Yeremyaah 49:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Rabbigu wuxuu reer Cammoon ka leeyahay, Israa'iil miyuusan wiilal lahayn? Miyuusan mid dhaxla lahayn? Bal maxaa Malkaam u dhaxlay Gaad, oo maxaase dadkiisu u degay magaalooyinkii reer Gaad?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Taar 20:1 : 1 ¶ Oo taas dabadeedna waxaa Yehooshaafaad ku soo kacay inay la diriraan reer Moo'aab iyo reer Cammoon iyo qaar kale oo reer Cammoon ahaa.
  • Sharc 23:3 : 3 Oo mid reer Cammoon ah ama mid reer Moo'aab ahu waa inuusan shirka Rabbiga gelin, xataa hadday toban qarni joogaan wax ay farcankoodu leeyihiin waa inayan weligood shirka Rabbiga gelin,
  • Yer 25:21 : 21 iyo Edom, iyo Moo'aab, iyo reer Cammoon,
  • Yex 21:28-32 : 28 ¶ Haddaba Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu sidaasuu reer Cammoon iyo caydoodaba ka leeyahay. Adigu waxaad tidhaahdaa, Seef, seef baa la soo siibay, oo waxaa loo safeeyey waxlaynta aawadeed, inay sida hillaac u dhalaasho oo ay wax baabbi'iso, 29 inta ay wax aan waxba ahayn kuu arkayaan, oo ay wax been ah kugu faaliyaan, si ay kuugu soo kor daadshaan kuwii la laayay oo sharka ahaa, oo wakhtigoodii yimid markii la ciqaabo. 30 Galkeedii ha ku noqoto. Anigu waxaan kugu xukumi doonaa meeshii lagugu abuuray iyo dalkii aad ku dhalatay. 31 Oo waxaan kugu soo kor shubi doonaa dhirifkayga, oo dabkii cadhadayda ayaan kugu soo afuufi doonaa, oo waxaan gacanta kuugu ridi doonaa niman doqonna ah oo aad waxbaabbi'inta u yaqaan. 32 Xaabo baad dabka u noqon doontaa, oo dhiiggaaguna dalkuu dhex oolli doonaa, oo mar dambe laguma soo xusuusan doono, waayo, aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay.
  • Yex 25:2-9 : 2 Wiilka Aadamow, wejigaaga reer Cammoon u sii jeedi oo iyaga wax ka sii sheeg, 3 oo waxaad reer Cammoon ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ah eraygiisa maqla, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaad Ahaa ku tidhaahdeen meeshayda quduuska ah markii la nijaaseeyey, iyo markuu dalka reer binu Israa'iil cidlada noqday, iyo markay dadka Yahuudah maxaabiisnimo u bexeen, 4 sidaas daraaddeed bal ogow, hanti ahaan ayaan dadka bari kuu siin doonaa, oo iyana xerooyinkooda bay kaa dhex samaysan doonaan, oo hooygoodana dhexdaaday ka samaysan doonaan. Midhahaaga way cuni doonaan, caanahaagana way dhami doonaan. 5 Oo Rabbaahna waxaan ka dhigi doonaa gole geel, meesha reer Cammoonna waxaan ka dhigi doonaa xeryo adhi, oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay. 6 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waad sacbisay, waanad rablaysay, oo qalbigaagaad ku rayraysay adigoo aad iyo aad dalka reer binu Israa'iil u quudhsanaya, 7 oo sidaas daraaddeed bal ogow, gacantaydaan kugu soo dul fidiyey, oo quruumaha ayaan booli ahaan kuu siin doonaa, oo dadyowga dhexdooda waan kaa gooyn doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa inaad waddammada oo dhan ka halligantid, waanan ku wada baabbi'in doonaa, oo waxaad ogaan doontaa inaan Rabbiga ahay. 8 ¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Moo'aab iyo Seciir waxay leeyihiin, Dadka dalka Yahuudah quruumaha oo dhan bay la mid yihiin. 9 Sidaas daraaddeed bal ogaada, anigu dalka Moo'aab dhinac baan ka faruuri doonaa xagga magaalooyinkiisa, waana magaalooyinka soohdintiisa ku yaal, kuwaas oo ah dalka ammaantiisa, oo ah Beytyeshimood, iyo Bacal Mecoon, iyo Qiryatayim, 10 oo waxaan u sii dayn doonaa dadka reer bari inay reer Cammoon ku kacaan, oo hanti ahaan baan iyaga u siin doonaa si aan reer Cammoon mar dambe quruumaha dhexdooda loogu soo xusuusan,
