Yashuuca 7:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo markaasay ka bixiyeen teendhadii dhexdeedii, oo waxay u keeneen Yashuuca, iyo reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxay hor dhigeen Rabbiga.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yash 7:24-26
    3 aayado
    86%

    24Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhan oo isaga la jira waxay qaadeen Caakaan ina Serax, iyo lacagtii, iyo dharkii, iyo wasladdii dahabka ahayd, iyo Caakaan wiilashiisii, iyo gabdhihiisii, iyo dibidiisii, iyo dameerradiisii, iyo idihiisii, iyo teendhadiisii, iyo wixii uu haystay oo dhan; oo waxay keeneen dooxadii Caakoor.

    25Markaasaa Yashuuca wuxuu yidhi, War maxaad noo dhibtay? Rabbiguna maantuu ku dhibi doonaaye. Markaasaa reer binu Israa'iil oo dhammu waxay isaga la dheceen dhagaxyo; oo haddana waxay iyaga ku gubeen dab, oo dhagaxyona way la dheceen.

    26Oo waxay ku kor tuuleen dhagaxyo badan oo jira ilaa maantadan la joogo. Markaasaa Rabbigu ka soo noqday cadhadiisii kululayd. Sidaas daraaddeed meeshaas magaceedii waxaa loo bixiyey Dooxadii Caakoor, oo waa loo yaqaanna ilaa maantadan la joogo.

  • Yash 7:13-22
    10 aayado
    79%

    13Kac, oo dadka quduus ka dhig, oo waxaad ku tidhaahdaa, Berri quduus iska dhiga, waayo, Rabbiga ah Ilaaha Israa'iil wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, waxaa idinku dhex jira alaab la xarrimay, oo isma aad hor taagi kartaan cadaawayaashiinna, ilaa aad dhexdiinna ka fogaysaan alaabtii la xarrimay.

    14Haddaba aroorta waxaa laydiin soo dhowayn doonaa qabiil qabiil, oo qabiilkii Rabbigu soo sooco ha ii soo dhowaado iyagoo reer reer ah; oo haddana reerkii Rabbigu soo sooco, ha iigu soo dhowaadeen xaas xaas; oo haddana xaaskii Rabbigu soo sooco nin nin ha iigu soo dhowaadeen.

    15Oo kii laga helo alaabtii la xarrimay dab baa lagu gubi doonaa isaga iyo wuxuu haysto oo dhanba; maxaa yeelay, wuxuu ku xadgudbay axdigii Rabbiga, oo wuxuu reer binu Israa'iilna ku dhex sameeyey xumaan.

    16¶ Markaasaa Yashuuca wuxuu kacay aroor hore, oo wuxuu reer binu Israa'iil u soo dhoweeyey qabiil qabiil, oo markaasaa waxaa la soocay qabiilkii Yahuudah.

    17Markaasuu hadda wuxuu soo dhoweeyey qabiilkii Yahuudah; oo wuxuu ka soocay reerkii Serax. Markaasuu xaaskii Serax u soo dhoweeyey nin nin, oo waxaa lala baxay Sabdii.

    18Markaasuu reerkiisii nin nin u soo dhoweeyey, kolkaasaa waxaa la soocay Caakaan ina Karmii, ina Sabdii, oo ahaa ina Serax ee qabiilkiisuna ahaa Yahuudah.

    19Markaasaa Yashuuca wuxuu Caakaan ku yidhi, Wiilkaygiiyow, waan ku baryayaaye, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ammaan, oo isaga wax u qiro; oo anna hadda ii sheeg waxaad samaysay, oo ha iga qarinin.

    20Markaasaa Caakaan wuxuu Yashuuca ugu jawaabay, Sida runta ah waan ku dembaabay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, oo waxaan sameeyey sidaas iyo sidaas:

    21markaan alaabtii boolida ahayd ku dhex arkay dhar wanaagsan oo Baabuloon laga keenay, iyo laba boqol oo sheqel oo lacag ah, iyo waslad dahab ah oo miisaankeedu yahay konton sheqel ayaan damcay, oo qaatay, oo bal eeg waxay haatan ku qarsoon yihiin dhulka meel teendhadayda dhexdeeda ah, lacagtuna way ka hoosaysaa.

    22Markaasaa Yashuuca cid u diray, oo teendhaday ku ordeen, oo bal eeg, alaabtii waxay ku qarsoonayd teendhadiisii, oo waxaa ka hoosaysay lacagtii.

