Yeremyaah 14:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo xataa deeradii duurkay ku dhashaa, oo ilmaheedana way dayrisaa, maxaa yeelay, meeshaasu caws ma leh innaba.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 29:9 : 9 Rabbiga codkiisu wuxuu dhaliyaa deerooyinka, Oo kayntana caleemaha wuu ka daadiyaa, Oo wax kasta oo macbudkiisa ku jiraana waxay yidhaahdaan, Ammaan.
  • Ish 15:6 : 6 Waayo, biyaha Nimriim baabba' bay noqon doonaan, cawskiina wuu engegay, biqilkiina wuu qallalay, oo wax cagaar ahna innaba lama arko.
  • Ayuub 39:1-4 : 1 War miyaad taqaan markay ri'dibadeedda qarka joogta dhasho? Miyaadse arki kartaa markay deerooyinku dhalaan? 2 Miyaad tirin kartaa bilaha sidkoodu ku buuxsamo? Miyaadse taqaan wakhtiga ay dhalaan? 3 Intay arruntaan ayay ubadkooda dhalaan, Oo fooshoodana way iska saaraan. 4 Oo ubadkooda yaryaruna way kobcaan, oo waxay ku koraan berrin bannaan, Oo intay baxaan ayaanay mar dambe soo noqon.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 6Oo dameerdibadeedyadana waxay istaagaan meelaha dhaadheer, oo waxay u hinraagaan sida dawacooyin oo kale. Indhahoodii way madoobaanayaan, maxaa yeelay, doog bay waayaan.

  • Yoel 1:17-20
    4 aayado
    77%

    17Abuurkii la beeray wuxuu ku qalalay ciidda hoosteeda, oo maqsinnadiina way baabbe'een, oo bakhaarradiina waa la dumiyey, maxaa yeelay, hadhuudhkii baa qalalay.

    18Xayawaanku aad iyo aad bay u cabaadaan, oo sofyada lo'da ahu waxay la welwelsan yihiin daaqla'aan, oo xataa xeryaha idaha ahu waa dhibaataysan yihiin.

    19Rabbiyow, adigaan kuu qayshanayaa, waayo, dab baa laastay daaqii cidlada, oo dhirtii duurka ku tiilna olol baa wada gubay.

    20Haddaba xayawaankii duurku biyahay kaa doonayaan, waayo, durdurradii biyuhu way engegeen, oo daaqii cidladana dab baa laastay.

  • 4Dhulkii wuu dildillaacay, waayo, roob kuma di'in, oo taas darteed raggii beerta qodan jiray ayaa ceebooba, oo madaxay hagoogtaan.

  • 1War miyaad taqaan markay ri'dibadeedda qarka joogta dhasho? Miyaadse arki kartaa markay deerooyinku dhalaan?

  • 6Waayo, biyaha Nimriim baabba' bay noqon doonaan, cawskiina wuu engegay, biqilkiina wuu qallalay, oo wax cagaar ahna innaba lama arko.

  • 10Waayo, magaaladii deyrka lahayd way cidlowday, waxayna tahay hoy laga kacay, oo waxaa looga tegey sida cidlada oo kale. Halkaas waxaa daaqi doona weylka, wuuna jiifsan doonaa, oo wuxuu dhammayn doonaa laamaheeda oo dhan.

  • 5Dameerdibadeedku miyuu ciyaa markuu caws haysto? Dibiguse miyuu ciyaa markii cunto la siiyo?

  • 5Bal eeg, sida dameerdibadeedyo lamadegaanka jooga Ayay shuqulkooda ugu baxaan, iyagoo cunto aad u doonaya; Cidladuna carruurtooda cuntay u soo bixisaa.

  • 17Waayo, in kastoo berduhu uusan ubxin, Ama aan midho ku oollin geedaha canabka ah, Oo hawsha saytuunka lagu khasaaro, Ama aan beeraha quud ka bixin, Oo adhigu xerada ka baabbo'o, Oo golahana aan xoolo lagu arag,

  • 72%

    15Oo waxay illowdaa inay cagtu burburinayso, Iyo inuu dugaaggu ku tumanayo.

