Ayuub 30:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Way i karahsadaan, oo meel fog bay iga istaagaan, Oo inay candhuufo wejiga iiga tufaanna iskama ay qabtaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 50:6 : 6 Kuwii i karbaashay ayaan dhabarkaygii u duway, oo kuwii timaha iga rifayna dhabannadaydaan u duway. Wejigaygiina ceeb iyo candhuuf toona kama aan qarin.
  • Mat 26:67 : 67 Markaasay wejiga kaga candhuufeen oo garaaceen. Qaarna waa dharbaaxeen,
  • Sab 88:8 : 8 Kuwii aan iqiin waad iga fogaysay, Oo karaahiyaad iga dhigtay xaggooda. Waa lay xidhay, oo sooma aan bixi karo.
  • Tir 12:14 : 14 Oo Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Haddii aabbeheed wejiga kaga candhuufo sow ma ay ceebowdeen intii toddoba maalmood ah? Haddaba xerada ha laga saaro intii toddoba maalmood ah, oo markaas dabadeedna ha la soo celiyo.
  • Sharc 25:9 : 9 markaas naagta walaalkiis waa inay ugu timaadaa odayaasha hortooda, oo ay kabtiisa ka siibtaa, oo ay wejigana candhuuf uga tuftaa, oo iyadu waa inay jawaabtaa oo tidhaahdaa, Saas ha lagu sameeyo ninkii aan dhisin reerka walaalkiis.
  • Mat 27:30 : 30 Wayna ku candhuufeen, markaasay cawsduurkii ka qaadeen oo madaxay kaga dhufteen.
  • Ayuub 17:6 : 6 Oo weliba isagu wuxuu iga dhigay wax ay dadku ku halqabsadaan, Oo waxaan noqday mid ay dadku candhuuf ku tufaan.
  • Ayuub 19:13-14 : 13 Walaalahay wuu iga fogeeyey, Oo kuwii aan iqiinna way iga wada shisheeyoobeen. 14 Ehelkaygii way i dayriyeen, Oo saaxiibbadaydiina way i illoobeen.
  • Ayuub 19:19 : 19 Saaxiibbadaydii aan ku kalsoonaa oo dhammu way i karahsadaan, Oo kuwii aan jeclaana way igu soo jeesteen.
  • Ayuub 42:6 : 6 Sidaas daraaddeed waan isnacayaa, Waanan toobadkeenayaa anigoo boodh iyo dambas ku fadhiya.
  • Maah 19:7 : 7 Miskiinka walaalihiis oo dhammu way neceb yihiin, Haddaba saaxiibbadiisuna intee bay ka fogaan doonaan! Isagu hadal buu kala daba tagaa iyaga, laakiinse way tageen.
  • Sak 11:8 : 8 Oo saddexdii adhijirba isku bil baan baabbi'iyey, waayo, naftaydu way ka daashay, oo weliba naftooduna way iga neceen.
  • Mat 26:56 : 56 Laakiin waxan oo dhan ayaa noqday in qorniinka nebiyadu rumoobo. Markaasaa xertii oo dhammu ka wada tageen oo carareen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 82%

    9Isagoo cadhaysan ayuu i dildillaacsaday, oo wuu i silciyey, Wuuna igu ilko jirriqsaday, Oo cadowgaygii indhuhuu igu caddeeyey.

    10Iyagu afkay ii kala qaadeen, Oo quudhsasho ayay dhabanka igaga dharbaaxeen, Oo dhammaantoodna way isu kay wada urursadaan.

    11Ilaah wuxuu gacantooda i geliyaa cibaadalaawayaasha, Oo wuxuu igu dhex tuuraa gacmaha kuwa sharka ah.

  • 79%

    11Ilaah baa xadhiggaygii debciyey, wuuna i dhibay, Oo taas aawadeed iyagu hortayda iskuma celiyaan.

    12Xagga midigtayda waxaa ka kaca ciyaalasuuq, Oo cagtaydana way iska riixaan, Oo waxay igu hor tuuraan jidadkoodii halligaadda.

