Ayuub 12:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Wuxuu furaa boqorrada xidhan, Oo dhex-xidh buuna u xidhaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 116:16 : 16 Rabbiyow, sida runta ah waxaan ahay addoonkaaga, Waxaan ahay addoonkaaga, oo ah wiilka addoontaada, Silsiladahaygii waad iga furtay.
  • Daan 2:21 : 21 oo wakhtiyada iyo xilliyadana isagaa kala bedbeddela; isagaa boqorro dejiya oo boqorro saara. Xigmad buu siiyaa kuwa xigmadda leh, aqoonna wuu siiyaa kuwa wax garta.
  • Yer 52:31-34 : 31 ¶ Oo sannaddii toddoba iyo soddonaad intii boqorkii dalka Yahuudah oo Yehooyaakiin ahaa uu xidhnaa, bishii laba iyo tobnaad, maalinteedii shan iyo labaatanaad Ewiil Merodag oo ahaa boqorkii Baabuloon sannaddii uu boqor noqday ayuu sara u qaaday Yehooyaakiin oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo xabsiguu ka soo bixiyey. 32 Oo si roon buu ula hadlay, oo wuxuu carshigiisii ka kor mariyey carshigii boqorradii isagii Baabuloon la joogay. 33 Oo dharkiisii xabsiga ayuu beddelay oo hortiisuu wax ku cuni jiray had iyo jeerba cimrigiisii oo dhanba. 34 Oo xagga masruufkiisana boqorkii Baabuloon xaggiisa waxaa laga siin jiray masruuf joogta ah, oo tan iyo maalintii uu dhintay maalin kastaba qayb buu heli jiray cimrigiisii oo dhan.
  • 2 Taar 33:11-14 : 11 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ku diray saraakiishii ciidanka oo boqorkii Ashuur, oo waxay la tageen Manaseh isagoo silsilado iyo bircago ku xidhan yihiin, kolkaasay Baabuloon u kaxaysteen. 12 Oo intuu dhibaataysnaa ayuu baryay Rabbigii Ilaahiisa ahaa, oo si weyn buu isugu hor hoosaysiiyey Ilaahii awowayaashiis. 13 Oo isagii buuna baryay, oo isna wuu aqbalay oo baryootankiisiina wuu maqlay, oo mar kale ayuu dib ugu soo celiyey Yeruusaalem iyo boqortooyadiisii. Markaasaa Manaseh ogaaday in Rabbigu Ilaah yahay. 14 ¶ Haddaba waxyaalahaas ka dib magaaladii Daa'uud dibaddeeda ayuu ka dhisay derbi xagga Giixoon dhankeedii galbeed iyo dooxada dhexdeedii iyo xataa meesha laga galo Iriddii Kalluunka, oo wuxuu ka soo wareejiyey Cofel, oo aad iyo aad buu kor ugu dheereeyey, oo magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah oo dhanna wuxuu fadhiisiyey saraakiishii ciidanka.
  • Muj 19:16 : 16 Oo dharkiisa iyo bowdadiisana waxaa ugu qornaa magac, kaas oo ah BOQORKA BOQORRADA, IYO SAYIDKA SAYIDYADA.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 82%

    19Wadaaddadana sida booli la dhacay buu u kaxaystaa, Oo kuwa xoogga badanna wuu afgembiyaa.

    20Kuwa la aaminayna wuu hadal beeliyaa, Oo odayaashana waxgarashaduu ka qaadaa.

    21Amiirrada wuxuu ku shubaa quudhsasho, Kuwa xoogga badanna suunkooduu debciyaa.

    22Wuxuu gudcurka ka soo saaraa waxyaalo mool dheer, Oo hooska dhimashadana iftiinkuu u soo bixiyaa.

    23Quruumaha wuu badiyaa, oo haddana wuu wada baabbi'iyaa, Oo quruumaha wuu ballaadhiyaa, oo haddana wuu kexeeyaa,

    24Wuxuu caqliga ka qaadaa madaxda dadyowga dhulka, Oo wuxuu iyaga ku warwareejiyaa meel cidla ah oo aan jid lahayn.

