Yeremyaah 49:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Bal eega, isagu wuxuu kibirka Webi Urdun uga soo dhex bixi doonaa sida libaax oo kale, oo wuxuu ku soo kici doonaa rugta xoogga badan, laakiinse anigu waxaan ka dhigi doonaa inuu degdeg uga cararo, oo waxaan madax uga dhigi doonaa kii la doortay, waayo, bal yaa ila mid ah? Oo bal yaa wakhtiga ii sheegi doona? Oo waa ayo adhijirka hortayda soo istaagi doona?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 12:5 : 5 ¶ Haddaad rag lug ah la orodday oo ay ku daaliyeen, haddaba bal sidee baad fardo ula tartami kartaa? Oo haddii lagugu daaliyo dalkii nabadda ahaa oo aad isku hallaynaysay, haddaba bal maxaad ku dhex samayn doontaa kibirka Webi Urdun?
  • Yer 30:21 : 21 Oo amiirkooduna iyaguu ka iman doonaa, taliyahooduna iyaguu ka soo dhex bixi doonaa, oo isagaan ka dhigi doonaa inuu ii soo dhowaado, oo isna wuu ii iman doonaa, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waa kuma kan ku dhaca inuu ii soo dhowaado?
  • Yer 50:44-46 : 44 Bal eega, isagu wuxuu kibirka Webi Urdun uga soo dhex bixi doonaa sida libaax oo kale, oo wuxuu ku soo kici doonaa rugta xoogga badan, laakiinse anigu waxaan ka dhigi doonaa inay degdeg uga cararaan, oo waxaan madax uga dhigi doonaa kii la doortay, waayo, bal yaa ila mid ah? Oo bal yaa wakhtiga ii sheegi doona? Oo waa ayo adhijirka hortayda soo istaagi doona? 45 Haddaba bal maqla talada uu Rabbigu Baabuloon u goostay, iyo qasdiyadiisa uu dalka reer Kaldayiin u qasdiyey. Sida xaqiiqada ah waxaa iyaga kaxayn doona kuwa adhiga ugu yaryar. Sida xaqiiqada ah isagu hoygooda iyo iyagaba cidla buu ka dhigi doonaa. 46 Dhulkii wuxuu la gariiraa sanqadhii qabsashadii Baabuloon, oo qayladeeda waxaa laga maqlaa quruumaha dhexdooda.
  • Ayuub 9:19 : 19 Bal haddaan xagga xoogga ka hadalno isagu waa itaal miidhan, Balse xagga xukunka yaa wakhti ii sheegaya?
  • Ayuub 41:10 : 10 Ma jiro mid ku dhaca inuu isaga kiciyo, Haddaba waa ayo kan aniga i hor istaagi kara?
  • Bax 15:11 : 11 Rabbiyow, adiga bal yaa kula mid ah ilaahyada dhexdooda? Bal yaa adiga kula mid ah oo quduusnimada ammaan ku leh, Oo ammaantiisa laga cabsadaa, oo cajaa'ibyo sameeya?
  • Yash 3:15 : 15 oo markii kuwa sanduuqa sida ay soo gaadheen Webi Urdun, oo wadaaddada sida sanduuqa ay cagahoodu galeen biyaha qarkooda, (waayo, xilliga waxgoosashada oo dhan Webi Urdun qararkiisa oo dhan buu buuxdhaafaa)
  • Yer 4:7 : 7 Libaax baa ka soo baxay jiqdiisa, quruumo baabbi'iyihiina wuu soo kacay, oo wuxuu meeshiisii uga soo baxay inuu dalkaaga cidlo ka dhigo, oo magaalooyinkaagana waa la baabbi'in doonaa, oo qofna ma degganaan doono.
  • 1 Taar 12:15 : 15 Oo kuwaasu waxay ahaayeen kuwii bishii kowaad ka gudbay Webi Urdun oo buuxdhaafay oo qararka oo dhan ka daatay, oo iyagu waxay kala eryeen dadkii dooxooyinka degganaa oo dhan, xagga bari, iyo xagga galbeedba.
