Yooxanaa 19:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Markaasaa Bilaatos haddaba Ciise watay oo karbaashay,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 50:6 : 6 Kuwii i karbaashay ayaan dhabarkaygii u duway, oo kuwii timaha iga rifayna dhabannadaydaan u duway. Wejigaygiina ceeb iyo candhuuf toona kama aan qarin.
  • Ish 53:5 : 5 Laakiinse waxaa isaga loo dhaawacay xadgudubyadeenna, waxaana loo nabareeyey xumaatooyinkeenna, edbintii nabaadiinadeennana dushiisay ku dhacday, dildillaaciisiina waynu ku bogsannay.
  • Mat 20:19 : 19 Waxayna u dhiibi doonaan dadka aan Yuhuudda ahayn inay ku kajamaan oo karbaashaan oo iskutallaabta ku qodbaan. Maalinta saddexaadna waa la sara kicin doonaa.
  • Luuk 23:16 : 16 Taas aawadeed waan edbinayaa oo sii daynayaa.
  • Luuk 23:23 : 23 Laakiin cod weyn ayay ku adkaysteen iyagoo weyddiisanaya in iskutallaabta lagu qodbo, oo waxaa xoog batay codadkoodii iyo codadkii wadaaddada sare.
  • Fal 16:22-23 : 22 Markaasaa dadkii badnaa ku wada kaceen; oo xaakinnadiina dharkoodii bay ka jeexeen, waxayna ku amreen in la uleeyo. 23 Oo markay ulo badan ku dhufteen, ayay xabsiga ku rideen iyagoo ku amraya xabsihayihii inuu aad u ilaaliyo;
  • Fal 22:24-25 : 24 ayaa sirkaalkii sare wuxuu amray in isagii qalcaddii la soo geliyo, oo wuxuu u sheegay in karbaash lagu imtixaamo si uu ku ogaado sababtii ay sidaas ugu qaylinayeen isagii. 25 Oo markay suumanka ku xidheen dabadeed ayaa Bawlos wuxuu ku yidhi boqol-u-taliyihii oo ag taagnaa, Ma qaynuun baa inaad karbaashtaan nin reer Rooma ah oo aan la xukumin?
  • 2 Kor 11:24 : 24 Shan goor Yuhuuddu waxay i karbaasheen afartan mid la'.
  • Cib 11:36 : 36 Qaar kalena waxay jirrabaad ahaan ula kulmeen majaajilo iyo karbaashid iyo weliba silsilado iyo xabbis.
  • 1 But 2:24 : 24 Oo isagu dembiyadeennii wuxuu ku qaaday jidhkiisii geedka saarnaa, si innagoo dembi kala dhimannay aynu xaqnimo ugu noolaanno. Waxaad ku bogsateen xariijimihii karbaashiddiisii.
  • Sab 129:3 : 3 Kuwa beerta jeexa ayaa dhabarkayga jeexay, Oo jeexjeexoodiina way dheereeyeen.
  • Mat 23:34 : 34 Sidaa darteed, waxaan idiin soo dirayaa nebiyo iyo kuwa xigmadda leh iyo culimmo. Qaarkood waad dili doontaan oo iskutallaabta ku qodbi doontaan, qaarkoodna sunagogyadiinna ayaad ku karbaashi doontaan, oo magaalo ilaa magaalo ayaad ku silcin doontaan,
  • Mat 27:26-31 : 26 Markaasuu Baraabbas u sii daayay, oo goortuu Ciise karbaashay ayuu u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo. 27 ¶ Markaasaa taliyaha askartiisii waxay Ciise geeyeen guriga taliyaha, oo waxay isaga ku soo ururiyeen askartii oo dhan. 28 Dharkiisii ayay ka qaadeen oo waxay u geliyeen dhar guduudan. 29 Markaasay taaj qodxan uga taxeen oo madaxiisay saareen, cawsduurna gacantiisa midigtaa ayay u geliyeen, oo intay hortiisa jilba joogsadeen oo ku majaajiloodeen ayay waxay ku yidhaahdeen, Nabad, Boqorka Yuhuuddow. 30 Wayna ku candhuufeen, markaasay cawsduurkii ka qaadeen oo madaxay kaga dhufteen. 31 Oo goortay ku majaajiloodeen dabadeed ayay dharkii ka qaadeen oo dharkiisii bay u geliyeen, markaasay wadeen in iskutallaabta lagu qodbo.
  • Mark 10:33-34 : 33 oo wuxuu ku yidhi, Waxaynu ku soconnaa Yeruusaalem. Wiilka Aadanaha waxaa loo dhiibi doonaa wadaaddada sare iyo culimmada; oo waxay ku xukumi doonaan dhimasho. Waxayna u dhiibi doonaan dadka aan Yuhuudda ahayn. 34 Wayna ku kajami doonaan, oo ku tufi doonaan, oo karbaashi doonaan, wayna dili doonaan, saddex maalmood dabadeedna wuu soo sara kici doonaa.
  • Mark 15:15-20 : 15 Bilaatos wuxuu doonayay inuu sameeyo waxa dadku raalli ka yahay, sidaa darteed ayuu Baraabbas u sii daayay, oo goortuu Ciise karbaashay ayuu u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo. 16 ¶ Markaasaa askartii isaga geeyeen barxaddii dhexdeeda, taasoo la odhan jiray Baraytoriyon, waxayna isugu yeedheen askartii oo dhan. 17 Waxay u geliyeen dhar guduudan, oo taaj ayay qodxan uga texeen, oo madaxiisay saareen. 18 Markaasay salaameen oo waxay ku yidhaahdeen, Nabad, Boqorka Yuhuuddow. 19 Madaxana ayay cawsduur kaga dhufteen, oo wayna ku candhuufeen, oo u jilba joogsadeen, oo u sujuudeen. 20 Goortay ku majaajiloodeen dabadeed ayay dharkii guduudnaa ka qaadeen oo dharkiisii bay u geliyeen, markaasay wadeen in iskutallaabta lagu qodbo.
  • Luuk 18:33 : 33 wayna karbaashi doonaan oo dili doonaan, maalinta saddexaadna wuu soo sara kici doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yoox 19:2-6
    5 aayado
    82%