    13Jidadkayga way halleeyaan, Oo waxay soo deddejiyaan masiibadayda; Oo mid caawiyaana ma jiro.

  • 77%

    18Xataa dhallaanka yaryaru way i quudhsadaan, Oo haddaan sara joogsado way i caayaan.

    19Saaxiibbadaydii aan ku kalsoonaa oo dhammu way i karahsadaan, Oo kuwii aan jeclaana way igu soo jeesteen.

  • 9Oo haatan gabay cay ah baan u noqday, Oo halqabsi baan u ahay.

  • 11Cadaawayaashayda oo dhan daraaddood ayaan waxaan noqday mid ceebaysan, Xataa deriskayga aad iyo aad baan ugu hor ceeboobay, oo kuwa i yaqaanna way iga cabsadeen, Oo xataa kuwii dibadda igu arkay way iga carareen.

  • Sab 22:6-7
    2 aayado
    77%

    6Laakiinse anigu waxaan ahay dixiri, oo dad ma ahi, Waxaan ahay mid la caayo, oo dadku quudhsado.

    7Oo kuwa i arka oo dhammu way igu qoslaan, Bushimahay yuubaan, oo madaxay lulaan, iyagoo leh,

  • Sab 35:15-16
    2 aayado
    75%

    15Laakiinse anigu markaan turunturooday ayay reyreeyeen, oo way isa soo wada urursadeen, Oo waxmatarayaashii ayaa dhammaantood ii wada shiray, oo anna ma aan ogayn innaba, Way i dildillaacsadeen oo imana ay dayn.

    16Sida labawejiilayaashu diyaafado uga dhex majaajiloodaan Ayay igu ilko jirriqsadeen.

  • 3Toban jeer baad i caydeen, Haddaba miyaydaan ka xishoonayn inaad saas oo xun iila macaamilootaan?

  • 8Maalinta oo dhan cadaawayaashaydu way i caayaan, Oo kuwa ii cadhaysanuna magacaygay ku caytamaan.

  • 6Oo weliba isagu wuxuu iga dhigay wax ay dadku ku halqabsadaan, Oo waxaan noqday mid ay dadku candhuuf ku tufaan.

  • 7Kuwa i neceb oo dhammu anigay ii wada faqaan, Oo waxay iigu wada tashadaan si ay wax ii yeelaan.

  • 31Adigu waxaad igu dhex tuuri doontaa bohol, Oo xataa dharkaygu waa i nici doonaa.

  • 3Sababtuna waxaa weeye codka cadowga daraaddiis, Iyo kan sharka leh cadaadintiisa daraaddeed, Waayo, iyagu xumaan bay igu tuuraan, Maxaa yeelay, cadho ayay igu silciyaan.

  • 25Oo weliba waxaan iyaga u noqday cay, Oo kolkay i arkaan ayay madaxa ruxruxaan.

  • 11Kuwa i jecel iyo saaxiibbadayba belaayadayda way ka durkaan, Oo xigaaladaydiina meel fog bay istaagaan.

  • 13Walaalahay wuu iga fogeeyey, Oo kuwii aan iqiinna way iga wada shisheeyoobeen.

  • 3Oo weliba waxay igu hareereeyeen erayo nacayb badan, Oo sababla'aan bay igula dirireen.

  • 10Waayo, cadaawayaashaydu waxay ka hadlaan wax igu saabsan, Oo kuwa naftayda inay iga qaadaan doonayaana way wada arrinsadaan,

  • 10Waayo, waxaan maqlay kuwa badan oo i caayaya, iyo cabsi dhan kasta iga wareegsan. Oo waxay yidhaahdaan, Soo ashtakeeya oo annana waannu ashtakaynaynaa. Kuwii ila nabad ahaa oo dhammu waxay sugayaan dhiciddayda, oo waxay yidhaahdaan, Mindhaa isaga waa la khiyaanayn doonaa, oo waannu ka adkaan doonnaa, oo waannu aargudan doonnaa.

  • 19Bal ilaa goormaadan iga sii jeesanayn, Oo aadan iska kay daynayn intaan candhuuftayda liqayo?

