Yeremyaah 22:28

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Ninkan Konyaah ahu ma dheri jabay oo la nacay baa? Ma weel aan la doonayn baa? Bal maxaa isaga iyo farcankiisiiba loo tuuray, oo maxaa loogu dhex xooray dal ayan innaba aqoonin?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 31:12 : 12 Sida qof dhintay oo laga samray ayaa layska kay illoobay, Oo waxaan ahay sida weel jabay.
  • Hos 8:8 : 8 Dadka Israa'iil waa la liqay, oo haatan waxay quruumaha u dhex joogaan sidii weel aan la doonayn.
  • Yer 48:38 : 38 Rabbigu wuxuu leeyahay, Guryaha Moo'aab dushooda, iyo jidadkiisa dhexdooda waxaa meel kasta jira baroorasho, waayo, Moo'aab waxaan u burburiyey sidii weel aan la doonaynin oo kale.
  • 1 Sam 5:3-5 : 3 Oo maalintii dambe markii kuwii reer Ashdood aroor hore kaceen waxay arkeen Daagoon oo wejiga ugu dhacay sanduuqii Rabbiga hortiisa. Markaasay Daagoon qaadeen oo meeshiisii qotomiyeen. 4 Oo haddana markay subaxdii dambe aroor hore kaceen, waxay arkeen Daagoon oo wejiga ugu dhacay sanduuqii Rabbiga hortiisa; oo Daagoon madaxiisii iyo labadiisii gacmoodba way ka go'naayeen oo waxay ku dhaceen marinka, oo Daagoon waxaa u hadhay gumudkii oo keliya. 5 Taas aawadeed Daagoon wadaaddadiisii, ama dad kaleto oo Daagoon gurigiisa soo galaba, midna kuma joogsado marinkii guriga Daagoon oo Ashdood ku yiil ilaa maantadan la joogo.
  • 2 Sam 5:21 : 21 Iyana halkaasay sanamyadoodii kaga tageen, waxaana qaaday Daa'uud iyo raggiisii.
  • 1 Taar 3:17-24 : 17 ¶ Oo maxbuuskii Yekonyaah ahaa wiilashiisii waxay ahaayeen: 18 wiilkiisii Salaatii'eel, iyo Malkiiraam, iyo Fedaayaah, iyo Shen'asar, iyo Yeqamyaah, iyo Hooshaamaac, iyo Nedabyaah. 19 Wiilashii Fedaayaahna waxay ahaayeen Serubaabel, iyo Shimcii, oo wiilashii Serubaabelna waxay ahaayeen Meshullaam, iyo Xananyaah, oo Shelomiidna waxay ahayd walaashood, 20 iyo Xashubaah, iyo Ohel, iyo Berekyaah, iyo Xasadyaah, iyo Yuushabxesed, oo iyana waxay ahaayeen shan. 21 Wiilashii Xananyaahna waxay ahaayeen Felatyaah, iyo Yeshaacyaah, oo waxaa kaloo jiray wiilashii Refaayaah, iyo wiilashii Arnaan, iyo wiilashii Cobadyaah, iyo wiilashii Shekaanyaah. 22 Wiilashii Shekaanyaahna waxay ahaayeen Shemacyaah, wiilashii Shemacyaahna waxay ahaayeen Xatuush, iyo Yigaal, iyo Baarii'ax, iyo Necaryaah, iyo Shaafaad, oo waxay ahaayeen lix. 23 Wiilashii Necaryaahna waxay ahaayeen Eliyooceenay, iyo Xisqiyaah, iyo Casriiqaam, oo waxay ahaayeen saddex. 24 Wiilashii Eliyooceenayna waxay ahaayeen, Hoodawyaah, iyo Eliyaashiib, iyo Felaayaah, iyo Caquub, iyo Yooxaanaan, iyo Delaayaah, iyo Canaanii, waxayna ahaayeen toddoba.
