Yeremyaah 51:29
Dalku wuu gariiraa, wuuna xanuunsadaa, waayo, qasdi kasta oo Rabbigu uu Baabuloon ugu qasdiyeyba waa la oofiyaa si uu dalka Baabuloon uga dhigo cidla aan ciduna degganayn.
Dalku wuu gariiraa, wuuna xanuunsadaa, waayo, qasdi kasta oo Rabbigu uu Baabuloon ugu qasdiyeyba waa la oofiyaa si uu dalka Baabuloon uga dhigo cidla aan ciduna degganayn.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
13Cadhada Rabbiga daraaddeed ayaan ciduna u degi doonin, laakiinse kulligeed waxay ahaan doontaa baabba'. Mid kasta oo Baabuloon soo ag maraaba wuu yaabi doonaa, oo belaayooyinkeeda oo dhanna wuu ku foodhyi doonaa.
14Kuwiinna qaansada xoota oo dhammow, Baabuloon hareereheeda dagaal isugu diyaariya. Iyada fallaadhihiinna ku gana, oo fallaadhna ha ka ceshanina, waayo, Rabbigay ku dembaabtay.
15Hareeraha kaga qayliya, iyadu way isdhiibtay, aasaaskeedii wuu dhacay, derbiyadeediina waa la wada dumiyey, waayo, taasu waa aarsashadii Rabbiga. Iyada ka aarsada, oo sidii ay yeeli jirtay iyada ku sameeya.
16Baabuloon ka baabbi'iya kan wax beera iyo kan manjada qaada wakhtiga beergoosadka. Seefta dulmaysa cabsi ay ka qabaan aawadeed ayaa midkood kastaaba ku noqon doonaa dadkiisii, oo midkood kastaaba u carari doonaa dalkiisii.
47Sidaas daraaddeed waxaa iman doona wakhti aan xukun ku soo dejin doono sanamyada xardhan ee Baabuloon, oo dalkeeda oo dhammuna wuu ceeboobi doonaa, oo kuweeda la laayay oo dhammuna iyaday ku dhex dhici doonaan.
48Rabbigu wuxuu leeyahay, Markaasay samada iyo dhulka iyo waxa ku jira oo dhammuba farxad ku heesi doonaan Baabuloon aawadeed, waayo, kuwa iyada baabbi'in doona ayaa xagga woqooyi uga iman doona.
49Baabuloon sidii ay u daadisay kuwii reer binu Israa'iil laga laayay, sidaas oo kale ayaa Baabuloon waxaa ugu dhex daadan doona kuwa dhulka laga laayay oo dhan.
45Haddaba bal maqla talada uu Rabbigu Baabuloon u goostay, iyo qasdiyadiisa uu dalka reer Kaldayiin u qasdiyey. Sida xaqiiqada ah waxaa iyaga kaxayn doona kuwa adhiga ugu yaryar. Sida xaqiiqada ah isagu hoygooda iyo iyagaba cidla buu ka dhigi doonaa.
46Dhulkii wuxuu la gariiraa sanqadhii qabsashadii Baabuloon, oo qayladeeda waxaa laga maqlaa quruumaha dhexdooda.
36Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, anigu dacwadaada waan kuu qaadi doonaa, waanan kuu aari doonaa, oo baddeeda waan engejin doonaa, oo isheedana waan qallajin doonaa.
37Baabuloon waxay noqon doontaa tuulmooyin burbur ah iyo meel dawacooyinku ay ku hoydaan, iyo wax laga yaabo oo lagu foodhyo, oo aan ciduna degganayn.
52Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaas daraaddeed waxaa iman doona wakhti aan xukun ku soo dejin doono sanamyadeeda xardhan, oo dalkeeda oo dhanna dadka dhaawaca ah baa ka dhex taahi doona.
53Rabbigu wuxuu leeyahay, Baabuloon in kastoo ay tan iyo samada korto, iyo in kastoo ay meelaheeda dhaadheer ee xoogga badan sii adkayso, kolleyba waxaa iyada u tegi doona baabbi'iyayaal iga yimid.
54Baabuloon qaylaa ka yeedhaysa, oo dalka reer Kaldayiinna baabba' weyn baa ka dhex sanqadhayaa,
55maxaa yeelay, Rabbigu Baabuloon wuu baabbi'iyaa, oo codkii weynaana dhexdeeda wuu ka aamusiiyaa, oo mawjadahoodu way u guuxaan sida biyo badan, qaylada codkoodana kor bay u qaadaan,
56maxaa yeelay, waxaa Baabuloon ku soo degay baabbi'iyihii, oo raggeedii xogga badanna waa la qabtay, oo qaansooyinkoodiina way jabeen, waayo, Rabbigu waa Ilaahii abaalmarinta, oo sida xaqiiqada ah isagu wuu u abaalgudi doonaa.
