Yeremyaah 21:5
Oo aniga qudhaydu waxaan idinkula diriri doonaa gacan fidsan iyo cudud xoog badan, anoo xanaaqsan oo cadhaysan oo aad u dhirifsan.
Oo aniga qudhaydu waxaan idinkula diriri doonaa gacan fidsan iyo cudud xoog badan, anoo xanaaqsan oo cadhaysan oo aad u dhirifsan.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
5Iyagu waxay u imanayaan inay reer Kaldayiin la diriraan, laakiinse waxay meeshan ka buuxin doonaan dad dhintay meydadkood, kuwaasoo aan cadhadayda iyo xanaaqayga ku laayay, oo aan dhammaantood xumaantooda aawadeed magaaladan wejigayga uga qariyey.
31Oo waxaan kugu soo kor shubi doonaa dhirifkayga, oo dabkii cadhadayda ayaan kugu soo afuufi doonaa, oo waxaan gacanta kuugu ridi doonaa niman doqonna ah oo aad waxbaabbi'inta u yaqaan.
33Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, hubaal boqor baan idiinku ahaan doonaa gacan xoog badan iyo dhudhun fidsan iyo cadho la soo daadshay,
34oo dadyowga waan idinka soo dhex bixin doonaa, oo waddammadii aad ku kala dhex firidheen waxaan idinkaga soo ururin doonaa gacan xoog badan iyo dhudhun fidsan iyo cadho la soo daadshay.
17Aniguna sacabbadaydaan isku dhufan doonaa, waanan cadhabeeli doonaa. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay.
18¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
4Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogow, dib baan u celin doonaa hubka dagaalka ee gacantiinna ku jira ee aad kula diriraysaan boqorka Baabuloon, iyo reer Kaldayiinka derbiyada dibaddooda idinku hareeraynaya, oo iyagaan magaaladan dhexdeeda ku soo ururin doonaa.
15Oo quruumihii aan i dhegaysan waxaan kaga aargoosan doonaa xanaaq iyo cadho.
13Oo sidaasaa xanaaqaygu ku dhammaystirmi doonaa, cadhadaydana iyagaan ku dejin doonaa, markaasaan qaboobi doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan aniga Rabbiga ahu qiiradayda kula hadlay markaan cadhadaydii korkooda ku dhammaystiray.
14Oo weliba waxaan kaa dhigi doonaa meel cidla ah iyo cay dhex taal quruumaha hareerahaaga ku wareegsan, iyadoo ay kuwa ku soo ag mara oo dhanba indhaha ku hayaan.
15Sidaasay quruumaha hareerahaaga ku wareegsan ugu noqon doontaa cay, iyo ceeb, iyo wax lagu waana qaato, iyo wax lagu yaabo, markaan dhexdaada xukummo ugu sameeyo xanaaq iyo cadho iyo canaan kulul. Aniga Rabbiga ah ayaa sidaas ku hadlay.
14Wakhtiga aan kula macaamiloon doono miyaa qalbigaagu u adkaysan karaa, miyaase gacmahaagu xoog u yeelan karaan? Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay oo saas samayn doona.
20Sida lacag, iyo naxaas, iyo bir, iyo laxaamad, iyo qasacad loo soo ururiyo, oo foornada loogu dhex rido in dabka lagu afuufo si loo dhalaaliyo aawadeed, sidaas oo kalaan idinku soo wada ururin doonaa xanaaqayga iyo cadhadayda, oo halkaasaan idinku ridi doonaa oo aan idinku dhalaalin doonaa.
21Hubaal waan idin soo ururin doonaa oo waxaan idinku soo afuufi doonaa dabka cadhadayda, oo idinkuna dhexdiisaad ku dhalaali doontaan.
6Oo wax baan ku dhufan doonaa waxa magaaladan deggan, dad iyo duunyaba, oo waxay ku le'an doonaan belaayo weyn.
8haddaba sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, aniga qudhaydu col baan kugu ahay, oo iyadoo quruumuhu ay indhaha ku hayaan ayaan xukummo dhexdaada ku samayn doonaa.