  • Hos 13:15 : 15 In kastoo uu walaalihiis dhexdooda ku dhal badan yahay, waxaa iman doonta dabayl bari ka timid, taasoo ah neefta Rabbiga oo cidlada ka soo baxaysa, oo ishiisa biyood way engegi doontaa, oo durdurkiisuna wuu iska gudhi doonaa, oo waa laga wada dhici doonaa khasnadda alaabta qaaliga ahu ugu jirto.
  • Mat 1:12-16 : 12 ¶ Goortii Baabuloon loo kaxeeyey dabadeed, Yekonyaah wuxuu dhalay Salaatii'eel, Salaatii'eelna wuxuu dhalay Serubaabel, 13 Serubaabelna wuxuu dhalay Abihuud, Abihuudna wuxuu dhalay Eliyaaqiim, Eliyaaqiimna wuxuu dhalay Asoor, 14 Asoorna wuxuu dhalay Saadooq, Saadooqna wuxuu dhalay Akhiim, Akhiimna wuxuu dhalay Eliyuud, 15 Eliyuudna wuxuu dhalay Elecaasaar, Elecaasaarna wuxuu dhalay Mataan, Mataanna wuxuu dhalay Yacquub, 16 Yacquubna wuxuu dhalay Yuusuf oo ahaa ninkii Maryan, tii Ciise, kan Masiix la yidhaahdo, ka dhashay.
  • Room 9:21-23 : 21 Dheriyasameeyuhu miyuusan lahayn amar uu ugu taliyo dhoobada inuu fud keliya in ka sameeyo weel cisa leh, inta kalena mid aan cisa lahayn? 22 Bal maxay la tahay Ilaah haddii, isagoo doonaya inuu cadhadiisa muujiyo oo xooggiisa dadka ogeysiiyo, uu samir badan ugu dulqaatay weelasha cadhada oo loo diyaariyey baabbi'idda, 23 iyo inuu hodantinimadii ammaantiisa ogeysiiyo weelasha naxariista oo uu hore ugu diyaariyey ammaanta,
  • 2 Tim 2:20-21 : 20 Haddaba kuma jiraan guri weyn weelal dahab iyo lacag keliya ahi, laakiinse waxaa kaloo yaal kuwo qoryo iyo dhoobo ah; oo qaarkoodna wax sharaf leh ayay taraan, qaarna wax aan sharaf lahayn. 21 Sidaas daraaddeed haddii nin iska daahirsho kuwan, kaasu wuxuu ahaan doonaa weel sharaf leh, oo quduus laga dhigay, oo sayidka wax u tara, oo shuqul kasta oo wanaagsan loo diyaariyey.
  • Yer 14:18 : 18 Haddaan duurka tago waxaan arkaa kuwa seef lagu laayay, oo haddaan magaalada galona waxaa arkaa kuwa gaajo la buka, waayo, nebiyadii iyo wadaaddadiiba dalkay ku dhex warwareegaan iyagoo aan aqoon lahayn.
  • Yer 15:1 : 1 ¶ Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Xataa haddii Muuse iyo Samuu'eel ay hortayda soo istaagaan, qalbigaygu innaba dadkan uma soo noqon kareen. Hortayda ka fogee iyaga, oo iska daa ha tageene.
  • Yer 17:4 : 4 Oo adiga qudhaadu waad sii dayn doontaa dhaxalkii aan ku siiyey, oo inaad cadaawayaashaada ugu adeegtid dal aadan weligaa aqoonin ayaan ka dhigi doonaa, waayo, waxaad cadhadaydii ku dhex shidday dab weligiisba sii ololaya.
  • Yer 22:30 : 30 Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad ninkan ku qortaan sidii madhalays oo kale iyo nin aan cimrigiis liibaanayn, waayo, isaga farcankiisa ninna ka liibaani maayo inuu carshigii Daa'uud ku dul fadhiisto, oo uu dalka Yahuudah mar dambe ka dhex taliyo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yer 22:24-27
    4 aayado
    81%

