Ayuub 27:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Bal eega, idinku kulligiin waad aragteen, Haddaba bal maxaad dhammaantiin nacasyo u wada noqoteen?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 6:25-29 : 25 Erayo runu xoog badanaa! Laakiinse bal canaantiinna muranka ahu maxay caddaysaa? 26 Ma waxaad u malaynaysaan inaad erayo canaanataan? Maxaa yeelay, kii quustay hadalkiisu waa sida dabayl oo kale. 27 Waxaad saami u ridan lahaydeen maalka agoonta, Oo saaxiibkiinna waad ka faa'iidaysan lahaydeen. 28 Haddaba raalli ahaada oo bal i fiiriya, Waayo, sida runta ah been idiin sheegi maayo. 29 Haddaba waan idin baryayaaye iska noqda, yaan caddaaladla'aanu dhicin, Ee mar kale iska noqda, waayo, xaalkaygu waa xaq.
  • Ayuub 13:4-9 : 4 Laakiinse idinku waxaad tihiin kuwa beenta hindisa, Oo dhammaantiin waxaad tihiin dhakhtarro aan waxtar lahayn. 5 Bal maad iska aamustaan! Taasu xigmad bay idiin ahaan lahayd. 6 Haddaba bal xaajadayda maqla, Oo baryootanka bushimahayga dhegaysta. 7 War ma Ilaah aawadiis baad xaqdarro wax ugu odhanaysaan, Oo ma isaga aawadiis baad khiyaano ugu hadlaysaan? 8 War ma isagaad u eexanaysaan? Oo ma Ilaah aawadiis baad u diriraysaan? 9 War miyey idiin wanaagsan tahay inuu idin baadho? Mase sida nin loo khiyaaneeyo ayaad isaga u khiyaanaynaysaan?
  • Ayuub 16:3 : 3 Hadal dabayl ahu miyuu dhammaadaa? Balse maxaa kaa dhirfinaya oo aad u jawaabaysaa?
  • Ayuub 17:2 : 2 Sida xaqiiqada ah waxaa ila jooga majaajilowyo, Oo ishayduna waxay fiiro u leedahay ka cadhaysiintooda.
  • Ayuub 19:2-3 : 2 War ilaa goormaad naftayda dhibaysaan Oo aad erayo igu burburinaysaan? 3 Toban jeer baad i caydeen, Haddaba miyaydaan ka xishoonayn inaad saas oo xun iila macaamilootaan?
  • Ayuub 21:3 : 3 Bal mar ii oggolaada aan hadlee, Oo kolkii aan hadlo dabadeed iska sii majaajilooda.
  • Ayuub 21:28-30 : 28 Waayo, waxaad tidhaahdaan, War meeh gurigii amiirku? Oo meeday teendhadii sharrowgu ku dhex hoyan jiray? 29 Miyeydaan weyddiin kuwa jidka mara? Oo miyeydaan garanayn calaamooyinkooda? 30 Iyo in ninkii sharrow ah loo celiyey maalinta belaayada? Iyo in hore loogu sii kaxaynayo maalinta cadhada?
  • Ayuub 26:2-4 : 2 Sidee baad u caawisay midka aan itaalka lahayn! Oo kan ayan gacantiisu xoogga lahayn sidee baad u badbaadisay! 3 Sidee baad ula talisay kan aan xigmadda lahayn! Oo aad u muujisay aqoon wanaagsan! 4 Yaad erayo kula hadashay? Oo yaa ruuxiisu xaggaaga ka soo baxay?
  • Wacd 8:14 : 14 Waxaa jira wax aan waxba tarayn oo dhulka lagu sameeyo, waana inay jiraan kuwa xaqa ah oo ay wax ku dhacaan sida shuqulka kuwa sharka ah, oo haddana ay jiraan kuwa sharka ah oo ay wax ku dhacaan sida shuqulka kuwa xaqa ah. Oo waxaan idhi, Taasuna waa wax aan waxba tarayn.
  • Wacd 9:1-3 : 1 ¶ Waxyaalahan oo dhan qalbigaygaan kaga fiirsaday si aan u baadho in kuwa xaqa ah iyo kuwa xigmadda leh, iyo shuqulladooduba ay gacanta Ilaah ku jiraan. Binu-aadmigu garan maayo inay jacayl tahay iyo inay nacayb tahay toona. Wax waluba iyagay ka horreeyaan. 2 Wax kastaaba isku si bay dadka oo dhan ugu yimaadaan, oo isku wax baa ku dhaca ka xaqa ah iyo ka sharka ahba, ka wanaagsan iyo ka xunba, ka nadiifta ah iyo ka aan nadiifta ahaynba, ka allabariga bixiya iyo ka aan allabariga bixinba. Sida kan wanaagsanu yahay ayaa dembiluhuna yahay, oo ka dhaartaana waa la mid kan dhaarta ka cabsada. 3 Wax xun baa ku jira waxa qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan, waana in isku wax ay dadka oo dhan ku dhacaan. Oo weliba qalbiga binu-aadmiga shar baa ka buuxa, oo qalbigoodana intay nool yihiin waalli baa ku jirta, oo taas dabadeedna kuwii dhintay ayay u tagaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 11Waxaa jira waxyaalo badan oo sii kordhiya waxa aan waxba tarayn, bal maxaa faa'iido ah oo uu binu-aadmigu leeyahay?

