Yeremyaah 48:31

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaas daraaddeed Moo'aab waan u barooran doonaa, oo waxaan u qaylin doonaa reer Moo'aab oo dhan daraaddood, waana loo barooran doonaa dadka Qiir Xeres.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Boq 3:25 : 25 Oo magaalooyinkii way burburiyeen, oo dhul kasta oo fiicanna nin waluba dhagaxiisii buu ku tuuray, oo way buuxiyeen; oo ilihii biyaha ahaa oo dhanna way wada xidheen, oo geedihii wanaagsanaa oo dhanna way wada jareen, ilaa ay Qiir Xaresed oo keliya dhagxanteedii u daayeen, habase yeeshee wadhafleydii ayaa isku wareejisay oo ku dhufatay.
  • Ish 15:5 : 5 Qalbigaygu wuxuu u ooyaa reer Moo'aab, kuwoodii qaxay waxay u cararaan tan iyo Socar iyo ilaa Ceglad Shelishiyaah, waayo, oohin bay la fuulaan jiirta Luxiid, oo jidka Xororayimna waxay kor ugu qaadaan qaylo baabba'eed.
  • Yer 48:36 : 36 Oo sidaas daraaddeed dalka Moo'aab aawadiis qalbigaygu waa u dhawaaqaa sida biibiile oo kale, oo dadka Qiir Xeres aawadoodna qalbigaygu sida biibiile oo kale waa u dhawaaqaa, saas aawadeed maalkii badnaa ee ay heleen waa ka wada baabba'ay.
  • Ish 16:7-9 : 7 Sidaas daraaddeed reer Moo'aab waxay u ooyi doonaan dalka Moo'aab, oo mid kastaaba waa ooyi doonaa. Oo waxaad aad ugu barooran doontaan aasaaska Qiir Xaresed oo aad wax loogu dhuftay. 8 Waayo, beerihii Xeshboon way qallalan yihiin, quruumaha madaxdoodii ayaa jejebisay geedihii canabka ee Sibmaah oo soo gaadhay xataa tan iyo Yacser oo xagga cidlada u soo baxay. Laamihiisii way fidsanaayeen oo badday dhaafeen. 9 Sidaas daraaddeed waxaan canabka Sibmaah ugu ooyi doonaa oohintii aan Yacser ugu ooyay oo kale. Xeshboon iyo Elecaaleehow, waxaan idinku waraabin doonaa ilmadayda, waayo, midhahaagii la hor guray iyo beergoosadkaagiiba waxaa ku dhacday qayladii dagaalka. 10 Farxaddii waa la qaaday, oo beertii midhaha badnaydna farxaddii waa laga bixiyey, oo beeraha canabka ahna hees iyo rayrayn ma jiri doonaan, mana jiri doono mid canabka macsarooyin ku tunta, oo qaylada tumidda canabkana waan joojiyey. 11 Haddaba sidaas daraaddeed qalbigaygu wuxuu sida kiraar oo kale ugu barooranayaa Moo'aab aawadeed, oo calooshayduna Qiir Xaresed aawadeed.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yer 48:32-42
    11 aayado
    86%

    32Canabka Sibmaahow, waxaan kuugu ooyi doonaa oohin ka sii daran tii Yacser. Laamahaagii badday dhaafeen, oo waxay gaadheen xataa tan iyo badda Yacser. Baabbi'iyihii wuxuu soo dhacay midhahaagii la hor guray iyo canabkaagii.

    33Farxadda iyo rayraynta waa laga qaaday beertii midhaha badnayd iyo dalka Moo'aabba, oo waxaan ka dhigay in khamri macsarooyinka laga waayo, oo ciduna kuma tuman doonto iyagoo heesaya, oo heestooduna innaba hees ma noqon doonto.

    34Qayladii Xeshboon waxay gaadhay Elecaaleeh iyo tan iyo Yahas, oo waxaa laga dhawaaqay Socar iyo ilaa Xoronayim iyo ilaa Ceglad Shelishiyaah, waayo, xataa biyihii Nimriim way baabba'ayaan.

