2Oo soohdintooda koonfureedna waxay gaadhsiisnayd xagga ugu shishaysa ee Badda Cusbada leh, iyo tan iyo gacanka koonfur u jeeda,
3oo waxay u baxday xagga koonfureed ee jiirta Caqrabbiim, oo waxay u dhaaftay xagga Sin, oo haddana waxay martay xagga koonfureed oo Qaadeesh Barneeca, oo ay martay xagga Xesroon, oo waxay kor ugu baxday xagga Addaar, oo u laabatay xagga Qarqaacaa;
4oo waxay u sii dhaaftay xagga Casmoon, oo haddana waxay u baxday xagga durdurka Masar, oo soohdinta waxaa dhammaadkeedu ahaa badda; taasu waxay ahaan doontaa soohdintiinna koonfureed.
5Oo soohdinta barina waxay ahayd ilaa Badda Cusbada leh, iyo tan iyo meesha uu Webi Urdun ku dhammaado. Oo waaxda woqooyi soohdinteeduna waxay ahayd badda gacankeeda u dhow meesha uu Webi Urdun ku dhammaado;
6oo soohdintu waxay martay ilaa Beytxoglaah, oo waxay sii martay xagga woqooyi oo u dhow Beytcaraabaah; oo soohdintu waxay martay dhagaxii Bohan ina Ruubeen;
7oo soohdintu waxay sii martay Debiir, marka laga tago dooxadii Caakoor, iyo xagga woqooyi ee ku soo jeedda Gilgaal, taasu waxa weeyaan meel ku toosan jiirta Adummiim, taasoo ku taal webiga dhiniciisa koonfureed; oo soohdintu waxay sii martay biyaha Ceyn Shemesh, oo dhammaadkeedu wuxuu ahaa Ceyn Rogeel agteeda;
8oo soohdintu waxay sii martay dooxadii ina Xinnom iyo ilaa xagga koonfureed ee Yebuus. Taasu waa Yeruusaalem. Oo soohdintu waxay kor ugu baxday buurta ku taal dooxadii Xinnom horteeda ee xaggeeda galbeed, taasoo ku taal dooxada xagga woqooyi oo ugu fog ee reer Rafaa.
9Oo soohdintu waxay ka soo baxday buurta dhaladeeda ilaa isha biyaha ee Neftoo'ax, oo ay u baxday xagga magaalooyinkii ku yiil Buur Cefroon; oo soohdintu waxay sii martay xagga Bacalaah, (taasu waxa weeyaan Qiryad Yecaariim),