    24Rabbigu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, xataa haddii Konyaah ina Yehooyaaqiim oo ah boqorka dalka Yahuudah uu ahaan lahaa katuunka gacantayda midig, xataa markaas waan kaa rujin lahaa meeshan.

    25Oo waxaan kuu gelin doonaa gacanta kuwa naftaada doondoonaya, iyo gacanta kuwa aad ka baqaysid, oo ah Nebukadresar oo boqorka Baabuloon ah, iyo reer Kaldayiin.

    26Oo adiga iyo hooyadaadii ku dhashayba waxaan ku dhex xoori doonaa dal aydaan ku dhalan, oo halkaasaad ku dhiman doontaan.

    27Laakiinse dalka ay u xiisoonayaan inay ku noqdaan, halkaas innaba kuma ay soo noqon doonaan.

  • Yer 22:29-30
    2 aayado
    79%

    29Dhulkow, dhulkow, dhulkow, bal erayga Rabbiga maqal.

    30Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad ninkan ku qortaan sidii madhalays oo kale iyo nin aan cimrigiis liibaanayn, waayo, isaga farcankiisa ninna ka liibaani maayo inuu carshigii Daa'uud ku dul fadhiisto, oo uu dalka Yahuudah mar dambe ka dhex taliyo.

  • 24Miyaadan ka fikirayn waxa dadkanu ku hadleen iyagoo leh, Labadii qolo ee uu Rabbigu doortayba wuu xooray? Oo saasay dadkayga u quudhsadaan si ayan iyagu mar dambe hortooda quruun ugu ahaan.

  • 22Markaasuu Rabbigu u sii adkaysan kari waayay, waana sharka falimihiinna iyo karaahiyada aad samayseen aawadood, oo sidaas daraaddeed dalkiinnii wuxuu u noqday cidla, iyo wax laga yaabo, iyo inkaar, oo ciduna ma deggana siday maantadan tahay.

  • 8Dadka Israa'iil waa la liqay, oo haatan waxay quruumaha u dhex joogaan sidii weel aan la doonayn.

  • 9Oo waxaan ka dhigi doonaa inay boqortooyooyinka dunida oo dhan hor iyo dib ku dhex rogrogmadaan, oo meelaha aan iyaga u kaxayn doono oo dhanba waxay ku noqon doonaan cay iyo maahmaah iyo halqabsi iyo habaar.

  • Yer 8:2-3
    2 aayado
    71%

    2Oo waxaa lagu kala bixin doonaa dhulka hoos yaal qorraxda, iyo dayaxa, iyo ciidanka samada oo dhan, kuwaasoo ay jeclaan jireen, oo ay u adeegi jireen, oo ay daba socon jireen, oo ay doondooni jireen, oo ay caabudi jireen. Lama soo ururin doono, lamana aasi doono, oo sida digo oo kale ayay dhulka saarnaan doonaan.

    3Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa qoladan sharka ah ka hadhi doona oo dhammu waxay nolosha ka dooran doonaan dhimasho, waana kuwa ku hadhi doona meelaha aan u kexeeyey oo dhan.

  • Yer 22:11-12
    2 aayado
    71%

    11Waayo, Rabbigu wuxuu ka leeyahay Shalluum ina Yoosiyaah oo ahaa boqorkii Yahuudah, kaasoo boqor ka noqday meeshii aabbihiis Yoosiyaah, oo meeshan ka baxay, Isagu mar dambe halkan kuma soo noqon doono,

    12laakiinse wuxuu ku dhiman doonaa meeshii ay isaga maxaabiis ahaan ugu kaxaysteen, oo dalkan mar dambe ma uu arki doono.

  • 14laakiinse waxaan iyaga ku kala firdhiyey dabayl duufaan ah oo waxaan dhex geeyey quruumaha ayan aqoon oo dhan. Sidaasuu dalkii cidla u noqday iyaga dabadood, oo ninna ma dhex marin, ciduna kuma soo noqon, waayo, dalkii wacnaa cidla baa laga dhigay.

  • 19Waayo, waxaa Siyoon ka yeedhaya cod baroor ah oo leh, Sidee baannu u baabba'nay! Aad iyo aad baannu u ceebownay, maxaa yeelay, dalkii waannu ka tagnay, oo hoyaashayadiina waa nalaga dumiyey.

  • Yer 27:19-22
    4 aayado
    70%

    19Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu ka leeyahay tiirarka, iyo berkedda, iyo saldhigyada, iyo weelasha magaaladan ku hadhay,

    20oo uusan Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon qaadan markuu maxaabiis ahaanta u kaxaystay boqorkii dalka Yahuudah oo ahaa Yekonyaah ina Yehooyaaqiim iyo saraakiishii dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalemba, oo intuu Yeruusaalem ka kaxaystay uu Baabuloon la tegey,

    21Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay weelasha ku hadhay guriga Rabbiga iyo guriga boqorka dalka Yahuudah, iyo Yeruusaalemba,

    22Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyaga waxaa loo qaadan doonaa Baabuloon, oo halkaasay oolli doonaan ilaa maalinta aan soo booqan doono, oo dabadeedna waan soo qaadi doonaa oo meeshan baan ku soo celin doonaa.