57Oo waxaan wada sakhraamin doonaa amiirradeeda, iyo raggeeda xigmadda leh, iyo taliyayaasheeda, iyo saraakiisheeda, iyo raggeeda xoogga badanba, oo waxay seexan doonaan hurdo weligeed ah, oo ayan ka soo toosin, ayaa Boqorka magiciisa la yidhaahdo Rabbiga ciidammadu leeyahay.
58Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Derbiyada balballaadhan ee Baabuloon waa la wada dumin doonaa, oo irdaheeda dhaadheerna dab baa lagu gubi doonaa, oo dadku waxtarla'aan buu u hawshoon doonaa, quruumuhuna dab, wayna daali doonaan.
28Oo waxaad iyada u soo diyaarisaan quruumaha, iyo boqorrada reer Maaday, iyo taliyayaashooda iyo saraakiishooda oo dhan, iyo dalka taliskiisa ku jira oo dhanba.
41Sidee baa Sheeshag loo qabsaday, sidee baa ammaantii dunida oo dhan loo argaggixiyey, oo sidee baa Baabuloon ay wax laga yaabo quruumaha dhexdooda ugu noqotay!
11Fallaadhaha afaysta, oo gaashaammada qaada, waayo, Rabbigu wuxuu sara kiciyey ruuxii boqorradii reer Maaday, waayo, qasdigiisu waa inuu Baabuloon baabbi'iyo, maxaa yeelay, taasu waa aarsashadii Rabbiga, taasoo ah aarsashadii macbudkiisa.
12Kor u qaada calan ku col ah derbiyada Baabuloon, oo ilaalladana sii xoogeeya, oo waardiyayaasha taaga, oo gaadmada diyaariya, waayo, Rabbigu wuxuu u qasdiyey oo weliba sameeyey waxyaalihii uu kaga hadlay kuwa Baabuloon deggan.
22Dalka waxaa dhex yaal dagaal iyo halligaad weyn sanqadhood.
23Dubbihii dunida oo dhammu sidee buu u kala jabay oo uu u burburay! Baabuloon sidee bay quruumaha dhexdooda cidla ugu noqotay!
3Waayo, quruun baa xagga woqooyi iyada kaga soo kacaysa, taasoo dalkeeda cidla ka dhigi doonta, oo ciduna ma dhex degganaan doonto, oo dad iyo duunyaba way carareen, wayna tageen.
11Oo dalkan oo dhammuna wuxuu noqon doonaa cidla iyo wax laga yaabo, oo quruumahanuna toddobaatan sannadood ayay boqorka Baabuloon u adeegi doonaan.
12Oo markay toddobaatanka sannadood dhammaadaan ayaan xumaantooda aawadeed u ciqaabi doonaa boqorka Baabuloon iyo quruuntaas, iyo dalka reer Kaldayiinba, oo waxaan ka dhigi doonaa meelo weligoodba cidla ah.
43Magaalooyinkeedii waxay noqdeen cidla iyo dhul engegan, iyo lamadegaan, iyo dal aan ciduna degganayn, ama aan binu-aadmi innaba soo ag marin.
44Oo Beelna waxaan ku ciqaabi doonaa Baabuloon dhexdeeda, oo waxaan afkiisa ka soo bixin doonaa wixii uu liqay, oo quruumuhuna innaba mar dambe isaga uma ay soo qulquli doonaan, hubaal, derbiga Baabuloon wuu dumi doonaa.
24Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Baabuloon iyo dalka Kalday dadka deggan oo dhanba waxaan ka abaalmarin doonaa sharkii ay Siyoon iyo adiga hortaadaba ku sameeyeen.
28Waxaa yeedhaya codkii kuwa dalka Baabuloon ka sii cararaya oo ka baxsanaya inay Siyoon ka naadiyaan aarsashadii Rabbiga Ilaahayaga ah, taasoo ah aarsashadii macbudkiisa.
29Waxaad Baabuloon ugu yeedhaan qaansoley badan, kuwiinna qaansada xoota oo dhammow. Hareereheeda ka dega, oo yaan innaba waxba ka baxsan. U abaalmariya sidii shuqulkeedu ahaa, oo wixii ay samayn jirtay oo dhan ku sameeya, waayo, waxay ku kibirtay Rabbiga ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.
