Yashuuca 19:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo intaasu waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Isaakaar u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinkan iyo tuulooyinkooduba.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 22oo soohdintu waxay gaadhay ilaa Taaboor, iyo Shaxasimaah, iyo Beytshemesh, oo soohdintooda dhammaadkeedu wuxuu ahaa xagga Webi Urdun, oo intaasuna waa lix iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.

  • 84%

    30iyo Cummaah, iyo Afeeq, iyo Rexob, oo intaasu waa laba iyo labaatan magaalo iyo tuulooyinkoodii.

    31Oo intaasu waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Aasheer u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinkan iyo tuulooyinkooduba

    32¶ Oo saamigii lixaadna reer Naftaali buu u soo baxay sidii reerahoodii ahaayeen.

  • 84%

    15iyo Qataad, iyo Nahalaal, iyo Shimroon, iyo Idalaah, iyo Beytlaxam, intaasu waa laba iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.

    16Intaasu waa dhaxalkii ay reer Sebulun u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinkan iyo tuulooyinkooduba.

    17¶ Oo saamigii afraadna reer Isaakaar buu u soo baxay sidii reerahoodu ahaayeen.

    18Oo soohdintooduna waxay ahayd ilaa Yesreceel, iyo Kesullood, iyo Shuuneem,

  • 80%

    37iyo Qedesh, iyo Edrecii, iyo Ceyn Xaasoor,

    38iyo Yiroon, iyo Migdal Eel, iyo Xoreem, iyo Beytcanaad iyo Beytshemesh, waxay ahaayeen sagaal iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.

    39Oo intaasu waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Naftaali u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinka iyo tuulooyinkooduba

    40¶ Oo saamigii toddobaadna wuxuu u soo baxay qabiilkii reer Daan sidii reerahoodii ahaayeen.

    41Oo soohdintii ay dhaxalka u heleenna waxay ahayd Sorcaah, iyo Eshtaa'ool, iyo Ciir Shemesh,

  • 48Oo intaasu waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Daan u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinkan iyo tuulooyinkooduba.

  • 79%

    28Oo waxay qabiilkii reer Isaakaarna ka heleen Qiishyoon iyo agagaarkeedii, iyo Daaberad iyo agagaarkeedii,

    29iyo Yarmuud iyo agagaarkeedii, iyo Ceyn Ganniim iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo.

    30Oo waxay qabiilkii reer Aasheerna ka heleen Mishaal iyo agagaarkeedii, iyo Cabdoon iyo agagaarkeedii,

  • 78%

    24¶ Oo saamigii shanaadna wuxuu u soo baxay reer Aasheer sidii reerahoodii ahaayeen.

    25Oo soohdintooduna waxay ahayd Xelqad, iyo Xali, iyo Beten, iyo Akshaaf,

  • Yash 21:6-7
    2 aayado
    77%

    6¶ Oo reer Gershoonna waxay saami kaga heleen qolooyinkii reer Isaakaar, iyo reer Aasheer, iyo reer Naftaali, iyo reer Manaseh badhkoodii degganaa Baashaan saddex iyo toban magaalo.

    7¶ Oo reer Meraariina sidii ay reerahoodii ahaayeen waxay ka heleen reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Sebulun laba iyo toban magaalo.

  • 72Oo qabiilka reer Isaakaarna waxaa laga siiyey Qedesh iyo agagaarkeedii, iyo Daaberad iyo agagaarkeedii,

  • 20¶ Intanu waa dhaxalkii ay reer Yahuudah heleen sidii ay reerahoodu ahaayeen.

  • 62Oo reer Gershoomna sidii ay reerahoodu ahaayeen ayay saddex iyo toban magaalo uga heleen qabiilka reer Isaakaar, iyo qabiilka reer Aasheer, iyo qabiilka reer Naftaali, iyo qabiilka reer Manaseh oo Baashaan dhex deggan.

  • 28Kanu waa dhaxalkii ay reer Gaad u heleen sidii reerahoodu ahaayeen iyo magaalooyinkoodii iyo tuulooyinkoodii.

  • Yash 19:5-10
    6 aayado
    75%

    5iyo Siiqlag, iyo Beytmarkaabod, iyo Hasar Suusaah,

    6iyo Beytlebaa'ood, iyo Shaaruuhen, oo intaasu waa saddex iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii,

    7Cayn, iyo Rimmon, iyo Ceter, iyo Caashaan, oo intaasu waa afar magaalo iyo tuulooyinkoodii,

    8iyo tuulooyinkii ku wareegsanaa magaalooyinkaas oo dhan ee ku yiil tan iyo Bacalad Bi'ir, iyo Raamaahda Koonfureed. Intaasu waa dhaxalkii qabiilkii reer Simecoon sidii ay reerahoodii ahaayeen.