  • Yash 7:1-2
    2 aayado
    78%

    1¶ Laakiinse reer binu Israa'iil waxay ku xadgudbeen alaabtii la xarrimay, waayo, waxaa alaabtii la xarrimay qaar qaatay Caakaan ina Karmii, ina Sabdii, oo ahaa ina Serax, oo ahaa qabiilka Yahuudah; oo markaasaa Rabbigu aad ugu cadhooday reer binu Israa'iil.

    2¶ Oo Yashuuca wuxuu niman ka diray Yerixoo oo u diray Aacii, taasoo ku tiil Beytaawen dhinaceeda, oo xagga bari ka jirtay Beytel. Oo intuu la hadlay wuxuu iyagii ku yidhi, Bal taga oo dalka soo basaasa. Oo nimankii intay tageen ayay Aacii soo basaaseen.

  • 11Reer binu Israa'iil way dembaabeen; xataa weliba waxay ku xadgudbeen axdigaygii aan iyaga ku amray; xataa waxay wax ka qaadeen alaabtii la xarrimay, oo wax bay xadeen, khiyaanana way sameeyeen, oo waxay weliba ku dhex darsadeen alaabtoodii.

  • Yash 4:8-9
    2 aayado
    74%

    8Oo reer binu Israa'iil waxay yeeleen sidii Yashuuca ku amray, oo waxay Webi Urdun dhexdiisa ka qaadeen laba iyo toban dhagax, oo ah intii qabiilooyinka reer binu Israa'iil tiradoodu ahayd sidii Rabbigu u sheegay Yashuuca, oo waxay u gudbiyeen meeshii ay ku dhaxeen, oo halkaasay dhigeen.

    9Oo Yashuuca wuxuu laba iyo toban dhagax qotomiyey Webi Urdun dhexdiisa, taasoo ah meeshii wadaaddada sida sanduuqa axdiga ay cagahoodu istaageen; oo ilaa maantadan weli meeshii bay jiraan.

  • 12Oo maxaabiistii iyo boolidii iyo wixii la soo dhacay waxay u keeneen Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan oo joogay xeradii ku tiil bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa oo Yerixoo ka soo hor jeeday.

  • Yash 7:6-7
    2 aayado
    73%

    6Markaasaa Yashuuca intuu dharkiisii jeexjeexay ayuu wejiga dhulka saaray oo wuxuu ku hor sujuuday sanduuqii Rabbiga tan iyo fiidkii, isaga iyo waayeellada reer binu Israa'iilba; oo waxay madaxa iska mariyeen boodh.

    7Markaasaa Yashuuca wuxuu yidhi, Way, Sayidow, Rabbiyow, ma waxaad dadkan Webi Urdun uga soo gudbisay inaad nagu riddo gacmaha reer Amor iyo inaad na halligto? Waxaa noo wanaagsanaan lahaa inaannu degno Webi Urdun shishadiisa oo halkaas raalli ku ahaanno.

  • Yash 6:22-24
    3 aayado
    73%

    22Oo Yashuuca wuxuu ku yidhi labadii nin oo dalka soo basaastay, Gurigii dhillada gala, oo ka soo bixiya naagtii, iyo wax alla waxa ay haysato sidii aad iyada ugu dhaarateen.

    23Oo markaasay dhallinyaradii basaasyada ahaa gurigii galeen oo soo bixiyeen Raxab, iyo aabbeheed iyo hooyadeed, iyo walaalaheed, iyo wixii ay haysatay oo dhan, oo qaraabadeedii oo dhanna way soo bixiyeen, oo waxay geeyeen xeradii reer binu Israa'iil dibaddeeda.

    24Markaasay magaaladii iyo wixii ku jirayba dab ku gubeen, oo waxay keliyahoo khasnaddii Rabbiga geliyeen lacagtii iyo dahabkii, iyo alaabtii naxaasta iyo birta ahayd.

  • 27Oo kolkay qorraxdu dhacday ayaa Yashuuca amray in laga soo dejiyo geedihii, oo kolkaasay ku tuureen godkii ay markii hore ku dhuunteen, oo markaasay dhagaxyo waaweyn godkii afkiisii saareen, oo waa sidii ilaa maantadan.

  • 5Oo iyana waxay teendhadii shirka horteeda keeneen wixii Muuse amray, markaasay dadkii ururkii oo dhammu soo dhowaadeen oo Rabbiga hortiisa istaageen.

  • 23Oo boqorkii Aacii isagoo nool bay qabteen, oo waxay u keeneen Yashuuca.

  • 20Caakaan ina Serax miyaanu ku xadgudbin alaabtii la nidray, oo taas daraaddeed miyaan cadho ugu dhicin shirkii reer binu Israa'iil oo dhan? Oo ninkaasu keligiis kuma uu dhiman dembigiisii.

