Yooxanaa 6:35

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay kibista nolosha. Kii ii yimaadaa ma gaajoon doono, kii i rumaystaana ma harraadi doono weligiis.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 6:41 : 41 ¶ Sidaas aawadeed Yuhuuddu way gunuuneceen, maxaa yeelay, wuxuu yidhi, Anigu waxaan ahay kibista samada ka soo degtay.
  • Luuk 6:25 : 25 Hoogna waxaa leh kuwiinna haddeer dheregsan, waayo, waad gaajoon doontaan; hoogna waxaa leh kuwiinna haddeer qoslaya, waayo, waad barooran doontaan oo ooyi doontaan.
  • Yoox 6:48-58 : 48 Anigu waxaan ahay kibista nolosha. 49 Awowayaashiin waxay cidlada ku cuneen maannada, oo ay dhinteen. 50 Tanu waa kibistii samada ka soo degtay, in qof kasta cuno oo uusan dhiman. 51 Anigu waxaan ahay kibista nool ee samada ka soo degtay. Haddii qof uun kibistan cuno, weligiis wuu noolaan doonaa. Oo kibistaan siin doonaa waa jidhkayga, nolosha dunida aawadeed. 52 ¶ Sidaa aawadeed Yuhuuddu way isla murmeen iyagoo leh, Kanu sidee buu jidhkiisa inoo siin karaa inaannu cunno? 53 Ciise haddaba wuxuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Haddaydnan jidhkii Wiilka Aadanaha cunin oo dhiiggiisa cabbin nolosha kuma lihidin gudihiinna. 54 Oo kii jidhkayga cuna oo dhiiggayga cabba wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, oo maalinta u dambaysa waan soo sara kicin doonaa. 55 Waayo, runtii jidhkaygu waa cunto, dhiiggayguna runtii waa wax la cabbo. 56 Kii jidhkayga cuna oo dhiiggayga cabba wuu igu jiraa, anna waan ku jiraa isaga. 57 Sida Aabbaha nool ii soo diray, aniguna Aabbahaan u noolahay daraaddiis, sidaasaa kii i cunaa isaguna u nolaan doonaa daraadday. 58 Tanu waa kibista samada ka soo degtay, ma aha sida tii awowayaashiin cuneen oo ay dhinteen. Kii kibistan cunaa, weligiis wuu noolaan doonaa.
  • Yoox 7:37-38 : 37 ¶ Maalintii u dambaysay, oo ahayd maalintii weynayd ee iidda, Ciise ayaa istaagay oo qayliyey isagoo leh, Haddii qof uun harraado, ha ii yimaado, hana cabbo. 38 Kii i rumaysta, calooshiisa waxaa ka duuli doona webiyo biyaha nool ah, sida Qorniinku u yidhi.
  • Muj 7:16 : 16 Oo iyana mar dambe ma ay gaajoon doonaan, mana ay harraadi doonaan mar dambe, qorraxda iyo kulaylkuna kuma ay dhici doonaan;
  • Muj 22:17 : 17 ¶ Ruuxa iyo aroosadduba waxay yidhaahdaan, Kaalay. Oo kii maqlaana ha yidhaahdo, Kaalay. Oo kii harraadsanuna ha yimaado. Oo kii doonayaaba biyaha nolosha hadiyad ahaan ha u qaato.
  • 1 Kor 10:16-18 : 16 Koobka barakada leh ee aynu u ducayno miyaanu ahayn islawadaagidda dhiigga Masiix? Kibistaynu jebinnaa, miyaanay ahayn islawadaagidda jidhka Masiix? 17 Innagu in kastoo aynu badan nahay, waxaynu nahay jidh qudha, maxaa yeelay, waxaa jira kibis qudha, waayo, dhammaanteen waxaynu wada qaybsannaa kibista qudha. 18 Eega reer binu Israa'iil xagga jidhka; kuwa allabaryada cunaa miyaanay la wadaagin meesha allabariga?
