Yashuuca 2:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Markaasaa Yashuuca ina Nuun wuxuu Shitiim si qarsoon uga diray laba nin oo basaasyo ah, oo wuxuu ku yidhi, Bal taga oo soo ilaaleeya dalka iyo magaalada Yerixoo. Markaasay tageen, oo waxay galeen guri naag dhillo ah oo magaceeda la odhan jiray Raxab, oo halkaasay jiifsadeen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Cib 11:31 : 31 Dhilladii Raxab rumaysadkeedii aawadiis lama ay halligmin kuwii caasiyiinta ahaa, maxaa yeelay, basaasyadii bay nabad ku dhowaysay.
  • Yac 2:25 : 25 Sidaas oo kale miyaan dhilladii Raxab ahayd shuqullo lagu caddayn inay xaq tahay kolkay soo dhowaysay basaasyadii oo ay jid kale u dirtay?
  • Tir 25:1 : 1 ¶ Oo reer binu Israa'iilna waxay iska degeen Shitiim, markaasay dadkii bilaabeen inay ka dhillaystaan gabdhihii reer Moo'aab,
  • Mat 1:5 : 5 Salmoonna wuxuu Raxab ka dhalay Bocas, Bocasna wuxuu Ruud ka dhalay Coobeed, Coobeedna wuxuu dhalay Yesay,
  • Mat 10:16 : 16 ¶ Waxaan idiin dirayaa sidii ido yeey ku dhex jira, sidaa darteed caqli u lahaada sida abeesooyin, oo u sir la'aada sida qoolleyo.
  • Ef 5:5 : 5 Waayo, taas waad taqaaniin in dhillay, ama qof wasakh ah, ama nin damac xun oo sanam caabudaa, uusan innaba dhaxal ku lahayn boqortooyada Masiix iyo Ilaah.
  • Tir 13:2 : 2 War waxaad dirtaa niman soo basaasa dalka reer Kancaan oo aan reer binu Israa'iil siinayo, oo qabiil walba waa inaad nin ka dirtaan, oo mid kastaaba ha ahaado amiir iyaga ku jira.
  • Tir 13:17-21 : 17 Markaasaa Muuse iyagii u diray inay dalkii reer Kancaan soo basaasaan, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Jidkan koonfureed xaggiisa u kaca oo buuraha fuula. 18 Oo waxaad soo fiirisaan dalku siduu yahay, iyo dadka degganu inay xoog badan yihiin iyo inay itaal yar yihiin, iyo inay tiro yar yihiin iyo inay tiro badan yihiin, 19 iyo dalka ay deggan yihiin siduu yahay inuu wanaagsan yahay iyo inuu xun yahay, iyo magaalooyinka ay deggan yihiin siday yihiin, inay xerooyin deggan yihiin iyo inay qalcado xoog badan ku jiraan, 20 iyo siduu dalku yahay inuu barwaaqaysan yahay iyo in kale, iyo inuu dhir leeyahay iyo in kale. Haddaba dhiirranaada oo dalka midhihiisa keena. Oo wakhtiguna wuxuu ahaa xilliga uu canabka hore bislaado. 21 Haddaba iyagii way tageen oo waxay soo basaaseen dalkii tan iyo cidlada Sin iyo ilaa Rexob oo ku taal meesha Xamaad laga galo.
  • Tir 33:49 : 49 Oo haddana waxay degeen Webi Urdun agtiisa tan iyo Beytyeshimood iyo xataa tan iyo Aabeel Shitiim oo ku yaal bannaanka dalka Moo'aab.
  • Yash 3:1 : 1 ¶ Markaasaa Yashuuca wuxuu kacay aroor hore, oo Shitiim way ka guureen, oo Webi Urdun yimaadeen, isagii iyo reer binu Israa'iil oo dhan, oo halkaasay degeen intaanay gudbin ka hor.
  • Yash 5:10 : 10 ¶ Oo reer binu Israa'iil waxay degeen Gilgaal; oo bisha maalinteedii afar iyo tobnaad markay fiidkii ahayd ayay bannaankii Yerixoo ku sameeyeen Iiddii Kormaridda.
