Yooxanaa 10:28

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waxaan iyaga siiyaa nolosha weligeed ah, weligoodna ma lumi doonaan, oo ninna kama dhufsan doono gacantayda.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 6:39-40 : 39 Tanu waa doonistii kii i soo diray in kuwii uu dhammaan i siiyey aanan midna ka lumin, laakiin inaan maalinta u dambaysa soo sara kiciyo. 40 Waayo, tanu waa doonistii Aabbahay in mid kasta oo Wiilka arka oo rumaysta uu nolosha weligeed ah lahaado, aniguna maalinta u dambaysa waan soo sara kicin doonaa.
  • Yoox 6:37 : 37 Dhammaan wuxuu Aabbuhu i siiyo way ii iman doonaan, oo kii ii yimaadana ma eryi doono.
  • Cib 7:25 : 25 Sidaas daraaddeed dhammaan buu u badbaadin karaa kuwa Ilaah ugu dhowaada isaga, maxaa yeelay, isagu weligiis waa nool yahay si uu ugu duceeyo iyaga.
  • Yoox 5:24 : 24 ¶ Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii ereygayga maqla oo rumaysta kii i soo diray, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, xukunna geli maayo, laakiin dhimashadii ayuu ka soo gudbay oo nolosha u soo gudbay.
  • Yoox 17:2 : 2 sidaad amar ugu siisay dadka oo dhan inuu nolosha weligeed ah siiyo kuwaad isaga siisay oo dhan.
  • Yoox 18:9 : 9 Wuxuu saas u yidhi inuu dhammaado hadalkii uu ku hadlay oo ahaa, Kuwii aad i siisay, midkoodna ma lumin.
  • 1 Yoox 2:25 : 25 Oo kanu waa ballankii uu inoogu ballanqaaday oo ah nolosha weligeed ah.
  • 1 Yoox 5:13-20 : 13 ¶ Waxyaalahan waxaan idiinku soo qoray, idinka oo rumaystay magaca Wiilka Ilaah, si aad u ogaataan inaad nolosha weligeed ah leedihiin. 14 Oo tanu waa kalsoonaanta aynu isaga u qabno, taasoo ah haddaynu wax uun doonistiisa ku barinno, isagu wuu ina maqlaa, 15 oo haddaynu og nahay inuu inaga maqlo wax alla wixii aynu ka barinno, waxaynu og nahay inaynu leennahay waxyaalihii aynu isaga ka barinnay. 16 Haddii qof uun arko walaalkii oo samaynaya dembi aan xagga dhimashada ahayn, waa inuu Ilaah baryo; isaguna noloshuu siin doonaa kuwa samaynaya dembi aan xagga dhimashada ahayn. Waxaa jira dembi xagga dhimashada ah. Oo anigu odhan maayo, Kaas ha ka tukado. 17 Xaqdarrada oo dhammu waa dembi; oo waxaa jira dembi aan xagga dhimashada ahayn. 18 ¶ Waan og nahay in ku alla kii Ilaah ka dhashay aanu dembaabin. Maxaa yeelay, kii ka dhashay Ilaah naftiisuu ilaaliyaa, oo ka sharka lihina ma taabto. 19 Waxaynu og nahay inaynu kuwa Ilaah nahay, oo ay dunida oo dhammuna ku jirto gacanta ka sharka leh. 20 Waxaynu og nahay in Wiilka Ilaah yimid, oo wuxuu ina siiyey garasho si aynu ugu garanno kan runta ah; innaguna waa ku jirnaa kan runta ah, oo ah Wiilkiisa ee Ciise Masiix ah. Kanu waa Ilaaha runta ah iyo nolosha weligeed ah.
  • Yuud 1:24 : 24 ¶ Oo kan kara inuu turunturada idinka ilaaliyo oo uu ammaantiisa idin hor taago, idinkoo aan iin lahayn oo aad u faraxsan,
  • Yoox 17:11-12 : 11 Anigu dunida sii joogi maayo; kuwanuse duniday joogayaan, aniguna waan kuu imanayaa. Aabbe Quduusow, iyaga ku hay magacaagii aad i siisay, inay mid ahaadaan sideenna oo kale. 12 Intaan iyaga la jiray, waxaan iyaga ku hayay magacaagii aad i siisay, waanan ilaaliyey, midkoodna ma lumin, wiilka halaagga maahee, in Qorniinku ahaado.
