Yooxanaa 21:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Ciise wuxuu iyaga ku yidhi, Kaalaya oo quraacda. Oo xertii midkoodna kuma uu dhicin inuu yidhaahdo, Kumaad tahay? waayo, waxay garanayeen inuu Sayidka yahay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 10:41 : 41 uma muujin dadka oo dhan, laakiin wuxuu u muujiyey markhaatiyaashii Ilaah hore u doortay, xataa annaga oo isaga wax la cunnay oo la cabnay markuu kuwii dhintay ka soo sara kacay dabadeed.
  • Yoox 4:27 : 27 ¶ Isla markii waxaa timid xertiisii, wayna la yaabeen markay arkeen inuu naag la hadlayo. Weliba ninna ma odhan, Maxaad doonaysaa? amase, Maxaad ula hadlaysaa iyada?
  • Yoox 16:19 : 19 Ciise ayaa garanayay inay doonayeen inay wax weyddiiyaan, oo wuxuu ku yidhi, Ma waxaad isweyddiinaysaan xaalkan aan idhi, In yar dabadeed i arki maysaan, oo weliba in yar dabadeed waad i arki doontaan?
  • Yoox 21:15 : 15 ¶ Haddaba markay quraacdeen dabadeed Ciise wuxuu Simoon Butros ku yidhi, Simoon ina Yoonisow, kuwan ma iga jeceshahay? Wuxuu ku yidhi, Haah, Sayidow, waad og tahay inaan ku jeclahay. Markaasuu ku yidhi, Baraarkayga daaji.
  • Bil 32:29-30 : 29 Yacquubna wuu weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ii sheeg magacaaga. Oo wuxuu yidhi, Bal maxaad u haybsanaysaa magacayga? Halkaasuuna ku barakeeyey. 30 Yacquubna meeshaas magaceedii wuxuu u bixiyey Fenii'eel; waayo, wuxuu yidhi, Ilaah fool ka fool baan u arkay, naftayduna way nabad gashay.
  • Mark 9:32 : 32 Laakiin hadalkaas ayay garan waayeen, wayna ka cabsadeen inay weyddiiyaan.
  • Luuk 9:45 : 45 Laakiin hadalkaas ayay garan waayeen, waana laga qariyey si ayna u garan, wayna ka cabsadeen inay hadalkas wax ka weyddiiyaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 86%

    13Kolkaasaa Ciise yimid oo qaaday kibistii oo siiyey iyaga, kalluunkiina sidoo kale.

    14Taasu waa markii saddexaad oo Ciise xertii isu muujiyey markii uu kuwa dhintay ka soo sara kacay dabadeed.

    15¶ Haddaba markay quraacdeen dabadeed Ciise wuxuu Simoon Butros ku yidhi, Simoon ina Yoonisow, kuwan ma iga jeceshahay? Wuxuu ku yidhi, Haah, Sayidow, waad og tahay inaan ku jeclahay. Markaasuu ku yidhi, Baraarkayga daaji.

  • Yoox 21:1-11
    11 aayado
    81%

    1¶ Waxyaalahaas dabadeed Ciise ayaa mar kale xertii isugu muujiyey Bad Tiberiyas agteeda. Oo sidatan ayuu isu tusay.

    2Waxaa wada joogay Simoon Butros, iyo Toomas ka la yidhaahda Didumos, iyo Nataana'el oo ahaa kii Kaana tii Galili, iyo wiilashii Sebedi, iyo laba kale oo xertiisa ah.

    3Simoon Butros wuxuu iyaga ku yidhi, Waa soo kalluumaysanayaa. Markaasay ku yidhaahdeen, Annana waa ku raacaynaa. Markaasay tageen oo doonnida fuuleen; laakiin habeenkaas waxba ma ay qaban.

    4Laakiin markii waagu beryay Ciise wuxuu taagnaa xeebta, xertiisiise ma ay garanaynin inuu Ciise yahay.

    5Markaasaa Ciise haddaba ku yidhi, Carruur yahay, wax la cuno ma haysaan? Waxay ugu jawaabeen, Maya.

    6Markaasuu ku yidhi, Shabagga ku tuura dhinaca midigta ee doonnida, waadna heli doontaane. Haddaba way tuureen, oo ma ayna karin inay soo jiidaan, kalluunka faro badnaantiisa aawadeed.

    7Kii xerta ahaa oo Ciise jeclaa ayaa ku yidhi Butros, Waa Sayidkii. Haddaba markuu Simoon Butros maqlay inuu Sayidka yahay, ayuu dharkiisa guntaday (waayo, wuu qaawanaa), oo wuxuu isku tuuray badda.

    8Laakiin xertii kale waxay ku yimaadeen sixiimadda yar (waayo, kama ay fogayn dhulka, laakiin waxay u jireen qiyaastii laba boqol oo dhudhun), waxayna jiidayeen shabaggii kalluunka.

    9Haddaba markay dhulkii u soo degeen waxay arkeen dab dhuxul ah iyo kalluun saaran iyo kibis.

    10Markaasaa Ciise ku yidhi iyagii, Keena qaar kalluunkaad hadda soo qabateen.

    11Haddaba Simoon Butros ayaa sixiimaddii fuulay, oo wuxuu xagga dhulka u jiiday shabaggii oo ka buuxa boqol iyo saddex iyo konton kalluun oo waaweyn, oo in kastoo ay faro badnaayeen shabaggii ma dillaacin.

  • Yoox 4:31-33
    3 aayado
    75%

    31Kolkaasay xertiisii baryeen iyagoo leh, Macallimow, wax cun.