    25Waxay wax ka haabhaabtaan gudcurka iyagoo aan iftiin lahayn, Oo wuxuu iyaga ka dhigaa inay u dhacdhacaan sida nin sakhraan ah.

  • 79%

    14Bal eeg, isagu wax buu dumiyaa, Oo wuxuu dumiyana mar dambe lama dhisi karo, Nin buu xidhaa oo wax furi kara lama arko.

    15Biyuhuu celiyaa, oo way iska gudhaan, Oo haddana wuu soo daayaa, markaasay dhulka qarqiyaan.

    16Xoog iyo xigmaduba isagay la jiraan, Oo kan la khiyaaneeyey iyo kan wax khiyaaneeyaba isagaa iska leh.

    17Taliyayaasha wuxuu u kaxaystaa sida booli la dhacay, Xaakinnadana nacasyo buu ka dhigaa.

  • 8Si ay boqorradooda silsilado ugu soo xidhaan, Oo ay raggooda gobta ahna jeebbooyin bir ah ugu soo xidhaan,

  • 8Oo haddii silsilado lagu xidho, Oo xadhkaha dhibka lagu kaxaysto,

  • 5Wuxuu dhexda ku xidhan doonaa xaqnimo, miskihiisana wuxuu ku xidhan doonaa aaminnimo.

  • 11Ilaah baa xadhiggaygii debciyey, wuuna i dhibay, Oo taas aawadeed iyagu hortayda iskuma celiyaan.

  • 3Silsiladahooda aan gooyno Oo xadhkahoodana aan iska fogayno.

  • 22Inuu amiirradiisa xidho markuu doonayoba, Oo uu odayaashiisana xigmad baro.

  • 19Isaga ha u ahaato sida marada uu huwado, Iyo sida dhex-xidhka uu ku xidho had iyo goorba,

  • Yer 13:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Rabbigu wuxuu igu yidhi, Tag oo waxaad soo iibsataa gunti maro wanaagsan ah oo dhexda ku xidho, oo marnaba biyo ha dhex gelin.

    2Sidaas daraaddeed gunti baan soo iibsaday sidii erayga Rabbigu ahaa, oo dhexdaan ku xidhay.

  • 23Isagu amiirrada wuxuu ka dhigaa sida wax aan jirin oo kale, oo xaakinnada dhulkana wuxuu ka dhigaa sida wax aan waxba ahayn oo kale.

  • 12Oo waxaa lagu soo wareejiyaa hoggaamintiisa, Inay sameeyaan wax alla wixii uu kugu amro Dunida la dego dusheeda oo dhan,

  • 20Markaasaa boqorkii u cid diray oo furay, Kaas oo ahaa taliyihii dadyowga, wuuna sii daayay.

  • 13Oo haatan harqoodkiisa waan idinka jebin doonaa, oo jebbooyinka idinku xidhanna waan jebin doonaa.

  • 40Amiirro wuxuu ku soo daayaa quudhsasho, Oo wuxuu ka dhigaa inay ku wareegaan cidlada aan jid lahayn.

  • 4Raggii xoogga badnaa qaansooyinkoodii waa jajaban yihiin, Oo kuwii kufkufayayna itaal bay guntan yihiin.

  • 12Isagu wuxuu gooyn doonaa amiirrada ruuxooda, Boqorrada dunidana wuu u cabsi badan yahay.

  • 21oo wakhtiyada iyo xilliyadana isagaa kala bedbeddela; isagaa boqorro dejiya oo boqorro saara. Xigmad buu siiyaa kuwa xigmadda leh, aqoonna wuu siiyaa kuwa wax garta.

  • 15oo dhexda dhex-xidhyo ugu xidhan yihiin, oo madaxana duubab la sibaaqeeyey ugu xidhan yihiin, oo kulligood la wada moodo amiirro u eg reer Baabuloon dalkoodu Kalday yahay.

