Yooxanaa 21:23
Haddaba waxaa walaalaha ku dhex faafay hadalkaas oo leh, Kaas oo xerta ka mid ahaa ma dhiman doono. Laakiin Ciise kuma odhan, Ma dhiman doono, wuxuuse yidhi, Haddaan doonayo inuu joogo ilaa aan imanayo, maxaa kaa galay?
Haddaba waxaa walaalaha ku dhex faafay hadalkaas oo leh, Kaas oo xerta ka mid ahaa ma dhiman doono. Laakiin Ciise kuma odhan, Ma dhiman doono, wuxuuse yidhi, Haddaan doonayo inuu joogo ilaa aan imanayo, maxaa kaa galay?
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
18Runtii, runtii, waxaan kugu leeyahay, Markaad yarayd adigu waad guntan jirtay, oo waxaad mari jirtay meeshaad doonaysay, laakiin markaad gabowdid, gacmahaad kala bixin doontaa, oo mid kalaa kuu guntin doona, oo wuxuu kuu qaadi doonaa meel aadan doonayn.
19Wuxuu waxaas u yidhi inuu tuso dhimashaduu Ilaah ku ammaani doono. Markuu waxaas yidhi dabadeed, wuxuu ku yidhi, I soo raac.
20¶ Butros markuu jeestay wuxuu arkay kii xerta ahaa oo Ciise jeclaa oo daba socda; isagu wuxuu ahaa kii laabta Ciise ku tiirsanaa wakhtigii cashada oo ku yidhi, Sayidow, waa kuma kan ku gacangelin doonaa?
21Haddaba Butros markuu arkay, wuxuu Ciise ku yidhi, Sayidow, kanna ka warran?
22Ciise wuxuu ku yidhi, Haddaan doonayo inuu joogo ilaa aan imanayo, maxaa kaa galay? Adigu i soo raac.
24¶ Kan weeye kii xerta ahaa oo u marag furay waxyaalahan, oo qoray waxyaalahan, oo waxaannu garanayna maraggiisu inuu run yahay.
25¶ Waxaana jira waxyaalo badan oo kale oo Ciise sameeyey, oo haddii mid mid loo wada qoro, waxaan u malaynayaa inaan dunidu qaaddeen buugagga laga qoro.
51Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Haddii qof uun ereygayga xajiyo, weligiis dhimasho ma arki doono.
35Sidaasay dadka oo dhammi idinku garan doonaan inaad xertaydii tihiin, haddaad jacayl isu qabtaan.
36¶ Simoon Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, xaggee baad tegaysaa? Ciise wuxuu ugu jawaabay, Meeshaan tegayo hadda ii raaci kari maysid, laakiin mar dambe waad i soo raaci doontaa.
37Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, maxaan hadda kuu raaci kari waayay? Naftaydaan aawadaa u bixin doonaaye.
38Ciise ayaa ugu jawaabay, Miyaad naftaada u bixin doontaa aawaday? Runtii, runtii, waxaan kugu leeyahay, Diiqu ciyi maayo ilaa aad saddex kol i dafirtid.
25Ciise ayaa ku yidhi, Anigu waxaan ahay sarakicidda iyo nolosha. Kii i rumaystaa, in kastoo uu dhinto, wuu noolaan doonaa.
26Kii kasta oo nool oo i rumaystaa weligii ma dhiman doono. Waxan ma rumaysan tahay?
16¶ In yar dabadeed i arki maysaan, oo weliba in yar dabadeed waad i arki doontaan.
17Sidaa daraaddeed xertiisa qaarkood waxay isku yidhaahdeen, Waa maxay waxan uu inagu leeyahay, In yar dabadeed i arki maysaan, oo weliba in yar dabadeed waad i arki doontaan, iyo, Maxaa yeelay, Aabbahaan u tegayaa?
18Haddaba waxay yidhaahdeen, Waa maxay waxan uu leeyahay, In yar dabadeed? Garan mayno wuxuu leeyahay.
19Ciise ayaa garanayay inay doonayeen inay wax weyddiiyaan, oo wuxuu ku yidhi, Ma waxaad isweyddiinaysaan xaalkan aan idhi, In yar dabadeed i arki maysaan, oo weliba in yar dabadeed waad i arki doontaan?
16Sidaa aawadeed Toomas, kii Didumos la odhan jiray, wuxuu ku yidhi xertii la socotay, Innaguna aan tagno si aynu ula dhimanno.
33Wuxuu waxaas u yidhi inuu tuso siduu u dhiman doono.
19In yar dabadeed dunidu i arki mayso mar dambe, idinkuse waad i arkaysaan. Waan noolahay, taas aawadeed idinkuna waad noolaan doontaan.
22Markaasay xertii is-eegeegeen iyagoo aan garanaynin kii uu ka hadlayay.