  • 1 Yoox 2:19 : 19 Way inaga baxeen, laakiin kuweennii ma ay ahayn; hadday kuweennii ahaayeen, way inala joogi lahaayeen; laakiin way inaga baxeen oo taasaa caddaynaysa inaanay kulligood inaga mid ahayn.
  • 1 But 1:5 : 5 Idinku waxaad tihiin kuwo xoogga Ilaah iyo rumaysadka lagu dhawro ilaa badbaadada diyaarka u ah in wakhtiga ugu dambaysta la muujiyo.
  • Fal 7:59 : 59 Markaasay dhagxiyeen Istefanos oo Rabbiga baryaya oo ku leh, Rabbi Ciisow, ruuxayga qaado.
  • Room 5:2 : 2 kan xaggiisa aynu rumaysad ku galnay nimcadan aynu dhex taagan nahay, oo waxaynu ku faraxnaa rajada ammaanta Ilaah.
  • Room 5:9 : 9 Haddaba haddaynu haatan dhiiggiisa xaq ku noqonnay, de si ka badanna isagaynu kaga badbaadi doonnaa cadhada Ilaah.
  • Room 5:17 : 17 Haddii mid dembigiisa aawadiis ay dhimasho ku talisay midkaas aawadiis, de si ka badanna kuwa hela badnaanta nimcada iyo hadiyadda xaqnimada, noloshay ku dhex talin doonaan kii kale aawadiis kaas oo ah Ciise Masiix.
  • Room 5:21 : 21 in, sida dembigu dhimashada ugu taliyey, sidaas oo kalena ay nimcadu ugu taliso xaqnimo ilaa nolosha weligeed ah ee xagga Rabbigeenna Ciise Masiix.
  • Room 6:23 : 23 Waayo, mushahaarada dembigu waa dhimashada, laakiinse hadiyadda Ilaah waa nolosha weligeed ah ee laga helo Rabbigeenna Ciise Masiix.
  • Room 8:1 : 1 ¶ Sidaas daraaddeed, kuwa Ciise Masiix ku dhex jiraa, haatan xukun ma laha.
  • Room 8:29 : 29 Waayo, kuwuu hore u yiqiin wuxuu haddana hore ugu doortay inay u ekaadaan suuradda Wiilkiisa, inuu isagu curad ku noqdo walaalo badan dhexdood.
  • Room 8:33-39 : 33 Yaa ashtakayn doona kuwa Ilaah doortay? Waa Ilaah kan wax xaq ka dhigaa. 34 Waa ayo kan wax xukumi doonaa? Waa Ciise Masiix kii dhintay, oo haddana kuwii dhintay ka sara kacay, oo Ilaah midigtiisa jooga, oo haddana inoo duceeya innaga. 35 Yaa jacaylka Masiixa inaga sooci doona? Ma dhibaato, mise cidhiidhi, mise silic, mise baahi, mise arrad, mise khatar, mise seef? 36 Sida qoran, Adiga daraaddaa ayaa lanoo laayaa maalinta oo dhan, Waxaa lanoo tiriyey sida ido la qalayo. 37 Maya, waxyaalahan oo dhan dhexdooda aad baynu ugu guulaysannaa kii ina jeclaa xaggiisa. 38 Waayo, waxaan hubaa inaan dhimashada, ama nolosha, ama malaa'igaha, ama kuwa madaxda ah, ama waxyaalaha haatan jooga, ama waxyaalaha iman doona, ama kuwa xoogga leh, 39 ama kor, ama hoos, ama uun kaleeto inaga sooci karin jacaylka Ilaah oo ku jira Rabbigeenna Ciise Masiix.
  • Fil 1:6 : 6 Anigu waxaan aaminsanahay in kan shuqul wanaagsan idinku dhex bilaabay uu dhammayn doono ilamaa maalinta Ciise Masiix.
  • Kol 3:3-4 : 3 Waayo, idinku waad dhimateen, oo noloshiinnuna Masiixay kula qarsoon tahay Ilaah. 4 Masiixa oo ah nolosheenna, markuu soo muuqdo, kolkaasaad idinkuna ammaan kula soo muuqan doontaan.
  • 2 Tes 2:13 : 13 ¶ Laakiin waxaa nagu waajib ah inaannu mar walba aawadiin Ilaah ugu mahadnaqno, walaalayaasha Rabbigu jecel yahayow, waayo, waxaa Ilaah bilowgii idiin doortay badbaado ka timaada Ruuxa quduus idinka dhigaya, iyo rumaysadka runta,
