Ayuub 38:22

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Adigu miyaad dhex gashay meesha barafka cad lagu kaydiyo? Miyaadse aragtay meesha roobdhagaxyaalaha la dhigo,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 37:6 : 6 Waayo, wuxuu barafka cad ku yidhaahdaa, Dhulka ku da'; Oo sidaasoo kaluu ku yidhaahdaa roobka yar Iyo roobkiisa weynba.
  • Sab 135:7 : 7 Isagaa ka dhiga in dhulka darafyadiisa uumi ka soo kaco, Roobkana wuxuu u sameeyaa hillaac, Oo dabayshana isagaa khasnadihiisa ka soo saara.
  • Ayuub 6:16 : 16 Kuwaasoo barafka la madoobaaday, Oo uu barafka cad isku qariyo.
  • Sab 33:7 : 7 Isagu biyaha badda intuu isku ururiyo ayuu wuxuu ka dhigaa sidii taallo oo kale, Oo moolalka dhaadheerna wuxuu dhex dhigaa maqsinno.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 82%

    16Adigu miyaad badda ilaheeda dhex gashay? Miyaadse moolka salkiisa martay?

    17Geerida irdaheeda miyaa laguu muujiyey? Miyaadse aragtay irdaha hooska dhimashada?

    18Miyaad garanaysaa dhulka ballaadhkiisa? Haddaad waxaas wada taqaanid ii sheeg.

    19Rugta iftiinka jidka loo maraa waa xaggee? Gudcurkase meeshiisu waa xaggee,

    20Si aad soohdintiisa u martid, Oo aad u garatid wadiiqooyinka gurigiisa loo maro?

    21Shakila'aan waad taqaan, waayo, adigu wakhtigaas waad dhalanayd Oo cimrigaaguna wuu dheer yahay!

  • 82%

    23Kuwaasoo aan u kaydsaday wakhtiga dhibaatada, Iyo maalinta dirirta iyo dagaalka?

    24Iftiinka jidkee baa lagu kala qaybiyaa? Dabaysha barise sidee baa dhulka loogu kor firdhiyaa?

    25Bal yaa jid u sameeyey biyaha daadka ah, Amase hillaaca onkodka,

  • 78%

    28Roobku ma aabbuu leeyahay? Yaase dhalay dhibicyaha sayaxa?

    29Barafkuse bal yuu maxalkiisa ka soo baxay? Yaase dhalay sayaxa barafoobay ee cirka ka yimaada?

    30Biyihii waxay u adkaadeen sidii dhagax oo kale, Oo moolka korkiisiina wuu barafoobay.

    31Adigu miyaad xidhi kartaa ururka xiddigaha ee Toddobaadyada la yidhaahdo? Miyaadse furi kartaa ururka Oriyon la yidhaahdo?

  • 6Waayo, wuxuu barafka cad ku yidhaahdaa, Dhulka ku da'; Oo sidaasoo kaluu ku yidhaahdaa roobka yar Iyo roobkiisa weynba.

  • 76%

    15War miyaad taqaan siduu iyaga u amro, Iyo siduu hillaaca daruurtiisa u iftiimiyo?

    16Miyaad taqaan miisaaminta daruuraha, Amase kan aqoontu kaamilka ku tahay shuqulladiisa yaabka leh?

    17Miyaad taqaan wuxuu dharkaagu u kulul yahay, Markuu Ilaah dhulka ku xasilliyo dabaysha koonfureed?

    18Miyaad isaga la kala bixin kartaa cirka U xoogga badan sidii muraayad la shubay?

  • 75%

    33Miyaad taqaan amarrada samooyinka? Dowladnimadoodana ma dhulkaad ku dhisi kartaa?

    34Codkaaga miyaad daruuraha kor ugu qaadi kartaa, Si biyo badanu ay kuu daboolaan daraaddeed?

    35Miyaad hillaaca diri kartaa, si ay u tagaan, Oo ay kuugu yidhaahdaan, Waa na kan?

    36Bal yaa qalbiga xigmadda geliyey? Yaase maanka waxgarashada siiyey?