  • Yash 6:1-9 : 1 ¶ (Haddaba Yerixoo waxaa loo xidhay reer binu Israa'iil aawadood; oo lamana geli jirin, lagamana bixi jirin.) 2 Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Bal eeg, adigaan gacanta kuu geliyey Yerixoo, iyo boqorkeeda, iyo ragga xoogga leh. 3 Oo waa inaad magaalada hareeraysaan, oo raggiinna dagaalyahannada ah oo dhammu magaalada mar ku soo wareega. Oo sidaas waxaad yeeshaan lix maalmood. 4 Oo toddoba wadaad waa inay sanduuqa hortiisa socdaan iyagoo wata toddoba buun oo wanan geesahood ah, oo maalinta toddobaad waa inaad magaalada ku soo wareegtaan toddoba jeer, oo wadaaddaduna waa inay buunanka afuufaan. 5 Oo markay aad u afuufaan buunanka wananka geesahooda ah, oo idinku aad maqashaan dhawaaqa buunka, dadka oo dhammu qaylo dheer waa inay ku qayliyaan, oo markaasaa derbiga magaaladu meeshiisa ku dhici doonaa, dadkuna waa inuu nin waluba hortiisa qummaati ugu socdaa. 6 Markaasaa Yashuuca ina Nuun wadaaddadii u yeedhay, oo ku yidhi, Sanduuqa axdiga kor u qaada, oo sanduuqa Rabbiga toddoba wadaad ha la hor socdeen toddoba buun oo wanan geesahood ah. 7 Oo waxay dadkii ku yidhaahdeen, Socda oo magaalada hareereeya, oo ragga hubka sitaana ha ka hor mareen sanduuqa Rabbiga. 8 Oo sidii bay noqotay. Markii Yashuuca la hadlay dadkii waxaa socday oo Rabbiga hortiisa maray toddobadii wadaad oo sidda toddobadii buun oo wanan geesahood ah; oo waxay afuufeen buunankii; oo sanduuqii axdiga Rabbiguna waa lala daba socday. 9 Oo raggii hubka sitayna waxay hor socdeen wadaaddadii buunanka afuufayay, oo ururkii intiisii kalena waxay daba socdeen sanduuqa, oo wadaaddaduna buunankay afuufayeen intay socdeen. 10 Oo Yashuuca wuxuu dadkii ku amray oo ku yidhi, Waa inaydnaan qaylin, codkiinnana waa inaan la maqlin, afkiinnana eray qudh ah yaanu ka soo bixin, ilaa maalintii aan idinku amro inaad qaylisaan; oo markaas waa inaad qaylisaan. 11 Oo sidaasuu sanduuqii Rabbiga ugu soo wareejiyey magaaladii, oo mar bay ku soo wareegeen hareeraheeda; oo markaasay ku noqdeen xeradii, waxayna u hoydeen xeradii. 12 ¶ Markaasaa Yashuuca wuxuu kacay aroor hore, oo wadaaddadiina waxay kor u qaadeen sanduuqii Rabbiga. 13 Toddobadii wadaad oo sidday toddobadii buun oo wanan geesahood ahna, waxay had iyo goorba hor socdeen sanduuqii Rabbiga, oo waxay afuufeen buunankii; oo raggii hubka sitayna iyagay ka horreeyeen; ururkii intiisii kalena waxay daba socdeen sanduuqii Rabbiga, wadaaddaduna waxay afuufayeen buunankii intay socdeen. 14 Oo maalintii labaadna mar bay ku soo wareegeen magaaladii, oo waxay ku noqdeen xeradii; oo sidaasay intii lix maalmood ah yeeleen. 15 Oo maalintii toddobaad aroor horay keceen markii waagu beryay, oo sidii oo kale ayay magaaladii toddoba jeer ugu soo wareegeen; laakiin maalintaas ayay magaalada toddoba jeer ku soo wareegeen. 16 Oo markii toddobaad, markii wadaaddadii afuufeen buunankii ayaa Yashuuca dadkii ku yidhi, Qayliya, waayo, Rabbigu waa idin siiyey magaalada. 17 Oo magaalada waa inay xaaraan ka noqoto cid kale Rabbiga mooyaane, iyada iyo waxa gudaheeda ku jiraba; waxaa keliyahoo ka noolaanaya dhillada la yidhaahdo Raxab iyo inta guriga kula jirta oo dhan, maxaa yeelay, waxay qarisay basaasyadii aannu dirnay. 