  • Ayuub 42:3-5 : 3 Bal waa ayo kan aan aqoonta lahayn oo talada qariyaa? Haddaba anigu waxaan ku hadlay wax aanan garanayn, Oo ah waxyaalo aad iiga yaabiyey oo aanan innaba aqoon. 4 Waan ku baryayaaye i maqal aan kula hadlee, Oo wax baan ku weyddiinayaaye ii sheeg. 5 Markii hore ayaan wax kugu saabsan dhegaha ku maqlay, Laakiinse haatan indhahaan kugu arkayaa,
  • Sab 76:7 : 7 Adigase waa in lagaa cabsadaa, Bal yaa hortaada istaagi kara mar haddaad cadhootid?
  • Sab 89:6 : 6 Waayo, bal yaa cirka ku jira oo Rabbiga lala simi karaa? Bal yaase ku dhex jira wiilasha kuwa xoogga badan oo Rabbiga la mid ah,
  • Sab 89:8 : 8 Rabbiyow Ilaaha ciidammadow, Bal yaa sidaada u xoog badan, Rabbiyow? Aaminnimadaadu hareerahaagay ku wareegsan tahay.
  • Sab 113:5-6 : 5 Bal yaa la mid ah Rabbiga Ilaaheenna ah, Oo kursigiisa ku leh xagga sare, 6 Oo hoos u eega Waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka yaalba?
  • Sab 143:2 : 2 Anoo addoonkaaga ah xukun ha i gelin, Waayo, inta nool oo dhan ma jiro nin hortaada lagu caddayn doonaa inuu xaq yahay.
  • Ish 40:25 : 25 Haddaba kan Quduuska ahu wuxuu leeyahay, Bal yaad ii ekaysiinaysaan si aan ula mid noqdo?
  • Ayuub 9:21 : 21 Anigu waan qummanahay, oo nafsaddayda kama fikiro, Noloshaydana waan quudhsadaa.
  • Ayuub 23:3-7 : 3 Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado meeshaan isaga ka heli karo, Si aan kursigiisa ugu imaado! 4 Dacwadayda ayaan hortiisa ku diyaarin lahaa, Oo afkaygana hadallo dood ah baan ka buuxin lahaa. 5 Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado erayada uu iigu jawaabayo, Oo aan garto bal waxa uu igu odhanayo. 6 Ma wuxuu igula diriri lahaa xooggiisa badan? Maya, laakiinse wuu i maqli lahaa. 7 Kii qummanu halkaasuu isaga kula xaajoon kari lahaa, Oo anna saasaan xaakinkayga uga samatabbixi lahaa weligayba.
  • Ayuub 40:2-8 : 2 Kii murmayaa ma Ilaaha Qaadirka ah buu la diriri karaa? Kii Ilaah la doodayaa ha ka jawaabo taas. 3 Markaasaa Ayuub Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, 4 Bal eeg, wax yar baan ahay, haddaba bal maxaan kuugu jawaabaa? Afkaan gacanta saarayaa. 5 Mar baan hadlay, jawaab dambena u noqon maayo, Laba jeer oo qudha ayaan hadlay, laakiinse hadda ka dib sii wadi maayo. 6 Markaasaa Rabbigu Ayuub uga dhex jawaabay dabaysha cirwareenta ah, oo wuxuu ku yidhi, 7 Haddaba sidii nin rag ah dhexda u gunto, Waayo, wax baan ku weyddiinayaa, oo adna waa inaad ii sheegtaa. 8 War ma xukunkaygaad burinaysaa? Oo ma waxaad ii xukumaysaa inaad xaq noqotid?
  • Nax 1:6 : 6 ¶ Bal yaa dhirifkiisa is-hor taagi kara? Oo bal yaa u adkaysan kara kulaylka cadhadiisa? Cadhadiisu waa u daadatay sidii dab oo kale, oo dhagaxyada waaweynna isagaa kala dildillaacshay.
  • Sak 11:3 : 3 Waxaa yeedhaya codkii baroortii adhijirrada! Waayo, sharaftoodii waa la kharribay! Waxaa yeedhaya codkii cida aaran libaaxyada! Waayo, kibirkii Urdun waa la kharribay.
  • Muj 6:17 : 17 waayo, waxaa timid maalintii weynayd oo cadhadooda; bal yaa awooda inuu istaago?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yer 50:44-45
    2 aayado
    93%