    16Waxay ku adkaataa dhasheeda, sidii iyagoo aan kuweedii ahayn, Oo in kastoo ay waxtarla'aan u hawshooto haddana iyadu cabsi ma qabto,

    17Maxaa yeelay, Ilaah baa iyada xigmad u diiday, Oo waxgarashona ma uu siin.

  • Ayuub 39:4-5
    2 aayado
    72%

    4Oo ubadkooda yaryaruna way kobcaan, oo waxay ku koraan berrin bannaan, Oo intay baxaan ayaanay mar dambe soo noqon.

    5Bal yaa dameerdibadeedka xoreeyey? Yaase dameerdibadeedka xadhkihiisii ka furay?

  • 10Dibidoodu way dhalaan, oo marnaba madhalays ma noqdaan, Sacyahooduna way dhalaan, dhicis mana keenaan.

  • 25Cawska qallalan markii la gooyo mid cagaar ah oo jilicsan baa soo muuqda, Oo dhalatada buurahana waa la soo urursadaa.

  • 3Waxay la weydoobeen baahi iyo abaar, Oo waxay u cararaan dhul engegan, kaasoo ah lamadegaan gudcur iyo cidlo ah.

  • Sab 80:12-13
    2 aayado
    71%

    12Bal maxaad deyrkiisii u dumisay Si ay kuwa jidka maraa oo dhammu u goostaan?

    13Waxaa kharriba doofaarka kaynta, Oo waxaa iska daaqda ugaadha duurka.

  • Yex 34:5-6
    2 aayado
    71%

    5Oo wax kala firdheen, maxaa yeelay, adhijir ma ay lahayn, oo waxay cunto u noqdeen dugaaggii duurka oo dhan markay kala firidhsanaayeen.

    6Idahaygii waxay ku dul wareegeen buuraha oo dhan iyo kur kasta oo dheerba; oo adhigaygii wuxuu ku kala firidhsanaa dhulka oo dhan, mana jirin cid raadisa oo doondoonta.

  • 4Ilaa goormuu dalku sii barooranayaa, oo uu waddanka oo dhan dooggiisu engegayaa? Xumaanta kuwa dhex deggan aawadeed ayaa xayawaankii iyo shimbirrihiiba wada baabbe'een, maxaa yeelay, dadku waxay yidhaahdeen, Isagu ugudambaystayada ma uu arki doono.

  • 11Waxay waraabiyaan xayawaanka duurka jooga oo dhan, Oo dameerdibadeedyaduna way harraad beelaan.

  • 12Intuu weli cagaarka yahay oo aan la gooyn, Wuu ka hor engegaa dhalatada kale oo dhan.

  • 5iyo deerada, iyo cawsha, iyo dibtaagta, iyo garannuugta, iyo goodirka, iyo biciidka, iyo adhidibadeedka.

  • 10¶ Waxaan oohin iyo baroor kor ugu qaadi doonaa buuraha aawadood, oo daaqsimaha cidladana waan u barooran doonaa, maxaa yeelay, way gubteen si aan ciduna u dhex marin. Oo ninna codkii lo'da kama maqli karo, haaddii samada iyo dugaaggiiba way carareen oo way tageen.

  • 8Xidhiidhka buurahu waa daaqiisa, Oo wuxuu raadiyaa wax kasta oo cagaar ah.

  • 6Markii ay wax daaqeen ayay dhergeen, oo markay dhergeen dabadeed ayaa qalbigoodii kor u kacay, haddaba sidaas daraaddeed bay ii illoobeen.

  • 18Maxaa yeelay, Buur Siyoon waa cidlowday, Oo dawacooyin baa ku dul socda.

  • 5Markaasaa Axaab wuxuu Cobadyaah ku yidhi, Bal tag, oo dalka oo dhan dhex mar, ilaa ilaha biyaha oo dhan, iyo durdurrada oo dhan, waaba intaasoo aynu daaq helnaa, si aynu fardaha iyo baqlaha u noolayno, oo ayan cuudka oo dhammu nooga dhammaan.