18 Oo idinku waa inaad si walba isaga dhawrtaan waxa la xarrimay, waayo, waaba intaasoo markii aad xarrintaan, aad haddana wax ka qaadataan alaabtii la xarrimay. Sidaas haddaad yeeshaan waxaad xaaraan ka dhigi doontaan oo aad dhibi doontaan xerada reer binu Israa'iil. 19 Laakiinse lacagta, iyo dahabka, iyo alaabta naxaasta iyo birta ah oo dhammu waxay quduus u yihiin Rabbiga, oo iyaga waa in la soo geliyaa khasnadda Rabbiga. 20 Sidaas daraaddeed dadkii way qayliyeen, oo wadaaddadiina buunankii bay afuufeen, oo markii dadkii maqleen dhawaaqii buunka ayaa dadkii ku qayliyey qaylo dheer, oo markaasaa derbigii meeshiisii ku dhacay, oo sidaasay dadkiina ku galeen magaaladii, oo nin waluba hortiisuu qummaati ugu socday, oo magaaladii bay qaateen. 21 Markaasay wax alla wixii magaalada ku jiray wada baabbi'iyeen, raggii iyo dumarkii, iyo dhallinyaradii iyo kuwii da'da weynaaba, iyo dibidii iyo idihii, iyo dameerradiiba, kulli waxay ku laayeen seef. 22 Oo Yashuuca wuxuu ku yidhi labadii nin oo dalka soo basaastay, Gurigii dhillada gala, oo ka soo bixiya naagtii, iyo wax alla waxa ay haysato sidii aad iyada ugu dhaarateen. 23 Oo markaasay dhallinyaradii basaasyada ahaa gurigii galeen oo soo bixiyeen Raxab, iyo aabbeheed iyo hooyadeed, iyo walaalaheed, iyo wixii ay haysatay oo dhan, oo qaraabadeedii oo dhanna way soo bixiyeen, oo waxay geeyeen xeradii reer binu Israa'iil dibaddeeda. 24 Markaasay magaaladii iyo wixii ku jirayba dab ku gubeen, oo waxay keliyahoo khasnaddii Rabbiga geliyeen lacagtii iyo dahabkii, iyo alaabtii naxaasta iyo birta ahayd. 25 Laakiinse wuxuu Yashuuca badbaadiyey dhilladii Raxab, iyo reerkii aabbeheed, iyo wixii ay haysatay oo dhan, oo ilaa maantadan la joogo waxay dhex deggan tahay reer binu Israa'iil, waayo, waxay qarisay basaasyadii Yashuuca u diray inay Yerixoo soo basaasaan.
  • Yash 21:31 : 31 iyo Xelqad iyo agagaarkeedii, iyo Rexob iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo.
  • Xaak 18:2 : 2 Markaasay reer Daan qabiilkoodii oo dhan ka direen shan nin oo xoog leh, oo waxay ka direen Sorcaah iyo Eshtaa'ool, inay dalka soo basaasaan oo ay soo baadhaan; oo waxay ku yidhaahdeen, Taga oo dalka soo baadha. Markaasay yimaadeen gurigii Miikaah oo ku yiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, oo meeshaasay u hoydeen.
  • Xaak 18:14 : 14 Kolkaasaa shantii nin oo waddanka Layish soo basaastay waxay ku jawaabeen oo walaalahood ku yidhaahdeen, War ma og tihiin inay guryahan ku jiraan eefod iyo teraafiim, iyo sanam xardhan iyo sanam la shubay? Haddaba sidaas daraaddeed ka fiirsada waxaad samayn lahaydeen.
  • Xaak 18:17 : 17 Markaasay shantii nin oo dalka soo basaastay yimaadeen oo gudaha galeen, oo waxay soo qaateen sanamkii xardhanaa, iyo eefodkii, iyo teraafiimkii, iyo sanamkii la shubay; oo wadaadkiina wuxuu iridda laga soo galo isla taagay lixdii boqol oo nin ee xidhnayd hubka dagaalka.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yash 2:2-8
    7 aayado
    87%