    44Bal eega, isagu wuxuu kibirka Webi Urdun uga soo dhex bixi doonaa sida libaax oo kale, oo wuxuu ku soo kici doonaa rugta xoogga badan, laakiinse anigu waxaan ka dhigi doonaa inay degdeg uga cararaan, oo waxaan madax uga dhigi doonaa kii la doortay, waayo, bal yaa ila mid ah? Oo bal yaa wakhtiga ii sheegi doona? Oo waa ayo adhijirka hortayda soo istaagi doona?

    45Haddaba bal maqla talada uu Rabbigu Baabuloon u goostay, iyo qasdiyadiisa uu dalka reer Kaldayiin u qasdiyey. Sida xaqiiqada ah waxaa iyaga kaxayn doona kuwa adhiga ugu yaryar. Sida xaqiiqada ah isagu hoygooda iyo iyagaba cidla buu ka dhigi doonaa.

  • 20Haddaba bal maqla talada uu Rabbigu Edom u goostay, iyo qasdiyadiisa uu dadka Teemaan deggan u qasdiyey. Sida xaqiiqada ah waxaa iyaga kaxayn doona kuwa adhiga ugu yaryar. Sida xaqiiqada ah isagu hoygooda iyo iyagaba cidla buu ka dhigi doonaa.

  • 4Waayo, Rabbigu wuxuu igu leeyahay, Sida aar libaax iyo libaax yar oo raq ku kor guuxa, oo markii adhijirro badan loogu yeedho aan codkooda ka baqin ama aan qayladooda ka cabsan ayaa Rabbiga ciidammadu u soo degi doonaa inuu Buur Siyoon iyo kurteeda korkood ku diriro.

  • 8Oo kuwa reer Yacquub ka hadhayna waxay quruumaha dhexdooda iyo dadyow badan dhexbadhtankooda joogi doonaan sidii libaax ku dhex jira xayawaanka kaynta, iyo sidii aaran libaax oo ku dhex jira ido foof ah, kaasoo markuu dhex maraaba ku tunta oo kala jeexjeexda, oo weliba aan la arag mid ka samatabbixiya.

  • Sak 11:16-17
    2 aayado
    75%

    16Waayo, bal eeg, waxaan dalka ka dhex kicin doonaa adhijir aan soo booqanayn kuwa ambaday, oo aan doondoonayn kuwa kala firdhay, oo aan bogsiinayn kii jaban, oo aan daajinayn kii feyow, laakiinse isagu wuxuu cuni doonaa hilibka baruurta, oo raafafkoodana wuu kala dildillaacin doonaa.

    17Waxaa iska hoogay adhijirka waxtarlaawaha ah oo adhiga isaga taga! Seef baa ku dhici doonta gacantiisa iyo ishiisa midig. Gacantiisu dhammaanteed way engegi doontaa, oo ishiisa midigna kulligeed way madoobaan doontaa.

  • 7Libaax baa ka soo baxay jiqdiisa, quruumo baabbi'iyihiina wuu soo kacay, oo wuxuu meeshiisii uga soo baxay inuu dalkaaga cidlo ka dhigo, oo magaalooyinkaagana waa la baabbi'in doonaa, oo qofna ma degganaan doono.