  • Aam 1:13-15 : 13 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex amase afar xadgudub oo ay reer Cammoon sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu waxay dooxeen naagihii uurka lahaa oo reer Gilecaad si ay xudduudkooda u ballaadhsadaan aawadeed. 14 Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa derbiga Rabbaah, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraheeda waaweyn, oo maalinta dagaalka waa la qaylin doonaa, oo maalinta dabaysha cirwareentana duufaan baa ku dhici doona. 15 Rabbigu wuxuu leeyahay, Boqorkooda maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa isaga iyo amiirradiisaba.
  • Saf 2:8-9 : 8 ¶ Anigu waan maqlay caydii reer Moo'aab iyo canaantii reer Cammoon oo ay dadkayga ku caayeen, iyo inay iska sii weyneeyeen soohdintooda. 9 Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartay oo sida xaqiiqada ah Moo'aab waxay noqon doontaa sida Sodom oo kale, oo reer Cammoonna waxay noqon doonaan sida Gomora oo kale, oo waxay ahaan doonaan meel maraboob ka baxo, iyo godad cusbo, iyo meel had iyo goor cidla ah. Kuwa dadkayga ka hadhay ayaa dhici doona oo inta quruuntayda ka hadhay ayaa dhaxli doonta. 10 Kibirkoodii aawadiis ayay waxan u heli doonaan, maxaa yeelay, waxay caayeen oo iska weynaysiiyeen dadkii Rabbiga ciidammada. 11 Rabbigu wuxuu iyaga u noqon doonaa mid aad looga cabsado, waayo, wuu wada macaluulin doonaa ilaahyada dhulka oo dhan, kolkaasay dadku isaga caabudi doonaan, oo mid kastaaba wuxuu isaga ka caabudi doonaa meeshiisa, oo xataa quruumaha gasiiraduhu way wada caabudi doonaan isaga.
  • Bil 19:38 : 38 Tii yarayd iyana waxay dhashay wiil, oo waxay magiciisii u bixisay Bencammi: isna waa reer Cammoonka maanta jooga aabbahood.
  • Sharc 2:19 : 19 oo markaad u soo dhowaato reer Cammoon, iyaga ha dhibin hana la diririn, waayo, waxba hanti idiinka siin maayo dalka reer Cammoon, maxaa yeelay, halkaas waxaan hanti u siiyey reer Luud.
  • Yer 27:3 : 3 Oo waxaad iyaga ugu sii dhiibtaa boqorka dalka Edom, iyo boqorka dalka Moo'aab, iyo boqorka reer Cammoon, iyo boqorka Turos, iyo boqorka Siidoon gacanta wargeeyayaasha Yeruusaalem ugu yimid boqorka dalka Yahuudah oo Sidqiyaah ah.
  • Yer 48:1 : 1 ¶ Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu reer Moo'aab ka leeyahay, Waxaa iska hoogtay Neboo! Waayo, iyadu way baabba'day. Qiryaatayim waa la ceebeeyey oo waa la qabsaday, Misgaabna waa la ceebeeyey, waana la dumiyey.
  • Yer 49:7 : 7 ¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu reer Edom ka leeyahay, Teemaan miyaan xigmad lagu sii arag innaba? Taladii miyey ka baabba'day kuwii miyirka lahaa? Xigmaddoodii miyey ka wada dhammaatay?
  • Yer 49:23 : 23 ¶ Oo Dimishaqna wuxuu ka leeyahay, Xamaad iyo Arfaad way nexeen, waayo, war xun bay maqleen, wayna qalbi jabeen, oo baddana welwel baa jira, oo innaba ma ay xasilli karto.
  • Yer 49:28 : 28 ¶ Qedaar iyo boqortooyooyinka Xaasoor oo boqorka Baabuloon oo Nebukadresar ahu uu wax ku dhuftay Rabbigu wuxuu ka leeyahay, Sara joogsada, oo Qedaar u kaca, oo dadka reer bari baabbi'iya.
  • Xaak 10:7-8 : 7 Oo Rabbiguna aad buu ugu cadhooday reer binu Israa'iil, markaasuu iyagii ka iibiyey gacantii reer Falastiin, iyo gacantii reer Cammoon. 8 Oo sannaddaas way dhibeen oo dulmeen reer binu Israa'iil; oo siddeed iyo toban sannadood ayay dulmayeen kulli reer binu Israa'iilkii degganaa dalka reer Amor oo ku yaal Gilecaad Webi Urdun shishadiisa.
