Yeremyaah 30:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo sidaas daraaddeed kuwa ku baabbi'iya oo dhan waa la wada baabbi'in doonaa, oo cadaawayaashaada oo dhanna midkood kastaba maxaabiis ahaan ayaa loo kaxaysan doonaa, oo kuwa ku kala boobana waa la kala boobi doonaa, oo kuwa ku dhacana waxaan ka yeeli doonaa in iyagana la dhaco.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 10:25 : 25 Cadhadaada ku soo deji quruumaha aan ku aqoon iyo qolooyinka aan magacaaga kugu baryin, waayo, reer Yacquub way cuneen, hubaal way cuneen oo dhammeeyeen, oo rugtoodiina way baabbi'iyeen.
  • Ish 14:2 : 2 Oo dadyowga ayaa soo kaxayn doona, oo waxay iyaga keeni doonaan meeshoodii, oo reer binu Israa'iil ayaa iyaga dalka Rabbiga ugu haysan doona addoommo rag iyo gabdho ah, oo maxaabiis ahaan bay u haysan doonaan kuwii ay iyagu maxaabiista u ahaan jireen, oo waxay u talin doonaan kuwii iyaga dulmi jiray.
  • Ish 33:1 : 1 ¶ Adaa iska hoogay, kaaga wax dhaca oo aan adiga wax lagaa dhicin oo wax khiyaaneeya oo aan adiga lagu khiyaanayn. Markaad waxdhicidda joojisid ayaa adiga wax lagaa dhici doonaa, oo markaad waxkhiyaanaynta joojisid ayaa adiga lagu khiyaanayn doonaa.
  • Bax 23:22 : 22 Laakiinse xaqiiqa haddaad codkeeda dhegaysatid, oo aad yeeshid kulli waxa aan ku hadlayo, de markaas waxaan noqon cadaawayaashaada cadowgooda, oo kuwa ku dhibana mid dhiba iyaga.
  • Sab 129:5 : 5 Inta Siyoon neceb oo dhammu, Ha ceeboobeen oo dib ha u noqdeen.
  • Sab 137:8-9 : 8 Gabadha Baabuloonay, waa lagu baabbi'in doonaa, Waxaa faraxsanaan doona kii kaa abaalmariya Sidii aad nagu samaysay. 9 Waxaa faraxsanaan doona kii dhallaankaaga qabsada Oo dhagaxa weyn ku dul tuura.
  • Ish 41:11-12 : 11 Bal eega, kuwa idinku cadhaysan oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, wayna sharafjabi doonaan, oo kuwa idinla dirirayaana waxay noqon doonaan sida wax aan jirin, wayna wada halligmi doonaan. 12 Waad doondooni doontaan, mana aad heli doontaan, xataa kuwa idinla diriraya, kuwa idinla dagaallamayaana waxay noqon doonaan sida wax aan jirin oo kale, iyo sida wax baabbah ah.
  • Ish 47:5-6 : 5 Magaalada reer Kaldayiinay, shib dheh oo fadhiiso, meel gudcur ah gal, waayo, mar dambe laguuguma yeedhi doono sayidaddii boqortooyooyinka. 6 Waxaan u cadhooday dadkaygii, oo dhaxalkaygii nijaas baan ka dhigay, oo adigaan gacanta kuu geliyey. Innaba iyagii uma aadan naxariisan, oo dadka gaboobay ayaad harqoodkaagii wax culus kaga dhigtay.
  • Ish 54:15 : 15 Bal ogow, haddii dagaal laysu soo wada urursado xaggayga kama iman doono. Ku alla kii dagaal kugu kiciyaaba aawadaa buu u dhici doonaa.
  • Ish 54:17 : 17 Hub laguu samaystay oo liibaanaya ma jiro, oo af kasta oo garsoorid kuugu kacana waad xukumi doontaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Kanu waa dhaxalkii addoommada Rabbiga, oo xaqnimadooduna xaggaygay ka timid.
  • Yer 2:3 : 3 Reer binu Israa'iil wuxuu Rabbiga u ahaa quduus, iyo midhihii ugu horreeyey ee beergooyskiisii, oo kuwii isaga cunay oo dhammu eed bay lahaayeen, oo masiibo baa iyaga ku soo degtay, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Yer 12:14 : 14 ¶ Derisyadayda sharka ah oo dhan oo taabta dhaxalkii aan dadkayga reer binu Israa'iil dhaxalsiiyey, Rabbigu wuxuu ka leeyahay, Bal ogaada, iyagaan dalka ka rujin doonaa, oo dadka Yahuudahna waan ka rujin doonaa dhexdooda.
  • Yer 25:12 : 12 Oo markay toddobaatanka sannadood dhammaadaan ayaan xumaantooda aawadeed u ciqaabi doonaa boqorka Baabuloon iyo quruuntaas, iyo dalka reer Kaldayiinba, oo waxaan ka dhigi doonaa meelo weligoodba cidla ah.