    2Oo markaasaa boqorkii Yerixoo loo sheegay oo lagu yidhi, Niman reer binu Israa'iil ah ayaa caawa magaalada yimid si ay dalka u ilaaleeyaan.

    3Markaasaa boqorkii Yerixoo cid u diray Raxab, oo ku yidhi, Soo bixi nimankii kuu yimid oo gurigaaga galay, waayo, waxay u yimaadeen si ay dalka oo dhan u ilaaleeyaan.

    4Laakiin naagtii mar horay kaxaysay labadii nin, wayna qarisay; oo waxay tidhi, Haah, nimankii waa ii yimaadeen, laakiinse ma aan garanaynin meel ay ka yimaadeen,

    5oo markii iridda la xidhi lahaa oo ay gudcur noqotay ayay nimankii baxeen. Meeshii nimankii tageenna anigu garan maayo; haddaba dhaqso u raacdeeya, waayo, waad gaadhi karaysaan.

    6Laakiinse waxay iyagii keentay saqafkii dushiisa, oo waxay ku qarisay caws linen la yidhaahdo oo ay qummaati ugu dhigtay saqafka dushiisa.

    7Nimankiina markaasay u raacdaysteen xagga Webi Urdun ilaa meeshii laga gudbi jiray; oo isla markii kuwii iyaga raacdaynayay baxeen ayaa iriddii la xidhay.

    8Oo intaanay seexan ka hor ayaa naagtii saqafkii ugu timid iyagii,

  • Yash 6:22-26
    5 aayado
    86%

    22Oo Yashuuca wuxuu ku yidhi labadii nin oo dalka soo basaastay, Gurigii dhillada gala, oo ka soo bixiya naagtii, iyo wax alla waxa ay haysato sidii aad iyada ugu dhaarateen.

    23Oo markaasay dhallinyaradii basaasyada ahaa gurigii galeen oo soo bixiyeen Raxab, iyo aabbeheed iyo hooyadeed, iyo walaalaheed, iyo wixii ay haysatay oo dhan, oo qaraabadeedii oo dhanna way soo bixiyeen, oo waxay geeyeen xeradii reer binu Israa'iil dibaddeeda.

    24Markaasay magaaladii iyo wixii ku jirayba dab ku gubeen, oo waxay keliyahoo khasnaddii Rabbiga geliyeen lacagtii iyo dahabkii, iyo alaabtii naxaasta iyo birta ahayd.

    25Laakiinse wuxuu Yashuuca badbaadiyey dhilladii Raxab, iyo reerkii aabbeheed, iyo wixii ay haysatay oo dhan, oo ilaa maantadan la joogo waxay dhex deggan tahay reer binu Israa'iil, waayo, waxay qarisay basaasyadii Yashuuca u diray inay Yerixoo soo basaasaan.

    26Markaasaa Yashuuca dhaariyey, oo wuxuu iyagii ku amray, oo ku yidhi, Kii kaca oo dhisa magaalada Yerixoo Rabbiga hortiisa inkaaru ha ku dhacdo. Markuu aasaaskeeda dhigo curadkiisuu waayi doonaa, markuu irdaheeda dhisona wiilkiisa ugu yar.

  • 17Oo magaalada waa inay xaaraan ka noqoto cid kale Rabbiga mooyaane, iyada iyo waxa gudaheeda ku jiraba; waxaa keliyahoo ka noolaanaya dhillada la yidhaahdo Raxab iyo inta guriga kula jirta oo dhan, maxaa yeelay, waxay qarisay basaasyadii aannu dirnay.