  • 14Waayo, waxaan reer Efrayim ku noqon doonaa sidii aar libaax oo kale, oo dadka Yahuudahna waxaan ku noqon doonaa sidii aaran libaax oo kale. Anigu qudhayda ayaa jeexjeexan doona oo bixi doona, waan la tegi doonaa, oo mid iga samatabbixiyaana ma jiri doono.

  • 3Waxaa yeedhaya codkii baroortii adhijirrada! Waayo, sharaftoodii waa la kharribay! Waxaa yeedhaya codkii cida aaran libaaxyada! Waayo, kibirkii Urdun waa la kharribay.

  • 9Yahuudah waa libaax dhashiis. Wiilkaygiiyow, wixii aad ugaadhsatay waad ka tagtay. Wuu kadaloobsaday, oo wuxuu u jiifsaday sida aar, Iyo sida gool, haddaba yaa kicin doona?

  • Yer 49:14-18
    5 aayado
    73%

    14War baan xagga Rabbiga ka maqlay, oo quruumahana waxaa loo dhex diray wargeeys leh, Isa soo wada urursada, oo iyada ku soo duula, oo dagaalka u soo kaca.

    15Waayo, bal eeg, waxaan kaa dhigay mid quruumaha dhexdooda ku yar, oo dadka dhexdiisana lagu quudhsado.

    16Kaaga qararka dhagaxyadooda deggan oo kurta dhaladeeda sare haystow, belaayonimadaada iyo kibirka qalbigaaga ayaa ku khiyaanay, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, In kastoo aad buulkaaga meel sare ka samaysatid sida kan gorgorka oo kale, anigu halkaas hoos baan kaaga soo dejin doonaa.

    17Oo weliba Edomna waxay noqon doontaa cidla, oo mid kasta oo ag maraaba wuu la yaabi doonaa, wuuna ku foodhyi doonaa belaayooyinkeeda oo dhan.

    18Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidii afgembigii Sodom iyo Gomora iyo magaalooyinkii u dhowaa oo kale, ciduna halkaas ma joogi doonto, oo innaba binu-aadmi halkaas ma degganaan doono.

  • 22Bal ogaada, isagu wuu soo kici doonaa oo wuxuu u soo duuli doonaa sida gorgor oo kale, oo baalashiisana wuxuu ku fidin doonaa Bosraah, oo maalintaas ragga xoogga badan oo reer Edom qalbigoodu wuxuu noqon doonaa sida naag fooli hayso qalbigeed oo kale.

  • 24Bal eeg, dadku wuxuu u kacaa sidii gool oo kale, Oo sidii aar oo kale ayuu isu qaadaa: Oo isagu jiifsan maayo jeeruu ugaadh cuno, Oo uu dhiigga ka cabbo waxa uu dishay.

  • 19Oo dadka Israa'iilna xeradooda ayaan ku soo celin doonaa, oo waxay daaqi doonaan Karmel iyo Baashaan, oo nafsaddooduna waxay ka dhergi doontaa buuraha Efrayim iyo Gilecaad dhexdiisa.

  • 7¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Seefay, toos oo ku kac adhijirkayga iyo ninka wadaygayga ah. Adhijirka dil, oo iduhuna way kala firdhi doonaan, oo gacantaydaan ku soo celin doonaa kuwa yaryar.

  • Hos 13:7-8
    2 aayado
    72%

    7Sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku ahay sida libaax oo kale, oo sida shabeel ayaan jidka ku ag dhawri doonaa.

    8Oo waxaan iyaga uga hor iman doonaa sida orso gabneheedii laga gablamiyey, oo waxaan jeexjeexi doonaa xuubkii wadnahooda, oo halkaasaan iyaga ku baabbi'in doonaa sidii gool libaax oo kale, oo waxaa iyaga dildillaacsan doona dugaagga.