  • 12Bal maxaa qalbigaagu kuu fogeeyaa? Maxaase indhahaagu u gabgab leeyihiin?

  • 73%

    24Xusuuso inaad weynaysid shuqulkiisii Ay dadku ka gabyeen.

    25Dadka oo dhammu way wada fiiriyeen, Oo binu-aadmiguna meel fog buu ka arkaa.

  • 4Ma waxaad leedahay indho binu-aadmi, Mase sida dadkaad wax u aragtaa?

  • Ayuub 16:2-3
    2 aayado
    72%

    2Anigu waan maqlay waxyaalo badan oo caynkaas ah. Idinku dhammaantiin waxaad tihiin qalbiqabowjiyayaal qalqalloocan.

    3Hadal dabayl ahu miyuu dhammaadaa? Balse maxaa kaa dhirfinaya oo aad u jawaabaysaa?

  • 17Bal i maqal, wax baan ku tusayaa, Oo wixii aan arkay oo dhan waan kuu sheegayaa;

  • 1Bal eega, waxan oo dhan ishaydu waa aragtay, Dhegtayduna waa maqashay oo way garatay.

  • 14Shuqullada qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan waan arkay, oo bal eeg, dhammaantood waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

  • Yex 13:7-8
    2 aayado
    72%

    7Miyaydaan muujin been ah arkin, oo miyaydaan faal been ah ku hadlin, markaad tidhaahdaan Rabbigu saasuu leeyahay, in kastoo aanan idinla hadlin?

    8¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada anigu col baan idinku ahay, maxaa yeelay, idinku wax aan waxba ahayn ayaad ku hadasheen oo wax been ah baad aragteen ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • Sab 39:5-6
    2 aayado
    72%

    5Bal eeg, maalmahayga waxaad ka dhigtay calaacal ballaadhkeed Oo cimrigayguna hortaada waxba kuma aha, Hubaal nin kastaba marka xaalkiisu ugu wanaagsan yahay dhammaantiis waa bilaash. (Selaah)

    6Hubaal nin kastaaba wuxuu ku socdaa hawo been ah, Hubaal waxay ku rabshaysan yihiin hawo been ah, Isagu maal buu tuulaa, mana uu yaqaan kii urursan doona.

  • 8Wacdiyuhu wuxuu leeyahay, Waa wax aan waxba tarayn, wax waluba waa wax aan waxba tarayn.

  • 11Waayo, wuu gartaa dadka waxmatarayaasha ah, Weliba xumaantana wuu arkaa, sow kama fikirin?

  • 21oo gees ha uga leexanina, waayo, markaas waxaad raaci lahaydeen waxyaalo aan micne lahayn ee aan waxba tari karin, waxna badbaadin karin, waayo, iyagu micne ma leh.

  • 34Haddaba bal maxaad si aan waxba tarayn iigu qalbiqabowjinaysaan, Maxaa yeelay, jawaabihiinnii been oo keliya ayaa ku hadhay?

  • 11Waxaan idin barayaa wax gacanta Ilaah ku saabsan, Oo waxa Ilaaha Qaadirka ah la jirana idinka qarin maayo.

  • 71%

    28Waayo, waxaad tidhaahdaan, War meeh gurigii amiirku? Oo meeday teendhadii sharrowgu ku dhex hoyan jiray?

    29Miyeydaan weyddiin kuwa jidka mara? Oo miyeydaan garanayn calaamooyinkooda?

  • 21Waayo, hadda idinku sidaasaad ii noqoteen, Waxaad aragteen belaayo, waanad baqdeen.

  • 14Waxaad tidhaahdeen, In Rabbiga loo adeego waxtar ma leh, oo bal maxaa faa'iido ah oo noogu jira haddaannu amarkiisii dhawrnay, iyo xataa haddaannu murugaysnaan Rabbiga ciidammada kula hor soconnay?

  • 3Haddaba ma mid sidaas oo kalaad indhaha u kala qaadaysaa? Oo ma anigaad xukun ila soo gelaysaa?

