Yooxanaa 20:27

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasuu Toomas ku yidhi, Fartaada keen oo arag gacmahayga, oo gacantaadana keen oo geli dhinacayga, oo ha rumaysad la'aanin laakiin rumayso.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 20:25 : 25 Haddaba xertii kale ayaa ku tidhi, Waxaannu aragnay Sayidkii. Laakiin wuxuu ku yidhi, Haddaanan gacmihiisa ku arkin calaamadii musmaarrada, oo aanan fartayda gelin nabarkii musmaarrada, oo aanan gacantayda gelin dhinaciisa, rumaysanba maayo.
  • Luuk 24:40 : 40 Goortuu waxaas yidhi, ayuu tusay gacmihiisa iyo cagihiisa.
  • Yoox 20:20 : 20 Oo markuu waxaas yidhi, wuxuu iyagii tusay gacmihiisii iyo dhinaciisii. Sidaa daraaddeed xertii waa ku farxeen markay Sayidkii arkeen.
  • Room 5:20 : 20 Sharciguna wuxuu u yimid inuu dembigu bato, laakiinse meeshii dembigu ku batay, nimcaduna way ka sii badatay aad iyo aad;
  • 1 Tim 1:14-16 : 14 Nimcada Rabbigeenna waxay aad iyo aad ula badatay rumaysadka iyo jacaylka ku jira Ciise Masiix. 15 Hadalkanu waa run, waana mid istaahila in la wada aqbalo, in Ciise Masiix dunida u yimid inuu badbaadiyo dembilayaasha anoo ah kan ugu daran. 16 Laakiin sababtaas daraaddeed waa la ii naxariistay in, anigoo ah kan ugu daran, Ciise Masiix iga muujiyo dulqaadashadiisa oo dhan, inaan masaal u noqdo kuwa hadda dabadeed isaga rumaysan doona inay nolol weligeed ah helaan.
  • 1 Yoox 1:1-2 : 1 ¶ Waxaannu idiin soo qoraynaa wax ku saabsan wixii tan iyo bilowgii jiray, oo aannu maqalnay, oo aannu indhahayaga ku aragnay, oo aannu eegnay, oo ay gacmahayagu taabteen oo Ereyga nolosha ah. 2 Nolosha waa la muujiyey, oo waannu aragnay, waanan u marag furaynaa, oo waxaannu idiinka warramaynaa nolosha weligeed ah, ta Aabbaha la jirtay oo lanoo muujiyey.
  • Sab 78:38 : 38 Laakiinse isagoo raxmad miidhan ah ayuu xumaantoodii cafiyey, oo mana uu baabbi'in iyagii, Haah, oo marar badan ayuu cadhadiisii ka leexiyey, Oo cadhadiisii oo dhanna ma uu wada kicin.
  • Sab 103:13-14 : 13 Sida aabbe carruurtiisa ugu naxo oo kale Ayaa Rabbigu ugu naxaa kuwa isaga ka cabsada. 14 Waayo, abuuristeennuu og yahay, Oo wuu xusuusan yahay inaan innagu ciid nahay.
  • Mat 17:17 : 17 Ciise wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu oo madaxa adagu, ilaa goormaan idinla jiri doonaa, oo ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Halkan iigu keena isaga.
  • Mark 9:19 : 19 Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu! Ilaa goormaan idinla jiri doonaa? Ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Ii keena isaga.
  • Luuk 9:41 : 41 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu oo madaxa adagu, ilaa goormaan idinla jiri doonaa, oo ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Wiilkaaga halkan keen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 87%

    24¶ Laakiin Toomas mid laba iyo tobanka ka mid ah oo Didumos la odhan jiray lama joogin markuu Ciise yimid.

    25Haddaba xertii kale ayaa ku tidhi, Waxaannu aragnay Sayidkii. Laakiin wuxuu ku yidhi, Haddaanan gacmihiisa ku arkin calaamadii musmaarrada, oo aanan fartayda gelin nabarkii musmaarrada, oo aanan gacantayda gelin dhinaciisa, rumaysanba maayo.