  • 1¶ Markaasaa Yashuuca qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan ku soo ururshay Shekem, oo wuxuu u yeedhay waayeelladii reer binu Israa'iil, iyo madaxdoodii, iyo xaakinnadoodii, iyo saraakiishoodii, oo waxay kulligood ku soo urureen Ilaah hortiisa.

  • Yash 4:3-4
    2 aayado
    71%

    3oo waxaad iyaga ku amartaa oo ku tidhaahdaa, Webi Urdun dhexdiisa oo ah meeshii cagaha wadaaddadu istaageen, waxaad ka qaaddaan laba iyo toban dhagax, oo waxaad ula gudubtaan dhanka kale, oo waxaad dhigtaan meeshaad caawa ku dhaxaysaan.

    4Markaasaa Yashuuca u yeedhay laba iyo tobankii nin, oo uu ka diyaariyey reer binu Israa'iil, oo qabiil walbana nin buu ka soo soocay.

  • 6Oo Yashuuca wadaaddadii buu la hadlay, oo ku yidhi, Sanduuqa axdiga qaada, oo dadka ka hor gudba. Kolkaasay waxay qaadeen sanduuqii axdiga, oo dadkiina way ka hor mareen.

  • 9¶ Markaasaa Yashuuca wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Kaalaya halkan, oo maqla erayada Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 19Oo waxaad isaga soo hor taagtaa wadaadka Elecaasaar ah iyo shirka oo dhan, oo hortooda amar ku sii.

  • 33Oo waxay Muuse u keeneen taambuuggii, oo ahaa teendhadii iyo alaabteedii oo dhan, qabsatooyinkeedii iyo looxyadeedii iyo ulaheedii gudbanaa, iyo tiirarkeedii, iyo saldhigyadeedii,

  • 71%

    23Kolkaasay sidii yeeleen, oo waxay isagii u keeneen shantii boqor oo ay ka soo bixiyeen godkii, kuwaas oo ahaa boqorkii Yeruusaalem, iyo boqorkii Xebroon, iyo boqorkii Yarmuud, iyo boqorkii Laakiish, iyo boqorkii Cegloon.

    24Oo markay boqorradii u keeneen Yashuuca ayuu u yeedhay raggii reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu raggii dagaalyahannada ahaa oo isaga raacay madaxdoodii ku yidhi, Soo dhowaada, oo boqorradan qoorta kaga joogsada. Oo kolkaasay soo dhowaadeen, oo boqorradii qoorta kaga joogsadeen.

  • 9Markaasaa Yashuuca iyagii diray; oo waxay tageen meeshii gaadmada, oo waxay joogeen meel u dhaxaysa Beytel iyo Aacii, oo galbeed ka xigta Aacii; laakiinse habeenkaas Yashuuca dadkii buu ku dhex baryay.

  • 27Oo maalintaasuu Yashuuca iyagii ka dhigay kuwo xaabada u gura, biyahana u dhaamiya shirka iyo meesha allabariga Rabbiga, taas oo ku taal meel alla meeshuu doortoba, ilaa maantadan la joogo.

  • 23Kolkaasuu yidhi, Haddaba iska fogeeya ilaahyada qalaad oo idinku dhex jira, oo qalbigiinna u jeediya Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • 7Markaasay Yashuuca iyo raggii dagaalyahannada ahaa oo dhammu biyihii Meeroom agtooda kaga soo kediyeen oo weerareen iyagii.

  • 1¶ Markaasaa Yashuuca wuxuu kacay aroor hore, oo Shitiim way ka guureen, oo Webi Urdun yimaadeen, isagii iyo reer binu Israa'iil oo dhan, oo halkaasay degeen intaanay gudbin ka hor.

  • 13Markaasay diyaariyeen dadkii oo dhan, xataa ciidankii magaalada xagga woqooyi ka xigay oo dhan, iyo kuwoodii gaadmada ugu qarsoonaa magaalada xaggeeda galbeed, oo Yashuucana habeenkaas wuxuu dhaxay dooxadii dhexdeeda.

  • 27Oo reer binu Israa'iil waxay keliyahoo dheceen xoolihii iyo alaabtii magaalada, sidii erayga Rabbiga uu Yashuuca ku amray ahaa.

  • 22Markaasaa Muuse yeelay sidii Rabbigu ku amray, oo wuxuu soo waday Yashuuca, kolkaasuu soo hor taagay wadaadkii Elecaasaar ahaa iyo shirkii oo dhan.