    32Laakiin wuxuu iyagii ku yidhi, Anigu waxaan haystaa cunto aan cuno oo aydnaan ogayn.

    33Haddaba xertiisii waxay isku yidhaahdeen, Ma loo keenay wuxuu cuno?

  • 74%

    41Intay yaabsanaayeen iyagoo aan weli rumaysan farxad aawadeed, wuxuu ku yidhi, Halkan wax la cuno ma ku haysaan?

    42Kolkaasay waxay siiyeen in kalluun duban ah.

    43Markaasuu qaaday oo hortooda ku cunay.

  • 30Waxaa dhacay kolkuu cunto ula fadhiistay inuu kibista qaaday, oo barakeeyey, oo intuu kala jejebiyey ayuu siiyey.

  • 39Wuxuu ku yidhi, Kaalaya oo arka, Markaasay yimaadeen oo arkeen meeshuu degganaa, wayna la joogeen maalintaas. Goortaas waxay ahayd abbaaraha saacaddii tobnaad.

  • 71%

    35Iyaguna waxay ka warrameen wixii jidka ka dhacay iyo siday isaga ugu garteen kala jejebintii kibista.

    36¶ Intay waxyaalahaas ku hadlayeen, isaga qudhiisa ayaa dhexdooda taagnaa, oo wuxuu ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto.

  • 20¶ Butros markuu jeestay wuxuu arkay kii xerta ahaa oo Ciise jeclaa oo daba socda; isagu wuxuu ahaa kii laabta Ciise ku tiirsanaa wakhtigii cashada oo ku yidhi, Sayidow, waa kuma kan ku gacangelin doonaa?

  • 71%

    23Waxaa joogay oo laabta Ciise ku tiirsanaa xertiisa midkood oo uu Ciise jeclaa.

    24Sidaa daraaddeed ayaa Simoon Butros calaamo u sameeyey oo ku yidhi, Noo sheeg yuu yahay kan uu ka hadlayo.

    25Isagoo sidii ugu tiirsan laabta Ciise, ayuu ku yidhi, Sayidow, waa kuma?

  • 13Wuxuuse ku yidhi, Idinku siiya waxay cunaan. Waxay ku yidhaahdeen, Annagu wax ka badan shan kibsood iyo laba kalluun ma hayno, inaannu tagno oo dadkan oo dhan cunto u soo iibinno maahee.

  • Yoox 6:22-23
    2 aayado
    71%

    22¶ Maalintii labaad dadkii badnaa oo badda dhankeeda kale taagnaa, waxay arkeen inaan doonni kale joogin mid maahee, oo aan Ciisena taas la fuulin xertiisii, laakiin in xertiisii keligood baxeen.

    23Laakiin waxaa Tiberiyas ka yimid doonniyo, wayna u soo dhowaadeen meeshii kibistii lagu cunay markuu Rabbigu mahadnaqay dabadeed.

  • 14¶ Goortii saacaddii timid ayuu fadhiistay, isaga iyo rasuulladiiba.

  • 71%

    17¶ Goortii makhribkii la gaadhay ayuu laba-iyo-tobankii la yimid.

    18Oo intay fadhiisteen oo wax cunayeen, Ciise baa yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Midkiin oo wax ila cunaya ayaa i gacangelin doona.

  • 22¶ Oo intay wax cunayeen, Ciise ayaa kibis qaaday oo barakeeyey, wuuna jejebiyey oo iyaga siiyey oo yidhi, Qaata, tanu waa jidhkaygiiye.

  • Yoox 6:11-12
    2 aayado
    70%

    11Haddaba Ciise kibistuu qaaday, oo goortuu mahadnaqay ayuu u qaybiyey kuwii fadhiyey, sidaas oo kalena kalluunkii intay doonayeen.

    12Markay wada dhergeen, wuxuu xertiisii ku yidhi, Ururiya jajabkii hadhay, waxba yaanay ka hallaabin.

  • 16Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Uma ay baahna inay tagaan, idinku siiya waxay cunaan.

  • 18Markaasuu wuxuu ku yidhi, Halkan iigu keena.

  • 9Maxaa yeelay, isaga iyo kuwii la jirayba, waxay la yaabeen kalluunkii badnaa oo ay qabteen.

  • 20Laakiin wuxuu ku yidhi, Waa aniga ee ha baqina.

  • 50Waayo, way wada arkeen, wayna nexeen. Markiiba wuu la hadlay oo ku yidhi, Kalsoonaada, waa aniga ee ha baqina.

  • 37Labadii xerta ahaydna way maqleen isagoo hadlaya, wayna raaceen Ciise.

  • 20Oo markuu waxaas yidhi, wuxuu iyagii tusay gacmihiisii iyo dhinaciisii. Sidaa daraaddeed xertii waa ku farxeen markay Sayidkii arkeen.

  • 20Dhammaantood way wada cuneen oo ka dhergeen, oo waxay soo gureen jajabkii hadhay oo laba iyo toban dambiilood ka buuxa.

  • 20Wuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Waa mid ka mid ah laba-iyo-tobankii oo saxanka gacanta ila gesha.

  • 25¶ Oo markay isaga ka heleen badda dhinaceeda kale, waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, goormaad halkan timid?

  • 38Markaasuu ku yidhi, Immisa kibsood baad haysaan? Soo eega. Oo markay ogaadeen, waxay ku yidhaahdeen, Shan kibsood iyo laba kalluun.

  • 43Oo waxay soo gureen laba iyo toban dambiilood oo ka buuxa jajabkii iyo kalluunka.

  • 20Goortii makhribkii la gaadhay, laba-iyo-tobankii xerta ahaa ayuu cunto ula fadhiistay,