  • 1 Tim 1:16 : 16 Laakiin sababtaas daraaddeed waa la ii naxariistay in, anigoo ah kan ugu daran, Ciise Masiix iga muujiyo dulqaadashadiisa oo dhan, inaan masaal u noqdo kuwa hadda dabadeed isaga rumaysan doona inay nolol weligeed ah helaan.
  • 2 Tim 1:12 : 12 Sababtaas aawadeed ayaan waxyaalahan ugu xanuunsanayaa; laakiinse ka xishoon maayo, waayo, waan garanayaa kan aan rumaystay, oo waxaan aaminsanahay inuu awoodo inuu dhawro wixii aan ku ammaanaystay ilaa maalintaas.
  • Yuud 1:1 : 1 ¶ Anigoo Yuudas ah oo ah addoonkii Ciise Masiix, Yacquubna walaalkiis ah, waxaan warqaddan u qorayaa kuwa loo yeedhay oo Ilaaha Aabbaha ahu jecel yahay, Ciise Masiixna loo dhawray.
  • Yuud 1:21 : 21 nafsaddiinna ku haya jacaylka Ilaah, idinkoo sugaya naxariista Rabbigeenna Ciise Masiix oo idin geeynaysa nolosha weligeed ah.
  • 1 Yoox 5:11 : 11 Maragguna waa kan, kaas oo ah in Ilaah ina siiyey nolosha weligeed ah, oo ay noloshanu Wiilkiisa ku jirto.
  • Yoox 5:39-40 : 39 Qorniinka ayaad baadhaan, waayo, waxaad u malaynaysaan inaad nolosha weligeed ah ka helaysaan, waana iyaga kuwa ii marag furayaa. 40 Idinkuna dooni maysaan inaad ii timaadaan inaad nolol lahaataan.
  • Yoox 6:27 : 27 Ha u shaqaynina cuntada hallaabaysa, laakiin u shaqeeya cuntada sii jiraysa ilaa nolosha weligeed ah ee Wiilka Aadanahu idin siin doono, waayo, isaga Aabbaha Ilaaha ah ayaa caddeeyey.
  • Yoox 6:47 : 47 ¶ Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii i rumaystaa, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah.
  • Yoox 6:68 : 68 Markaasaa Simoon Butros wuxuu ugu jawaabay, Sayidow, yaannu u tagnaa? Adigaa haya erayadii nolosha weligeed ahe.
  • Yoox 11:25 : 25 Ciise ayaa ku yidhi, Anigu waxaan ahay sarakicidda iyo nolosha. Kii i rumaystaa, in kastoo uu dhinto, wuu noolaan doonaa.
  • Yoox 14:19 : 19 In yar dabadeed dunidu i arki mayso mar dambe, idinkuse waad i arkaysaan. Waan noolahay, taas aawadeed idinkuna waad noolaan doontaan.
  • Mark 13:22 : 22 Waayo, waxaa kici doona Masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, oo waxay samayn doonaan calaamooyin iyo yaabab si ay xataa kuwa la doortay u khiyaaneeyaan hadday u suurtowdo.
  • Luuk 22:31-32 : 31 ¶ Simoonow, Simoonow, ogow, Shayddaanka ayaa ku doonay inuu kuu haadiyo sida sarreen, 32 laakiin waan kuu baryootamay si aanu rumaysadkaagu u baabbi'in, adiguna goortaad hadaysantid walaalaha adkee.
  • Luuk 23:46 : 46 Markaasaa Ciise cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Aabbow, gacmahaaga ayaan ruuxayga u dhiibayaa. Goortuu waxaas yidhi, ayuu ruuxii bixiyey.
  • Yoox 3:15-16 : 15 in mid kastoo isaga rumaystaa uu lahaado nolosha weligeed ah. 16 ¶ Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah.
  • Yoox 3:36 : 36 Kii Wiilka rumaystaa, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, kii aan Wiilka rumaysanse, nolosha ma arki doono, laakiin cadhadii Ilaah ayaa ku taal isaga.
  • Yoox 4:14 : 14 laakiin ku alla kii ka cabba biyahaan siin doono, weligiis ma harraadi doono, laakiin biyahaan siin doono waxay gudihiisa ku noqon doonaan il biyo ka duulayaan tan iyo nolosha weligeed ah.