  • 1 Kor 11:23-29 : 23 ¶ Waayo, Rabbigaan ka helay wixii aan idiin dhiibay, taasoo ah, in Rabbi Ciise habeenkii la gacangeliyey uu kibis qaaday, 24 oo markuu ku mahadnaqay ayuu jejebiyey oo yidhi, Tanu waa jidhkaygii laydiin jejebiyey, tan u sameeya inaad igu xusuusataan. 25 Sidaas oo kalena cashada dabadeed ayuu qaaday koobkii, isagoo leh, Koobkanu waa axdiga cusub ee dhiiggayga. Tan u sameeya inaad igu xusuusataan mar alla markaad cabtaan. 26 Waayo, mar alla markaad kibistan cuntaan oo aad koobkan cabtaan, waxaad muujinaysaan dhimashada Rabbiga ilaa uu yimaado. 27 ¶ Taas aawadeed ku alla kii kibista u cuna ama koobka Rabbiga u cabba si aan istaahilin, jidhka iyo dhiigga Rabbigu dushiisay noqon doonaan. 28 Nin kastaa ha is-imtixaamo, oo sidaas kibista wax ha uga cuno, oo koobka ha uga cabbo. 29 Waayo, kii cuna oo cabba, xukun ayuu naftiisa u cunaa oo u cabbaa isagoo aan jidhka garanaynin.
  • Yoox 5:40 : 40 Idinkuna dooni maysaan inaad ii timaadaan inaad nolol lahaataan.
  • Yoox 6:37 : 37 Dhammaan wuxuu Aabbuhu i siiyo way ii iman doonaan, oo kii ii yimaadana ma eryi doono.
  • Yoox 4:13-14 : 13 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi iyada, Kii kasta oo biyahan ka cabbaa, mar kale wuu harraadi doonaa, 14 laakiin ku alla kii ka cabba biyahaan siin doono, weligiis ma harraadi doono, laakiin biyahaan siin doono waxay gudihiisa ku noqon doonaan il biyo ka duulayaan tan iyo nolosha weligeed ah.
  • Ish 49:10 : 10 Ma ay gaajoon doonaan, mana ay harraadi doonaan, oo kulaylka iyo qorraxdu kuma ay dhici doonaan, waayo, ka iyaga u naxariista ayaa hor kici doona, oo wuxuu ku hoggaamin doonaa ilo biya ah agtood.
  • Ish 55:1-3 : 1 ¶ Hoy, kuwiinna oomman oo dhammow, xagga biyaha kaalaya, xataa kii aan lacag haysanow, kaalaya, wax iibsada, oo wax cuna, kaalaya oo khamri iyo caano lacagla'aan iyo iibla'aan ku qaata. 2 Haddaba bal maxaad lacag ugu bixisaan wax aan cunto ahayn? Oo wixii aad ku hawshooteenna maxaad ugu bixisaan wax aan idin dherjinayn? Bal aad ii maqla, oo waxa wanaagsan cuna, oo naftiinnuna ha iskaga istareexdo barwaaqo miidhan. 3 Dhegihiinna soo dhiga, oo ii kaalaya, i maqla oo naftiinnuna way noolaan doontaa, oo anna waxaan idinla dhigan doonaa axdi weligiis ah, kaasoo ah waxyaalahii naxariista lahaa oo la hubo ee aan Daa'uud u ballanqaaday.
  • Mat 11:28 : 28 Ii kaalaya kulligiin kuwiinna hawshaysan oo culaabaysanow, oo anigu waan idin nasin doonaa.
  • Yoox 6:44-45 : 44 Ninna iima iman karo hadduusan Aabbihii i soo diray soo jiidin, aniguna maalinta u dambaysa waan soo sara kicin doonaa. 45 Waxaa ku qoran kitaabbadii nebiyada, Kulligood Ilaah baa wax bari doona. Mid kasta oo Aabbaha wax ka maqlay oo ka bartay waa ii yimaadaa.
  • Yoox 6:65 : 65 Markaasuu yidhi, Taas aawadeed waxaan idinku idhi, Qofna iima iman karo haddaan Aabbuhu awood siin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yoox 6:47-59
    13 aayado
    86%