  • Xaak 11:13-15 : 13 Markaasuu boqorkii reer Cammoon ku yidhi wargeeyayaashii Yeftaah ka yimid, Maxaa yeelay, reer binu Israa'iil markii ay ka yimaadeen Masar, waxay iga dhaceen dalkaygii ilaa Arnoon iyo tan iyo xataa Yabboq, iyo ilaa Urdun; haddaba dalalkaas oo dhan nabad iigu soo celi. 14 Oo Yeftaah haddana wargeeyayaal buu u diray boqorkii reer Cammoon; 15 oo wuxuu ku yidhi, Yeftaah wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iil ma dhicin dalkii reer Moo'aab iyo dalkii reer Cammoon toona:
  • 1 Sam 11:1-3 : 1 ¶ Markaasaa waxaa soo kacay Naaxaash oo ahaa reer Cammoon, oo wuxuu soo ag degay Yaabeesh Gilecaad. Oo dadkii Yaabeesh oo dhammu waxay Naaxaash ku yidhaahdeen, Axdi nala dhigo oo annana waannu kuu adeegaynaa. 2 Markaasaa Naaxaash oo ahaa reer Cammoon wuxuu iyagii ku yidhi, Sabab keliya ayaan axdi idinkula samaysanayaa, taasuna waa anigoo isha midigta idinka wada bixiya si aan u ceebeeyo reer binu Israa'iil oo dhan. 3 Markaasaa duqowdii reer Yaabeesh waxay isagii ku yidhaahdeen, Bal toddoba maalmood na sug, aannu xuduudka reer binu Israa'iil oo dhan wargeeyayaal u dirnee, oo dabadeedna haddii aannu wayno mid na badbaadiya, waannu kuu imanaynaa.
  • 2 Boq 10:33 : 33 oo laga bilaaba Webi Urdun ilaa barigiisa, intaas oo ah dalka Gilecaad oo dhan, iyo reer Gaad, iyo reer Ruubeen, iyo reer Manaseh, iyo tan iyo Carooceerta ku ag taal Webi Arnoon, iyo xataa Gilecaad iyo Baashaan.
  • 2 Boq 24:2 : 2 Markaasaa Rabbigu u soo diray guutooyin reer Kaldayiin ah, iyo guutooyin reer Suuriya ah, iyo guutooyin reer Moo'aab ah, iyo guutooyin reer Cammoon ah, oo wuxuu iyaga u soo diray inay dalka Yahuudah baabbi'iyaan sidii Rabbigu uga hadlay nebiyadii addoommadiisa ahaa.
  • 2 Taar 20:23 : 23 Waayo, reer Cammoon iyo reer Moo'aab ayaa is hortaageen dadkii degganaa Buur Seciir inay dhammaantood laayaan oo wada baabbi'iyaan, oo markay wada baabbi'iyeen dadkii Buur Seciir degganaa ayaa mid kastaaba kan kale ku caawiyey inuu nin kale dilo.
  • Nex 2:19 : 19 Laakiinse Sanballad oo ahaa reer Xoron, iyo addoonkii ahaa Toobiyaah oo ahaa reer Cammoon, iyo Geshem oo ahaa Carab, markay taas maqleen ayay nagu qosleen, oo na quudhsadeen, oo waxay yidhaahdeen, War waxaad samaynaysaan waa maxay? Ma boqorkaad ku caasiyoobaysaan?
  • Nex 4:7 : 7 ¶ Laakiinse markii Sanballad, iyo Toobiyaah, iyo kuwii Carbeed, iyo reer Cammoon, iyo reer Ashdood ay maqleen in derbiyadii Yeruusaalem cusboonaysiintoodii ay hore u socotay iyo in la bilaabay in daldaloolladii la fureeyo ayay aad u cadhoodeen.
  • Nex 13:1-2 : 1 ¶ Oo maalintaas ayay kitaabkii Muuse akhriyeen iyadoo dadkii maqlayo; oo waxaa laga helay oo ku qornaa inayan shirka Ilaah weligood soo gelin mid reer Cammoon ah iyo mid reer Moo'aab ah toona; 2 maxaa yeelay, iyagu reer binu Israa'iil kalama ayan hor iman cunto iyo biyo toona, laakiinse waxay u soo kiraysteen Balcaam inuu habaaro aawadeed, habase ahaatee Ilaaheennu habaarkii wuxuu u beddelay duco.
  • Sab 9:6 : 6 Cadaawayaashii way dhammaadeen, oo weligoodba waa baabba', Oo magaalooyinkii aad afgembidayna Xataa xusuustoodii waa baabba'day.
  • Sab 83:7 : 7 Reer Gebal iyo reer Cammoon iyo reer Camaaleq, Reer Falastiin iyo kuwii Turos degganaa,
  • Yer 25:9 : 9 Bal ogaada, waxaan soo diri doonaa qolooyinka reer woqooyi oo dhan, iyo addoonkayga ah Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo iyagaan ku soo kicin doonaa dalkan, iyo dadka deggan, iyo quruumaha ku wareegsan oo dhan, oo kulligoodna waan wada baabbi'in doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa wax laga yaabo oo loogu foodhyo, iyo cidla weligeed ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yer 49:2-3
    2 aayado
    83%