  • Yer 25:26-29 : 26 iyo boqorrada woqooyi oo dhan, ku fog iyo ku dhowba, kan iyo kaasba, iyo boqortooyooyinka dunida ee dhulka joogo oo dhan, oo iyaga dabadoodna waxaa cabbi doona boqorka Sheeshag. 27 Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu idinku leeyahay, Cabba oo sakhraama, oo mantaga, oo dhaca, oo innaba mar dambe ha soo sara kicina, seefta aan dhexdiinna u soo diri doono daraaddeed. 28 Oo hadday diidaan inay koobka gacantaada ka qaataan oo ay cabbaan, markaas waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu idinku leeyahay, Hubaal waad cabbi doontaan! 29 Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan bilaabayaa inaan masiibo ku soo dejiyo magaaladii laygu magacaabay, haddaba miyaan idinkana laydin wada ciqaabayn? Idinku ciqaabla'aan ku sii joogi maysaan, waayo, waxaan u yeedhayaa seef inay ku dhacdo dadka dhulka deggan oo dhan.
  • Yer 50:7-9 : 7 Ku alla kii iyaga helayba wuu cunay, oo cadaawayaashoodiina waxay yidhaahdeen, Annagu dembi kuma lihin, maxaa yeelay, iyagu waxay ku dembaabeen Rabbiga ah rugtii caddaaladda, kaasoo ah Rabbigii ahaa rajadii awowayaashood. 8 Baabuloon dhexdeeda ka carara, oo dalka reer Kaldayiin ka dhex baxa, oo noqda sida orgiyo adhi hor socda oo kale. 9 Waayo, bal ogaada, waxaan kicin doonaa oo aan Baabuloon ku soo dayn doonaa quruumo waaweyn oo is-urursaday oo xagga dalka woqooyi ka yimid, oo dagaal bay isugu soo diyaarin doonaan oo halkaasaa laga qaadi doonaa. Oo fallaadhahoodu waxay noqon doonaan sida fallaadhaha kan dagaalka aqoonta u leh oo aan middoodna waxtarla'aan ku soo noqonayn. 10 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Dalka Kalday wuxuu noqon doonaa wax la dhaco, oo kuwii isaga dhaca oo dhammuna way wada dhergi doonaan. 11 Kuwiinna dhaxalkayga dhacayow, in kastoo aad faraxdaan oo aad rayraysaan, iyo in kastoo aad u cayishaan sida qaalin lo'aad oo daaqsin fiican dhex joogta, amase aad danantaan sida fardo xoog badan oo kale,
  • Yer 50:17-18 : 17 Dadka Israa'iil waa sida ido kala firidhsan oo kale. Libaaxyaa kala eryay. Markii hore waxaa baabbi'iyey boqorkii Ashuur, oo markii dambena Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ayaa lafihiisii burbursaday. 18 Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, boqorka Baabuloon iyo dalkiisaba waan u ciqaabi doonaa sidaan boqorkii Ashuur u ciqaabay oo kale.
  • Yer 50:28 : 28 Waxaa yeedhaya codkii kuwa dalka Baabuloon ka sii cararaya oo ka baxsanaya inay Siyoon ka naadiyaan aarsashadii Rabbiga Ilaahayaga ah, taasoo ah aarsashadii macbudkiisa.
  • Yer 50:33-40 : 33 ¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba waa la wada dulmay, oo kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystayna aad bay u xajistaan, wayna diidaan inay iska sii daayaan. 34 Bixiyahoodu waa xoog badan yahay, oo magiciisana waxaa la yidhaahdaa Rabbiga ciidammada. Oo isagu sida xaqiiqada ah dacwadooda wuu u qaadi doonaa, si uu dhulka u nasiyo, oo uu kuwa Baabuloon deggan u gariiriyo. 35 Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer Kaldayiin, iyo kuwa Baabuloon deggan, iyo amiirradeeda, iyo raggeeda xigmadda lehba seef baa u diyaar ah. 36 Oo faanlowyadana seef baa u diyaar ah, wayna nacasoobi doonaan, oo raggeeda xoogga badanna seef baa u diyaar ah, wayna argaggixi doonaan. 