  • Sharc 33:3 : 3 Haah, isagu dadyowga wuu jecel yahay. Kuwiisa quduuska ah oo dhammuna gacantaaday ku jiraan, Oo iyagu waxay fadhiisteen cagahaaga, Oo waxay qaadanayaan erayadaada.
  • 1 Sam 2:9 : 9 Kuwiisa quduuska ah cagahooda isagaa dhawri doona, Laakiinse kuwa sharka leh waxaa lagu aamusiin doonaa gudcur dhexdiis; Waayo, ninna xoog kuma adkaan doono.
  • Ayuub 17:9 : 9 Laakiinse kii xaq ahu jidkiisa wuu ku sii adkaysan doonaa, Oo kii gacmo nadiifsan lahuna aad iyo aad buu u sii xoogaysan doonaa.
  • Sab 31:5 : 5 Gacantaada ayaan ruuxayga u dhiibayaa, Waayo, waad i soo furatay, Rabbiyow, Ilaaha runta ahow.
  • Sab 37:28 : 28 Waayo, Rabbigu wuxuu jecel yahay caddaaladda, Mana uu dayrsho quduusiintiisa, Laakiinse iyaga weligoodba waa la ilaashaa, Illowse kuwa sharka leh carruurtoodu way go'i doonaan.
  • Sab 103:17-18 : 17 Laakiinse Rabbigu wuxuu u naxariistaa kuwa isaga ka cabsada weligiis iyo weligiisba, Oo xaqnimadiisuna waxay la jirtaa carruurta carruurteeda, 18 Kuwaas oo ah kuwa axdigiisa xajiya Iyo kuwa amarradiisa xusuusta oo wada yeela.
  • Sab 125:1-2 : 1 Kuwa Rabbiga isku halleeyaa Waa sida Buur Siyoon oo aan la dhaqaajin karin, laakiinse weligeedba sii jirta. 2 Sida buuruhu Yeruusaalem ugu wareegsan yihiin Ayuu Rabbigu dadkiisa ugu wareegsan yahay, Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba.
  • Maah 4:18 : 18 Laakiinse waddada kuwa xaqa ahu waa sida iftiinka waaberiga oo kale, Kaas oo hadba soo kordha ilaa uu noqdo maalin cad.
  • Maah 24:16 : 16 Waayo, nin xaq ahu toddoba goor buu dhacaa, wuuna soo sara kacaa haddana, Laakiinse kuwa sharka leh waxaa lagu afgembiyaa belaayo.
  • Ish 45:17 : 17 Laakiinse Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil ku badbaadin doonaa badbaado daa'im ah, oo idinku weligiin iyo weligiinba ma aad ceeboobi doontaan, mana aad sharafjabi doontaan.
  • Ish 54:17 : 17 Hub laguu samaystay oo liibaanaya ma jiro, oo af kasta oo garsoorid kuugu kacana waad xukumi doontaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Kanu waa dhaxalkii addoommada Rabbiga, oo xaqnimadooduna xaggaygay ka timid.
  • Ish 55:3 : 3 Dhegihiinna soo dhiga, oo ii kaalaya, i maqla oo naftiinnuna way noolaan doontaa, oo anna waxaan idinla dhigan doonaa axdi weligiis ah, kaasoo ah waxyaalahii naxariista lahaa oo la hubo ee aan Daa'uud u ballanqaaday.
  • Yer 31:3 : 3 Rabbigu waa horuu ii muuqday, oo wuxuu igu yidhi, Waxaan kugu jeclaaday jacayl daa'im ah, oo sidaas daraaddeed raxmad baan kugu soo jiitay.
  • Yer 31:34 : 34 Mar dambe nin kastaaba deriskiisa wax ma bari doono, oo nin kastaaba walaalkiis wax ma bari doono, isagoo ku leh, Rabbiga garo, waayo, kulli way i garan doonaan, kooda ugu yar ilaa kooda ugu weynba, ayaa Rabbigu leeyahay, waayo, xumaantooda waan cafiyi doonaa, oo dembigoodana kol dambe ma xusuusan doono.
  • Yer 32:40 : 40 Oo waxaan iyaga la dhigan doonaa axdi weligiisba sii waaraya, si aanan marnaba uga sii jeesan inaan iyaga wanaag u sameeyo, oo qalbigooda ayaan cabsidayda gelin doonaa, si ayan iiga tegin aawadeed.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 91%