  • 17Bal binu-aadmigu muxuu yahay oo aad u weynaynaysaa, Balse maxaad uga fikiraysaa isaga?

  • 29Bal eega, kulligood shuqulladoodu waa wax aan waxba ahayn, waana baabba' oo sanamyadooda la shubayna waa dabayl iyo wax aan micne lahayn.

  • 4Miyaadan ogayn in waayihii hore iyo Tan iyo waagii binu-aadmiga dhulka la saaray

  • 28Haddaba raalli ahaada oo bal i fiiriya, Waayo, sida runta ah been idiin sheegi maayo.

  • 27Bal eeg, annagu xaalkan waannu baadhnay, oo sidaas bayna tahay, Haddaba bal maqal, oo nafsaddaada u ogow.

  • 2Binu-aadmigow, ilaa goormaa sharaftaydu sharafjab u rogmanaysaa? Ilaa goormaad wax aan micne lahayn jeclaanaysaan? Oo ilaa goormaad been doondoonaysaan? (Selaah)

  • 4Laakiinse idinku waxaad tihiin kuwa beenta hindisa, Oo dhammaantiin waxaad tihiin dhakhtarro aan waxtar lahayn.

  • 3War bal maxaa sida xayawaan naloogu tiriyaa? Oo bal maxaannu hortiinna ugu nijaasownay?

  • 10Waayo, waxaad isku hallaysay sharnimadaada, oo waxaad istidhi, Ninna ima arko. Waxaa ku qalday xigmaddaada iyo aqoontaada, oo waxaad qalbiga iska tidhi, Anigaa ah, oo aniga mooyaane cid kale ma jirto.

  • 3Sidee baad ula talisay kan aan xigmadda lahayn! Oo aad u muujisay aqoon wanaagsan!

  • Ayuub 15:8-9
    2 aayado
    70%

    8War talada qarsoon oo Ilaah miyaad maqashay? Oo nafsaddaada miyaad xigmad ula hadhay?

    9War maxaad og tahay, oo aannan annagu ogayn? Oo bal maxaad garanaysaa, oo aannan garanayn?

  • 70%

    12Sida runta ah aad baan idiin dhegaysanayay, Oo bal eega, laydinkuma arag mid Ayuub rumaysiiyey, Amase mid erayadiisii uga jawaabay.

    13Isjira inaydaan odhan, Annagu xigmad waannu helnay; Ilaah baa isaga ka adkaan kara, laakiinse dadi ma kari karo.

  • 1Ilaaha Qaadirka ahu muxuu wakhtiyo u kaydin waayaa? Kuwa isaga yaqaanse maxay maalmihiisa u arki waayaan?

  • 9War miyey idiin wanaagsan tahay inuu idin baadho? Mase sida nin loo khiyaaneeyo ayaad isaga u khiyaanaynaysaan?

  • 2Waayo, waa maxay qaybta laga helo Ilaaha xagga sare jooga, Iyo dhaxalka laga helo Ilaaha Qaadirka ah oo sarreeya?

  • 60Aarsashadoodii oo dhan iyo wixii ay iigu fikireen oo dhanba waad wada aragtay.

  • 20oo haddana, Rabbigu waa garanayaa tashiyada kuwa xigmadda leh inayan waxba tarin.

  • 9Bal eeg, in isaga la qabto rajo ma leh, Xataa haddii isaga la arko, sow hoos loo dhici maayo?

  • 18Miyaad garanaysaa dhulka ballaadhkiisa? Haddaad waxaas wada taqaanid ii sheeg.

  • 2Shakila'aan waxaad tihiin dadkii, Oo xigmad baa idinla dhiman doonta.

  • 17¶ Waxaad Rabbiga ku daaliseen erayadiinna, oo weliba waxaad tidhaahdaan, War sidee baannu isaga u daalinnay? Waad daalisaan markaad tidhaahdaan, Ku alla kii shar falaaba waa ku wanaagsan yahay Rabbiga hortiisa, oo isagu wuu ku farxaa. Amase markaad tidhaahdaan, Meeh Ilaahii caddaaladdu?

  • 47Bal xusuuso sida wakhtigaygu u gaaban yahay, Waayo, sidaad binu-aadmiga oo dhan u abuurtay micnedarnaa!

  • 11Markaasaan fiiriyey shuqulladii ay gacmahaygu sameeyeen oo dhan, iyo hawshii aan ku hawshooday oo dhan, oo bal eeg, dhammaantood waxay ahaayeen wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale, oo innaba faa'iido laguma arag inta qorraxda ka hoosaysa.

  • 17Laakiinse xukunka kuwa sharka ah ayaa kaa buuxa, Oo garsoorid iyo caddaalad ayaa ku qabsada.