  • 2¶ Oo Yashuuca wuxuu niman ka diray Yerixoo oo u diray Aacii, taasoo ku tiil Beytaawen dhinaceeda, oo xagga bari ka jirtay Beytel. Oo intuu la hadlay wuxuu iyagii ku yidhi, Bal taga oo dalka soo basaasa. Oo nimankii intay tageen ayay Aacii soo basaaseen.

  • 31Dhilladii Raxab rumaysadkeedii aawadiis lama ay halligmin kuwii caasiyiinta ahaa, maxaa yeelay, basaasyadii bay nabad ku dhowaysay.

  • Yash 3:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Markaasaa Yashuuca wuxuu kacay aroor hore, oo Shitiim way ka guureen, oo Webi Urdun yimaadeen, isagii iyo reer binu Israa'iil oo dhan, oo halkaasay degeen intaanay gudbin ka hor.

    2Oo saddex maalmood dabadeed saraakiishii xeraday dhex mareen,

  • 25Sidaas oo kale miyaan dhilladii Raxab ahayd shuqullo lagu caddayn inay xaq tahay kolkay soo dhowaysay basaasyadii oo ay jid kale u dirtay?

  • Yash 2:15-16
    2 aayado
    72%

    15Kolkaasay xadhig daaqadda kaga dhex dejisay, waayo, gurigeedu wuxuu ku yiil magaalada derbigeeda, oo waxay degganayd derbiga dushiisa.

    16Oo waxay iyagii ku tidhi, Buurta xaggeeda taga, yaan raacdadu idin heline, oo intii saddex maalmood ah halkaas ku dhuunta, ilaa ay raacdadu ka soo noqonayso; dabadeedna jidkiinna iska mara.

  • Yash 2:21-23
    3 aayado
    72%

    21Kolkaasay waxay ku tidhi, Sidaad tidhaahdeen ha ahaato. Kolkaasay iska dirtay, oo iyana way ka tageen; markaasay xadhiggii guduudnaa daaqaddii ku xidhay.

    22Kolkaasay tageen, oo waxay yimaadeen buurtii, oo halkaasay saddex maalmood joogeen, ilaa ay raacdadii ka soo noqotay; oo raacdadiina jidka oo dhan bay ka doondooneen, laakiinse ma ay helin.

    23Markaasaa labadii nin noqdeen; buurtii bay ka degeen, oo intay webigii gudbeen ayay u yimaadeen Yashuuca ina Nuun; kolkaasay u sheegeen wixii ku dhacay oo dhan.

  • 9Markaasaa Yashuuca iyagii diray; oo waxay tageen meeshii gaadmada, oo waxay joogeen meel u dhaxaysa Beytel iyo Aacii, oo galbeed ka xigta Aacii; laakiinse habeenkaas Yashuuca dadkii buu ku dhex baryay.

  • Yash 6:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ (Haddaba Yerixoo waxaa loo xidhay reer binu Israa'iil aawadood; oo lamana geli jirin, lagamana bixi jirin.)

    2Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Bal eeg, adigaan gacanta kuu geliyey Yerixoo, iyo boqorkeeda, iyo ragga xoogga leh.

  • 13Markaasay diyaariyeen dadkii oo dhan, xataa ciidankii magaalada xagga woqooyi ka xigay oo dhan, iyo kuwoodii gaadmada ugu qarsoonaa magaalada xaggeeda galbeed, oo Yashuucana habeenkaas wuxuu dhaxay dooxadii dhexdeeda.

  • 1¶ Oo reer binu Israa'iilna waxay iska degeen Shitiim, markaasay dadkii bilaabeen inay ka dhillaystaan gabdhihii reer Moo'aab,

  • Yash 18:8-9
    2 aayado
    69%

    8Markaasaa raggii kaceen oo tageen; oo kuwii tegey inay dalka soo tilmaamaan Yashuuca ayaa ku amray, oo ku yidhi, Taga oo dalka dhex mara, oo soo tilmaama, oo haddana aniga ii kaalaya, oo markaasaan halkan Shiiloh ah idiinku saami ridi doonaa Rabbiga hortiisa.