    29Aabbahaygii i siiyey iyaga ayaa wax walba ka weyn, oo ninna kama dhufsan karo gacanta Aabbahay.

    30Aniga iyo Aabbuhu mid baannu nahay.

  • 83%

    26laakiin ma rumaysnidin, waayo, idahayga ka mid ma ihidin.

    27Idahaygu codkaygay maqlaan, waanan garanayaa iyaga, wayna i raacaan.

  • 73%

    14Waxaan ahay adhijirka wanaagsan; waan garanayaa kuwayga, kuwayguna waa i garanayaan,

    15sida Aabbuhu ii garanayo, anna aan Aabbaha u garanayo; oo naftaydana waan u bixiyaa idaha daraaddood.

    16Ido kale ayaan leeyahay oo aan kuwa xeradan ahayn, kuwaasna waa inaan keenaa, waxayna maqli doonaan codkayga, oo waxaa jiri doona adhi keliya iyo adhijir keliya.

    17¶ Sidaas daraaddeed Aabbuhu waa i jecel yahay, waayo, naftaydaan bixiyaa inaan mar kale qaato.

    18Ninna igama qaado, laakiin anaa iska bixiya. Waxaan leeyahay amar aan ku bixiyo, waanan leeyahay amar aan haddana ku soo qaato. Amarkan waxaan ka helay Aabbahay.

  • Yoox 10:7-11
    5 aayado
    73%

    7¶ Haddaba Ciise ayaa mar kale ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Waxaan ahay illinka iduhu ka soo galaan.

    8Kuwii hortay yimid oo dhammu waa tuugag iyo waxdhacayaal, iduhuse ma maqlin.

    9Waxaan ahay illinka, haddii qof uun xaggayga ka soo galo, wuu badbaadi doonaa, wuuna soo geli doonaa oo bixi doonaa, daaq buuna heli doonaa.

    10Tuuggu wax kale uma yimaado inuu wax xado oo dilo oo halleeyo mooyaane, aniguse waxaan u imid inay nolosha haystaan oo ay badnaan u haystaan.

    11¶ Waxaan ahay adhijirka wanaagsan. Adhijirka wanaagsanu wuxuu naftiisa u bixiyaa idaha daraaddood.

  • 37Dhammaan wuxuu Aabbuhu i siiyo way ii iman doonaan, oo kii ii yimaadana ma eryi doono.

  • 39Tanu waa doonistii kii i soo diray in kuwii uu dhammaan i siiyey aanan midna ka lumin, laakiin inaan maalinta u dambaysa soo sara kiciyo.

  • Yoox 17:6-12
    7 aayado
    71%

    6Magacaagaan u muujiyey dadkii aad dunida iga siisay. Kuwaagii bay ahaayeen, oo anaad i siisay, iyaguna ereygaagay xajiyeen.

    7Hadda waxay garanayaan wax kastoo aad i siisayba inay xaggaaga ka yimaadeen.

    8Waayo, erayadaad i siisay ayaan siiyey iyaga, wayna aqbaleen, run ahaan bayna u garteen inaan kaa imid, wayna rumaysteen inaad i soo dirtay.

    9¶ Iyaga waan kuu baryayaa; kuu baryi maayo dunida, laakiin waxaan kuu baryayaa kuwaad i siisay, waayo, waa kuwaagii.

    10Waxayga oo dhan adaa leh, waxaagana anaa leh, iyagana waan ku ammaanmay.

    11Anigu dunida sii joogi maayo; kuwanuse duniday joogayaan, aniguna waan kuu imanayaa. Aabbe Quduusow, iyaga ku hay magacaagii aad i siisay, inay mid ahaadaan sideenna oo kale.

    12Intaan iyaga la jiray, waxaan iyaga ku hayay magacaagii aad i siisay, waanan ilaaliyey, midkoodna ma lumin, wiilka halaagga maahee, in Qorniinku ahaado.

  • 39Sidaa aawadeed mar kale ayay dooneen inay qabtaan, wuuna ka baxsaday gacantooda.

