Yooxanaa 17:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

inay dhammaan mid ahaadaan, sidaad adigu, Aabbow, iigu jirtid, aniguna aan kuugu jiro, inay iyaguna inoogu jiraan, in dunidu rumaysato inaad i soo dirtay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fil 1:27 : 27 ¶ Laakiinse dabiicaddiinnu ha ahaato mid istaahisha injiilka Masiixa, in haddii aan imaado oo aan idin arko, ama haddii aan maqnaadoba, aan wax xaaladdiinna ku saabsan maqlo inaad isku ruux keliya ku taagan tihiin idinkoo isku naf ku dadaalaya iimaanka injiilka,
  • Yoox 17:11 : 11 Anigu dunida sii joogi maayo; kuwanuse duniday joogayaan, aniguna waan kuu imanayaa. Aabbe Quduusow, iyaga ku hay magacaagii aad i siisay, inay mid ahaadaan sideenna oo kale.
  • Yoox 10:38 : 38 Laakiin haddaan sameeyo, in kastoo aydnaan i rumaysanayn, shuqullada rumaysta, inaad ogaataan oo garataan in Aabbuhu igu jiro, anna Aabbaha aan ku jiro.
  • Kol 3:11-14 : 11 Halkaas ma jiri karaan Gariig ama Yuhuudi, mid gudan ama mid buuryoqab ah, reer Barbari, ama reer Iskutees, addoon ama xor; laakiinse Masiixu waa wax walba, oo wax walba wuu ku jiraa. 12 ¶ Haddaba sidaas daraaddeed idinku sida kuwa Ilaah doortay oo quduuska ah oo la jecel yahay, huwada qalbi leh naxariis iyo roonaan iyo is-hoosaysiin iyo qaboobaan iyo dulqaadasho. 13 Midkiinba midka kale ha u dulqaato oo ha cafiyo, haddii mid ka cabanayo mid kale; xataa sida Rabbiguba idiin cafiyey, idinkuna sidaas oo kale yeela: 14 oo waxyaalahaas oo dhan waxaad ka dul huwataan jacayl, kaas oo ah xidhiidhka kaamilnimada.
  • Yoox 17:22-23 : 22 Oo ammaantaad i siisay iyagaan siiyey, inay mid ahaadaan sidaynu mid u nahay. 23 Iyagaan ku jiraa, adna anigaad igu jirtaa, inay mid ku dhan yihiin, in dunidu garato inaad i soo dirtay, iyo inaad iyaga u jeclaatay, sidaad ii jeclaatay.
  • 1 Kor 12:12 : 12 ¶ Haddaba sida jidhku mid keliya u yahay, oo uu xubno badan u leeyahay, oo xubnaha oo dhan ee jidhka ay jidh keliya u yihiin, in kastoo ay badan yihiin, Masiixuna waa sidaas oo kale.
  • 1 Kor 12:25-27 : 25 inaan jidhku qaybsanaan, laakiin in xubiniba xubinta kale u welwesho. 26 Haddii xubin qudha xanuunsato, xubnaha oo dhammu way la xanuunsadaan. Haddii xubin la maamuuso, xubnaha oo dhammu way la farxaan. 27 ¶ Idinku waxaad tihiin jidhka Masiix iyo xubno ka mid ah.
  • Fal 4:32 : 32 ¶ Oo intoodii badnayd oo rumaysatay isku qalbi iyo naf bay ahaayeen; midkoodna ma odhan, Waxaan leeyahay waa waxaygii, laakiin wax waluba waa ka dhexeeyeen.
  • Yoox 13:35 : 35 Sidaasay dadka oo dhammi idinku garan doonaan inaad xertaydii tihiin, haddaad jacayl isu qabtaan.
  • Yoox 10:30 : 30 Aniga iyo Aabbuhu mid baannu nahay.
  • Yoox 17:8 : 8 Waayo, erayadaad i siisay ayaan siiyey iyaga, wayna aqbaleen, run ahaan bayna u garteen inaan kaa imid, wayna rumaysteen inaad i soo dirtay.
  • Yer 32:39 : 39 Oo waxaan iyaga siin doonaa qalbi qudha iyo jid qudha, si ay weligoodba iiga cabsadaan, waana inay iyaga iyo carruurtooda ka dambaysaba wanaag helaan.