24¶ Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka ah Rabbiga ciidammada, oo ah Ka xoogga badan ee reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Way, anigu nacabyadayda waan ka nasan doonaa, oo cadaawayaashaydana waan ka aar gudan doonaa.
4Waxay ku dhex foororsan doonaan maxaabiista, oo waxay ku dhex dhici doonaan kuwa la layn doono. Hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisii weli way fidsan tahay.
5¶ Hoog waxaa leh ka reer Ashuur oo ah ushii cadhadayda iyo hangoolka dhirifkaygu gacanta ugu jiro.
17Oo waxaan dushooda ku soo dejin doonaa aarsasho weyn anigoo xanaaq weyn ku canaananaya, oo markaan aarsashadayda dul saaro waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
3Oo waxaad dalka reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu col baan kugu ahaye, oo intaan seeftayda galkeeda ka soo bixiyo ayaan kan xaqa ah iyo sharrowgaba kaa baabbi'in doonaa.
4Seeftaydu intay galkeeda ka soo baxdo ayay wada baabbi'in doontaa binu-aadmiga oo dhan tan iyo koonfur iyo ilaa woqooyi inta ka dhex leh, maxaa yeelay, anigu waxaan markaas kaa baabbi'in doonaa kan xaqa ah iyo sharrowgaba.
5Oo binu-aadmiga oo dhammuba waxay wada ogaan doonaan in aniga Rabbiga ahu aan seeftaydii galkeedii ka soo bixiyey, oo mar dambena dib uma ay noqon doonto.
31Sidaas daraaddeed dhirifkaygaan ku soo shubay, oo dabkii cadhadayda ayaan ku baabbi'iyey, oo jidkoodiina madaxoodaan kaga abaalmariyey, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
14Oo waxaan ka dhigi doonaa inaad cadaawayaashaada ula gudubtid dal aadan innaba aqoonin, waayo, waxaa xanaaqaygii ka ololay dab idin gubi doona.
20Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan dadkan kaaga dhigi doonaa derbi adag oo naxaas ah. Way kula diriri doonaan, laakiinse kaama ay adkaan doonaan innaba, waayo, waan kuula jiraa inaan ku badbaadsho oo aan ku samatabbixiyo.
21Oo waxaan kaa samatabbixin doonaa gacanta sharrowyada, waanan kaa badbaadin doonaa gacanta kuwa laga cabsado.
10Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Wejigaygaan magaaladan ugu jeediyey inaan masiibo ku sameeyo ee ma aha wanaag. Waxay gacanta u geli doontaa boqorka Baabuloon, oo isna dab buu ku gubi doonaa.
7oo sidaas daraaddeed bal ogow, gacantaydaan kugu soo dul fidiyey, oo quruumaha ayaan booli ahaan kuu siin doonaa, oo dadyowga dhexdooda waan kaa gooyn doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa inaad waddammada oo dhan ka halligantid, waanan ku wada baabbi'in doonaa, oo waxaad ogaan doontaa inaan Rabbiga ahay.
19Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyagu way kula diriri doonaan, laakiinse kaama ay adkaan doonaan, waayo, waan kula jiraa inaan ku samatabbixiyo.
25Rabbigu meesha hubkiisuu furay, oo wuxuu soo bixiyey hubkii dhirifkiisa, waayo, Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay shuqul uu ku dhex samayn doono dalka reer Kaldayiin.
18Laakiinse wakhtiga Juuj uu dalka reer binu Israa'iil ku soo kici doono ayaan aad iyo aad u cadhoon doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
19Waayo, waxaan ku hadlay masayrkaygii iyo cadhadaydii kululayd, oo hubaal wakhtigaas waxaa dalka reer binu Israa'iil jiri doona gariir weyn,
14Oo waxaan aarsashadayda dul saari doonaa reer Edom, oo gacanta dadkayga reer binu Israa'iil ayaan kaga aarsan doonaa, iyaguna reer Edom way ku samayn doonaan sida ay cadhadaydu tahay iyo sida uu xanaaqaygu yahay, oo waxay ogaan doonaan aarsashadayda, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
24oo aad baan u cadhoon doonaa, oo markaasaan seef idinku dili doonaa, kolkaasaa naagihiinnu waxay noqon doonaan carmallo, carruurtiinnuna agoon.
20Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, xanaaqayga iyo cadhadayda ayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka iyo duunyada, iyo dhirta duurka, iyo midhaha dhulkaba. Cadhadaydu way wada gubi doontaa oo lamana demin doono.
11Oo magaalooyinka dalkiinna waan baabbi'in doonaa, oo qalcadihiinnana waan wada dumin doonaa.
6Rabbigu wuxuu leeyahay, Waad iga tagtay, oo dib baad u noqotay, sidaas daraaddeed gacantaydaan kugu soo fidiyey, waanan ku baabbi'iyey, waayo, inaan ciqaabiddaada ka noqdo waan ka daalay.
25Oo waxaan idinku soo dejin doonaa seef idinka aargudda aanadii axdiga, oo magaalooyinkiinna waad ku soo wada ururi doontaan, oo anna belaayo waan idinku dhex ridi doonaa, markaasaad cadowga u gacangeli doontaan.
25Haddaba sidaas daraaddeed ayaa cadhadii Rabbigu dadkiisa ugu oloshay, oo wuxuu iyaga ku soo fidiyey gacantiisii, wax buuna ku dhuftay, oo buurihiina way wada gariireen, oo meydadkoodiina jidadkay dhex daadsanaayeen sida qashin oo kale, hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisu weli way sii fidsan tahay.
14Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa derbiga Rabbaah, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraheeda waaweyn, oo maalinta dagaalka waa la qaylin doonaa, oo maalinta dabaysha cirwareentana duufaan baa ku dhici doona.
3Oo qaansadaada gacantaada bidix waan ka tuuri doonaa, oo fallaadhahaagana gacantaada midig baan ka ridi doonaa.
31Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, kan kibirka badanow, anigu col baan kugu ahay, waayo, waxaa yimid maalintaadii taasoo ah wakhtigii aan ku ciqaabi lahaa.
37Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ka dhigi doonaa in reer Ceelaam ay ku hor naxaan cadaawayaashooda iyo kuwa naftooda doondoonaya, oo masiibo ah cadhadayda kulul ayaan ku soo dejin doonaa, oo seefna waan ka daba diri doonaa, ilaa aan baabba' ka dhigo.
8Goor dhow baan cadhadayda kugu kor shubi doonaa, oo xanaaqaygaan kugu kor dhammaystiri doonaa, oo siday jidadkaagu ahaayeen ayaan kuu xukumi doonaa, oo waxaan kaa abaalmarin doonaa waxyaalahaagii karaahiyada ahaa oo dhan.
6Oo dadyowgaan cadhadayda kula tuntay, xanaaqaygana waan ku sakhraamiyey, oo dhiiggoodana dhulkaan ku soo daadiyey.
31Waayo, magaaladanu waxay ii ahayd wax iga dhirfiya oo iga cadhaysiiya tan iyo maalintii ay dhiseen iyo ilaa maantadan la joogo inta ka dhex leh, oo sidaas daraaddeed ayaan wejigayga uga hor fogayn doonaa,
11sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Anigu waxaan wax kuugu samayn doonaa sidii xanaaqaagu ahaa iyo siduu ahaa masayrkii nacaybkaaga ka yimid oo aad iyaga u muujisay, oo markaan ku xukumo ayaan dhexdooda isku garansiin doonaa.
7Oo waxaan kuu diyaarin doonaa kuwa ku baabbi'inaya oo midkood kastaaba hubkiisii sito, oo geedahaaga la doortay oo kedarka ah way jari doonaan, oo dab bay ku dhex tuuri doonaan.
11Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal eega, wejigaygaan idinku soo jeedin doonaa inaan dadka Yahuudah oo dhan wada baabbi'iyo.