    9Oo qaybtii reer Yahuudah waxaa ku jiray dhaxalkii reer Simecoon, maxaa yeelay, reer Yahuudah qaybtoodu waa ku badnaa; sidaas daraaddeed reer Simecoon waxay dhaxal ka heleen dhaxalkii reer Yahuudah dhexdiisa.

    10¶ Oo saamigii saddexaadna wuxuu u soo baxay reer Sebulun siday reerahoodu ahaayeen, oo dhaxalkoodii soohdintiisuna waxay ahayd ilaa Saariid.

  • Yex 48:25-26
    2 aayado
    74%

    25Oo waxaa soohdinta reer Simecoon dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Isaakaar.

    26Oo waxaa soohdinta reer Isaakaar dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Sebulun.

  • 9Oo waxaa laga siiyey qabiilkii reer Yahuudah iyo qabiilkii reer Simecoon magaalooyinkan magacooda halkan lagu sheegayo.

  • 72%

    64Oo reer binu Israa'iilna waxay reer Laawi siiyeen magaalooyinkii iyo agagaarkoodii oo dhan.

    65Oo saami ahaan ayay magaalooyinkan la magacaabay uga siiyeen qabiilka reer Yahuudah, iyo qabiilka reer Simecoon, iyo qabiilka reer Benyaamiin.

  • Tir 1:28-29
    2 aayado
    72%

    28¶ Oo reer Isaakaarna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

    29intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Isaakaar waxay ahaayeen afar iyo konton kun iyo afar boqol.

  • 16iyo Cayn iyo agagaarkeedii, iyo Yutaah iyo agagaarkeedii, iyo Beytshemesh iyo agagaarkeedii, oo labadaas qabiil waxay ka heleen sagaal magaalo.

  • 9iyo xataa kulli magaalooyinkii loo soocay reer Efrayim ee ku dhex yiil dhaxalkii reer Manaseh, kuwaas oo ahaa magaalooyinkii oo dhan iyo tuulooyinkoodii.

  • 3Isaakaar, Sebulun, iyo Benyaamiin,

  • 28iyo Seelac, iyo Elef, iyo Yebuus (taasoo ah Yeruusaalem), iyo Gibecaad, iyo Qiryad, oo intaasu waa afar iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii. Intaasu waa dhaxalkii reer Benyaamiin siday reerahoodii ahaayeen.

  • 25Intaasu waa qabiilooyinkii reer Isaakaar, oo intii iyaga laga tiriyeyna waxay ahaayeen afar iyo lixdan kun iyo saddex boqol.

  • 11Oo reer Manaseh waxay reer Isaakaar iyo reer Aasheer ku dhex lahaayeen Beytshe'aan, iyo magaalooyinkeedii oo dhan, iyo Yiblecaam iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Door iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Ceyn Door iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Tacanaag, iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Megiddoo iyo magaalooyinkeedii, iyo xataa saddexdii meelood ee dhaadheerayd.

  • Yash 21:3-4
    2 aayado
    71%

    3Markaasaa reer binu Israa'iil waxay dhaxalkoodii reer Laawi ka siiyeen magaalooyinkaas iyo agagaarkooda sidii amarka Rabbigu ahaa.

    4¶ Markaasaa saami u soo baxay qolooyinkii reer Qohaad; oo reerkii wadaadkii Haaruun ahaa, kuwaasoo reer Laawi ka mid ahaa, waxay saami kaga heleen reer Yahuudah iyo reer Simecoon, iyo reer Benyaamiin saddex iyo toban magaalo.

  • 1¶ Oo saamigii labaadna wuxuu u soo baxay reer Simecoon, oo waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Simecoon u heleen siday reerahoodu ahaayeen. Oo dhaxalkooduna wuxuu ku dhex jiray dhaxalkii reer Yahuudah.

  • 42Magaalooyinkaas mid waluba waxay lahayd agagaarkeedii ku wareegsanaa; oo magaalooyinku dhammaantood sidaasay ahaayeen.

  • 18Oo markuu Sebulun u ducaynayayna wuxuu yidhi, Sebulunow, ku farax baxniintaada, Adiguna Isaakaarow, ku farax teendhooyinkaaga.

  • 20¶ Oo qolooyinkii reer Qohaad oo ahaa reer Laawi, xataa reer Qohaad intoodii hadhay, waxay magaalooyin saami uga heleen qabiilkii reer Efrayim.