  • Yex 37:16-19 : 16 Wiilka Aadamow, ul soo qaad, oo waxaad ku qortaa: Tanu waxay u tahay reer Yahuudah iyo reer binu Israa'iil oo saaxiibbadiis ah. Oo haddana ul kale soo qaad, oo waxaad ku qortaa: Tanu waxay u tahay reer Yuusuf taasoo ah ushii Efrayim, iyo reer binu Israa'iil oo dhan oo saaxiibbadiis ah. 17 Oo labadoodaba isku dar oo waxaad isaga dhigtaa ul qudha inay iyagu gacantaada isku mid qudha ku noqdaan. 18 Oo markay dadkaagu kula hadlaan oo ay kugu yidhaahdaan, War, maad noo sheegtid waxa aad xaalkan ula jeeddid? 19 waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan soo qaadan doonaa usha reer Yuusuf oo gacanta reer Efrayim ku jirta, iyo qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo isaga saaxiibbadiis ah, oo waxaan ku dari doonaa usha reer Yahuudah, oo kulligood waxaan isaga wada dhigi doonaa ul qudha oo gacantayday ku midoobi doonaan.
  • Sak 14:9 : 9 Oo Rabbigu boqor buu ka ahaan doonaa dunida oo dhan, oo maalintaas Rabbigu mid buu ahaan doonaa, oo magiciisuna mid buu ahaan doonaa.
  • Room 12:5 : 5 sidaas oo kalaan, innagoo badan, Masiixa isku jidh ku nahay, oo midba midka kale waa xubnihiisii.
  • 1 Kor 1:10 : 10 ¶ Walaalayaalow, waxaan magaca Rabbigeenna Ciise Masiix idinkaga baryayaa inaad dhammaantiin isku wax ku wada hadashaan, iyo inaydnaan kala qaybsamin, laakiin inaad ku dhammaataan isku maan iyo isku talo.
  • Gal 3:28 : 28 Ma jiro Yuhuud ama Gariig, ma jiro addoon ama xor, ma jiro lab ama dhaddig, waayo, kulligiin mid baad ku wada tihiin Ciise Masiix.
  • Ef 4:3-6 : 3 Ku dadaala inaad midownimada xagga Ruuxa ku xajisaan xidhiidhka nabadda. 4 Haddaba waxaa jira jidh keliya iyo Ruux keliya, xataa sida idinka laydiinkugu yeedhay rajo keliya xagga yeedhistiinnii. 5 Oo waxaa jira Rabbi keliya iyo iimaan keliya iyo baabtiis keliya, 6 iyo Ilaah keliya oo kulli Aabbe u ah, oo wax walba ka sarreeya, oo wax walba ka dhex shaqeeya, oo wax walba ku jira.
  • 1 But 3:8-9 : 8 ¶ Ugu dambaysta, waxaan idinku leeyahay, Kulligiin isku maan ahaada, oo isu jixinjixa, oo sida walaalo isu jeclaada, oo isu naxariista, oo is-hoosaysiiya. 9 Shar shar ha ka celinina, cayna cay ha ka celinina, laakiinse duco ka celiya, maxaa yeelay, saas aawadeed waxaa laydiinku yeedhay inaad barako dhaxashaan, waayo,
  • Fil 2:1-6 : 1 ¶ Haddaba haddii ay Masiixa ku jiraan dhiirrigelin iyo qalbiqabowjis jacayl ah iyo haddii ay ku jirto walaalnimo xagga Ruuxa iyo haddii ay ku jiraan jixinjix iyo naxariis, 2 farxaddayda buuxiya, inaad isku maan ahaataan oo aad isku jacayl lahaataan, idinkoo isku niyo ah oo isku maan ah. 3 Idinku waxba ha ku samaynina iskala-qaybqaybin iyo faan bilaash ah, laakiinse wax walba ku sameeya is-hoosaysiin, idinkoo midkiinba midka kale ku tirinayo inuu ka kale isaga ka wanaagsan yahay. 4 Midkiin waluba yuusan fiiro u lahaan waxyaalihiisa, laakiinse midkiin waluba fiiro ha u lahaado waxyaalaha kuwa kale. 5 ¶ Fikirkaas oo Ciise Masiix ku jiray, idinkana ha idinku jiro. 6 Isagu wuxuu lahaa suuradda Ilaah, oo inuu Ilaah la mid ahaado kuma uu tirin in taasu tahay boobis,