    9Markaasay raggii tageen oo dalkii soo dhex mareen, oo waxay soo kala tilmaameen magaalooyinkii oo toddoba meelood u kala qaybsan, oo waxayna ku soo qoreen buug, oo markaasay u yimaadeen Yashuuca oo joogay xerada Shiiloh ku taal.

  • 22Markaasaa Yashuuca cid u diray, oo teendhaday ku ordeen, oo bal eeg, alaabtii waxay ku qarsoonayd teendhadiisii, oo waxaa ka hoosaysay lacagtii.

  • Xaak 1:23-24
    2 aayado
    68%

    23Oo reer Yuusufna waxay Beytel u direen ilaallo soo basaasta. (Magaaladaas markii hore waxaa magaceeda la odhan jiray Luus.)

    24Markaasaa ilaaladii waxay arkeen nin magaalada ka soo baxaya, oo waxay ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, na tus iridda magaalada laga galo, oo annaguna wanaag baannu kuu falaynaa.

  • Tir 13:16-17
    2 aayado
    67%

    16Intaasu waa magacyadii nimankii Muuse u diray inay dalka soo basaasaan. Markaasaa Muuse wuxuu Hoosheeca ina Nuun u bixiyey Yashuuca.

    17Markaasaa Muuse iyagii u diray inay dalkii reer Kancaan soo basaasaan, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Jidkan koonfureed xaggiisa u kaca oo buuraha fuula.

  • 2Markaasay reer Daan qabiilkoodii oo dhan ka direen shan nin oo xoog leh, oo waxay ka direen Sorcaah iyo Eshtaa'ool, inay dalka soo basaasaan oo ay soo baadhaan; oo waxay ku yidhaahdeen, Taga oo dalka soo baadha. Markaasay yimaadeen gurigii Miikaah oo ku yiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, oo meeshaasay u hoydeen.

  • 21Haddaba iyagii way tageen oo waxay soo basaaseen dalkii tan iyo cidlada Sin iyo ilaa Rexob oo ku taal meesha Xamaad laga galo.

  • 13¶ Oo markii Yashuuca joogay Yerixoo agteeda ayuu indhihiisa kor u taagay oo wax fiiriyey, oo wuxuu arkay nin isaga ka soo hor jeeda oo seeftiisii oo gal la' gacanta ku haysta. Markaasaa Yashuuca intuu u tegey ku yidhi, War ma annagaad nala gees tahay mise colkayagaad la gees tahay?

  • 12¶ Oo Yashuuca wuxuu la hadlay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilka reer Manaseh badhkiis, oo wuxuu ku yidhi,

  • 6Oo waxay u tageen Yashuuca oo jooga xeradii ku tiil Gilgaal, oo waxay ku yidhaahdeen isagii iyo raggii reer binu Israa'iilba, Annagu waxaannu ka nimid dal fog; haddaba sidaas daraaddeed axdi nala dhigta.

  • 3¶ Laakiinse dadkii Gibecoon degganaa markay maqleen wixii Yashuuca ku sameeyey Yerixoo iyo Aacii,

  • 1¶ Oo markii quruuntii oo dhammu ay ka wada gudubtay Webi Urdun, ayaa Rabbigu Yashuuca la hadlay, oo ku yidhi,

  • 6Oo Yashuuca ina Nuun iyo Kaaleeb ina Yefunneh oo kuwii dalka soo basaasay ka mid ahaa ayaa dharkoodii iska jeexjeexay,

  • 11Oo sidaasuu sanduuqii Rabbiga ugu soo wareejiyey magaaladii, oo mar bay ku soo wareegeen hareeraheeda; oo markaasay ku noqdeen xeradii, waxayna u hoydeen xeradii.

  • 1¶ Markaasaa reer binu Israa'iil guureen, oo waxay degeen bannaanka Moo'aab oo Webi Urdun ka shisheeya oo Yerixoo ka soo hor jeeda.

  • 4Oo wuxuu ku amray oo ku yidhi, Bal maqla, waxaad gaaddaan magaalada xaggeeda dambe, oo ha ka fogaanina magaalada, laakiinse kulligiin diyaar ahaada;