37 Oo seef baa u diyaar ah fardahooda, iyo gaadhifardoodyadooda, iyo dadka isku qasan oo dhexdeeda jooga oo dhan, oo waxay noqon doonaan sida naago oo kale. Oo khasnadaheedana seef baa u diyaar ah, oo iyana waa la dhici doonaa. 38 Biyaheedana abaar baa u diyaar ah, wayna wada gudhi doonaan, waayo, kanu waa dal ay taswiiro xardhanu ka buuxaan, oo dadkuna sanamyo bay ka daba waashaan. 39 Sidaas daraaddeed dugaagga lamadegaanku waxay halkaas la degganaan doonaan yeyda, oo weliba gorayooyinka ayaa halkaas ku hoyan doona, oo weligeedna mar dambe lama degi doono, oo tan iyo ab ka abna dhexdeeda innaba laguma hoyan doono. 40 Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidii Ilaah u afgembiyey Sodom iyo Gomora iyo magaalooyinkii u dhowaaba ayaan ciduna halkaas u joogi doonin oo uusan innaba binu-aadmina halkaas degganaan doonin.
  • Yer 51:34-37 : 34 Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ayaa i baabbi'iyey, wuu i burbursaday, oo weel madhan buu iga dhigay, wuuna i liqay sidii bahal weyn oo kale, oo wuxuu calooshiisa ka buuxsaday cuntadaydii macaanayd, oo dibadduu ii xooray. 35 Kan Siyoon degganu wuxuu odhan doonaa, Dulmigii aniga iyo jidhkayga lagu sameeyey Baabuloon ha saarnaado. Yeruusaalem waxay odhan doontaa, Dhiiggaygu dadka dalka Kalday deggan ha saarnaado. 36 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, anigu dacwadaada waan kuu qaadi doonaa, waanan kuu aari doonaa, oo baddeeda waan engejin doonaa, oo isheedana waan qallajin doonaa. 37 Baabuloon waxay noqon doontaa tuulmooyin burbur ah iyo meel dawacooyinku ay ku hoydaan, iyo wax laga yaabo oo lagu foodhyo, oo aan ciduna degganayn.
  • Bar 1:21 : 21 Inaan taahayo waa la maqlay, ninnase ima qalbi qaboojiyo. Cadaawayaashaydii oo dhammu dhibaatadaydii way maqleen, oo inaad saas igu samaysay way ku faraxsan yihiin. Waad keeni doontaa maalintii aad ka hadashay, oo iyaguna sidaydoo kalay noqon doonaan.
  • Bar 4:21-22 : 21 Reer Edom oo dalka Cuus degganow, farax oo reyree. Koobku adiguu kuu soo gudbi doonaa, waanad sakhraami doontaa, oo waad isqaawin doontaa. 22 Magaalada Siyoonay, ciqaabtii xumaantaadu way dhammaatay. Isagu innaba mar dambe maxaabiis ahaan kuu kaxaysan maayo. Reer Edomow, xumaantaada wuu soo ciqaabi doonaa, Oo dembiyadaadana daahuu ka qaadi doonaa.
  • Yex 25:3-7 : 3 oo waxaad reer Cammoon ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ah eraygiisa maqla, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaad Ahaa ku tidhaahdeen meeshayda quduuska ah markii la nijaaseeyey, iyo markuu dalka reer binu Israa'iil cidlada noqday, iyo markay dadka Yahuudah maxaabiisnimo u bexeen, 4 sidaas daraaddeed bal ogow, hanti ahaan ayaan dadka bari kuu siin doonaa, oo iyana xerooyinkooda bay kaa dhex samaysan doonaan, oo hooygoodana dhexdaaday ka samaysan doonaan. Midhahaaga way cuni doonaan, caanahaagana way dhami doonaan. 5 Oo Rabbaahna waxaan ka dhigi doonaa gole geel, meesha reer Cammoonna waxaan ka dhigi doonaa xeryo adhi, oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay. 6 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waad sacbisay, waanad rablaysay, oo qalbigaagaad ku rayraysay adigoo aad iyo aad dalka reer binu Israa'iil u quudhsanaya, 7 oo sidaas daraaddeed bal ogow, gacantaydaan kugu soo dul fidiyey, oo quruumaha ayaan booli ahaan kuu siin doonaa, oo dadyowga dhexdooda waan kaa gooyn doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa inaad waddammada oo dhan ka halligantid, waanan ku wada baabbi'in doonaa, oo waxaad ogaan doontaa inaan Rabbiga ahay.