    2askartiina taaj ayay qodxan uga taxeen, oo madaxiisay saareen, oo waxay u geliyeen dhar guduudan.

    3Markaasay u yimaadeen oo ku yidhaahdeen, Nabad Boqorka Yuhuuddow, wayna dharbaaxeen.

    4Bilaatos haddana dibadduu u baxay oo ku yidhi iyaga, Eega, isagaan idiin soo bixinayaa inaad ogaataan inaanan eed ku helin.

    5Ciise haddaba ayaa dibadda u soo baxay isagoo sita taajkii qodxanta ahaa iyo dharkii guduudnaa, oo Bilaatos ayaa ku yidhi iyaga, Bal eega ninka.

    6Sidaa daraaddeed markii wadaaddadii sare iyo saraakiishii arkeen, ayay qayliyeen iyagoo leh, Iskutallaabta ku qodob, iskutallaabta ku qodob. Bilaatos ayaa ku yidhi, Idinku wata, oo iskutallaabta ku qodba, waayo, anigu eed kuma aan heline.

  • 81%

    12Bilaatos baa mar kale u jawaabay oo ku yidhi, Haddaba maxaad doonaysaan inaan ku sameeyo kan aad ugu yeedhaan Boqorka Yuhuudda?

    13Iyaguna mar kale ayay ku qayliyeen, Iskutallaabta ku qodob.

    14Markaasaa Bilaatos ku yidhi, Waa maxay sharkuu falay? Laakiin aad bay u sii qayliyeen oo yidhaahdeen, Iskutallaabta ku qodob.

    15Bilaatos wuxuu doonayay inuu sameeyo waxa dadku raalli ka yahay, sidaa darteed ayuu Baraabbas u sii daayay, oo goortuu Ciise karbaashay ayuu u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo.