23Waxaa joogay oo laabta Ciise ku tiirsanaa xertiisa midkood oo uu Ciise jeclaa.
24Sidaa daraaddeed ayaa Simoon Butros calaamo u sameeyey oo ku yidhi, Noo sheeg yuu yahay kan uu ka hadlayo.
25Isagoo sidii ugu tiirsan laabta Ciise, ayuu ku yidhi, Sayidow, waa kuma?
20Hadalladaas ayuu kaga hadlay meeshii khasnaddu tiil intuu macbudka wax ku barayay. Oo ninna ma uu qaban isaga, waayo, saacaddiisii weli ma iman.
21¶ Sidaas aawadeed wuxuu haddana ku yidhi iyaga, Waan tegayaa, waadna i doondooni doontaan, waadna ku dhiman doontaan dembigiinna. Meeshaan tegayo iman kari maysaan.
22Sidaas daraaddeed Yuhuuddu waxay yidhaahdeen, Miyuu isdilayaa? Waayo, isagaa yidhi, Meeshaan tegayo iman kari maysaan.
33Carruur yahay yaryari, weli in yar baan idinla joogayaa. Waad i dooni doontaan, oo sidaan Yuhuuddii ku idhi, Meeshaan tegayo iman kari maysaan, idinkana hadda sidaasaan idinku leeyahay.
35Butros wuxuu ku yidhi, In kastoo aan leeyahay inaan kula dhinto, kolleyba ku dafiri maayo. Xertii oo dhammuna sidaasay wada yidhaahdeen.
32inuu ahaado hadalkii Ciise ku hadlay kolkuu sheegay siduu u dhiman doono.
24Haddaba waxaan idinku idhi, Dembiyadiinna waad ku dhiman doontaan, waayo, haddaydnan rumaysan inaan isagii ahay, dembiyadiinna ayaad ku dhiman doontaan.
4Laakiin Ciise markuu taas maqlay wuxuu yidhi, Bukaankanu kan dhimashada ma ahaa, laakiin waa ammaanta Ilaah aawadeed in Wiilka Ilaah lagu ammaano.
23Kolkaasaa Ciise u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi, Saacaddii way timid uu Wiilka Aadanahu ammaanmi lahaa.
24Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Xabbad sarreen ah haddaanay dhulka ku dhicin oo dhiman, keligeed bay iska jiraysaa, laakiin hadday dhimato, midho badan bay dhashaa.
27Laakiin run baan idiin sheegayaa, Kuwa halkan taagan qaarkood sinaba dhimasho uma dhadhamin doonaan ilaa ay arkaan boqortooyada Ilaah.
7Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan samaynaya, garan maysid imminka, laakiinse dabadeed waad garan doontaa.
37Qaarkoodse waxay yidhaahdeen, Ninkan oo indhaha u furay kii indha la'aa, miyuusan wax ka samayn karin inuusan ninkaasu dhiman?
22Yuudas (Yuudas Iskariyod ma aha) ayaa ku yidhi isaga, Sayidow, maxaa dhacay oo annaga aad isugu kaaya muujin doontaa, dunidana aadan isugu muujin doonin?
23Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Haddii nin i jecel yahay, ereygayguu xajin doonaa, Aabbahayna waa jeclaan doonaa, oo waannu u iman doonnaa, waanna la joogi doonnaa.
12Sidaa daraaddeed xertii waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, hadduu hurdo wuu bogsanayaa.
13Ciise wuxuu ka hadlayay dhimashadiisa, iyaguse waxay u maleeyeen inuu ka hadlayo nasashada hurdada.
31Laakiin aad buu ugu celceliyey, Haddaan leeyahay inaan kula dhinto, kolleyba ku dafiri maayo. Kulligoodba sidaas oo kale ayay yidhaahdeen.
23Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Walaalkaa waa sara kici doonaa.
30¶ Haddaba waxaa Ciise ku sameeyey xertii hortooda calaamooyin kale oo badan oo aan ku qorrayn kitaabkan.
33Markaasuu wuxuu ku yidhi, Sayidow, diyaar baan u ahay inaan kuu raaco xabsiga iyo dhimashadaba.
22Laakiin Ciise ayaa ku yidhi, I soo raac; oo iska daa meydadku ha aaseen meydadkooda.
11Sidaa daraaddeed Ciise wuxuu Butros ku yidhi, Seefta galkeeda ku celi. Koobka Aabbuhu i siiyey miyaanan cabbayn?
28Waad maqasheen inaan idinku idhi, Waan tegayaa, waanan idiin imanayaa. Haddaad i jeclaateen, waad farxi lahaydeen, waayo, Aabbahaan u tegayaa, maxaa yeelay, Aabbuhu waa iga weyn yahay.
67¶ Haddaba Ciise wuxuu laba-iyo-tobankii ku yidhi, Idinkuna ma doonaysaan inaad tagtaan?