Yashuuca 5:15

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa kii ciidanka Rabbiga madax u ahaa wuxuu Yashuuca ku yidhi, Kabtaada iska siib, waayo, meeshaad ku taagan tahay waa quduus. Oo Yashuucana sidaasuu yeelay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 3:5 : 5 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Halkan ha u soo dhowaan, kabahana iska siib, waayo, meesha aad taagan tahay waa dhul quduus ah.
  • Fal 7:32-33 : 32 Anigu waxaan ahay Ilaaha awowayaashaa, Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub. Markaasaa Muuse gariiray oo ku dhici waayay inuu eego. 33 Markaasaa Rabbigu isaga ku yidhi, Kabaha cagahaaga ka furfur; maxaa yeelay, meesha aad ku taagan tahay waa dhul quduus ah.
  • 2 But 1:18 : 18 Oo codkaas aannu maqalnay wuxuu ka yimid samada markii aannu buurta quduuska ah isaga la joognay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yash 5:13-14
    2 aayado
    85%

    13¶ Oo markii Yashuuca joogay Yerixoo agteeda ayuu indhihiisa kor u taagay oo wax fiiriyey, oo wuxuu arkay nin isaga ka soo hor jeeda oo seeftiisii oo gal la' gacanta ku haysta. Markaasaa Yashuuca intuu u tegey ku yidhi, War ma annagaad nala gees tahay mise colkayagaad la gees tahay?

    14Markaasuu isna wuxuu ku yidhi, Maya; laakiinse waxaan haatan u imid inaan madax u ahaado ciidanka Ilaah. Markaasaa Yashuuca wejigiisii dhulka saaray, wuuna sujuuday, oo wuxuu isagii ku yidhi, Sayidkaygiiyow, maxaad anoo addoonkaaga ah igu odhan lahayd?

  • 5Markaasuu wuxuu ku yidhi, Halkan ha u soo dhowaan, kabahana iska siib, waayo, meesha aad taagan tahay waa dhul quduus ah.

  • 33Markaasaa Rabbigu isaga ku yidhi, Kabaha cagahaaga ka furfur; maxaa yeelay, meesha aad ku taagan tahay waa dhul quduus ah.

  • Yash 4:14-18
    5 aayado
    78%

    14Oo maalintaas Rabbigu wuxuu Yashuuca ku weyneeyey reer binu Israa'iil oo dhan hortooda; oo cimrigiisii oo dhanba way ka cabsadeen isagii, sidii ay Muuse uga baqi jireen oo kale.

    15¶ Markaasaa Rabbigu Yashuuca la hadlay, oo ku yidhi,

    16Wadaaddada sanduuqa maragga sida waxaad ku amartaa inay ka soo baxaan Webi Urdun.

    17Oo sidaas daraaddeed Yashuuca baa amray wadaaddadii, oo ku yidhi, Ka soo baxa Webi Urdun.

    18Oo markii wadaaddadii siday sanduuqa axdigii Rabbiga ay ka soo dhex bexeen Webi Urdun, oo ay cagaha u qaadeen dhul engegan, ayay biyihii Webi Urdun meeshoodii ku soo noqdeen, oo ay qararkiisii oo dhan ka daateen sidii markii hore.

  • Sak 3:3-7
    5 aayado
    76%

    3Haddaba Yashuuca dhar wasakhaysan buu qabay, oo wuxuu istaagay malagga hortiisii.

    4Isagu wuu jawaabay oo la hadlay kuwii isaga hor taagnaa, oo wuxuu ku yidhi, Dharka wasakhaysan isaga ka fura. Kolkaasuu isagiina ku yidhi, Bal eeg, xumaantaadii waan kaa qaaday oo waxaan kuu xidhi doonaa dhar aad u wanaagsan.

    5Oo anna markaasaan idhi, Duub daahirsan madaxa ha loo saaro. Markaasaa duub daahirsan madaxa loo saaray, oo dhar baa loo xidhay, oo malaggii Rabbiga ayaa ag istaagay.