    16¶ Markaasaa askartii isaga geeyeen barxaddii dhexdeeda, taasoo la odhan jiray Baraytoriyon, waxayna isugu yeedheen askartii oo dhan.

    17Waxay u geliyeen dhar guduudan, oo taaj ayay qodxan uga texeen, oo madaxiisay saareen.

    18Markaasay salaameen oo waxay ku yidhaahdeen, Nabad, Boqorka Yuhuuddow.

    19Madaxana ayay cawsduur kaga dhufteen, oo wayna ku candhuufeen, oo u jilba joogsadeen, oo u sujuudeen.

    20Goortay ku majaajiloodeen dabadeed ayay dharkii guduudnaa ka qaadeen oo dharkiisii bay u geliyeen, markaasay wadeen in iskutallaabta lagu qodbo.

  • Mat 27:26-31
    6 aayado
    81%

    26Markaasuu Baraabbas u sii daayay, oo goortuu Ciise karbaashay ayuu u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo.

    27¶ Markaasaa taliyaha askartiisii waxay Ciise geeyeen guriga taliyaha, oo waxay isaga ku soo ururiyeen askartii oo dhan.

    28Dharkiisii ayay ka qaadeen oo waxay u geliyeen dhar guduudan.

    29Markaasay taaj qodxan uga taxeen oo madaxiisay saareen, cawsduurna gacantiisa midigtaa ayay u geliyeen, oo intay hortiisa jilba joogsadeen oo ku majaajiloodeen ayay waxay ku yidhaahdeen, Nabad, Boqorka Yuhuuddow.

    30Wayna ku candhuufeen, markaasay cawsduurkii ka qaadeen oo madaxay kaga dhufteen.

    31Oo goortay ku majaajiloodeen dabadeed ayay dharkii ka qaadeen oo dharkiisii bay u geliyeen, markaasay wadeen in iskutallaabta lagu qodbo.

  • 80%

    13Haddaba Bilaatos markuu hadalladaas maqlay, ayuu Ciise dibadda u soo saaray, oo wuxuu ku fadhiistay kursiga xukumaadda, meesha la yidhaahdo Sallaxa Dhagaxa ah oo af Cibraanigana lagu yidhaahdo Gabbata.

    14¶ Haddaba waxay ahayd Maalintii Diyaargarayskii Kormaridda, abbaaraha saacaddii lixaad. Oo wuxuu Yuhuudda ku yidhi, Bal eega boqorkiinna.

    15Sidaa daraaddeed waxay ku qayliyeen, Kaxee, kaxee, iskutallaabta ku qodob. Markaasaa Bilaatos wuxuu ku yidhi, Boqorkiinna miyaan iskutallaabta ku qodbaa? Wadaaddadii sare ayaa ugu jawaabay, Boqor ma lihin Kaysar maahee.

    16¶ Markaasuu haddaba u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo.

    17Wayna kaxeeyeen Ciise. Markaas isagoo sita iskutallaabta ayuu u kacay meeshii Dhakada la yidhaahdo, oo af Cibraaniga lagu odhan jiray Golgota,

    18meeshaasay iskutallaabaha ku qodbeen isaga iyo laba kale, midba gees, Ciisena dhexda.

    19Bilaatosna wax buu qoray oo ku dhejiyey iskutallaabta dusheeda, waxaana ku qorraa, CIISIHII REER NAASARED, BOQORKA YUHUUDDA.

    20Haddaba Yuhuudda badideed ayaa qorniinkaas akhriday, waayo, meeshii Ciise iskutallaabta lagaga qodbay waa u dhowayd magaalada, oo qorniinkii wuxuu ku qorraa af Cibraaniga iyo af Roomaaniga iyo af Gariigga.

    21Sidaa daraaddeed wadaaddadii sare oo Yuhuudda waxay Bilaatos ku yidhaahdeen, Ha qorin, Boqorka Yuhuudda, laakiin qor, Kanaa yidhi, Waxaan ahay Boqorka Yuhuudda.