  • 27Si uu u dherjiyo dhulka cidlo iyo baabba' ah, Oo uu doog jilicsan uga soo bixiyo?

  • 3Oo sidaas daraaddeed ayaa dalku u barooran doonaa, oo mid kastoo dhexdiisa degganuba waa macaluuli doonaa, oo xayawaanka duurka iyo haadda samada, iyo xataa kalluunka badduna way wada baabbi'i doonaan.

  • 21Waayo, adhijirradii way wada doqonoobeen, oo Rabbigana waxba ma ay weyddiin. Oo sidaas daraaddeed ma ay liibaanin, oo adhyahooda oo dhammuna way kala firidhsan yihiin.

  • 15Oo berrimmadiinnana waxaan ka buuxin doonaa doog ay xoolihiinnu daaqaan, oo idinkuna wax baad cuni doontaan, waadna dhergi doontaan.

  • Bar 4:3-4
    2 aayado
    69%

    3Xataa dawacooyinku naasahay soo bixiyaan, oo dhallaankooda way nuujiyaan, Laakiinse dadkaygu way u naxariis darnaadeen sida gorayada cidlada joogta.

    4Caanonuugga carrabkiisu wuxuu dhabxanagga ugu dhegaa oon daraaddiis Carruurta yaryaruna kibis bay baryaan, laakiinse ciduna uma gooyso.

  • 7Oo dhulkii engegay wuxuu noqon doonaa balli, oo dalkii oommanaha ahaana wuxuu noqon doonaa ilo biyo ah, oo rugtii dawacooyinku jiifsan jireenna waxaa ka soo bixi doona caws iyo gobays iyo dareemo.

  • 30Waayo, idinku waxaad ahaan doontaan sida geed caleentiisu dhado iyo sida beer aan biyo lahayn.

  • 27Oo sidaas daraaddeed dadkii degganaa way xoog yaraayeen, Wayna naxeen oo wareereen, Oo waxay ahaayeen sida cawska berrinka, iyo sida doogga, iyo sida cawska guryaha korkooda ka soo baxa, iyo sida hadhuudh intaanu korin.

  • Yer 2:24-25
    2 aayado
    69%

    24iyo dameerdibadeed cidlada baratay, oo iyadoo orgoonaysa dabaysha ursanaysa. Yaa damaceeda ka celin kara? Oo kuwa iyada doonaya oo dhammuna isma ay daalin doonaan, waayo, iyaday bisheeda heli doonaan.

    25Cagahaaga kabola'aan ka dhawr, oo hungurigaagana harraad ka dhawr, laakiinse waxaad tidhi, Rajo ma leh innaba, waayo, waxaan jeclaaday shisheeyayaal, oo iyagaan iska daba gelayaa.

  • 11Libaaxa duqa ahu ugaadhla'aanta buu u bakhtiyaa, Oo goosha dhasheediina way kala firdhaan.

  • 22Xayawaanka duurkow, ha cabsanina, waayo, naqii cidladu waa soo baxayaa, oo dhirtiina midhaheeday dhalaysaa, oo berdihii iyo canabkiiba way barwaaqoobayaan.

  • 18Buuraha dhaadheer waxaa leh riyaha dibadda, Dhagaxyada waaweynuna waxay gabbaad u yihiin walooyinka.

  • 9Dalku waa barooranayaa, waana taag gabayaa, Lubnaan way ceebowday, oo way engegtay, Shaaroon waa sida lamadegaan oo kale, oo Baashaan iyo Karmelna caleentii bay daadinayaan.

  • 14maxaa yeelay, daarta boqornimada waa laga tegi doonaa, oo magaalada dadka badanna waa laga kici doonaa, oo buurta iyo munaaradduna waxay weligood ahaan doonaan godad dugaag, iyo farxad dameer banjoog ah, iyo daaqsin idaad,

  • 6Waxay kaxayn doonaan adhyahooda iyo ishkinkooda iyagoo Rabbiga doondoonaya, laakiinse isaga ma ay heli doonaan, waayo, wuu ka noqday iyaga.