Ayuub 36:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Taajirnimadaada iyo xoogga itaalkaaga oo dhammu Miyey kugu filan yihiin inay dhibaato kaa saaraan?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 11:4 : 4 Maalinta cadhada maal faa'iido ma leh, Laakiinse xaqnimada ayaa dhimasho kaa samatabbixisa.
  • Maah 11:21 : 21 Waxaan aad idiinku xaqiijinayaa inaan kan sharka lahu taqsiirla'aan doonayn. Laakiinse farcanka kuwa xaqa ah waa la samatabbixin doonaa.
  • Ish 2:20 : 20 Oo maalintaas dadku sanamyadooda lacagta ah iyo sanamyadooda dahabka ah oo ay u samaysteen inay caabudaan waxay u tuuri doonaan jiirarka iyo fiidmeeraha,
  • Ish 37:36 : 36 ¶ Markaasaa malaa'igtii Rabbigu baxday oo waxay xeradii reer Ashuur ka laysay boqol iyo shan iyo siddeetan kun oo nin, oo aroor hore markii la toosay waxay wada ahaayeen meyd.
  • Saf 1:18 : 18 Oo maalinta cadhada Rabbiga lacagtooda iyo dahabkooda midna kama samatabbixin doono iyaga, laakiinse dalka oo dhan waxaa baabbi'in doona dabka qiiradiisa, oo dhulka waxa deggan oo dhanna haddiiba dhaqsiyuu u wada dhammayn doonaa.
  • Yac 5:3 : 3 Dahabkiinnii iyo lacagtiinniiba way mirdheen, miridhkooduna markhaati buu idinku noqon doonaa, wuxuuna jidhkiinna u cuni doonaa sida dabka oo kale. Maal baad u urursateen maalmaha ugu dambeeya.
  • Ayuub 9:13 : 13 Ilaah cadhadiisa ka soo celin maayo; Oo kalmeeyayaasha kibirka lahuna isagay hoos foororaan.
  • Ayuub 34:20 : 20 Iyagu daqiiqad bay ku dhintaan, Dadku habeenbadhkiiba way gariiraan oo naftaa ka baxda, Kuwa xoogga badanuna way libdhaan iyadoo aan gacanna la saarin.
  • Sab 33:16-17 : 16 Ma jiro boqor ku badbaada ciidan weyn, Ninkii xoog badanuna iskuma samatabbixiyo xoog badan. 17 Faras waa waxmatare in badbaado laysugu halleeyo, Oo weliba ninnaba kuma samatabbixiyo xooggiisa badan.
  • Maah 10:2 : 2 Qasnadaha sharnimadu faa'iido ma leh, Laakiinse xaqnimada ayaa dhimasho kaa samatabbixisa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 18Iska jir yaanay cadho ku sasabin si aad wax u majaajilootid, Oo furashada weynaanteeduna yaanay ku leexin.

  • 20Habeenka ha doonin, Markay dadyowgu meeshooda ku wada baabba'aan.

  • 35Isagu innaba mag kaa qaadan maayo, oo sinaba kuula heshiin maayo, In kastoo aad hadiyado badan siisid.

  • 75%

    13Dadku qiimaheeda ma yaqaan, Oo kuwa nool dalkoodana lagama helo.

    14Moolku wuxuu leeyahay, Iguma jirto, Badduna waxay leedahay, Aniga ilama jirto.

    15Dahab laguma heli karo, Lacagna looma miisaamo.

    16Laguma qiimayn karo dahabka Oofir, Ama dhagaxa qaaliga ah oo onika la yidhaahdo ama xataa dhagaxa safayr la yidhaahdo.

    17Dahab iyo madarad toona uma qalmi karaan, Oo beddelkeeduna ma noqon karo jawhar laga sameeyo dahab saafi ah.

  • 29Isagu taajir noqon maayo, oo maalkiisuna sii raagi maayo, Oo dhulkana ku sii waari maayo.

  • 24Laakiinse ninkii hoos u dhacaya sow gacantiisa sooma fidiyo? Markuu halligmayose sow ma qayshado?

  • 19Dhagaxa tobasiyos la yidhaahdo ee Itoobiya ka yimaadana uma qalmi doono, Oo xataa dahab saafi ahna laguma qiimayn doono.

  • 6Ma wuxuu igula diriri lahaa xooggiisa badan? Maya, laakiinse wuu i maqli lahaa.

  • Maah 23:4-5
    2 aayado
    73%

    4Ha isku daalin si aad taajir ku noqotid. Oo xigmaddaadana ka joogso.

    5Ma waxaad indhaha ku dayaysaa wax aan jirin? Waayo, hubaal maalku wuxuu yeeshaa baalal, Sida gorgor samada u duula oo kale.

  • 73%

    24Khasnaddaada waxaad ku xoortaa ciidda, Oo dahabka Oofirna waxaad ku dhex tuurtaa dhagaxyada durdurka,

    25Oo Ilaaha Qaadirka ahuna wuxuu kuu noqon doonaa khasnad, Iyo lacag qiime badan.

  • 24Waayo, maalku weligiis siima raago, Taajkuna ab ka ab miyuu waaraa?

  • 10Dulmiga ha isku hallaynina, Waxdhiciddana ha ku kibrina. Maal hadduu idinku batona qalbigiinna ha raacinina.

