho ku oollin geedaha canabka ah, Oo hawsha saytuunka lagu khasaaro, Ama aan beeraha quud ka bixin, Oo adhigu xerada ka baabbo'o, Oo golahana aan xoolo lagu arag,

  • 5Waayo, beergoosadka ka hor markuu ubaxu dhammaado, oo uu ubaxu canab bislaanaya noqdo ayuu manjo laamaha yaryar ku gooyn doonaa, oo laamaha waaweyn ee sii faafayana wuu gooyn doonaa oo fogayn doonaa.

  • 7Idaha iyo lo'da oo dhan, Iyo xayawaanka duurka joogaba,

  • 25Cawska qallalan markii la gooyo mid cagaar ah oo jilicsan baa soo muuqda, Oo dhalatada buurahana waa la soo urursadaa.

  • 7Oo aan beergooyuhu gacantiisa ka buuxin, Kan xidhmooyinka xidhaana aanu laabtiisa ka buuxin.

  • 12Haddaba sidaas daraaddeed idinka aawadiin Siyoon waxaa loo jeexi doonaa sida beer oo kale, oo Yeruusaalemna waxay noqon doontaa taallooyin burbur ah, oo buurta guriguna waxay noqon doontaa sida meelaha sare ee kaynta ku yaal oo kale.

  • 14iyo buuraha dhaadheer oo dhan, iyo kuraha sare u jooga oo dhan,

  • Miik 7:13-14
    2 aayado
    72%

    13Laakiinse dhulku cidla buu noqon doonaa, waana kuwa dhex deggan daraaddood iyo midhihii falimahooda aawadood.

    14¶ Dadkaaga oo ah adhigii dhaxalkaaga oo kaynta Karmel ku dhex taal keli ahaantood deggan ushaada ku daaji. Iyagu ha daaqeen Baashaan iyo Gilecaad sidii waagii hore.

  • 12Miyaa fardo dhagaxa ku ordi doonaan? Miyaase mid halkaas dibi ku beerjeexi doonaa? Laakiin, idinku garsooriddii waxaad u beddesheen xammeeti, oo midhihii xaqnimadana waxaad u beddesheen dacar.

  • 5Oo weliba waxaad canab ku beeran doontaa buuraha Samaariya, oo beeraleydu wax bay beeran doonaan, oo midhahoodana way ku farxi doonaan.

  • 3Waxaa iyada u iman doona adhijirro adhyahoodii wata, oo teendhooyinkooda ayay hareeraheeda ka dhisan doonaan, oo midkood kastaaba wuxuu iska daaqsan doonaa meeshiisa.

  • 13Waxaa kharriba doofaarka kaynta, Oo waxaa iska daaqda ugaadha duurka.

  • 7iyo xoolahaaga, iyo xayawaanka dalkaaga jooga oo dhan waxaa cunto u ahaan doona midhaha dalka iska baxa oo idil.

  • 12Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeshan cidlada ah oo aan dad iyo duunyo toona lahayn, iyo magaalooyinkeeda oo dhanba waxaa mar kale jiri doona rug adhijirro adhyahooda fadhiisiya.

  • 2Magaalooyinkii Carooceer waa laga wada tegey. Waxay noqon doonaan meelo adhyuhu daaqaan oo ay iska fadhiistaan, oo ciduna ma didin doonto.

  • 37Oo xeryihii nabaadiinada waa la wada baabbi'iyey Rabbiga xanaaqiisa kulul aawadiis.

  • 9Oo halkaas libaax ma jiri doono, oo bahal dugaag ahuna ma mari doono, oo innaba iyaga halkaas lagama heli doono, laakiinse waxaa jidkaas mari doona kuwa la soo furtay.

  • 25Yeyda iyo baraarku way isla wada daaqi doonaan, libaaxuna sida dibi oo kale caws buu u cuni doonaa, oo boodhkuna abeesada quudkeeduu ahaan doonaa. Rabbigu wuxuu leeyahay, Buurtayda quduuska ah oo dhan waxba kuma yeeli doonaan, waxna kuma baabbi'in doonaan.

  • 10Shaaroon waxay noqon doontaa meel ay adhiyuhu daaqaan, oo dooxadii Caakoorna waxay noqon doontaa meel ay lo'yowgu fadhiistaan, dadkayga i doondoonay aawadood.

  • 18Qodxan iyo yamaarugna waa kaaga soo bixi doonaan, waxaanad cuni doontaa geedaha yaryar oo duurka.

  • 28Hadhuudhka kibista waa la tumaa, laakiinse had iyo goorba siima uu tumi doono, oo ma uu burburiyo in kastoo giringirta gaadhigiisa iyo fardihiisuba ay ku tuntaan.

  • 8Bahallada kibirka lahu kuma ay joogsan, Oo libaaxa cadhaysanina ma uu ag marin.

  • 12Oo intay yimaadaan ayay meesha sare ee Siyoon ka dul heesi doonaan, oo waxay u soo wada qulquli doonaan Rabbiga wanaaggiisa oo ah hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, iyo ubadka idaha iyo lo'daba, oo naftooduna waxay noqon doontaa sida beer la waraabiyey oo kale, oo mar dambena innaba weligood ma ay murugoon doonaan.

  • 31Oo bal eeg, kulligood waxaa ka baxay qodxan, Oo dhammaantoodna waxaa qariyey maraboob, Oo derbigoodii dhagaxa ahaana waa dumay.

  • 6Waayo, wuxuu ahaan doonaa sida geed xun oo lamadegaanka ku yaal, oo mana uu arki doono markii wanaag imanayo, laakiinse wuxuu joogi doonaa meelo engegan oo cidlada dhexdeeda ah, oo ah dal cusba ah oo aan ciduna degganayn.

  • 15Bal eega, waxaan idinka dhigi doonaa alaab cusub oo af badan oo ilka leh oo wax lagu tumo, oo waxaad tumi doontaan buuraha, waanad daqiijin doontaan, oo kurahana waxaad ka dhigi doontaa sida buunshe oo kale.