  • Yex 26:2-9 : 2 Wiilka Aadamow, Reer Turos wuxuu Yeruusaalem ku yidhi, Ahaa, tii dadyowgii iriddiisa ahaan jirtay way jabtay, oo anigay ii soo jeedday, oo haddana waan buuxsanaan doonaa, waayo, iyadu haatan waa cidla. 3 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer Turosow, bal eeg, anigu col baan kugu ahaye, oo waxaan ka dhigi doonaa inay quruumo badanu kuugu soo kacaan siday baddu hirarkeeda u soo kiciso oo kale. 4 Oo iyagu derbiyada Turos way baabbi'in doonaan, oo munaaradaheedana way dumin doonaan, oo ciiddeedana waan ka xoqi doonaa, oo dhagax diiran oo kale baan ka dhigi doonaa. 5 Oo waxay noqon doontaa meel shabagyo lagu wadho oo badda dhexdeeda ku taal, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Aniga ayaa saas ku hadlay, oo booli bay quruumaha u noqon doontaa. 6 Oo gabdhaheeda berrinka joogana seef baa lagu wada layn doonaa; oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay. 7 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan Turos ku soo kicin doonaa boqorka Baabuloon oo ah Nebukadresar boqorkii boqorrada, oo xagga woqooyi buu ka iman doonaa isagoo wata fardo, iyo gaadhifardoodyo, iyo rag fardooley ah, iyo guuto ciidan ah, iyo dad faro badan. 8 Oo isagu gabdhahaaga berrinka jooga seef buu ku wada layn doonaa, oo qalcado buu kuu samaysan doonaa, oo tuulmo buu kuu tuulan doonaa, oo gaashaan weyn ayuu kor kuugu qaadan doonaa. 9 Wuxuu derbiyadaada ku tumi doonaa wax lagu jejebiyo, oo munaaradahaagana wuxuu ku dumin doonaa faasaskiisa. 10 Oo fardihiisa badan aawadood ayaa boodhkoodu ku qarin doonaa, oo derbiyadaaduna waxay la gariiri doonaan ragga fardooleyda buuqooda, iyo giraangiraha iyo gaadhifardoodyada gurdankooda, markuu irdahaaga u soo galo sida rag u soo galo magaalo dhinac laga faruuray oo kale. 11 Oo qoobabka fardihiisa ayuu jidadkaaga oo dhan kula tuman doonaa, oo dadkaagana seef buu ku wada layn doonaa, oo tiirarkaaga adadaguna dhulkay ku soo dhici doonaan. 12 Maalkaaga way dhici doonaan, oo booli ahaan bay baayacmushtarkaaga u qaadan doonaan, oo derbiyadaadana way dumin doonaan, oo daarahaaga qurqurxoonna way burburin doonaan, oo dhagxantaada iyo alwaaxdaada iyo boodhkaagaba biyahay ku dhex daadin doonaan. 13 Oo waxaan joojin doonaa qaylada heesahaaga, oo kataaradahaaga sanqadhoodana mar dambe lama maqli doono. 14 Waxaanan kaa dhigi doonaa sida dhagax diiran oo kale, oo waxaad noqon doontaa meel shabagyada lagu dul wadho, oo mar dambena dib laguuma dhisi doono, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Aniga Ilaaha ah ayaa saas ku hadlay. 15 ¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu reer Turos ku leeyahay, Markii kuwa dhaawaca ahu cabaadaan oo dad badan dhexdaada lagu laayo, sow jasiiraduhu sanqadha dhiciddaada kama gariiri doonaan? 16 Oo markaasay amiirrada badda oo dhammu carshiyadooda ka soo degi doonaan, oo waxay iska bixin doonaan khamiisyadooda, oo dharkooda daabaca lehna way iska saari doonaan, oo intay gariir xidhaan ayay dhulka fadhiisan doonaan, oo daqiiqad kastana way iska gariiri doonaan, wayna kula yaabi doonaan. 17 Oo baroor ayay kor kuugu qaylin doonaan, oo waxay kugu odhan doonaan, Magaaladii caanka ahayd, oo dadka badaha maraa ay degganaayeen, oo badaha ku xoog badnayd iyada iyo dadkeeda degganuba, oo kuwa ku hareeraysan oo dhan ka cabsiin jirtayay, sidee baad u ba'day! 18 Haddaba maalinta dhiciddaada gasiiraduhu way wada gariiri doonaan, hubaal gasiiradaha badda ku dhex yaallaa bixitinkaaga aawadiis ayay la argaggixi doonaan. 