  • 6Hubaal nin kastaaba wuxuu ku socdaa hawo been ah, Hubaal waxay ku rabshaysan yihiin hawo been ah, Isagu maal buu tuulaa, mana uu yaqaan kii urursan doona.

  • 72%

    12War xooggaygu ma xoogga dhagaxyada baa? Mise jidhkaygu ma naxaas baa?

    13War sow ma aha inaanan iscaawiyi karayn? Sowse xigmaddu igama fogaan?

  • 72%

    20Uurkiisu xasilloonaan ma lahayn, Taas daraaddeed waxa uu jecel yahay oo dhan waxba kama uu badbaadin doono.

    21Wuxuu liqay wax ka hadhay lama arkin, Sidaas daraaddeed barwaaqadiisu siima raagi doonto.

  • 8Nin wuxuu noloshiisa ku furtaa maalkiisa, Laakiinse miskiinku canaanta ma maqlo.

  • 22Oo weliba kii xoog badanna itaalkiisuu ku jiidaa; Oo markuu kacana nafta waa laga rajo beelaa.

  • 72%

    13Isjira inaydaan odhan, Annagu xigmad waannu helnay; Ilaah baa isaga ka adkaan kara, laakiinse dadi ma kari karo.

    14Waayo, isagu erayadiisii iguma uu soo jeedin, Oo anigu hadalladiinnii isaga ugu jawaabi maayo.

  • 19Isagoo taajir ah ayuu seexdaa, laakiinse lama soo ururin doono, Indhihiisuu kala qaadaa, oo waxba ma jiro.

  • 9Bal eeg, in isaga la qabto rajo ma leh, Xataa haddii isaga la arko, sow hoos loo dhici maayo?

  • 19Haddaba ma saasaad ku odhan lahayd kan aan amiirrada u eexan, Ama aan taajirka uga roonayn kan miskiinka ah? Waayo, iyagu dhammaantood waa shuqulkii gacmihiisu sameeyeen.

  • 13Haddaba maxaad isaga ula asaraartantaa? Waayo, isagu axwaalkiisa midnaba jawaab kama baxsho.

  • 13Hubaal Ilaah maqli maayo wax aan waxba ahayn, Oo Kan Qaadirka ahuna innaba ka fiirsan maayo.

  • 16Ma jiro boqor ku badbaada ciidan weyn, Ninkii xoog badanuna iskuma samatabbixiyo xoog badan.

  • 27Haddaanad haysan wax aad bixiso, Bal muxuu sariirtaada hoostaada uga la bixi?

  • 9Waayo, isagu wuxuu yidhi, Ninna wax uma tarto Inuu Ilaah ku farxo.

  • 6Kuwa maalkooda isku halleeya, Oo ku faana hodantinimadooda faraha badan,

  • 7Waa kan ninkii aan Ilaah xooggiisa ka dhiganu, Laakiinse wuxuu isku halleeyey hodantinimadiisa badan, Oo wuxuu ku xoogaystay xumaatadiisii.

  • 33Abaalgudkiisu ma wuxuu ahaan doonaa sidaad doonaysid, inaad diiddid aawadeed? Waayo, waa inaad adigu doorataa, mana aha aniga; Haddaba waxaad taqaanid ku hadal.

  • 9Ilaah miyuu qayladiisa maqli doonaa, Markii dhib ku yimaado?

  • 16Markaasaan idhi, Xigmaddu xoogga way ka fiican tahay, hase ahaatee ninkii miskiin ah xigmaddiisa waa la quudhsadaa, oo erayadiisana lama dhegaysto.

  • 23Waayo, isagu uma baahna inuu in kale binu-aadmiga ka sii fikiro, Inuu isagu Ilaah hortiisa garsoorid u tago.

  • 24Sidaas daraaddeed dadku isagay ka cabsadaan; Oo isagu ma uu fiiriyo kuwa qalbigooda xigmaddu ka buuxdo.

  • 10¶ Kii lacag jecelu lacag kama dhergi doono, oo kii maal badan jeceluna faa'iido kama dhergi doono, taasuna waa wax aan waxba tarayn.

  • 4Xigmaddaada iyo waxgarashadaada ayaad maalka ku heshay, oo khasnadahaagana waxaad ku buuxsatay dahab iyo lacag.

  • 5Bal eeg, Ilaah waa xoog badan yahay, oo isagu ninna ma quudhsado, Oo itaalka waxgarashada wuu ku xoog badan yahay.

  • 4War ma cabsidaada daraaddeed buu kuu canaantaa? Oo saas daraaddeed miyuu dacwad kuula galaa?

  • 14Oo maalkaasu wax xun buu ku baabba'aa, oo kii lahaana wiil buu dhalay, laakiinse gacantiisa waxba kuma jiraan.

  • 17Waayo, isagu markuu dhinto waxba sii qaadan maayo, Oo ammaantiisuna ka daba geli mayso.

  • 4Qalbigiisu waa xigmad miidhan, oo xooggiisuna waa badan yahay; Bal yaa intuu isaga ka qalafsanaaday barwaaqoobay?

  • 11War sow sarraysnaantiisu idin cabsiin mayso? Oo sow baqdintiisu idinku dhici mayso?