  • 1 Yoox 5:7 : 7 Oo waa Ruuxa kan maragga furaa, waayo, Ruuxa waa runta.
  • Yoox 17:25 : 25 Aabbaha xaqa ahow, dunidu kuma ay garanaynin, laakiinse waan ku garanayay; kuwanna waxay garanayeen inaad i soo dirtay.
  • Fal 2:46 : 46 Oo maalin walba iyagoo isku wada qalbi ah ayay macbudka ku jiri jireen, oo kibistana guryahooday ku jejebin jireen, cuntadoodana farxad iyo qalbi daacad ah ayay ku cuni jireen.
  • Yoox 3:17 : 17 Ilaah Wiilka uguma soo dirin dunida inuu xukumo dunida, laakiin wuxuu u soo diray inay dunidu ku badbaaddo isaga.
  • Yoox 5:23 : 23 in dadka oo dhammu Wiilka maamuuso siday Aabbaha u maamuusaan. Kii aan Wiilka maamuusi, ma maamuuso Aabbaha soo diray.
  • Yoox 10:16 : 16 Ido kale ayaan leeyahay oo aan kuwa xeradan ahayn, kuwaasna waa inaan keenaa, waxayna maqli doonaan codkayga, oo waxaa jiri doona adhi keliya iyo adhijir keliya.
  • Yex 37:22-25 : 22 Oo iyaga quruun qudha ayaan uga dhigi doonaa dalka buuraha reer binu Israa'iil, oo boqor qudha ayaa kulligood boqor u wada ahaan doona, oo mar dambe laba quruumood ma ay kala ahaan doonaan, oo kol dambe innaba laba boqortooyo uma ay kala qaybsanaan doonaan. 23 Oo mar dambena iskuma ay nijaasayn doonaan sanamyadooda, ama waxyaalahooda karaahiyada ah, ama xadgudubyadooda midkoodna, laakiinse waxaan ka badbaadin doonaa meelaha ay ku hoydaan oo ay ku dhex dembaabeen oo dhan, oo waan nadiifin doonaa, oo sidaasay dadkayga u ahaan doonaan, oo aniguna Ilaahooda baan ahaan doonaa. 24 Oo addoonkaygii Daa'uud ayaa iyaga boqor u ahaan doona, oo kulligoodna waxay lahaan doonaan adhijir qudha; oo weliba xukummadayday ku dhex socon doonaan, oo qaynuunnadaydana way dhawri doonaan oo way wada samayn doonaan. 25 Oo waxay dhex degganaan doonaan dalkii aan addoonkaygii Yacquub siiyey, oo ay awowayaashiin degganaan jireen, oo weligoodba halkaasay degganaan doonaan iyaga iyo carruurtooda, iyo carruurtooda carruurtooduba, oo addoonkaygii Daa'uudna weligiis amiirkoodii buu ahaan doonaa.
  • Saf 3:9 : 9 ¶ Waayo, markaas ayaan dadyowga siin doonaa af daahir ah, si ay kulligood magaca Rabbiga ugu yeedhaan, oo ay isaga ugu adeegaan isku niyad keliya.
  • Yoox 17:18 : 18 Sidaad dunida iigu soo dirtay ayaan anna iyaga dunida ugu diray.
  • Yoox 14:9-9 : 9 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ma intaas badan baan idinla joogay, oo aanad i garanaynin, Filibosow? Kii i arkay wuxuu arkay Aabbaha. Sidee baad u leedahay, Aabbaha na tus? 10 Miyaadan rumaysan inaan Aabbaha ku jiro, Aabbuhuna uu igu jiro? Erayadaan idinkula hadlayo, anigu iskagama hadlayo, Aabbahase igu jira ayaa shuqulladiisa sameeya. 11 I rumaysta inaan Aabbaha ku jiro, oo Aabbuhuna aniga igu jiro, haddii kale shuqullada aawadood ii rumaysta.
  • Yoox 17:3 : 3 Tanu waa nolosha weligeed ah inay ku gartaan, adoo ah Ilaaha runta ah oo keliya, iyo inay gartaan Ciise Masiix, kii aad soo dirtay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 90%