  • 3Waayo, quruun baa xagga woqooyi iyada kaga soo kacaysa, taasoo dalkeeda cidla ka dhigi doonta, oo ciduna ma dhex degganaan doonto, oo dad iyo duunyaba way carareen, wayna tageen.

  • 29oo cidoodu waxay ahaan doontaa sida gool cideed, oo waxay u ciyi doonaan sida libaaxyo yaryar oo kale; hubaal way ciyi doonaan, wayna qabsan doonaan waxay ugaadhsanayaan, oo si ammaan ah ayay u qaadan doonaan, oo ciduna kama samatabbixin doonto.

  • Yex 34:22-23
    2 aayado
    72%

    22Sidaas daraaddeed adhigayga waan badbaadin doonaa, oo mar dambena wax la dhaco siima uu ahaan doono, oo waxaan kala xukumi doonaa ido iyo riyo.

    23Oo waxaan iyaga u yeeli doonaa adhijir keliya oo iyaga jira, oo isaguna wuu daajin doonaa, oo kaasu waa addoonkayga Daa'uud. Isagaa daajin doona, oo adhijir buu u ahaan doonaa.

  • 13Rabbigu wuxuu leeyahay, Ogaada, col baan idinla ahay, kuwiinna dooxada iyo dhagaxa bannaanka deggan ee yidhaahda, Bal yaa nagu soo dhaadhici kara, amase yaa rugtayada soo geli kara?

  • 19Oo mid reer Yacquub ka soo farcamay ayaa xukun yeelan doona, Oo wuxuu baabbi'in doonaa kuwa magaalada ka hadha.

  • 5Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxaan kugu soo dejin doonaa cabsi kaaga timaada kuwa hareerahaaga ku wareegsan oo dhan. Oo midkiin kastaba hor baa loo eryi doonaa, oo cid kuwa warwareega soo ururisaana ma jiri doonto.

  • 6Waayo, dalkaygii waxaa ku soo kacay quruun xoog badan oo aan tiro lahayn, oo ilkahoodu waa sida ilko libaax oo kale, oo waxay leeyihiin miciyo gool libaax oo kale.

  • 38Wuxuu meeshiisii qarsoonayd uga soo baxay sidii libaax oo kale, waayo, dalkoodii cidla buu noqday, waana baabbi'iyaha cadhadiisa aawadeed iyo xanaaqiisa kulul aawadiis.

  • 20Oo korkiisaan ku kala bixin doonaa shabaggayga, oo isagaa dabinkayga lagu soo qaban doonaa, oo Baabuloon waan keeni doonaa, oo xadgudubkii uu igu xadgudbay aawadiis ayaan isaga halkaas kula xaajoon doonaa.

  • 8Dadka Dedaan degganow, carara, oo dib u noqda, oo meelo hul dheer dega, waayo, reer Ceesaw waxaan ku soo dejin doonaa masiibadiisa oo dhan, waana wakhtiga aan isaga ciqaabi doono.

  • 17Dadka Israa'iil waa sida ido kala firidhsan oo kale. Libaaxyaa kala eryay. Markii hore waxaa baabbi'iyey boqorkii Ashuur, oo markii dambena Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ayaa lafihiisii burbursaday.

  • Yex 25:13-14
    2 aayado
    71%

    13sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Gacantaydaan dalka Edom ku dul fidin doonaa, oo dad iyo duunyoba waan ka baabbi'in doonaa, oo cidla baan ka dhigi doonaa tan iyo Teman, oo tan iyo Dedaan seef baa lagu le'an doonaa.

    14Oo waxaan aarsashadayda dul saari doonaa reer Edom, oo gacanta dadkayga reer binu Israa'iil ayaan kaga aarsan doonaa, iyaguna reer Edom way ku samayn doonaan sida ay cadhadaydu tahay iyo sida uu xanaaqaygu yahay, oo waxay ogaan doonaan aarsashadayda, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 12Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida adhijirku afka libaaxa uga badbaadiyo laba lugood, amase dheg go'eed, saasoo kalaa loo badbaadin doonaa dadka Israa'iil ee Samaariya deggan oo ku fadhiya sariirta rukunkeeda iyo gogosha barkimaheeda xariirta ah.