19 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markaan magaalo cidla ah kaa dhigo sida magaalooyinka aan ciduna degganayn oo kale iyo markaan moolka korkaaga ku soo daayo, oo ay biyo badanu ku daboolaan, 20 markaasaan kula dejin doonaa kuwa yamayska ku dhaadhaca, kuwaasoo ah dadkii waayihii hore jiri jiray, oo waxaan dhulka meesha ugu hoosaysa, oo ah meelo waa hore cidloobay, kula fadhiisin doonaa kuwa yamayska ku dhaadhaca, si aan ciduna kuu degin, oo dalka kuwa noolna waxaan dhex dhigi doonaa sharaf. 21 Waxaan kaa dhigi doonaa cabsi, oo innaba mar dambe siima aad jiri doontid. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, In kastoo lagu doondoono kol dambe laguma heli doono.
  • Yex 29:6 : 6 Oo dadka Masar deggan oo dhammu way wada ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, maxaa yeelay, iyagu waxay reer binu Israa'iil u ahaayeen ul cawsduur ah.
  • Yex 35:5 : 5 Weligaa had iyo goorba nacayb baad reer binu Israa'iil u qabtay, oo waagii masiibadoodii iyo waagii ay xumaantu dhammaatay ayaad reer binu Israa'iil xooggii seefta u gacangelisay,
  • Yoel 3:8 : 8 oo wiilashiinna iyo gabdhihiinnaba waxaan ka iibin doonaa dadka Yahuudah, oo waxay ka sii iibin doonaan dadka reer Shebaa oo ah quruun aad u fog, waayo, Rabbiga ayaa saas ku hadlay.
  • Miik 4:11 : 11 Oo hadda waxaa kaa shiray quruumo badan, oo waxay yidhaahdaan, Ha nijaasowdo, oo indhahayagu Siyoon ha fiiriyeen.
  • Miik 7:10 : 10 Dabadeedna waxaa arki doonta tan cadowgayga ah, oo aad bay u ceeboobi doontaa tan igu lahayd, Meeh Rabbiga Ilaahaaga ah? Indhahaygu way fiirin doonaan iyada, oo haatan waxaa iyada loogu tuman doonaa sidii dhoobada jidadka dhex taal.
  • Nax 1:8 : 8 Laakiinse meesheeda wuxuu ku baabbi'in doonaa daad soo buuxdhaafay, oo cadaawayaashiisana wuu u eryan doonaa gudcurka dhexdiisa.
  • Xab 2:16 : 16 Adigu intaad sharaf heli lahayd waxaa ka buuxsantay ceeb, oo weliba adiguna khamri cab, oo waxaad noqotaa sida mid buuryaqab ah. Rabbiga gacantiisa midig koobka ku jira adiguu kugu soo rogman doonaa, oo sharaftaadana waxaa ku dhici doonta ceeb xun.
  • Saf 2:8 : 8 ¶ Anigu waan maqlay caydii reer Moo'aab iyo canaantii reer Cammoon oo ay dadkayga ku caayeen, iyo inay iska sii weyneeyeen soohdintooda.
  • Sak 1:14 : 14 Kolkaasaa malaggii ila hadlay igu yidhi, War qayli, oo waxaad tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu Yeruusaalem iyo Siyoonba waxaan ugu masayrsanahay masayr weyn.
  • Sak 2:8 : 8 Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ammaan dabadeed wuxuu ii soo diray quruumihii adiga ku dhacay, waayo, kii ku taabto wuxuu taabtaa ishiisa inankeeda.
  • Sak 12:2 : 2 ¶ Bal eeg, Yeruusaalem waxaan koob lagu dhacdhaco uga dhigi doonaa dadka ku wareegsan oo dhan, iyo weliba dalka Yahuudah, markii Yeruusaalem la hareereeyo.
  • Sak 14:2 : 2 Waayo, quruumaha oo dhan waan u soo wada ururin doonaa inay Yeruusaalem la diriraan, oo magaalada waa la qabsan doonaa, guryahana waa la dhici doonaa, naagahana waa la kufsan doonaa, oo magaalada badhkeedna maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa, laakiinse dadka intiisii hadhay magaalada lagama baabbi'in doono.
  • Muj 13:10 : 10 Haddii nin dad xabbiso, isagana waa la xabbisi doonaa; oo haddii nin seef wax ku dilo, waa in isagana seef lagu dilo. Waa kaa samirka iyo rumaysadka quduusiintu.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 10Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Dalka Kalday wuxuu noqon doonaa wax la dhaco, oo kuwii isaga dhaca oo dhammuna way wada dhergi doonaan.