30Sidaas daraaddeed barbaarradeedu waxay ku dhex dhici doonaan jidadkeeda, oo raggeeda dagaalka oo dhanna maalintaasaa la wada baabbi'in doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay.
32oo meelihii webiga laga gudbi jirayna la wada xidhay, oo cawsduurkiina dab lagu gubay, oo raggii dagaalkuna ay wada cabsadeen.
33¶ Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Dadka Baabuloon waa sidii meel hadhuudh lagu tumo, oo haatan waa wakhtigii la tumi lahaa, in yar dabadeedna waxaa u iman doona wakhtigii beergoosashada.
1¶ Kanu waa eraygii ku saabsanaa Baabuloon iyo dalka reer Kaldayiin ee uu Rabbigu Nebi Yeremyaah faray.
7Baabuloon waxay ahayd koob dahab ah oo Rabbiga gacantiisa ku jira oo dunida oo dhan sakhraamiyey. Quruumuhu waxay cabbeen khamrigeedii, oo sidaas daraaddeed quruumihii way wada waasheen.
8Baabuloon dhaqso bay u dhacday, wayna baabba'day. Iyada u baroorta oo xanuunkeeda beeyo dawo ah u qaada, hadday saas ku bogsanayso.
9Annagu Baabuloon waannu dawayn lahayn, laakiinse iyadu ma ay bogsan. Iyada ka taga oo midkeen kastaaba dalkiisii ha tago, waayo, xukunkeedii wuxuu gaadhay tan iyo samada, oo waxaa kor loogu qaaday tan iyo cirka.
30Raggii xoogga badnaa ee Baabuloon dagaalkay ka joogsadeen, oo waxay ku hadheen qalcadahoodii. Way taag gabeen, oo waxay noqdeen sidii naago oo kale. Meelaheedii lagu hoyan jiray way gubeen, oo qataarradeediina way kala jabeen.
1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu Baabuloon iyo kuwa dalka reer Kaldayiin dhex degganba waxaan ku soo kicin doonaa dabayl wax baabbi'isa.
2Oo Baabuloonna waxaan u soo diri doonaa haadiyayaal, oo iyaday haadin doonaan, oo dalkeedana way madhin doonaan, waayo, maalinta dhibaatada dhinac kastay kaga soo duuli doonaan.
26Quruuntaas kaga soo kaca darafyada dhulka ugu shisheeya, oo bakhaarradeeda fura, oo waxaad iyada u taalaysaan sida wax meel tuunsan oo kale, oo dhammaanteed baabbi'iya, oo innaba waxba ha ka reebina.
64Oo waxaad tidhaahdaa, Baabuloon sidaasay u tiimban doontaa, oo kamana soo sara kici doonto masiibada aan iyada ku soo dejin doono aawadeed, oo iyagu way daali doonaan. Intaasu waa erayadii Yeremyaah.
19Oo Baabuloon oo ah sharaftii boqortooyooyinka iyo quruxdii kibirka reer Kaldayiin waxay noqon doontaa sidii markii Ilaah Sodom iyo Gomora afgembiyey.
9Waayo, bal ogaada, waxaan kicin doonaa oo aan Baabuloon ku soo dayn doonaa quruumo waaweyn oo is-urursaday oo xagga dalka woqooyi ka yimid, oo dagaal bay isugu soo diyaarin doonaan oo halkaasaa laga qaadi doonaa. Oo fallaadhahoodu waxay noqon doonaan sida fallaadhaha kan dagaalka aqoonta u leh oo aan middoodna waxtarla'aan ku soo noqonayn.
10Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Dalka Kalday wuxuu noqon doonaa wax la dhaco, oo kuwii isaga dhaca oo dhammuna way wada dhergi doonaan.
1¶ Bal eega, Rabbigu dalkuu madhinayaa, oo baabba' buu ka dhigayaa, wuuna afgembiyayaa, oo kuwa degganna wuu kala firdhinayaa.
35Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer Kaldayiin, iyo kuwa Baabuloon deggan, iyo amiirradeeda, iyo raggeeda xigmadda lehba seef baa u diyaar ah.
43Boqorkii Baabuloon ayaa warkoodii maqlay, markaasay gacmihiisii taag gabeen, oo cidhiidhi iyo xanuun baa isagii qabtay sida naag foolanaysa oo kale.