    37Bal yaa daruuraha xigmad ku tirin kara? Yaase qarbeddada samada biyo ka shubi kara,

    38Markii boodhku taallooyin noqdo, Oo ciidduna ay isku dhegto?

  • 74%

    10Oo aan hareeraheeda xad u amray, Oo aan u yeelay qataarro iyo albaabbo,

    11Oo aan ku idhi, Ilaa halkan soo gaadh, laakiinse innaba ha soo dhaafin, Oo hirarkaaga kibirka lahu waa inay halkan ku joogsadaan?

    12Tan iyo waagii aad dhalatay marna subaxda ma amartay? Waaberigase ma meeshiisaad ogeysiisay,

  • 4Markaan dunida aasaaskeeda dhigay xaggee baad joogtay? Haddaad waxgarad tahay, taas ii sheeg.

  • Ayuub 15:7-8
    2 aayado
    73%

    7War ma ninkii binu-aadmiga ugu hor dhashaad tahay? Mase buuraha hortood baad soo dhalatay?

    8War talada qarsoon oo Ilaah miyaad maqashay? Oo nafsaddaada miyaad xigmad ula hadhay?

  • 8Dab iyo roobdhagaxyaale, baraf cad iyo ceeryaamow, Iyo dabayl duufaan ah oo eraygiisa oofiyow,

  • 71%

    16Baraf cad wuxuu u soo daadshaa sida dhogor oo kale, Sayax barafoobayna wuxuu u kala firdhiyaa sida dambas oo kale.

    17Barafkiisa wuxuu u soo ridaa sida jajab oo kale, Bal yaa qabowgiisa hor istaagi kara?

  • 71%

    9Koonfurta waxaa ka soo baxa duufaanka, Oo qabowguna wuxuu ka yimaadaa woqooyiga.

    10Barafku wuxuu ku yimaadaa Ilaah neeftiisa, Oo biyaha ballaadhanuna way barafoobaan.

  • 12Nuurkii hortiisa yiil aawadiis ayay daruurihii qarada waaweynaa tageen, Roobkii dhagaxyada lahaa iyo dhuxulihii dabka ahaana way carareen.

  • 22Woqooyi waxaa ka soo baxa iftiin sida dahab u dhalaalaya, Ilaahna wuxuu leeyahay haybad cabsi badan.

  • 14Barafka cad ee Lubnaan miyaa laga waayaa dhagaxa duurka? Miyaase biyaha qabow oo meel fog ka soo qulqulaya iska gudhaan?

  • 9Adiguse ma waxaad leedahay Ilaah gacantiisa oo kale? Oo codkiisa oo kale miyaad ku onkodi kartaa?

  • 15War ma waxaad doonaysaa inaad sii haysatid jidkii hore Ee sharrowyadu ku socon jireen?

  • 24Khasnaddaada waxaad ku xoortaa ciidda, Oo dahabka Oofirna waxaad ku dhex tuurtaa dhagaxyada durdurka,

  • 29Ninna miyuu garan karaa daruuraha kala faafintooda, Iyo onkodyada taambuuggiisa?

  • 8Amase yaa badda albaabbo ku xidhay markay u soo faruurantay Sidii wax maxal ka soo baxay,

  • 16Kuwaasoo barafka la madoobaaday, Oo uu barafka cad isku qariyo.

  • 34Tanu sow ilama kaydsana, Iyadoo shaabadaysan oo khasnadahayga ku dhex jirta?

  • 22Sanamyada beenta ah oo quruumaha miyaa lagu arkaa mid roob keeni kara? Amase samooyinku miyey iska soo tiixi karaan? Rabbiyow Ilaahayagow, sow adigu ma tihid kan kara? Sidaas daraaddeed adiga uun baan ku sugaynaa, waayo, adigaa sameeyey waxyaalahaas oo dhan.

  • 12Laakiinse waa xaggee meesha xigmadda laga helaa? Oo waxgarashada meesheeduse waa xaggee?

  • 4Miyaadan ogayn in waayihii hore iyo Tan iyo waagii binu-aadmiga dhulka la saaray