Xaakinnadii 10:2
Kaasu wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay saddex iyo labaatan sannadood, dabadeedna wuu dhintay, oo waxaa lagu aasay Shaamiir.
Kaasu wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay saddex iyo labaatan sannadood, dabadeedna wuu dhintay, oo waxaa lagu aasay Shaamiir.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
1¶ Markaasaa Abiimeleg dabadiis waxaa u kacay inuu reer binu Israa'iil badbaadiyo Toolac ina Fuwaah oo ahaa ina Doodoo, oo reer Isaakaar ahaa, oo wuxuu degganaa Shaamiir oo ku tiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim.
3¶ Oo kaas dabadiisna waxaa kacay Yaa'iir oo reer Gilecaad ahaa, oo isna wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay laba iyo labaatan sannadood.
4Oo isna wuxuu lahaa soddon wiil oo soddon qayl dameer fuuli jirtay, oo iyana waxay lahaayeen soddon magaalo, oo ilaa maantadan la joogo la yidhaahdo Hawood Yaa'iir, oo waxay ku yaalliin dalka Gilecaad.
5Markaasaa Yaa'iir dhintay, oo waxaa lagu aasay Qaamoon.
20Oo isna wakhtigii reer Falastiin wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay labaatan sannadood.
7¶ Oo Yeftaahna wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay lix sannadood. Markaasuu Yeftaah oo ahaa reer Gilecaad dhintay, oo waxaa lagu aasay magaalooyinkii reer Gilecaad middood.
8¶ Isaga dabadiisna waxaa reer binu Israa'iil xukumi jiray Ibsaan oo ahaa reer Beytlaxam.
9Oo wuxuu lahaa soddon wiil, oo soddon gabdhoodna wuu bixiyey, soddon gabdhoodna wiilashiisuu dibadda uga keenay. Oo isna reer binu Israa'iil wuxuu xukumayay toddoba sannadood.
10Markaasuu Ibsaan dhintay, oo waxaa lagu aasay Beytlaxam.
11¶ Dabadiisna waxaa reer binu Israa'iil xukumi jiray Eeloon oo ahaa reer Sebulun; oo isna wuxuu reer Israa'iil xukumayay toban sannadood.
12Oo Eeloon oo reer Sebulun ahaana wuu dhintay, oo waxaa lagu aasay Ayaaloon oo ku taal dalka reer Sebulun.
13¶ Isaga dabadiisna waxaa reer binu Israa'iil xukumi jiray Cabdoon ina Hilleel oo ahaa reer Fircaatoon.
14Oo isna wuxuu lahaa afartan wiil iyo soddon uu awowe u ahaa, oo fuuli jiray toddobaatan qayl dameer. Oo wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay siddeed sannadood.
15Oo Cabdoon ina Hilleel oo ahaa reer Fircaatoon wuu dhintay, oo waxaa lagu aasay Fircaatoon oo ku taal dalka reer Efrayim, kaasoo ahaa dalka buuraha leh oo reer Camaaleq.
31Markaasay walaalihiis iyo reer aabbihiis oo dhammu soo dhaadhaceen, oo intay qaadeen isagii ayay keeneen oo ku aaseen meel u dhexaysa Sorcaah iyo Eshtaa'ool, taasoo ahayd xabaashii aabbihiis Maanoo'ax. Oo isna wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay labaatan sannadood.
30Sidaasay reer Moo'aab ku hoos galeen reer binu Israa'iil; dalkiina wuu xasilloonaa siddeetan sannadood.
31¶ Oo isagii ka dibna waxaa kacay Shamgar ina Canaad, kaasoo reer Falastiin lix boqol oo nin kaga laayay usha dibida lagu shuqeeyo, oo isaguna reer Israa'iil wuu badbaadiyey.
32Oo Gidcoon ina Yoo'aash ayaa dhintay isagoo da' weyn, oo waxaa lagu aasay xabaashii aabbihiis Yoo'aash, oo ku tiil Coofraah tii reer Abiiceser.
30Oo waxay ku aaseen dalkii uu dhaxalka u helay oo ahaa Timnad Serah oo ku tiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, oo xagga woqooyi ka xigta buurta Gacash.
22¶ Oo Abiimelegna saddex sannadood buu amiir u ahaa reer binu Israa'iil.
9Oo waxay ku aaseen dalkii uu dhaxalka u helay oo ahaa Timnad Xeres, oo ku tiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, oo xagga woqooyi ka xigta buurta Gacash.
15Oo Samuu'eelna wuxuu reer binu Israa'iil xukumi jiray intuu noolaa oo dhan.
16Oo sannad kastaba wuxuu ku soo wareegi jiray Beytel, iyo Gilgaal, iyo Misfaah, oo meelahaas oo dhanna reer binu Israa'iil buu ku xukumi jiray.
17Oo wuxuu ku noqon jiray Raamaah, waayo, halkaasuu gurigiisu ahaa, oo halkaasna reer binu Israa'iil buu ku xukumi jiray; oo halkaasna wuxuu Rabbiga uga dhisay meel allabari.
23Oo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii kow iyo soddonaad ayaa Coomrii dalka Israa'iil boqor ka noqday, oo wuxuu boqor ahaa laba iyo toban sannadood oo Tirsaah wuxuu boqor ka ahaa lix sannadood.
10Oo kaas waxaa ku soo degay Ruuxa Rabbiga, oo wuxuu xukumi jiray reer binu Israa'iil. Dagaal buuna u baxay, oo Rabbiguna wuxuu gacantiisii u geliyey boqorkii Mesobotamiya oo ahaa Kuushan Rishcaatayim, oo isna wuu ka gacan sarreeyey Kuushan Rishcaatayim.
11Markaasaa dalkii xasilloonaa afartan sannadood. Oo Cotnii'eel ina Qenas wuu dhintay.
20waxyaalahaas dabadeedna wuxuu siiyey xaakinno ilaa nebi Samuu'eel.
22Seguubna wuxuu dhalay Yaa'iir, oo dalka reer Gilecaad ku lahaa saddex iyo labaatan magaalo.
9Markaasaa Yootam dhintay oo la seexday awowayaashiis oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aaxaas.
1¶ Markaasaa waxaa dhintay Samuu'eel, reer binu Israa'iil oo dhammuna way isu soo wada urureen oo u baroorteen, oo waxay isagii ku dhex aaseen gurigiisii Raamaah ku yiil. Daa'uudna wuu kacay oo ku dhaadhacay cidladii Faaraan.
5Oo reer Yahuudahna wuxuu Xebroon ugu talinayay toddoba sannadood iyo lix bilood, oo reer Israa'iil oo dhan iyo reer Yahuudahna wuxuu Yeruusaalem ugu talinayay saddex iyo soddon sannadood.
13Wiilashii Isaakaarna waxay ahaayeen Toolac iyo Fuwaah, iyo Yoob, iyo Shimroon.
20Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo soddon sannadood, oo Yeruusaalemna boqor buu ku ahaa siddeed sannadood, oo wuxuu tegey oo dhintay isagoo aan la jeclayn, oo waxaa lagu aasay magaalada Daa'uud, laakiinse laguma aasin qabuurihii boqorrada.
27Oo wakhtigii uu reer binu Israa'iil boqor u ahaana wuxuu ahaa afartan sannadood; toddoba sannadood ayuu Xebroon boqor ka ahaa, saddex iyo soddon sannadoodna wuxuu boqor ka ahaa Yeruusaalem.