  • Xab 2:7-8
    2 aayado
    78%

    7Kuwii ku qaniini lahaa sow haddiiba ma kici doonaan? Oo kuwii ku dhibi lahaa sow ma toosi doonaan? Oo adna booli baad iyaga u noqon doontaa.

    8Quruumo badan baad dhacday, haddaba sidaas daraaddeed dadyowga intooda hadhay oo dhammu aday ku dhici doonaan, taasuna waa dhiiggii dadka daraaddiis, iyo dulmigii lagu sameeyey dalka iyo magaalada iyo inta dhex deggan oo dhanba.

  • 17Oo iyagu waxay dhammayn doonaan waxaad beeraha ka goosataan iyo kibistiinna, oo waxay dhammayn doonaan wiilashiinna iyo gabdhihiinna, oo waxay dhammayn doonaan adhyihiinna iyo lo'diinnaba, oo waxay dhammayn doonaan canabkiinna iyo berdihiinnaba, oo magaalooyinkiinna deyrka leh oo aad isku hallaynaysaanna seef bay la dhici doonaan.

  • 1¶ Adaa iska hoogay, kaaga wax dhaca oo aan adiga wax lagaa dhicin oo wax khiyaaneeya oo aan adiga lagu khiyaanayn. Markaad waxdhicidda joojisid ayaa adiga wax lagaa dhici doonaa, oo markaad waxkhiyaanaynta joojisid ayaa adiga lagu khiyaanayn doonaa.

  • 13Maalkaaga iyo khasnadahaaga waxaan u wada bixin doonaa sidii boolida aan loo iibsan, waana dembigaagii aad waddankaaga oo dhan ku dhex samaysay daraaddiis.

  • 19Waayo, baabba'aagii iyo meelahaagii cidloobay iyo dalkaagii burburayba haatan cidhiidhi bay ku noqon doonaan kuwa ku degaya, oo kuwii ku liqayna way kaa fogaan doonaan.

  • 14Wax baad cuni doontaan mase dhergi doontaan. Gaajadiinnu dhexdiinnay ku jiri doontaa. Wax baad kaydin doontaan, laakiinse sinaba uma aad nabad gelin doontaan, oo wixii aad nabadgelisaanna seef baan u gacangelinayaa.

  • Yex 16:39-40
    2 aayado
    77%

    39Oo weliba waxaan kugu ridi doonaa gacantooda, oo iyaguna qudbaddaada way dumin doonaan, oo meelahaaga sarsarena way burburin doonaan, oo weliba dharkay kaa furan doonaan, oo jowharadahaaga qurxoonna way kaa qaadan doonaan, oo waxay kaa tegi doonaan adigoo qaawan oo aan dednayn.

    40Oo weliba guutay kugu kicin doonaan, wayna ku dhagxin doonaan, oo seefahooday kugu mudhbixin doonaan.

  • 11Haddaba Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Cadow baa dalka hareerayn doona, oo isna xooggiinna wuu idinka qaadi doonaa, oo daarihiinna waaweynna waa la wada dhici doonaa.

  • 17Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu caafimaad baan kuu soo celin doonaa, oo dhaawacyadaadana waan kaa bogsiin doonaa, maxaa yeelay, iyagu waxay kugu magacaabeen Mid la nacay, oo waxay yidhaahdaan, Tanu waa Siyoon oo aan ninna doonaynin.

  • 22Dabaysha ayaa wada qaadi doonta daajiyayaashaada oo dhan, oo kuwa ku jecelna maxaabiis ahaan baa loo wada kaxaysan doonaa. Sida xaqiiqada ah markaas waad ceeboobi doontaa oo waxaad ku sharafjabi doontaa sharnimadaadii aawadeed oo dhan.

  • 25Oo waxaan kugu soo dayn doonaa xanaaqayga masayrka ah, oo iyaguna cadho bay kugula macaamiloon doonaan. Waxay kaa gooyn doonaan sanka iyo dhegaha, oo intii kaa hadhaana seef bay ku dhici doontaa. Waxayna kaxaysan doonaan wiilashaada iyo gabdhahaagaba, oo intii kaa hadhana dab baa baabbi'in doona.

  • 38Waxaad ku dhex baabbi'i doontaan quruumaha, oo dalka cadaawayaashiinnuna waa idin dhammaysan doonaa.

  • 12Maalkaaga way dhici doonaan, oo booli ahaan bay baayacmushtarkaaga u qaadan doonaan, oo derbiyadaadana way dumin doonaan, oo daarahaaga qurqurxoonna way burburin doonaan, oo dhagxantaada iyo alwaaxdaada iyo boodhkaagaba biyahay ku dhex daadin doonaan.

  • 22Laakiinse kuwanu waa dad la dhacay oo la boobay, oo kulligoodna waxaa lagu dabay godad, oo waxaa lagu qariyey guryo xabbiseed, iyagu waa wax la ugaadhsado, oo ninna ma samatabbixiyo, waa wax la boobo oo ciduna ma tidhaahdo, soo celiya.

  • 12inaan wax ka dhaco, oo aan wax ka boobo, si aad gacanta ugu dul fidisid meelihii cidlada ahaa haatanse la degay, iyo dadkii quruumaha laga soo dhex ururiyey, oo xoolo iyo alaabba helay, oo dhulka dhexdiisa deggan.