    2Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti aan ka dhigi doono in la maqlo qaylo dagaaleed oo ka gees ah magaalada Rabbaah ee reer Cammoon, oo waxay noqon doontaa taallo burbur ah, oo gabdhaheedana dab baa lagu wada gubi doonaa, oo markaasay dadka Israa'iil dhaxli doonaan kuwii iyaga dhaxli jiray, ayaa Rabbigu leeyahay.

    3Xeshboonay, barooro, waayo, Aacii waa baabba'day. Gabdhaha Rabbaahoy, ooya, dhar joonyad ah guntada, oo baroorta, oo hore iyo dib ugu orda deyrarka dhexdooda, waayo, Malkaam maxaabiis ahaan buu u bixi doonaa, isaga iyo wadaaddadiisa iyo amiirradiisaba.

  • 10oo waxaan u sii dayn doonaa dadka reer bari inay reer Cammoon ku kacaan, oo hanti ahaan baan iyaga u siin doonaa si aan reer Cammoon mar dambe quruumaha dhexdooda loogu soo xusuusan,

  • Saf 2:8-9
    2 aayado
    74%

    8¶ Anigu waan maqlay caydii reer Moo'aab iyo canaantii reer Cammoon oo ay dadkayga ku caayeen, iyo inay iska sii weyneeyeen soohdintooda.

    9Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartay oo sida xaqiiqada ah Moo'aab waxay noqon doontaa sida Sodom oo kale, oo reer Cammoonna waxay noqon doonaan sida Gomora oo kale, oo waxay ahaan doonaan meel maraboob ka baxo, iyo godad cusbo, iyo meel had iyo goor cidla ah. Kuwa dadkayga ka hadhay ayaa dhici doona oo inta quruuntayda ka hadhay ayaa dhaxli doonta.

  • Aam 1:13-14
    2 aayado
    74%

    13¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex amase afar xadgudub oo ay reer Cammoon sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu waxay dooxeen naagihii uurka lahaa oo reer Gilecaad si ay xudduudkooda u ballaadhsadaan aawadeed.

    14Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa derbiga Rabbaah, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraheeda waaweyn, oo maalinta dagaalka waa la qaylin doonaa, oo maalinta dabaysha cirwareentana duufaan baa ku dhici doona.

  • 6Laakiin haddana mar kalaan maxaabiista reer Cammoon soo celin doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 73%

    19oo markaad u soo dhowaato reer Cammoon, iyaga ha dhibin hana la diririn, waayo, waxba hanti idiinka siin maayo dalka reer Cammoon, maxaa yeelay, halkaas waxaan hanti u siiyey reer Luud.

    20(Weliba dalkaasna waxaa lagu tiriyaa inuu yahay dalkii reer Refaa'iim, maxaa yeelay, waagii hore waxaa halkaas degganaan jiray reer Refaa'iim, laakiinse reer Cammoon waxay iyaga ku magacaabaan Samsummiim,

  • 73%

    12¶ Markaasuu Yeftaah wargeeyayaal u diray boqorkii reer Cammoon, oo wuxuu ku yidhi, War maxaa inaga dhexeeya, oo maxaad iigu timid oo aad dalkayga iigu la diriraysaa?