    6Markaasaa malaggii Rabbigu u caddeeyey Yashuuca, oo wuxuu ku yidhi,

    7Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddaad jidadkayga ku socotid, oo aad amarkayga xajisid, markaas waxaad xukumi doontaa gurigayga, oo weliba waxaad dhawri doontaa barxadahayga, oo anna kuwa halkan taagan dhexdooda ayaan kaa siin doonaa meel aad soo gashid.

  • 10Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Sara joogso, maxaad sidaas wejigaaga isugu tuurtay?

  • Yash 3:5-9
    5 aayado
    73%

    5Markaasaa Yashuuca wuxuu dadkii ku yidhi, Quduus iska dhiga, waayo, berri Rabbigu wuxuu dhexdiinna ku samayn doonaa waxyaalo yaab leh.

    6Oo Yashuuca wadaaddadii buu la hadlay, oo ku yidhi, Sanduuqa axdiga qaada, oo dadka ka hor gudba. Kolkaasay waxay qaadeen sanduuqii axdiga, oo dadkiina way ka hor mareen.

    7Markaasaa Rabbigu Yashuuca ku yidhi, Maantaan bilaabayaa inaan kugu weyneeyo reer binu Israa'iil hortooda, inay ogaadaan in sidii aan Muuse ula jiray, aan adigana kuula jiri doono.

    8Oo waa inaad amartaa wadaaddada sanduuqa axdiga sida, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markii aad gaadhaan biyaha Webi Urdun qarkooda waa inaad Webi Urdun isdhex taagtaan.

    9¶ Markaasaa Yashuuca wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Kaalaya halkan, oo maqla erayada Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 1¶ Oo markii quruuntii oo dhammu ay ka wada gudubtay Webi Urdun, ayaa Rabbigu Yashuuca la hadlay, oo ku yidhi,

  • 6Markaasaa Yashuuca intuu dharkiisii jeexjeexay ayuu wejiga dhulka saaray oo wuxuu ku hor sujuuday sanduuqii Rabbiga tan iyo fiidkii, isaga iyo waayeellada reer binu Israa'iilba; oo waxay madaxa iska mariyeen boodh.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Yashuuca la hadlay, oo ku yidhi,

  • Yash 1:9-11
    3 aayado
    71%

    9Miyaanan kugu amrin? Xoog yeelo, oo aad u dhiirranow. Ha cabsan, hana qalbi jabin, waayo, Rabbiga Ilaahaaga ahu wuu kula jiraa meel kastoo aad tagtidba.

    10¶ Markaasaa Yashuuca wuxuu amray saraakiishii dadka, oo ku yidhi,

    11Bal xerada dhex mara, oo waxaad dadka ku amartaan, oo ku tidhaahdaan, Saadkiinna diyaarsada, waayo, saddex maalmood waa inaad kaga gudubtaan webigan Urdun inaad gashaan oo hantidaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu hanti ahaan idiin siinayo.

  • 24Oo markay boqorradii u keeneen Yashuuca ayuu u yeedhay raggii reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu raggii dagaalyahannada ahaa oo isaga raacay madaxdoodii ku yidhi, Soo dhowaada, oo boqorradan qoorta kaga joogsada. Oo kolkaasay soo dhowaadeen, oo boqorradii qoorta kaga joogsadeen.

  • 23Kolkaasuu yidhi, Haddaba iska fogeeya ilaahyada qalaad oo idinku dhex jira, oo qalbigiinna u jeediya Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • 13Oo markii wadaaddada sida sanduuqa Rabbiga ah Rabbiga dhulka oo dhan ay calaacalaha cagahoodu taabtaan biyaha Webi Urdun, ayaa biyaha Webi Urdun kala go'i doonaan, kuwaasoo ah biyaha kor ka imanaya, oo markaasay meel istaagi doonaan iyagoo tuulan.