    47¶ Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii i rumaystaa, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah.

    48Anigu waxaan ahay kibista nolosha.

    49Awowayaashiin waxay cidlada ku cuneen maannada, oo ay dhinteen.

    50Tanu waa kibistii samada ka soo degtay, in qof kasta cuno oo uusan dhiman.

    51Anigu waxaan ahay kibista nool ee samada ka soo degtay. Haddii qof uun kibistan cuno, weligiis wuu noolaan doonaa. Oo kibistaan siin doonaa waa jidhkayga, nolosha dunida aawadeed.

    52¶ Sidaa aawadeed Yuhuuddu way isla murmeen iyagoo leh, Kanu sidee buu jidhkiisa inoo siin karaa inaannu cunno?

    53Ciise haddaba wuxuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Haddaydnan jidhkii Wiilka Aadanaha cunin oo dhiiggiisa cabbin nolosha kuma lihidin gudihiinna.

    54Oo kii jidhkayga cuna oo dhiiggayga cabba wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, oo maalinta u dambaysa waan soo sara kicin doonaa.

    55Waayo, runtii jidhkaygu waa cunto, dhiiggayguna runtii waa wax la cabbo.

    56Kii jidhkayga cuna oo dhiiggayga cabba wuu igu jiraa, anna waan ku jiraa isaga.

    57Sida Aabbaha nool ii soo diray, aniguna Aabbahaan u noolahay daraaddiis, sidaasaa kii i cunaa isaguna u nolaan doonaa daraadday.

    58Tanu waa kibista samada ka soo degtay, ma aha sida tii awowayaashiin cuneen oo ay dhinteen. Kii kibistan cunaa, weligiis wuu noolaan doonaa.

    59Waxyaalahaas ayuu sunagogga kaga dhex hadlay intuu Kafarna'um wax ku barayay.

  • Yoox 6:31-34
    4 aayado
    83%

    31Awowayaasheen waxay cidlada ku cuneen maannada sidii loo qoray, Wuxuu samada ka siiyey kibis ay cunaan.

    32Haddaba Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Muuse samada idinkama siin kibistii, laakiin Aabbahay baa samada idinka siiya kibista runta ah.

    33Waayo, kibista Ilaah waa kan samada ka soo degay oo dunida nolosha siiya.

    34Haddaba waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, kibistan mar walba na sii.

  • Yoox 6:36-37
    2 aayado
    78%

    36¶ Laakiin waxaan idiin sheegay inaad i aragteen, mase rumaysataan.

    37Dhammaan wuxuu Aabbuhu i siiyo way ii iman doonaan, oo kii ii yimaadana ma eryi doono.

  • Yoox 6:40-42
    3 aayado
    78%

    40Waayo, tanu waa doonistii Aabbahay in mid kasta oo Wiilka arka oo rumaysta uu nolosha weligeed ah lahaado, aniguna maalinta u dambaysa waan soo sara kicin doonaa.

    41¶ Sidaas aawadeed Yuhuuddu way gunuuneceen, maxaa yeelay, wuxuu yidhi, Anigu waxaan ahay kibista samada ka soo degtay.

    42Waxayna yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn Ciise, ina Yuusuf, kaannu aabbihiis iyo hooyadiis naqaan? Hadda sidee buu u leeyahay, Samada baan ka soo degay?

  • Yoox 4:13-15
    3 aayado
    78%

    13Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi iyada, Kii kasta oo biyahan ka cabbaa, mar kale wuu harraadi doonaa,

    14laakiin ku alla kii ka cabba biyahaan siin doono, weligiis ma harraadi doono, laakiin biyahaan siin doono waxay gudihiisa ku noqon doonaan il biyo ka duulayaan tan iyo nolosha weligeed ah.

    15Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, biyahan i sii inaanan haddana harraadin oo aanan halkan iman inaan ka dhaansado.

  • Yoox 6:26-27
    2 aayado
    77%

    26¶ Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Iima doondoontaan calaamooyinkii aad aragteen aawadood ee waa kibistii aad cunteen oo aad ka dheregteen aawadeed.

    27Ha u shaqaynina cuntada hallaabaysa, laakiin u shaqeeya cuntada sii jiraysa ilaa nolosha weligeed ah ee Wiilka Aadanahu idin siin doono, waayo, isaga Aabbaha Ilaaha ah ayaa caddeeyey.