  • 3Waxaa iyada u iman doona adhijirro adhyahoodii wata, oo teendhooyinkooda ayay hareeraheeda ka dhisan doonaan, oo midkood kastaaba wuxuu iska daaqsan doonaa meeshiisa.

  • 13Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eega, anigu col baan idinla ahay, oo gaadhifardoodyadana qiiq baan ku gubi doonaa, oo libaaxyada qayrabyada ahna seef baa baabbi'in doonta, oo waxa aad ugaadhsataanna dhulkaan ka dhammayn doonaa, oo codkii wargeysyadiinnana mar dambe lama maqli doono.

  • 3Adhijirrada aad baan ugu cadhooday, oo waxaan ciqaabi doonaa orgida, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu soo booqday idihiisii ahaa dadka dalka Yahuudah, oo wuxuu ka dhigi doonaa sida faraskiisa sharafta leh oo dagaalka ku jira.

  • 12¶ Reer Yacquubow, sida xaqiiqada ah dhammaantiin waan soo wada shirin doonaa, sida xaqiiqada ah waxaan soo ururin doona kuwa dadka Israa'iil ka hadhay, oo waxaan iyaga isugu wada keeni doonaa sidii idihii Bosraah, sidii adhi daaqsiintiisii ku dhex jira, oo dadkooda badan daraaddiis aad bay u buuqi doonaan.

  • 4Oo isagu wuu istaagi doonaa, oo wuxuu adhigiisa ku daajin doonaa xoogga Rabbiga iyo haybadda magaca Rabbiga Ilaahiisa ah, oo iyana ammaan bay ku joogi doonaan, waayo, isagu haatan mid weyn buu ku ahaan doonaa tan iyo dhulka darfihiisa.

  • 10Iyagu waxay daba geli doonaan Rabbiga oo sidii libaax buu u ciyi doonaa, Markuu ciyo ilmihiisu xagga galbeed bay ka iman doonaan iyagoo gariiraya.

  • 36Oo waxaa la maqli doonaa codkii qaylada adhijirrada, iyo cidii adhiga madaxdiisa, waayo, Rabbigu wuxuu kala baabbi'iyey daaqsintoodii.

  • 8Aarkii waa ciyey, haddaba bal yaan cabsanayn? Sayidka Rabbiga ahu waa hadlay, haddaba bal yaa wax sii sheegi waayaya?

  • 6Oo sidaas daraaddeed waxaa iyaga dili doona libaax kaynta ka soo baxay, oo waxaa baabbi'in doonta yeyda fiideed. Oo magaalooyinkoodana waxaa gaagaatami doona shabeel, oo ku alla kii halkaas ka soo baxaba waa la kala dildillaacsan doonaa, maxaa yeelay, xadgudubyadoodu waa tiro badan yihiin, oo dibunoqoshadoodiina waa sii korodhay.

  • 14Oo sida deero la eryay iyo sida ido aan ciduna soo ururin ayaa midkood kastaaba dadkiisa ku noqon doonaa, oo mid kastaaba dalkiisa u carari doonaa.

  • 38Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu carshigayga Ceelaam baan dhex qotomin doonaa, oo halkaas boqor iyo amiirroba waan ka wada baabbi'in doonaa.

  • 8Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas ragga xigmadda leh sow kama aan baabbi'in doono reer Edom oo waxgarashadana sow kama baabbi'in doono buurta Ceesaw?

  • 4Oo waxaan iyaga u yeeli doonaa adhijirro daajiya, oo mar dambe ma ay baqi doonaan, mana ay nixi doonaan, oo innaba midna kama dhimmanaan doono.