  • 14Oo isna wuxuu u burburin doonaa sida weelka dheryasameeyahu u burburo oo kale, isagoo burburinaya oo aan u tudhayn, oo sidaas aawadeed burburkiisa lagama dhex heli doono jajab dab meeshiisa lagaga qaado ama biyo berkedda lagaga dhuro.

  • 18Yeruusaalem, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo boqorradooda, iyo amiirradooda, si aan iyaga uga dhigo cidla, iyo wax laga yaabo oo lagu foodhyo, iyo inkaar, siday maantaba tahay,

  • 8Oo taas daraaddeed ayaa cadhada Rabbigu ugu soo degtay dadka Yahuudah iyo Yeruusaalemba, oo Rabbiguna wuxuu iyagii geliyey rabshad iyo in laga yaabo oo lagu foodhyo, sida aad idinkuba indhihiinna ugu aragtaan.

  • 20Oo Rabbigu wuxuu nacay farcankii reer binu Israa'iil oo dhan, oo intuu dhibay ayuu gacanta u geliyey kuwii dhacay ilaa uu hortiisa ka tuuray.

  • 28Oo Rabbigu dhulkoodii ayuu kaga rujiyey cadho iyo xanaaq iyo dhirif weyn, oo wuxuu ku dhex tuuray dal kaleeto siday maantadan tahay.

  • 19Laakiinse adiga waa lagu xooray, oo qabrigaagii waa lagaa fogeeyey sidii laan la karhay, oo sidii dharka kuwa la laayay oo seefta lagu mudhbixiyey oo hoos ugu dhaca dhagaxyada yamayska, ayaa sidii meyd oo kale lagugu tuntay.

  • 16si ay dalkoodii uga dhigaan cidla laga yaabo iyo wax had iyo goorba lagu foodhyo. Mid kasta oo ag maraaba wuu yaabi doonaa, oo madaxuu luli doonaa.

  • 14Dalka Israa'iil ma addoon baa, mase waa bidde guriga ku dhashay? Maxaa isaga loo kala boobay?

  • 26Rabbigu wuxuu leeyahay, Lagaama qaadan doono dhagax rukun noqon kara iyo dhagax aasaas noqon kara toona, laakiinse adigu weligaaba cidla baad ahaan doontaa.

  • 18Oo hubaal sida kubbad oo kale ayuu kugu wadhfin doonaa dhul weyn oo ballaadhan, oo halkaasaad ku dhiman doontaa, oo gaadhifardoodyadii sharaftaaduna halkaasay joogi doonaan, adigoo ah ceebta gurigii sayidkaaga.

  • 12Rabbigu wuxuu leeyahay, Samooyinkow, bal waxan la yaaba, oo aad iyo aad u cabsada, oo haddana aad u gariira.

  • 11Cidla bay ka dhigeen, oo iyadoo cidla ah ayay xaggayga u soo baroorataa. Dalkii oo dhan cidla waa laga dhigay, waayo, ninna dan kama galo.

  • 2Sayidku wuxuu liqay rugihii dadka Yacquub oo dhan, umana uu tudhin. Wuxuu cadhadiisii ku dumiyey qalcadihii dadka Yahuudah, Oo dhulkuu ku soo xooray iyagii, Oo boqortooyadii iyo amiirradeediiba nijaas buu ku tiriyey.

  • 2Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Waad aragteen masiibadii aan Yeruusaalem iyo magaalooyinkii reer Yahuudah oo dhan ku dejiyey, oo bal eega, maantadan iyagu waa cidla, oo ciduna halkaas ma dhex deggana,

  • 14¶ Oo Rabbigu wuxuu bixiyey amar kugu saabsan, si aan innaba mar dambe jirin farcan magacaaga sii wada. Guriga ilaahyadaada waxaan ka baabbi'in doonaa sanamka xardhan iyo sanamka la shubay, oo waxaan samayn doonaa qabrigaagii, waayo, waxaad tahay wax la fududaystay.