    35Oo weliba Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan Moo'aab ka joojin doonaa kan meesha sare allabariga ku bixiya, iyo kan ilaahyadiisa fooxa u shidaba.

    36Oo sidaas daraaddeed dalka Moo'aab aawadiis qalbigaygu waa u dhawaaqaa sida biibiile oo kale, oo dadka Qiir Xeres aawadoodna qalbigaygu sida biibiile oo kale waa u dhawaaqaa, saas aawadeed maalkii badnaa ee ay heleen waa ka wada baabba'ay.

    37Waayo, madax kastaba waa la xiiray, oo gadh kastaba waa la jaray, oo gacmaha oo dhanna nabaraa ku kor yaal, oo dhexdana joonyad baa ku xidhan.

    38Rabbigu wuxuu leeyahay, Guryaha Moo'aab dushooda, iyo jidadkiisa dhexdooda waxaa meel kasta jira baroorasho, waayo, Moo'aab waxaan u burburiyey sidii weel aan la doonaynin oo kale.

    39Sidee buu u dumay! Sidee baa reer Moo'aab dhabarka ceeb ula sii jeediyey! Markaasuu reer Moo'aab kuwa hareerihiisa ku wareegsan oo dhan u noqon doonaa wax lagu qoslo oo lagu naxo.

    40Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, wuxuu u soo duuli doonaa sida gorgor oo kale, oo baalashiisana wuxuu ku fidin doonaa dalka Moo'aab.

    41Qiryood waa la qabsaday, oo qalcadihiina waa la argaggixiyey, oo ragga xoogga badan ee Moo'aab qalbigoodu wuxuu maalintaas noqon doonaa sida naag fooli hayso qalbigeed oo kale.

    42Oo Moo'aab waa la baabbi'in doonaa si uusan innaba quruun u sii ahaan, maxaa yeelay, Rabbiguu iska sii weyneeyey.

  • Ish 16:7-9
    3 aayado
    86%

    7Sidaas daraaddeed reer Moo'aab waxay u ooyi doonaan dalka Moo'aab, oo mid kastaaba waa ooyi doonaa. Oo waxaad aad ugu barooran doontaan aasaaska Qiir Xaresed oo aad wax loogu dhuftay.

    8Waayo, beerihii Xeshboon way qallalan yihiin, quruumaha madaxdoodii ayaa jejebisay geedihii canabka ee Sibmaah oo soo gaadhay xataa tan iyo Yacser oo xagga cidlada u soo baxay. Laamihiisii way fidsanaayeen oo badday dhaafeen.

    9Sidaas daraaddeed waxaan canabka Sibmaah ugu ooyi doonaa oohintii aan Yacser ugu ooyay oo kale. Xeshboon iyo Elecaaleehow, waxaan idinku waraabin doonaa ilmadayda, waayo, midhahaagii la hor guray iyo beergoosadkaagiiba waxaa ku dhacday qayladii dagaalka.

  • Ish 16:11-12
    2 aayado
    84%

    11Haddaba sidaas daraaddeed qalbigaygu wuxuu sida kiraar oo kale ugu barooranayaa Moo'aab aawadeed, oo calooshayduna Qiir Xaresed aawadeed.

    12Oo markii Moo'aab iskeeno oo uu meesha sare ku daalo, oo uu meeshiisa quduuska ah u yimaado si uu ugu tukado, innaba ma guulaysan doono.

  • Ish 15:1-5
    5 aayado
    80%

    1¶ Kanu waa warka culus ee Moo'aab ku saabsan. Caartii Moo'aab habeen qudha baa lagu dumiyey oo baabba'shay; Qiirtii Moo'aab habeen qudha baa lagu dumiyey oo baabba'shay.

    2Waxaa kor loogu baxay Bayid iyo Diboon oo meelaha sare ku yaal in lagu ooyo, reer Moo'aab waxay u baroortaan Neboo iyo Meedebaa, madaxyadooda oo dhan waa la xiiray oo gadh kastana waa la jaray.