    13Markaasuu boqorkii reer Cammoon ku yidhi wargeeyayaashii Yeftaah ka yimid, Maxaa yeelay, reer binu Israa'iil markii ay ka yimaadeen Masar, waxay iga dhaceen dalkaygii ilaa Arnoon iyo tan iyo xataa Yabboq, iyo ilaa Urdun; haddaba dalalkaas oo dhan nabad iigu soo celi.

    14Oo Yeftaah haddana wargeeyayaal buu u diray boqorkii reer Cammoon;

    15oo wuxuu ku yidhi, Yeftaah wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iil ma dhicin dalkii reer Moo'aab iyo dalkii reer Cammoon toona:

  • Yex 25:1-3
    3 aayado
    72%

    1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

    2Wiilka Aadamow, wejigaaga reer Cammoon u sii jeedi oo iyaga wax ka sii sheeg,

    3oo waxaad reer Cammoon ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ah eraygiisa maqla, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaad Ahaa ku tidhaahdeen meeshayda quduuska ah markii la nijaaseeyey, iyo markuu dalka reer binu Israa'iil cidlada noqday, iyo markay dadka Yahuudah maxaabiisnimo u bexeen,

  • 72%

    23Haddaba haatan inta Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil reer Amor dalka kaga qaaday dadkiisa reer binu Israa'iil hortooda, miyaad adigu qabsanaysaa iyaga?

    24Sow lahaan maysid wuxuu ilaahaaga Kemoosh ahu ku siiyo inaad lahaatid? Taas aawadeed kuwa Rabbiga Ilaahayaga ahu hortayada ka eryo waannu qabsan doonnaa.

    25Haddaba miyaad ka wanaagsan tahay boqorkii reer Moo'aab oo ahaa Baalaaq ina Sifoor? Miyuu weligiis la diriray reer binu Israa'iil, oo miyuu weligiis la dagaallamay reer binu Israa'iil?

    26Oo intii reer binu Israa'iil ay degganaayeen Xeshboon iyo magaalooyinkeedii, iyo Carooceer iyo magaalooyinkeedii, iyo magaalooyinkii Arnoon dhinaceeda ku yiil oo dhan, intaasu waxay ahayd saddex boqol oo sannadood ee maxaad wakhtigaas u soo qabsan weydeen?

    27Sidaas daraaddeed anigu kuguma aan dembaabin, laakiinse adigu qalad baad igu samaynaysaa inaad ila dirirto. Rabbiga xaakinka ahu maanta ha noqdo xaakin u dhexeeya reer binu Israa'iil iyo reer Cammoon.

    28Habase yeeshee, boqorkii reer Cammoon ma uu dhegaysan erayadii Yeftaah u soo diray.

  • 24Markaasay reer binu Israa'iil seef ku dileen, oo waxay qabsadeen dalkiisii tan iyo Arnoon iyo ilaa Yabboq, iyo xataa tan iyo reer Cammoon, waayo, soohdintii reer Cammoon wuu xoog badnaa.

  • 25Oo xuduudkooduna wuxuu ka koobnaa Yacser, iyo magaalooyinkii Gilecaad oo dhan, iyo dalkii reer Cammoon badhkiis, iyo tan iyo Carooceer oo ku hor taal Rabbaah,

  • 5Oo Rabbaahna waxaan ka dhigi doonaa gole geel, meesha reer Cammoonna waxaan ka dhigi doonaa xeryo adhi, oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 38Tii yarayd iyana waxay dhashay wiil, oo waxay magiciisii u bixisay Bencammi: isna waa reer Cammoonka maanta jooga aabbahood.

  • 21iyo Edom, iyo Moo'aab, iyo reer Cammoon,

  • 9Markaasay reer Cammoon ka soo gudbeen Webi Urdun inay la diriraan reer Yahuudah, iyo reer Benyaamiin, iyo reer Efrayim; sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil waxay ku jireen cidhiidhi weyn.

  • 70%

    17¶ Markaasaa waxaa soo wada ururay reer Cammoon oo waxay soo degeen Gilecaad. Oo reer binu Israa'iilna way isa soo urursadeen oo iyana waxay soo degeen Misfaah.

