Yooxanaa 15:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Ninna ma leh jacayl kan ka weyn inuu nin naftiisa u bixiyo saaxiibbadiis.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 10:11 : 11 ¶ Waxaan ahay adhijirka wanaagsan. Adhijirka wanaagsanu wuxuu naftiisa u bixiyaa idaha daraaddood.
  • Ef 5:2 : 2 Jacayl ku socda siduu Masiixuba idiin jeclaa, oo uu nafsaddiisii inoogu bixiyey inuu Ilaah u ahaado qurbaan iyo allabari oo uu ahaado caraf udgoon.
  • Yoox 10:15 : 15 sida Aabbuhu ii garanayo, anna aan Aabbaha u garanayo; oo naftaydana waan u bixiyaa idaha daraaddood.
  • Room 5:6-8 : 6 ¶ Waayo, innagoo weli itaaldaran ayuu Masiixu wakhti qumman u dhintay kuwa aan cibaadada lahayn. 7 Mar dhif ah mid waa u dhintaa nin xaq ah, mindhaase qof waa ku dhici lahaa inuu nin wanaagsan u dhinto. 8 Laakiinse Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey.
  • 1 Yoox 4:7-9 : 7 ¶ Gacaliyayaalow, aynu isjeclaanno; waayo, Ilaah baa leh jacaylka; oo mid walba oo jecel, wuxuu ka dhashay Ilaah, Ilaah buuna yaqaan. 8 Oo ka aan jeclaynina Ilaah ma yaqaan; waayo, Ilaah waa jacayl. 9 Ilaah baa Wiilkiisa keliya oo dhashay dunida u soo diray si aynu ugu noolaanno isaga, oo taasaa jacaylka Ilaah laynoogu muujiyey. 10 Oo taas jacayl baa ku jira, mana aha inaynu Ilaah jeclayn, laakiinse isagaa ina jeclaaday, oo wuxuu Wiilkiisa u soo diray si uu kafaaraggudka dembiyadeenna u noqdo. 11 Gacaliyayaalow, haddii Ilaah sidaa inoo jeclaaday, waa inaynu isjeclaanno.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yoox 15:9-12
    4 aayado
    83%

    9Siduu Aabbuhu ii jeclaaday, ayaan anna idiin jeclaaday. Jacaylkayga ku sii jira.

    10Haddaad qaynuunnadayda xajisaan, jacaylkaygaad ku jiri doontaan, sidaan qaynuunnada Aabbahay u xajiyey, oo aan jacaylkiisa ugu jiro.

    11¶ Waxaan waxyaalahaas idiinkula hadlay in farxaddaydu idinku jirto, iyo inay farxaddiinnu buuxsanto.

    12Kanu waa qaynuunkayga inaad isjeclaataan sidaan idiin jeclaaday.

  • 79%

    14Saaxiibbaday baad tihiin haddaad yeeshaan waxaan idinku amro.

    15Mar dambe addoommo idiinku yeedhi maayo, maxaa yeelay, addoonku garan maayo wuxuu sayidkiisu sameeyo, laakiin saaxiibbo waan idiinku yeedhay, maxaa yeelay, waxaan Aabbahay ka soo maqlay oo dhan ayaan idin ogeysiiyey.

    16Idinku ima aydnaan dooran, laakiinse anaa idin doortay, waanan idiin diray inaad tagtaan oo midho soo dhashaan, iyo in midhihiinnu sii jiraan, in wax alla waxaad Aabbaha magacayga ku weyddiisataan uu idin siiyo.

    17Waxyaalahaas ayaan idiinku amray inaad isjeclaataan.

    18¶ Dunidu hadday idin nebcaato, waad garanaysaan inay hortiin i nebcaatay.

  • 16Taasaynu jacaylka ku garanaynaa, waayo, isagu naftiisuu u bixiyey aawadeen; oo innaguna waa inaynu nafteenna u bixinno walaalaheen.

  • 78%

    34Waxaan idin siinayaa qaynuun cusub oo ah, Waa inaad isjeclaataan; sidaan idiin jeclaaday, idinkuna waa inaad isu jeclaataan.

    35Sidaasay dadka oo dhammi idinku garan doonaan inaad xertaydii tihiin, haddaad jacayl isu qabtaan.

  • 77%

    17¶ Sidaas daraaddeed Aabbuhu waa i jecel yahay, waayo, naftaydaan bixiyaa inaan mar kale qaato.

    18Ninna igama qaado, laakiin anaa iska bixiya. Waxaan leeyahay amar aan ku bixiyo, waanan leeyahay amar aan haddana ku soo qaato. Amarkan waxaan ka helay Aabbahay.

  • 11¶ Waxaan ahay adhijirka wanaagsan. Adhijirka wanaagsanu wuxuu naftiisa u bixiyaa idaha daraaddood.

  • 15Waxaan idin siiyey masaal inaad samaysaan sidaan idinku sameeyey.

  • Room 5:7-8
    2 aayado
    73%

    7Mar dhif ah mid waa u dhintaa nin xaq ah, mindhaase qof waa ku dhici lahaa inuu nin wanaagsan u dhinto.

    8Laakiinse Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey.

  • 72%

    25Kan naftiisa jecel, waa lumiyaa, kan dunidan naftiisa ku nebcaadaase, wuu hayn doonaa tan iyo nolosha weligeed ah.

    26Qof uun hadduu ii adeego, ha i soo raaco, meeshaan joogona, midiidinkayguna wuu joogi doonaa. Qof uun hadduu ii adeego, Aabbuhu waa murwayn doonaa isaga.