    22Oo ammaantaad i siisay iyagaan siiyey, inay mid ahaadaan sidaynu mid u nahay.

    23Iyagaan ku jiraa, adna anigaad igu jirtaa, inay mid ku dhan yihiin, in dunidu garato inaad i soo dirtay, iyo inaad iyaga u jeclaatay, sidaad ii jeclaatay.

    24¶ Aabbow, kuwaad i siisay waan doonayaa inay ila joogaan meeshaan joogo inay arkaan ammaantaydii aad i siisay, waayo, adaa i jeclaa intaan dunida la aasaasin.

    25Aabbaha xaqa ahow, dunidu kuma ay garanaynin, laakiinse waan ku garanayay; kuwanna waxay garanayeen inaad i soo dirtay.

    26Magacaagaan iyagii garansiiyey, waanan garansiin doonaa, in jacaylkii aad i jeclayd uu ku jiro iyaga, anna aan iyaga ku jiro.

  • Yoox 17:1-20
    20 aayado
    85%

    1¶ Waxyaalahaas Ciise ayaa ku hadlay, markaasuu indhihiisii kor u qaaday xagga samada oo yidhi, Aabbow, saacaddii way timid. Ammaan Wiilkaaga inuu Wiilku ku ammaano,

    2sidaad amar ugu siisay dadka oo dhan inuu nolosha weligeed ah siiyo kuwaad isaga siisay oo dhan.

    3Tanu waa nolosha weligeed ah inay ku gartaan, adoo ah Ilaaha runta ah oo keliya, iyo inay gartaan Ciise Masiix, kii aad soo dirtay.

    4Dhulka ayaan kugu ammaanay, anoo dhammeeyey shuqulkaad ii dhiibtay inaan sameeyo.

    5Haddana, Aabbow, adiga qudhaadu igu ammaan ammaantaan kula lahaa intaan dunidu jirin.

    6Magacaagaan u muujiyey dadkii aad dunida iga siisay. Kuwaagii bay ahaayeen, oo anaad i siisay, iyaguna ereygaagay xajiyeen.

    7Hadda waxay garanayaan wax kastoo aad i siisayba inay xaggaaga ka yimaadeen.

    8Waayo, erayadaad i siisay ayaan siiyey iyaga, wayna aqbaleen, run ahaan bayna u garteen inaan kaa imid, wayna rumaysteen inaad i soo dirtay.

    9¶ Iyaga waan kuu baryayaa; kuu baryi maayo dunida, laakiin waxaan kuu baryayaa kuwaad i siisay, waayo, waa kuwaagii.

    10Waxayga oo dhan adaa leh, waxaagana anaa leh, iyagana waan ku ammaanmay.

    11Anigu dunida sii joogi maayo; kuwanuse duniday joogayaan, aniguna waan kuu imanayaa. Aabbe Quduusow, iyaga ku hay magacaagii aad i siisay, inay mid ahaadaan sideenna oo kale.

    12Intaan iyaga la jiray, waxaan iyaga ku hayay magacaagii aad i siisay, waanan ilaaliyey, midkoodna ma lumin, wiilka halaagga maahee, in Qorniinku ahaado.

    13Haddana waan kuu imanayaa, oo waxyaalahan ayaan ku hadlayaa intaan dunida joogo inay haystaan farxaddayda oo ay ka buuxsanto iyaga.

    14Ereygaagii ayaan siiyey, oo dunidu waa nebcaatay, waayo, iyagii kuwa dunida ma aha, sidaanan kan dunida u ahayn.

    15Kaa baryi maayo inaad iyaga dunida ka qaaddid, waxaanse kaa baryayaa inaad ka dhawrtid kan sharka leh.

    16Iyagu kuwa dunida ma aha, sidaanan kan dunida u ahayn.

    17Iyaga quduus kaga dhig runta, ereygaagu waa rune.

    18Sidaad dunida iigu soo dirtay ayaan anna iyaga dunida ugu diray.

    19Oo aawadood ayaan quduus iskaga dhigaa, in iyagana xagga runta quduus lagaga dhigo.

    20¶ Kuwan oo keliya kuu baryi maayo, waxaanse weliba kuu baryayaa kuwa igu rumaysanaya hadalkooda aawadiis,

  • 30Aniga iyo Aabbuhu mid baannu nahay.

  • 79%

    19In yar dabadeed dunidu i arki mayso mar dambe, idinkuse waad i arkaysaan. Waan noolahay, taas aawadeed idinkuna waad noolaan doontaan.