  • 17Carruurtaadu way soo degdegayaan, oo kuwii ku dumiyey iyo kuwii cidlada kaa dhigayba way kaa bixi doonaan.

  • 7Dalkiinnii waa cidla, magaalooyinkiinniina waa la gubay, oo waddankiinniina shisheeyayaal baa hortiinna ku cunay, waana cidla, sidii wax ay shisheeyayaal afgembiyeen.

  • 3Buurtayda duurka ku dhex taalay, maalkaaga iyo khasnadahaaga oo dhan, iyo meelahaaga dhaadheer, waxaan booli ahaan uga bixin doonaa soohdimahaaga oo dhan dembigaaga aawadiis.

  • 16Cadaawayaashaadii oo dhammu afkay kugu kala qaadeen, Intay foodhyaan oo ilko jirriqsadaan ayay waxay yidhaahdaan, Waannu liqnay. Sida xaqiiqada ah tanu waa maalintii aannu sugaynay, Waannu helnay oo waannu aragnay.

  • Yex 36:13-14
    2 aayado
    75%

    13Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa lagu yidhaahdaa, Dalyahow, dadka waad baabbi'isaa oo quruuntaadiina waad gablamisay,

    14sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Mar dambe dad ma aad baabbi'in doontid, oo quruuntaadana mar dambe ma aad gablamin doontid.

  • 24Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Baabuloon iyo dalka Kalday dadka deggan oo dhanba waxaan ka abaalmarin doonaa sharkii ay Siyoon iyo adiga hortaadaba ku sameeyeen.

  • 19Bal eeg, wakhtigaas anigaa la macaamiloon doona kuwa ku dhiba oo dhan, oo waan badbaadin doonaa kuwa dhutiya, oo kuwii la eryayna waan soo ururin doonaa, oo kuwii ceebtoodu ay wada gaadhay dhulka oo dhan ayaan u yeeli doonaa ammaan iyo magac.

  • 4Oo xataa hadday cadaawayaashooda maxaabiis ahaan u hor socdaan, halkaasna seef baan ka amri doonaa, iyana way layn doontaa, oo waxaan indhahayga iyaga ugu taagi doonaa inaan belaayo ku sameeyo oo aanan wanaag u samayn.

  • 14Oo waan xoorayaa kuwa dhaxalkayga ka hadha, oo waxaan u gacangelinayaa cadaawayaashooda, oo iyana waxay cadaawayaashooda oo dhan u noqon doonaan dhac iyo wax la boobo;

  • 37Haddaba sidaas daraaddeed waxaan soo wada ururin doonaa kuwii ku caashaqay oo aad la raaxaysatay oo dhan, iyo kuwa aad jeclaatay oo dhan, iyo kuwa aad necbaatay oo dhan. Kulligood dhinac kastaan kaaga soo ururin doonaa, oo cawradaadana iyagaan daaha uga qaadi doonaa, si ay cawradaada oo dhan u arkaan.

  • 26Oo kuwii ku dulmana waxaan ku quudin doonaa hilibka jidhkooda, oo dhiiggoodana waxay ugu sakhraami doonaan sida khamri macaan, oo binu-aadmiga oo dhammuna waxay wada ogaan doonaan inaan anigoo Rabbiga ahu ahay Badbaadiyahaaga, iyo Bixiyahaaga, iyo Kan xoogga badan ee reer Yacquub.

  • 15Halkaasaa dab kugu laasan doona, oo seef baa ku baabbi'in doonta, oo waxay kuu dhammayn doontaa sida koronkorro, bal isu badi sidii koronkorro oo kale, oo sidii ayax oo kale isu badi.

  • 7Waayo, waxay laayeen reer Yacquub, Rugtoodiina way baabbi'iyeen.

  • 4Oo boolidiinna waxaa loo soo urursan doonaa sida diirtu wax u urursato oo kale, oo waxaa loogu boodi doonaa sida ayaxu ugu boodboodo oo kale.

  • 12Meelaha dhaadheer oo cidlada ku dhex yaal oo dhan waxaa ku soo kacay baabbi'iyayaashii, waayo, seefta Rabbiga ayaa wax ka baabbi'isa dalka darafkiisan iyo ilaa darafka kale inta ka dhex leh, oo binu-aadmiga oo dhan midnaba nabad ma leh.

  • 74%

    16markaasaan aniguna waxyaalahan idinku samayn doonaa. Naxdin baan idinku soo dejin doonaa, taasoo ah baabbi'id iyo qandho indhaha idinka ridda oo naftana idinka dullaysa, oo abuurkiinnana waxtarla'aan baad u beeran doontaan, waayo, waxaa iska cuni doona cadaawayaashiinna.