    3Jidadkooda waxaa lagu guntadaa dhar joonyad ah, oo guryahooda dushooda iyo jidadkooda ayaa mid kastaaba ka baroortaa isagoo aad u ooyaya.

    4Oo Xeshboon iyo Elecaaleehba way qayliyaan, oo codkoodana waxaa laga maqlaa tan iyo Yahas, sidaas daraaddeed ragga hubka leh ee Moo'aab aad bay u qayliyaan, oo cabsi bay la gariiraan.

    5Qalbigaygu wuxuu u ooyaa reer Moo'aab, kuwoodii qaxay waxay u cararaan tan iyo Socar iyo ilaa Ceglad Shelishiyaah, waayo, oohin bay la fuulaan jiirta Luxiid, oo jidka Xororayimna waxay kor ugu qaadaan qaylo baabba'eed.

  • Ish 15:7-8
    2 aayado
    80%

    7Sidaas daraaddeed maalkii badnaa ee ay urursadeen iyo wixii ay kaydsadeenba waxay u qaadan doonaan durdurka geedaha safsaafka ah.

    8Waayo, qayladii waxay gaadhay soohdimaha Moo'aab ku wareegsan, baroortoodii waxay gaadhay tan iyo Eglayim, oo baroortoodiina waxay gaadhay tan iyo Bi'ir Eelim.

  • Yer 48:3-5
    3 aayado
    80%

    3Oo waxaa Xoronayim laga maqli doonaa oohin qayladeed, kharribaad iyo baabba' weyn aawadood.

    4Dalka Moo'aab waa la wada baabbi'iyey, oo dhallaankiisiina qaylo bay maqashiiyeen.

    5Waayo, jiirtii Luxiid waxaa lala fuuli doonaa oohin aan kala joogsanayn, waayo, dhaadhaca Xoronayim waxay ka maqleen tiiraanyadii oohinta baabbi'idda.

  • Yer 48:20-21
    2 aayado
    78%

    20Moo'aab waa la ceebeeyey, waayo, wuu baabba'ay. Haddaba ooya oo qayliya, oo Arnoon ka sheega in Moo'aab baabba'ay.

    21Xukun baa ku dhacay dalka bannaanka ah, iyo Xolon, iyo Yahsaah, iyo Mefacad,

  • 1¶ Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu reer Moo'aab ka leeyahay, Waxaa iska hoogtay Neboo! Waayo, iyadu way baabba'day. Qiryaatayim waa la ceebeeyey oo waa la qabsaday, Misgaabna waa la ceebeeyey, waana la dumiyey.

  • 2Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa dalka Moo'aab, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Qiryood, oo reer Moo'aab waxay ku dhiman doonaan buuq iyo qaylo iyo buun dhawaaqiis.

  • Yer 48:46-47
    2 aayado
    77%

    46Moo'aabow, adigaa iska hoogay, Kemoosh dadkiisii way wada halligmeen, maxaa yeelay, wiilashaadii maxaabiis ahaan baa loo kaxaystay, oo gabdhahaagiina waa la wada kaxaystay.

    47Laakiin Rabbigu wuxuu leeyahay, Ugudambaysta maxaabiista reer Moo'aab waan soo celin doonaa. Intaasu waa xukunkii reer Moo'aab.

  • Yer 48:15-17
    3 aayado
    76%

    15Boqorka magiciisu yahay Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dalka Moo'aab cidla buu noqday, oo magaalooyinkiisiina way baabbe'een, oo kuwa barbaarradiisii u wanaagsanaana waxay hoos ugu dhaadheceen in la gowraco.

    16Moo'aab masiibadiisii mar dhow bay imanaysaa, oo dhibtiisiina aad iyo aad bay u soo degdegaysaa.