  • 2Waayo, Rabbigu sharaftii reer Yacquub wuu u soo celinayaa sidii sharaftii reer binu Israa'iil oo kale, waayo, kuwii wax dhici jiray ayaa dhacay, oo laamahoodii canabka ahaana way wada baabbi'iyeen.

  • 12Haddaba waxaad reerka caasiyoobay ku tidhaahdaa, War miyaydaan waxyaalahaas micnahooda garanayn? Waxaad ku tidhaahdaa, Bal eega, boqorkii Baabuloon Yeruusaalem buu yimid, oo wuxuu kaxaystay boqorkeedii iyo amiirradeediiba, oo Baabuloon buu u watay.

  • 38Rabbigu wuxuu leeyahay, Guryaha Moo'aab dushooda, iyo jidadkiisa dhexdooda waxaa meel kasta jira baroorasho, waayo, Moo'aab waxaan u burburiyey sidii weel aan la doonaynin oo kale.

  • Yer 22:18-19
    2 aayado
    69%

    18Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ka leeyahay Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, Isaga looma barooran doono, iyagoo leh, Hoogay walaalkayow, amase Hoogay walaashayay! Oo isaga looma barooran doono iyagoo leh, Hoogay sayidow, amase Hoogay isagu sharaf badnaaye!

    19Isaga waxaa loo xabaali doonaa sida dameer loo xabaalo oo kale, oo inta la jiido ayaa irdaha Yeruusaalem dibadda looga bixin doonaa.

  • 2Wiilashii Siyoon ee qaaliga ahaa oo dahabka saafiga ah la mid ahaa Sidee baa loogu tiriyey dheryo dhoobo ah oo uu dheryasameeyuhu gacmaha ku sameeyey oo kale!

  • 4Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan halkan ku soo celin doonaa Yekonyaah ina Yehooyaaqiim oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo maxaabiistii dadka Yahuudah ee Baabuloon lala tegey oo dhan, waayo, harqoodka boqorka Baabuloon waan jebin doonaa.

  • 11Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dadkan iyo magaaladanba waxaan u jejebin doonaa sida weelka dheryasameeyaha loo jebiyo oo kale, kaasoo aan mar kale la kabi karayn, oo waxaa meydadkooda lagu wada xabaali doonaa Tofed, ilamaa ay waayaan meel ay ku kala xabaalaan.

  • 26markaas waxaan xoori doonaa farcankii Yacquub, iyo addoonkaygii Daa'uudba, si aanan farcankiisa qaarna uga dhigin inay taliyayaal u ahaadaan farcankii Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, waayo, maxaabiistooda waan soo celin doonaa, waanan u naxariisan doonaa.

  • 9Irdaheedii dhulkay ku tiimbadeen, oo qataarradeediina wuu wada burburiyey oo jejebiyey. Boqorkeedii iyo amiirradeediiba waxay dhex joogaan quruumaha, sharcigiina innaba ma jiro, Oo nebiyadeediina xagga Rabbiga waxba loogama muujin.

  • 9Dumarkii dadkayga waxaad ka saartaan guryahoodii wacnaa, oo carruurtoodii yaryaraydna waxaad weligiin ka qaadataan ammaantaydii.

  • 4Wakhtigaas waxaa laydinku qaadi doonaa masaal, waxaa lagu barooran doonaa baroor aad u weyn, oo waxaa la odhan doonaa, Annaga waa nala wada baabbi'iyey. Isagu waa beddelaa qaybtii dadkayga. Bal sidee buu iiga wareejiyaa! Oo beerahayagiina wuxuu u qaybiyaa caasiyiinta.

  • 11Oo dalkan oo dhammuna wuxuu noqon doonaa cidla iyo wax laga yaabo, oo quruumahanuna toddobaatan sannadood ayay boqorka Baabuloon u adeegi doonaan.

  • 8Oo in kastoo guriganu dheer yahay, haddana mid walba oo ag maraaba wuu la yaabi doonaa, oo wuu ku foodhyi doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Rabbigu muxuu sidan uga dhigay dalkan iyo gurigan?

  • 7Sayidku wuu xooray meeshiisii allabariga, oo meeshiisii quduuska ahaydna wuu karhay, Derbiyadii daaraheeda waaweynna gacanta cadowga buu u geliyey. Oo gurigii Rabbigana way ku dhex qayliyeen sidii maalin iid ah.