    20Maalintaas waxaad garan doontaan inaan Aabbahay ku jiro, idinna aad igu jirtaan, anna aan idinku jiro.

  • 77%

    10Miyaadan rumaysan inaan Aabbaha ku jiro, Aabbuhuna uu igu jiro? Erayadaan idinkula hadlayo, anigu iskagama hadlayo, Aabbahase igu jira ayaa shuqulladiisa sameeya.

    11I rumaysta inaan Aabbaha ku jiro, oo Aabbuhuna aniga igu jiro, haddii kale shuqullada aawadood ii rumaysta.

  • 17Waxyaalahaas ayaan idiinku amray inaad isjeclaataan.

  • 74%

    11¶ Waxaan waxyaalahaas idiinkula hadlay in farxaddaydu idinku jirto, iyo inay farxaddiinnu buuxsanto.

    12Kanu waa qaynuunkayga inaad isjeclaataan sidaan idiin jeclaaday.

  • 21Haddaba Ciise ayaa mar kale ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto. Sida Aabbuhu ii soo diray ayaan anna idiin dirayaa.

  • 31Laakiin tani waa in dunidu ku garato inaan Aabbaha jeclahay iyo inaan sameeyo sida Aabbuhu igu amray. Kaca, aynu meeshan ka tagnee.

  • 74%

    27Waayo, Aabbaha qudhiisu wuu idin jecel yahay, maxaa yeelay, waad i jeclaateen, oo waadna rumaysateen inaan xagga Ilaah ka imid.

    28Aabbaha ayaan ka imid oo dunida imid. Haddana waan ka tegayaa dunida oo Aabbahaan u tegayaa.

  • 74%

    34Waxaan idin siinayaa qaynuun cusub oo ah, Waa inaad isjeclaataan; sidaan idiin jeclaaday, idinkuna waa inaad isu jeclaataan.

    35Sidaasay dadka oo dhammi idinku garan doonaan inaad xertaydii tihiin, haddaad jacayl isu qabtaan.

  • 9Siduu Aabbuhu ii jeclaaday, ayaan anna idiin jeclaaday. Jacaylkayga ku sii jira.

  • 28Waad maqasheen inaan idinku idhi, Waan tegayaa, waanan idiin imanayaa. Haddaad i jeclaateen, waad farxi lahaydeen, waayo, Aabbahaan u tegayaa, maxaa yeelay, Aabbuhu waa iga weyn yahay.

  • 38Laakiin haddaan sameeyo, in kastoo aydnaan i rumaysanayn, shuqullada rumaysta, inaad ogaataan oo garataan in Aabbuhu igu jiro, anna Aabbaha aan ku jiro.

  • 72%

    15Wax kasta oo Aabbuhu leeyahay anigaa leh. Sidaa daraaddeed waxaan idhi, Waxayguu qaadaa, wuuna idiin sheegi doonaa.

    16¶ In yar dabadeed i arki maysaan, oo weliba in yar dabadeed waad i arki doontaan.

  • 6inaad isku qalbi iyo isku af ku ammaantaan Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix.

  • 4Igu jira, anna aan idinku jiree. Sida laantu keligeed aanay midho u dhali karin haddaanay geedka canabka ah ku oollin, sidaas oo kale idinkuna ma dhali kartaan haddaydnan igu jirin.

  • 32Ogaada, saacaddii baa imanaysa, waana timid, kolkaad u kala firdhi doontaan mid kasta xaggiisa, anna keligay baad iga tegi doontaan, oo weliba keligay ma ihi, waayo, waxaa ila jooga Aabbaha.

  • 16Ido kale ayaan leeyahay oo aan kuwa xeradan ahayn, kuwaasna waa inaan keenaa, waxayna maqli doonaan codkayga, oo waxaa jiri doona adhi keliya iyo adhijir keliya.

  • 71%

    6iyo Ilaah keliya oo kulli Aabbe u ah, oo wax walba ka sarreeya, oo wax walba ka dhex shaqeeya, oo wax walba ku jira.

  • 40Waayo, tanu waa doonistii Aabbahay in mid kasta oo Wiilka arka oo rumaysta uu nolosha weligeed ah lahaado, aniguna maalinta u dambaysa waan soo sara kicin doonaa.