  • Yoox 7:36-38
    3 aayado
    75%

    36Waa maxay hadalkan uu yidhi? Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona ma iman kari doontaan.

    37¶ Maalintii u dambaysay, oo ahayd maalintii weynayd ee iidda, Ciise ayaa istaagay oo qayliyey isagoo leh, Haddii qof uun harraado, ha ii yimaado, hana cabbo.

    38Kii i rumaysta, calooshiisa waxaa ka duuli doona webiyo biyaha nool ah, sida Qorniinku u yidhi.

  • Yoox 4:32-33
    2 aayado
    73%

    32Laakiin wuxuu iyagii ku yidhi, Anigu waxaan haystaa cunto aan cuno oo aydnaan ogayn.

    33Haddaba xertiisii waxay isku yidhaahdeen, Ma loo keenay wuxuu cuno?

  • 5Haddaba Ciise intuu indhihiisii kor u qaaday, ayuu wuxuu arkay dad badan oo soo socda, wuxuuna Filibos ku yidhi, Xaggee baynu kibis ka soo iibinnaa inay kuwanu cunaan?

  • 73%

    25Ciise ayaa ku yidhi, Anigu waxaan ahay sarakicidda iyo nolosha. Kii i rumaystaa, in kastoo uu dhinto, wuu noolaan doonaa.

    26Kii kasta oo nool oo i rumaystaa weligii ma dhiman doono. Waxan ma rumaysan tahay?

  • 6Markaasaa Ciise wuxuu Toomas ku yidhi, Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee.

  • Yoox 5:39-40
    2 aayado
    72%

    39Qorniinka ayaad baadhaan, waayo, waxaad u malaynaysaan inaad nolosha weligeed ah ka helaysaan, waana iyaga kuwa ii marag furayaa.

    40Idinkuna dooni maysaan inaad ii timaadaan inaad nolol lahaataan.

  • 63Waa ruuxa kan wax nooleeyaa, jidhkuse waxba ma taro. Erayadii aan idinkula hadlayna waxay yihiin ruux iyo nololba.

  • Mark 6:35-36
    2 aayado
    72%

    35¶ Goortii maalintii hore u badatay ayaa xertiisii u timid oo ku tidhi, Meeshu waa cidlo, haddana maalintii horay u badatay.

    36Dadka dir, si ay u tagaan beeraha iyo tuulooyinka ku wareegsan, oo ay wax la cuno u soo iibsadaan.

  • 12¶ Haddaba Ciise ayaa mar kale la hadlay iyaga, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay nuurka dunida. Kii i soo raacaa, gudcurka kuma socon doono, wuxuuse lahaan doonaa nuurka nolosha.

  • 4Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa qoran tahay, Dadku waa inaanu kibis oo keliya ku noolaan, laakiin waa inuu eray walba oo afka Ilaah ka soo baxa ku noolaado.

  • 51Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Haddii qof uun ereygayga xajiyo, weligiis dhimasho ma arki doono.

  • 29Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Kanu waa shuqulkii Ilaah inaad rumaysataan kii uu soo diray.

  • 13Kolkaasaa Ciise yimid oo qaaday kibistii oo siiyey iyaga, kalluunkiina sidoo kale.

  • 24¶ Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii ereygayga maqla oo rumaysta kii i soo diray, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, xukunna geli maayo, laakiin dhimashadii ayuu ka soo gudbay oo nolosha u soo gudbay.

  • 10Ciise waa u jawaabay oo ku yidhi iyada, Haddaad garanaysid hadiyaddii Ilaah iyo kuu yahay kan kugu leh, I waraabi, adigu waad weyddiisan lahayd isaga, oo wuxuu ku siin lahaa biyaha nool.

  • 33Xertiisii waxay ku yidhaahdeen, Innagoo meel cidla ah joogna, xaggee baynu ka helaynaa kibis intaa le'eg in dad sida u badanu ka dhergaan?

  • 65Markaasuu yidhi, Taas aawadeed waxaan idinku idhi, Qofna iima iman karo haddaan Aabbuhu awood siin.