  • 6Kuwii i karbaashay ayaan dhabarkaygii u duway, oo kuwii timaha iga rifayna dhabannadaydaan u duway. Wejigaygiina ceeb iyo candhuuf toona kama aan qarin.

  • 14Waxaan dadkaygii oo dhan u noqday wax la quudhsado, oo maalintii oo dhanna gabaygooda way igu halqabsadaan.

  • 13Afkooday iigu fureen, Sidii libaax hamuunsan oo ciyaya.

  • 8Kuwii aan iqiin waad iga fogaysay, Oo karaahiyaad iga dhigtay xaggooda. Waa lay xidhay, oo sooma aan bixi karo.

  • 10Way neceb yihiin kii iridda wax ku canaanta, oo way karhaan kii si qumman u hadla.

  • 11Jidadkaygii wuu iga leexiyey, oo cad cad buu ii kala jaray, cidla buuna iga dhigay.

  • 19Isagu wuxuu igu tuuray dhoobada dhexdeeda, Oo waxaan noqday sidii boodh iyo dambas oo kale.

  • 13Qaansoolayaashiisii ayaa i hareereeya, Oo kelyahaygii ayuu kala googooyaa, Oo xammeetidaydiina dhulkuu ku daadshaa.

  • Sab 56:5-6
    2 aayado
    71%

    5Maalinta oo dhan erayadayda way qalloociyaan, Fikirradooda oo dhammu waa igu col si ay shar iigu sameeyaan.

    6Way isa soo wada urursadaan, oo way dhuuntaan, Oo waxay fiirsadaan tallaabooyinkayga, Markay gaadayaan naftayda.

  • 19Bal fiiri cadaawayaashayda, waayo, way badan yihiin, Oo waxay igu neceb yihiin nacayb dulmi miidhan ah.

  • 12Waayo, kii i caayay cadaawe ma ahayn, Maxaa yeelay, waan u adkaysan kari lahaa, Mana ahayn kii i necbaa oo iska kay weyneeyey, Maxaa yeelay, waan ka dhuuman lahaa isaga,

  • 3Kuwa beerta jeexa ayaa dhabarkayga jeexay, Oo jeexjeexoodiina way dheereeyeen.

  • 13Waayo, waxaan maqlay kuwo badan oo caytamaya, Iyo cabsi dhan kasta igaga wareegsan, Oo intay ii wada tashadeen, Ayay waxay ku arrinsadeen inay nafta iga qaadaan.

  • 22Nacayb dhan ayaan ku necbahay iyaga, Oo waxaan iyaga u haystaa cadaawayaashayda.

  • 26Kuwa waxyeelladayda ku reyreeyaa ha wada ceeboobeen oo ha isku wareereen dhammaantood, Oo iyagu ha huwadeen ceeb iyo sharafdarro kuwa iska kay weynaysiiyaa.

  • 1Laakiinse haatan waxaa igu majaajilooda kuwa iga da' yar Oo aan aabbayaashood quudhsan jiray inay xataa la fadhiistaan eeyaha adhigayga.

  • 5Wanaag waxay iigaga abaalgudeen xumaan, Jacaylna nacayb.

  • 30Wayna ku candhuufeen, markaasay cawsduurkii ka qaadeen oo madaxay kaga dhufteen.

  • 30Iyagu taladaydii innaba ma ay doonaynin; Oo canaantaydii oo dhanna way quudhsadeen;

  • 2Kuwa doondoonaya inay naftayda iga qaadaan Ha ceeboobeen oo ha wareereen, Oo kuwa waxyeelladayda ku farxaana Dib ha u noqdeen oo ha sharaf beeleen.

  • 16Waayo, waxaa i hareereeyey eeyo, Oo waxaa hareerahayga isku wareejiyey shirkii xumaanfalayaasha, Oo waxay iga mudeen gacmaha iyo cagaha.

  • 4Kuwa sababla'aanta ii nebcaadaa way ka sii badan yihiin timaha madaxayga, Kuwa doonaya inay i baabbi'iyaan iyagoo cadaawayaashayda gardarro igu ah waa xoog badan yihiin, Markaasaan magdhabay wax aanan qaadan.