  • 51Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Haddii qof uun ereygayga xajiyo, weligiis dhimasho ma arki doono.

  • 2sidaad amar ugu siisay dadka oo dhan inuu nolosha weligeed ah siiyo kuwaad isaga siisay oo dhan.

  • Yoox 10:3-5
    3 aayado
    69%

    3Illinjoogaha ayaa isaga illinka ka fura, iduhuna codkiisay maqlaan, idihiisana magacyadooda ayuu ugu yeedhaa, oo dibadduu u kaxeeyaa.

    4Markuu kuwiisa wada saaro, wuu hor kacaa, iduhuna way raacaan, waayo, codkiisay garanayaan.

    5Nin qalaadna raaci maayaan, laakiin way ka cararayaan, waayo, codka kuwa qalaad garan maayaan.

  • 35Aabbuhu wuu jecel yahay Wiilka, oo wax walba ayuu gacanta u geliyey.

  • 65Markaasuu yidhi, Taas aawadeed waxaan idinku idhi, Qofna iima iman karo haddaan Aabbuhu awood siin.

  • 24¶ Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii ereygayga maqla oo rumaysta kii i soo diray, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, xukunna geli maayo, laakiin dhimashadii ayuu ka soo gudbay oo nolosha u soo gudbay.

  • 15Oo Rabbiga Ilaahaaga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan iyaga ku beeri doonaa dalkoodii, oo mar dambena lagama rujin doono dalkooda aan siiyey.

  • 47¶ Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii i rumaystaa, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah.

  • 10Xataa halkaas gacantaada ayaa i hoggaamin doonta, Oo midigtaada ayaa i soo qaban doonta.

  • 44Ninna iima iman karo hadduusan Aabbihii i soo diray soo jiidin, aniguna maalinta u dambaysa waan soo sara kicin doonaa.

  • 68%

    14Ereygaagii ayaan siiyey, oo dunidu waa nebcaatay, waayo, iyagii kuwa dunida ma aha, sidaanan kan dunida u ahayn.

    15Kaa baryi maayo inaad iyaga dunida ka qaaddid, waxaanse kaa baryayaa inaad ka dhawrtid kan sharka leh.

    16Iyagu kuwa dunida ma aha, sidaanan kan dunida u ahayn.

  • 26Kii kasta oo nool oo i rumaystaa weligii ma dhiman doono. Waxan ma rumaysan tahay?

  • 9Wuxuu saas u yidhi inuu dhammaado hadalkii uu ku hadlay oo ahaa, Kuwii aad i siisay, midkoodna ma lumin.

  • 28Ha ka baqina kuwa jidhka dila, laakiin aan karin inay nafta dilaan, waxaadse ka baqdaan kan jahannamada ku hallayn kara nafta iyo jidhkaba.

  • 27Ha u shaqaynina cuntada hallaabaysa, laakiin u shaqeeya cuntada sii jiraysa ilaa nolosha weligeed ah ee Wiilka Aadanahu idin siin doono, waayo, isaga Aabbaha Ilaaha ah ayaa caddeeyey.

  • 67%

    23Iyagaan ku jiraa, adna anigaad igu jirtaa, inay mid ku dhan yihiin, in dunidu garato inaad i soo dirtay, iyo inaad iyaga u jeclaatay, sidaad ii jeclaatay.

    24¶ Aabbow, kuwaad i siisay waan doonayaa inay ila joogaan meeshaan joogo inay arkaan ammaantaydii aad i siisay, waayo, adaa i jeclaa intaan dunida la aasaasin.

  • 39ama kor, ama hoos, ama uun kaleeto inaga sooci karin jacaylka Ilaah oo ku jira Rabbigeenna Ciise Masiix.

  • 19In yar dabadeed dunidu i arki mayso mar dambe, idinkuse waad i arkaysaan. Waan noolahay, taas aawadeed idinkuna waad noolaan doontaan.

  • 1Rabbigu waa adhijirka i jira; waxba u baahan maayo.

  • 14laakiin ku alla kii ka cabba biyahaan siin doono, weligiis ma harraadi doono, laakiin biyahaan siin doono waxay gudihiisa ku noqon doonaan il biyo ka duulayaan tan iyo nolosha weligeed ah.

  • 1¶ Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii aan xerada idaha illinka ka soo gelin ee meel kale ka soo fuulaa, kaasi waa tuug iyo waxdhace.