    26¶ Oo siddeed maalmood dabadeed xertiisii gudaha ayay mar labaad wada joogeen, oo Toomasna waa la joogay. Markaasaa Ciise yimid, albaabbadii oo xidhan, oo intuu isdhex taagay ayuu ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto.

  • 82%

    28Toomas ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Rabbigay iyo Ilaahayow.

    29Markaasaa Ciise ku yidhi, Waad i aragtay, taas aawadeed ayaad rumaysatay. Waxaa barakaysan kuwa aan i arag ee rumaystay.

    30¶ Haddaba waxaa Ciise ku sameeyey xertii hortooda calaamooyin kale oo badan oo aan ku qorrayn kitaabkan.

  • 81%

    19¶ Haddaba maalintaas markay makhribkii ahayd, ayaantii u horraysay ee toddobaadka, oo ay albaabbadu xidhnaayeen meeshay xertu joogtay cabsida ay Yuhuudda ka cabsadeen aawadeed, ayaa Ciise yimid oo isdhex taagay, oo wuxuu ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto.

    20Oo markuu waxaas yidhi, wuxuu iyagii tusay gacmihiisii iyo dhinaciisii. Sidaa daraaddeed xertii waa ku farxeen markay Sayidkii arkeen.

    21Haddaba Ciise ayaa mar kale ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto. Sida Aabbuhu ii soo diray ayaan anna idiin dirayaa.

    22Oo markuu waxaas yidhi ayuu ku neefsaday oo ku yidhi, Aqbala Ruuxa Quduuskaa.

  • 81%

    36¶ Intay waxyaalahaas ku hadlayeen, isaga qudhiisa ayaa dhexdooda taagnaa, oo wuxuu ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto.

    37Laakiin way argaggexeen oo cabsadeen, waxayna u maleeyeen inay ruuxaan arkeen.

    38Markaasuu ku yidhi, Maxaad u naxaysaan? Fikirro maxay qalbigiinna uga kacayaan?

    39Gacmahayga iyo cagahayga arka inaan anigu isagii ahay, i taabta oo arka, waayo, ruuxaan jiidh iyo lafo ma leh sidaad igu arkaysaan inaan leeyahay.

    40Goortuu waxaas yidhi, ayuu tusay gacmihiisa iyo cagihiisa.

    41Intay yaabsanaayeen iyagoo aan weli rumaysan farxad aawadeed, wuxuu ku yidhi, Halkan wax la cuno ma ku haysaan?

  • Yoox 20:8-9
    2 aayado
    73%

    8Markaas haddaba waxaa galay kii kale oo xerta ahaa oo hore u yimid xabaashii, wuuna arkay oo rumaystay.

    9Waayo, weli Qorniinka ma ay garan inay tahay inuu kuwa dhintay ka soo sara kaco.

  • 31oo markiiba Ciise gacantiisuu u taagay oo qabtay oo ku yidhi, Rumaysadyare yahow, maxaad u shakiday?

  • 16Sidaa aawadeed Toomas, kii Didumos la odhan jiray, wuxuu ku yidhi xertii la socotay, Innaguna aan tagno si aynu ula dhimanno.

  • 1¶ Qalbigiinnu yuusan murugoon. Ilaah waad rumaysan tihiin, anigana i rumaysta.

  • 14¶ Dabadeed wuxuu u muuqday koob-iyo-tobankii goortay cunto u fadhiyeen. Wuuna u canaantay rumaysaddarradooda iyo qalbi engegnaantooda, waayo, ma ayna rumaysan kuwii isaga arkay goortuu sara kacay dabadeed.

  • 71%

    34Laakiin mid askartii ka mid ah ayaa dhinaca Ciise waran kaga wareemay, oo markiiba waxaa ka soo baxay dhiig iyo biyo.

    35Oo kii arkayna wuu marag furay, maraggiisuna waa run, wuuna garanayaa inuu run sheegayo, inaad idinkuna rumaysataan.

  • Yoox 14:9-11
    3 aayado
    71%

    9Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ma intaas badan baan idinla joogay, oo aanad i garanaynin, Filibosow? Kii i arkay wuxuu arkay Aabbaha. Sidee baad u leedahay, Aabbaha na tus?