  • 24Ragga xoogga badan ayuu u kala jejebiyaa siyaalo aan la baadhi karin, Oo meeshoodiina kuwa kaluu ka kiciyaa.

  • 67%

    15Isagu kii dhibban ayuu dhibaatadiisa ku samatabbixiyaa, Oo dhegahana buu u furaa markay dhib la kulmaan.

    16Isagu dhibaato wuu kaa bixin lahaa, Oo wuxuu ku geeyn lahaa meel ballaadhan oo aan cidhiidhi ahayn, Oo miiskaaga waxa saaran oo dhammuna waxay ahaan lahaayeen baruur miidhan.

  • 26Boqorkii caqli lahu kuwa sharka leh wuu hufaa, Oo wuxuu dushooda marsiiyaa giringirta.

  • 21Oo waxaan isaga huwin doonaa shuluggaaga, oo waxaan ku adkayn doonaa dhex-xidhkaaga, oo dowladnimadaada isagaan u dhiibi doonaa, oo isna aabbe buu dadka Yeruusaalem deggan iyo reer Yahuudah u noqon doonaa.

  • 6Sidaas daraaddeed kibir wuxuu yahay sida silsilad qoorta u sudhan, Oo dulmi bay sida maro u huwan yihiin.

  • 4Waayo, boqorka hadalkiisu xoog buu leeyahay, oo yaase isaga ku odhan kara, War maxaad samaynaysaa?

  • 39Waayo, xoog baad iigu guntisay dagaalka aawadiis, Oo kuwii igu kacayna hoostaydaad ku soo tuurtay.

  • 32Kaasoo ah Ilaaha ii guntiya xoog, Jidkaygana qummaatiya.

  • 11Wuxuu xidhaa durdurrada si ayan u dareerin, Oo waxa qarsoonna wuxuu u soo bannaan bixiyaa iftiinka.

  • 18Xoogga weyn oo cudurkayga daraaddiis ayaa dharkaygii ku xumaaday, Oo wuxuu iigu cidhiidhisan yahay sidii jubbaddayda qoorteeda.

  • 10Sidaas daraaddeed waxay warwareegaan iyagoo qaawan oo aan dhar qabin, Oo iyagoo gaajaysan ayay xidhmooyinka sidaan.

  • 10Waa isaga kan boqorrada badbaadiyaa, Oo addoonkiisa Daa'uud ka badbaadiya seefta sharka leh.

  • 7Oo kuwa la dulmay u garsoora, Oo kuwa gaajaysanna quud siiya. Rabbigu maxaabiistuu furaa.

  • 14Aniga iyo boqorrada iyo lataliyayaasha dunida Oo nafsaddooda taallooyin u dhistay,

  • 19Oo waxaan kaa eryi doonaa derejadaada, oo jagada aad joogtona isagaa kaa soo dejin doona.

  • 22Oo weliba kii xoog badanna itaalkiisuu ku jiidaa; Oo markuu kacana nafta waa laga rajo beelaa.

  • 17oo dunida sidii lamadegaan oo kale ka dhigay, oo magaalooyinkeedii dumiyey, oo aan maxaabiistiisa u dayn inay gurigoodii ku noqdaan baa?

  • 6Markaasaa boqorka wejigiisii beddelmay, fikirradiisiina wuu la welwelay; xubnihii dhexdiisuna way debceen, lowyihiisiina way isku dhacdhaceen.

  • 8¶ Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas ayaan harqoodkiisa qoortaada ka jebin doonaa, oo hadhkaha kugu xidhanna waan jari doonaa, oo shisheeyayaalna mar dambe isaga ma addoonsan doonaan,

  • 13Qaansoolayaashiisii ayaa i hareereeya, Oo kelyahaygii ayuu kala googooyaa, Oo xammeetidaydiina dhulkuu ku daadshaa.