  • 5Rabbiga Ilaaheenna ah sarraysiiya, Oo meeshuu cagaha saartona ku sujuuda, Isagu waa quduus.

  • Yash 1:1-3
    3 aayado
    70%

    1¶ Addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa markuu dhintay dabadeed, Rabbigu wuxuu la hadlay Yashuuca ina Nuun, oo Muuse midiidin u ahaa, oo wuxuu ku yidhi,

    2Addoonkaygii Muuse ahaa waa dhintay, haddaba kac, oo webigan Urdun ka tallaaba, adiga iyo dadkan oo dhammuba, oo waxaad u gudubtaan dalka aan siinayo iyaga, kuwaasoo ah reer binu Israa'iil.

    3Meel kasta oo aad cagta dhigtaanba waan idin siiyey, sidaan Muuse ugu sheegay.

  • 9Oo Yashuuca wuxuu laba iyo toban dhagax qotomiyey Webi Urdun dhexdiisa, taasoo ah meeshii wadaaddada sida sanduuqa axdiga ay cagahoodu istaageen; oo ilaa maantadan weli meeshii bay jiraan.

  • 18Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Waxaad soo waddaa Yashuuca ina Nuun oo ah nin Ruuxu ku jiro, oo gacanta dul saar isaga.

  • 9Oo Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Maantaan idinka rogay ceebtii Masar, oo sidaas daraaddeed meeshaas ilaa maantadan la joogo waxaa lagu magacaabaa Gilgaal.

  • 11Bal eega, Rabbiga dhulka oo dhan sanduuqiisii axdiga ayaa idin hor maraya xagga Webi Urdun dhexdiisa.

  • 15Wixii Rabbigu addoonkiisii Muuse ahaa ku amray ayuu Muusena Yashuuca ku amray, oo Yashuucana sidaasuu yeelay, oo kulli wixii Rabbigu Muuse ku amray wax aanu samayn ma jirin.

  • 22Markaasaa Muuse yeelay sidii Rabbigu ku amray, oo wuxuu soo waday Yashuuca, kolkaasuu soo hor taagay wadaadkii Elecaasaar ahaa iyo shirkii oo dhan.

  • 14Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu xeradiinnuu dhex socdaa inuu idin samatabbixiyo oo uu cadaawayaashiinnana gacantiinna soo geliyo, oo sidaas daraaddeed xeradiinnu waa inay quduus ahaataa si uusan dhexdiinna ugu arag wax nijaas ah oo uusan idiinka sii jeesan.

  • 1¶ Markaasaa Yashuuca wuxuu kacay aroor hore, oo Shitiim way ka guureen, oo Webi Urdun yimaadeen, isagii iyo reer binu Israa'iil oo dhan, oo halkaasay degeen intaanay gudbin ka hor.

  • 6Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Ha ka cabsan iyaga, waayo, berri hadda oo kale ayaan reer binu Israa'iil gacanta u gelin doonaa, iyagoo la wada laayay. Oo waa inaad fardahooda boqno gooysaa, oo gaadhifardoodkoodana waa inaad dab ku gubtaa.

  • 13Bal xusuusta eraygii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinku amray isagoo leh, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa idin nasinayaa, oo wuxuu idin siin doonaa dalkan.

  • 3oo waxaad iyaga ku amartaa oo ku tidhaahdaa, Webi Urdun dhexdiisa oo ah meeshii cagaha wadaaddadu istaageen, waxaad ka qaaddaan laba iyo toban dhagax, oo waxaad ula gudubtaan dhanka kale, oo waxaad dhigtaan meeshaad caawa ku dhaxaysaan.

  • 16Markaasay Yashuuca ugu jawaabeen, Kulli wixii aad nagu amartay oo dhan waannu yeeli doonnaa, oo meel alla meeshii aad noo dirtoba waannu tegi doonnaa.