    10Miyaadan rumaysan inaan Aabbaha ku jiro, Aabbuhuna uu igu jiro? Erayadaan idinkula hadlayo, anigu iskagama hadlayo, Aabbahase igu jira ayaa shuqulladiisa sameeya.

    11I rumaysta inaan Aabbaha ku jiro, oo Aabbuhuna aniga igu jiro, haddii kale shuqullada aawadood ii rumaysta.

  • 7Markaasaa Ciise u yimid oo taabtay oo ku yidhi, Kaca, hana baqina.

  • 40Goortaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Maxaad sidaa ugu baqaysaan? Sidee baydnaan weli rumaysad u lahayn?

  • 37Ciise ayaa ku yidhi, Waad aragtay, waana isaga kan kula hadlayaa.

  • 17Ciise ayaa ku yidhi, Ha i taaban, waayo, weli kor uguma aan tegin Aabbaha, laakiin u tag walaalahay oo ku dheh, Wuxuu yidhi, Waxaan kor ugu tegayaa Aabbahay oo ah Aabbihiin, Ilaahay oo ah Ilaahiin.

  • 31Ciise ayaa ugu jawaabay, Hadda ma rumaysan tihiin?

  • 5Toomas ayaa ku yidhi, Sayidow, ma naqaan meeshaad tegaysid ee sidee baan ku naqaan jidka?

  • 11Iyaguna goortay maqleen inuu nool yahay oo ay aragtay, way rumaysan waayeen.

  • 36¶ Laakiin waxaan idiin sheegay inaad i aragteen, mase rumaysataan.

  • 15Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Haweenay yahay, Maxaad u ooyaysaa? Kumaad doondoonaysaa? Iyadoo u malaynaysa inuu yahay ninkii beerta ka shaqaynayay waxay ku tidhi, Adeerow, haddaad isagii halkan ka qaadday, ii sheeg meeshaad dhigtay, anna waan ka soo qaadan doonaaye.

  • 27Markiiba Ciise waa la hadlay oo ku yidhi, Kalsoonaada, waa aniga ee ha baqina.

  • 20Laakiin wuxuu ku yidhi, Waa aniga ee ha baqina.

  • Yoox 20:5-6
    2 aayado
    69%

    5Markaasuu foororsaday, oo wuxuu arkay maryihii oo yaal, laakiinse ma uu gelin.

    6Haddana Simoon Butros oo daba socday baa yimid, markaasuu xabaashii galay, oo wuxuu arkay maryihii oo yaal

  • 40Ciise wuxuu ku yidhi, miyaanan kugu odhan, Haddaad rumaysatid, waxaad arki lahayd ammaanta Ilaah?

  • 50Waayo, way wada arkeen, wayna nexeen. Markiiba wuu la hadlay oo ku yidhi, Kalsoonaada, waa aniga ee ha baqina.

  • 37Oo Qorniin kale wuxuu leeyahay, Way arki doonaan kii ay wareemeen.

  • 22Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Ilaah rumaysta.

  • 17Oo goortay arkeen isagii, way caabudeen, laakiin qaar baa shakiyey.

  • 29Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Kanu waa shuqulkii Ilaah inaad rumaysataan kii uu soo diray.

  • 3Markuu xanuunsaday dabadeed, iyagii ayuu isagoo nool waxyaalo badan oo la hubo isugu muujiyey, oo muddo afartan maalmood ah ayuu iyagii u muuqday, oo kala hadlay waxyaalaha ku saabsan boqortooyada Ilaah.

  • 38Laakiin haddaan sameeyo, in kastoo aydnaan i rumaysanayn, shuqullada rumaysta, inaad ogaataan oo garataan in Aabbuhu igu jiro, anna Aabbaha aan ku jiro.

  • 48Haddaba Ciise wuxuu ku yidhi, Haddaanad calaamooyin iyo yaabab arkin, marnaba ma rumaysan doontaan.

  • 20Maalintaas waxaad garan doontaan inaan Aabbahay ku jiro, idinna aad igu jirtaan, anna aan idinku jiro.