  • 1¶ Iidda Kormaridda horteed Ciise wuxuu garanayay inay timid saacaddiisii uu dunidan ka tegi lahaa ilaa Aabbaha, oo siduu u jeclaa kuwiisii dunida joogay, ayuu u jeclaa tan iyo dhammaadka.

  • 15sida Aabbuhu ii garanayo, anna aan Aabbaha u garanayo; oo naftaydana waan u bixiyaa idaha daraaddood.

  • 15¶ Haddii aad i jeceshihiin, qaynuunnadayda waad xajin doontaan.

  • Yoox 3:15-16
    2 aayado
    71%

    15in mid kastoo isaga rumaystaa uu lahaado nolosha weligeed ah.

    16¶ Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah.

  • 4¶ Waxaan idinku leeyahay, saaxiibbadayow, Ha ka baqina kuwa jidhka dila, oo aan dabadeed wax kale samayn karin.

  • 70%

    9Ilaah baa Wiilkiisa keliya oo dhashay dunida u soo diray si aynu ugu noolaanno isaga, oo taasaa jacaylka Ilaah laynoogu muujiyey.

    10Oo taas jacayl baa ku jira, mana aha inaynu Ilaah jeclayn, laakiinse isagaa ina jeclaaday, oo wuxuu Wiilkiisa u soo diray si uu kafaaraggudka dembiyadeenna u noqdo.

    11Gacaliyayaalow, haddii Ilaah sidaa inoo jeclaaday, waa inaynu isjeclaanno.

  • 36Sidaa daraaddeed Yuhuuddu waxay yidhaahdeen, Bal eega, siduu u jeclaa.

  • 28Waad maqasheen inaan idinku idhi, Waan tegayaa, waanan idiin imanayaa. Haddaad i jeclaateen, waad farxi lahaydeen, waayo, Aabbahaan u tegayaa, maxaa yeelay, Aabbuhu waa iga weyn yahay.

  • 37Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, maxaan hadda kuu raaci kari waayay? Naftaydaan aawadaa u bixin doonaaye.

  • 15Isagu wuxuu u dhintay dhammaan in kuwa nooli aanay u sii noolaan nafsaddooda laakiin ay u sii noolaadaan kan aawadood u dhintay oo u sara kacay.

  • 27Waayo, Aabbaha qudhiisu wuu idin jecel yahay, maxaa yeelay, waad i jeclaateen, oo waadna rumaysateen inaan xagga Ilaah ka imid.

  • Mat 16:24-25
    2 aayado
    70%

    24¶ Markaasaa Ciise wuxuu xertiisii ku yidhi, Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado, ha dayriyo doonistiisa, iskutallaabtiisana ha soo qaato oo ha i soo raaco.

    25Kan doonaya inuu naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, oo kan naftiisa u lumiya aawaday wuu heli doonaa.

  • Yoox 15:4-5
    2 aayado
    69%

    4Igu jira, anna aan idinku jiree. Sida laantu keligeed aanay midho u dhali karin haddaanay geedka canabka ah ku oollin, sidaas oo kale idinkuna ma dhali kartaan haddaydnan igu jirin.

    5Anaa ah geedka canabka ah, idinna waxaad tihiin laamihii. Kii igu jira oo anna aan ku jiro, kaasaa midho badan dhala, maxaa yeelay, la'aantay waxba ma samayn kartaan.

  • 24Ninkii saaxiibbo badsadaa naftiisuu kharribaa, Laakiin waxaa jira saaxiib walaalkaa kaaga dhow.

  • 26kuwaasoo ah niman naftooda u biimeeyey magicii Rabbigeenna Ciise Masiix aawadiis.

  • 21Kii qaynuunnadayda haysta oo xajiya, waa kaas kan i jecel, kan i jecelna Aabbahay waa jeclaan doonaa, anna waan jeclaan doonaa, waana isu muujin doonaa isaga.

  • 23Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Haddii nin i jecel yahay, ereygayguu xajin doonaa, Aabbahayna waa jeclaan doonaa, oo waannu u iman doonnaa, waanna la joogi doonnaa.

  • 33Wuxuu waxaas u yidhi inuu tuso siduu u dhiman doono.

  • 5¶ Ciise ayaa jeclaa Maarta iyo walaasheed iyo Laasaros.

  • 19Wuxuu waxaas u yidhi inuu tuso dhimashaduu Ilaah ku ammaani doono. Markuu waxaas yidhi dabadeed, wuxuu ku yidhi, I soo raac.

  • 14Waxaynu og nahay inaynu dhimashada ka soo gudubnay oo aynu u soo gudubnay nolosha, maxaa yeelay, walaalaha ayaynu jecel nahay. Oo ka aan walaalkii jeclayn, dhimashaduu ku sii hadhaa.

  • 31Laakiin tani waa in dunidu ku garato inaan Aabbaha jeclahay iyo inaan sameeyo sida Aabbuhu igu amray. Kaca, aynu meeshan ka tagnee.

  • 19In yar dabadeed dunidu i arki mayso mar dambe, idinkuse waad i arkaysaan. Waan noolahay, taas aawadeed idinkuna waad noolaan doontaan.

  • 24Waayo, kan doonaya inuu naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, laakiin kan naftiisa u lumiya aawaday, kaasaa badbaadin doona.

  • 35Kan doonaya inuu naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, laakiin kan naftiisa u lumiya aawaday iyo injiilka aawadii, kaasaa badbaadin doona.