    17Kuwiinna hareerihiisa ku wareegsan oo magiciisa yaqaan oo dhammow, u baroorta, oo waxaad tidhaahdaan, Ushii xoogga iyo quruxda badnayd sidee bay u kala jabtay!

  • Yer 48:24-25
    2 aayado
    76%

    24iyo Qiryood, iyo Bosraah, iyo magaalooyinka dalka Moo'aab oo dhan, kuwa dhow iyo kuwa fogba.

    25Rabbigu wuxuu leeyahay, Dalka Moo'aab geeskiisii waa la gooyay oo gacantiisiina waa jabtay.

  • 8¶ Haddaba taas daraaddeed ayaan u ooyi doonaa oo u barooran doonaa, oo anoo cago cad oo qaawan ayaan wareegi doonaa, oo waxaan u dhawaaqi doonaa sida dawacooyinku u ciyaan oo kale, oo waxaan u qaylin doonaa sida goroyadu u cido oo kale.

  • 9Sidaas daraaddeed bal ogaada, anigu dalka Moo'aab dhinac baan ka faruuri doonaa xagga magaalooyinkiisa, waana magaalooyinka soohdintiisa ku yaal, kuwaas oo ah dalka ammaantiisa, oo ah Beytyeshimood, iyo Bacal Mecoon, iyo Qiryatayim,

  • Aam 5:16-17
    2 aayado
    74%

    16Haddaba Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Sayidku wuxuu leeyahay, Dariiqyada oo dhan waxaa ka yeedhi doonta baroor, oo jidadka oo dhan waxaa laga odhan doonaa, Hoogay! Hoogay! Oo ninka beerreyda ah waxaa loogu yeedhi doonaa tacsi, oo kuwa baroorta aad u yaqaanna waxaa loogu yeedhi doonaa baroorasho.

    17Oo beercanabyada oo dhanna waxaa jiri doonta baroorasho, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan idin dhex mari doonaa.

  • 10¶ Waxaan oohin iyo baroor kor ugu qaadi doonaa buuraha aawadood, oo daaqsimaha cidladana waan u barooran doonaa, maxaa yeelay, way gubteen si aan ciduna u dhex marin. Oo ninna codkii lo'da kama maqli karo, haaddii samada iyo dugaaggiiba way carareen oo way tageen.

  • 31Sidaas daraaddeed kataaradaydii waxay u rogmatay baroorasho, Oo biibiilahaygiina wuxuu u rogmaday kuwa ooya codkooda.

  • 11oo anigu xukun baan reer Moo'aab ku soo dejin doonaa, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 4Sidaas daraaddeed ayaan idhi, Aniga iga sii jeesta. Si qadhaadh baan u ooyi doonaa, ha isku daalinnina inaad dadkayga iiga qalbi qabowjisaan.

  • 9Dalka Moo'aab baalal siiya si uu u duulo oo uu u cararo. Magaalooyinkiisu waxay noqon doonaan cidla aan ciduna dhex degganayn.

  • 3Xeshboonay, barooro, waayo, Aacii waa baabba'day. Gabdhaha Rabbaahoy, ooya, dhar joonyad ah guntada, oo baroorta, oo hore iyo dib ugu orda deyrarka dhexdooda, waayo, Malkaam maxaabiis ahaan buu u bixi doonaa, isaga iyo wadaaddadiisa iyo amiirradiisaba.

  • 16Waxyaalahan daraaddood ayaan la ooyayaa, oo indhahayga ilmaa ka daadanaysa, Maxaa yeelay, kii i qalbi qaboojin lahaa oo naftayda u raaxayn lahaa waa iga fog yahay. Carruurtaydii way cidloobeen, maxaa yeelay, cadowgii baa iga adkaaday.

  • 30Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan ogahay inaan cadhadiisu waxba ahayn oo faankiisuna innaba waxba tarayn.

  • 2Dadka dalka Yahuudah way barooranayaan, irdahoodii way jilceen, oo iyagoo ooyaya ayay dhulka fadhiyaan, oo Yeruusaalem qayladeeduna kor bay u kacaysaa.