    17Oo anna gees baan idinka noqon doonaa, oo cadaawayaashiinna hortooda baa laydinku layn doonaa, oo waxaa idiin talin doona kuwo idin neceb, waadna iska carari doontaan iyadoo aan ninna idin eryanayn.

  • 29Iyagu si nacayb badan ayay kugula macaamiloon doonaan, oo wixii aad ku hawshootay oo dhanna way kaa qaadan doonaan, oo waxay kaa tegi doonaan adigoo qaawan oo aan dednayn. Oo cawradii dhillanimadaadana daahaa laga qaadi doonaa, xataa sharkaaga iyo dhillanimadaadaba.

  • 15Bal maxaad ula qaylinaysaa nabarkaaga? Xanuunkaagu waa mid aan bogsan karin, waana xumaantaadii badatay aawadeed, oo waxaan waxyaalahan kuugu sameeyey waa dembiyadaadii sii kordhay aawadood.

  • 12¶ Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Nabarkaagu waa mid aan bogsan karin, oo dhaawacaaguna aad buu u xun yahay.

  • Yer 20:4-5
    2 aayado
    74%

    4Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, waxaan cabsi kaaga dhigi doonaa nafsaddaada iyo saaxiibbadaa oo dhanba. Iyana waxay ku dhiman doonaan seefta cadaawayaashooda, oo indhahaaguna taas bay arki doonaan. Oo dadka dalka Yahuudah oo dhanna waxaan gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna wuxuu iyaga maxaabiis ahaan ugu kaxaysan doonaa ilaa Baabuloon, oo seef buu ku layn doonaa.

    5Oo weliba magaaladan maalkeeda oo dhan, iyo waxyaalihii ay ku hawshootay oo dhan, iyo waxyaalaheeda qaaliga ah oo dhan, iyo khasnadaha boqorrada dalka Yahuudah oo dhanba, waxaan u gacangelin doonaa cadaawayaashooda, oo iyana way boobi doonaan, oo intay kaxaystaan ayay Baabuloon wareejin doonaan.

  • 1¶ Bal eeg, waxaa imanaysa maalintii Rabbiga ee waxaagii la dhacay dhexdaada lagu qaybsan doono.

  • 33Oo midhaha dhulkiinna iyo hawshiinna oo dhan waxaa cuni doona quruun aydaan aqoon, oo weligiin waxaad ahaan doontaan dad la dulmo oo la burburiyo,

  • 13Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eega, anigu col baan idinla ahay, oo gaadhifardoodyadana qiiq baan ku gubi doonaa, oo libaaxyada qayrabyada ahna seef baa baabbi'in doonta, oo waxa aad ugaadhsataanna dhulkaan ka dhammayn doonaa, oo codkii wargeysyadiinnana mar dambe lama maqli doono.

  • 14Oo weliba waxaan kaa dhigi doonaa meel cidla ah iyo cay dhex taal quruumaha hareerahaaga ku wareegsan, iyadoo ay kuwa ku soo ag mara oo dhanba indhaha ku hayaan.

  • 5Kuwii cidhiidhin jiray madax bay noqdeen, cadaawayaasheediina way barwaaqoobaan, Waayo, Rabbigu wuxuu iyada u dhibay xadgudubyadeedii badnaa aawadood. Carruurteediina maxaabiis ahaan bay cadowgoodii u hor socdeen.

  • 30Oo curadka masaakiinta ayaa wax cuni doona, kuwa baahanna ammaan bay ku jiifsan doonaan, oo xididkaagana waxaan ku dili doonaa abaar, kuwa kaa hadhayna waa la layn doonaa.

  • 51Oo dadkaasu wuxuu cuni doonaa midhaha xoolihiinna iyo midhaha dhulkiinna, ilaa aad baabba'daan, oo weliba idiinkama tegi doono hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, iyo dhasha lo'diinna, iyo tan idihiinna, ilaa uu idin halligo.

  • 15Saasay kuu noqon doonaan waxyaalihii aad ku hawshootay, oo kuwii aad macaamilada la lahayd tan iyo yaraantaadii midkood kastaaba meeshiisuu tegi doonaa, oo mid ku badbaadiyana ma jiri doono.

  • 13Maalkoodu wuxuu noqon doonaa wax la boobo, guryahooduna waxay noqon doonaan meel baabba' ah, haah, oo waxay dhisan doonaan guryo, laakiinse ma ay degi doonaan, oo waxay beeran doonaan beero canab ah, laakiinse khamrigooda ma ay cabbi doonaan.