    18Markaasaa dadkii iyo amiirradii reer Gilecaad ayaa midba midka kale wuxuu ku yidhi, Car, ninkee baa bilaabaya inuu la diriro reer Cammoon? Kaasu wuxuu ahaan doonaa madaxda dadka Gilecaad deggan oo dhan.

  • 25Waayo, Rabbigu wuxuu Webi Urdun ka dhigay soohdin inoo dhexaysa annaga iyo idinka, reer Ruubeen iyo reer Gaadow. Qayb kuma lihidin Rabbiga. Oo sidaasay carruurtiinnu carruurtayada uga joojin doonaan cabsida Rabbiga.

  • 28Kanu waa dhaxalkii ay reer Gaad u heleen sidii reerahoodu ahaayeen iyo magaalooyinkoodii iyo tuulooyinkoodii.

  • 4¶ Oo intii wakhti ah dabadeed ayay reer Cammoon la dirireen reer binu Israa'iil.

  • 18Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidii afgembigii Sodom iyo Gomora iyo magaalooyinkii u dhowaa oo kale, ciduna halkaas ma joogi doonto, oo innaba binu-aadmi halkaas ma degganaan doono.

  • 10iyo dhammaan magaalooyinkii Siixon oo boqor u ahaa reer Amor uu ku xukumi jiray Xeshboon, tan iyo soohdinta reer Cammoon,

  • 1¶ Taas dabadeedna Naaxaash oo boqor u ahaa reer Cammoon ayaa dhintay, meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii.

  • 1¶ Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu reer Moo'aab ka leeyahay, Waxaa iska hoogtay Neboo! Waayo, iyadu way baabba'day. Qiryaatayim waa la ceebeeyey oo waa la qabsaday, Misgaabna waa la ceebeeyey, waana la dumiyey.

  • 68%

    10Haddaba bal eeg reer Cammoon iyo reer Moo'aab iyo reer Buur Seciir oo aad reer binu Israa'iil markay dalka Masar ka soo baxeen u diidday inay dalkooda galaan, laakiinse gees bay uga leexdeen oo mana ay baabbi'in.

    11Bal eeg siday noogu abaalgudeen oo ay noogu soo baxeen iyagoo doonaya inay naga tuuraan hantidaadii aad dhaxal ahaan noo siisay.

  • 16Oo reer Ruubeen iyo reer Gaadna waxaan Gilecaad ka siiyey tan iyo dooxada Arnoon taas oo ah dooxada badhtankeeda oo ah soohdinta, iyo xataa ilaa Webi Yabboq kaasoo ah soohdinta reer Cammoon,

  • 37Laakiinse waxaa keliyahoo aadan u soo dhowaan dalkii reer Cammoon, iyo Webi Yabboq dhinaciisa oo dhan, iyo magaalooyinka dalka buuraha leh, iyo meel alla meeshii uu Rabbiga Ilaaheenna ahu inoo diiday.

  • 1¶ Markaasaa waxaa soo kacay Naaxaash oo ahaa reer Cammoon, oo wuxuu soo ag degay Yaabeesh Gilecaad. Oo dadkii Yaabeesh oo dhammu waxay Naaxaash ku yidhaahdeen, Axdi nala dhigo oo annana waannu kuu adeegaynaa.

  • 28¶ Haddaba Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu sidaasuu reer Cammoon iyo caydoodaba ka leeyahay. Adigu waxaad tidhaahdaa, Seef, seef baa la soo siibay, oo waxaa loo safeeyey waxlaynta aawadeed, inay sida hillaac u dhalaasho oo ay wax baabbi'iso,

  • 31Oo sidaasay reer binu Israa'iil u degeen dalkii reer Amor.

  • 9¶ Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Reer Moo'aab ha dhibin, dagaalna ha kula diririn, waayo, dalkooda waxba hanti idiinka siin maayo, maxaa yeelay, Caar waxaan hanti u siiyey reer Luud.

  • 32Markaasuu Yeftaah u gudbay xagga reer Cammoon inuu la dagaallamo, oo Rabbiguna gacantiisuu soo geliyey.

  • 15Boqorka magiciisu yahay Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dalka Moo'aab cidla buu noqday, oo magaalooyinkiisiina way baabbe'een, oo kuwa barbaarradiisii u wanaagsanaana waxay hoos ugu dhaadheceen in la gowraco.