  • 2Markaasay xidheen oo kaxeeyeen, oo waxay u dhiibeen taliyihii Bilaatos ahaa.

  • 1¶ Aroortii kolkiiba wadaaddadii sare waxay la wada hadleen waayeelladii iyo culimmadii iyo shirkii oo dhan. Ciisena way xidheen oo kaxeeyeen oo waxay u dhiibeen Bilaatos.

  • Fal 22:24-25
    2 aayado
    75%

    24ayaa sirkaalkii sare wuxuu amray in isagii qalcaddii la soo geliyo, oo wuxuu u sheegay in karbaash lagu imtixaamo si uu ku ogaado sababtii ay sidaas ugu qaylinayeen isagii.

    25Oo markay suumanka ku xidheen dabadeed ayaa Bawlos wuxuu ku yidhi boqol-u-taliyihii oo ag taagnaa, Ma qaynuun baa inaad karbaashtaan nin reer Rooma ah oo aan la xukumin?

  • 19Waxayna u dhiibi doonaan dadka aan Yuhuudda ahayn inay ku kajamaan oo karbaashaan oo iskutallaabta ku qodbaan. Maalinta saddexaadna waa la sara kicin doonaa.

  • 12¶ Haddaba askartii iyo ninkii u sarreeyey iyo saraakiishii Yuhuudda ayaa Ciise qabtay, markaasay xidhxidheen,

  • Mat 27:22-23
    2 aayado
    73%

    22Markaasaa Bilaatos wuxuu ku yidhi, Haddaba maxaan ku sameeyaa Ciise kan Masiixa la yidhaahdo? Kulligood waxay wada yidhaahdeen, Iskutallaabta ha lagu qodbo.

    23Oo wuxuu yidhi, Waayo, waa maxay sharkuu falay? Laakiin aad bay u sii qayliyeen oo yidhaahdeen, Iskutallaabta ha lagu qodbo.

  • 63¶ Nimankii Ciise qabtay way ku kajameen oo garaaceen.

  • 1¶ Markaasaa dadkoodii oo dhan kacay, oo waxay isagii hor geeyeen Bilaatos.

  • 33wayna karbaashi doonaan oo dili doonaan, maalinta saddexaadna wuu soo sara kici doonaa.

  • 29Bilaatos haddaba ayaa u soo baxay iyagii oo ku yidhi, Maxaad ku ashtakaynaysaan ninkan?

  • 17Haddaba goortay isu urureen, Bilaatos ayaa ku yidhi, Iyamaad doonaysaan inaan idiin sii daayo? Baraabbas ama Ciise kan Masiixa la yidhaahdo?

  • 67Markaasay wejiga kaga candhuufeen oo garaaceen. Qaarna waa dharbaaxeen,

  • 23¶ Haddaba askartii markay Ciise iskutallaabta ku qodbeen, dharkiisay qaateen oo ay afar meelood ka dhigeen, askari waliba meel buu qaatay, khamiiskiina way qaateen. Khamiiskii meella kama tollayn dusha iyo hoosta.

  • 8¶ Haddaba Bilaatos markuu hadalkaas maqlay, aad buu u sii baqay,

  • 37Oo Qorniin kale wuxuu leeyahay, Way arki doonaan kii ay wareemeen.

  • 22Markuu sidaas yidhi saraakiishii midkood oo ag taagnaa ayaa Ciise dharbaaxay isagoo leh, Ma saasaad ugu jawaabaysaa wadaadka sare?

  • 35Oo goortay iskutallaabta ku qodbeen, dharkiisay qaybsadeen, wayna saami riteen si wixii nebigu ku hadlay u noqdaan, Dharkaygii bay qaybsadeen oo maradaydii bay saami u riteen.

  • 24Oo goortay iskutallaabta ku qodbeen, dharkiisay qaybsadeen, wayna saami ku riteen mid kasta wuxuu qaadan lahaa.

  • 21Laakiin way qayliyeen, iyagoo leh, Iskutallaabta ku qodob, iskutallaabta ku qodob.