Xaakinnadii 6:27

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Gidcoon wuxuu soo kaxaystay toban nin oo addoommadiisii ahaa, oo wuxuu sameeyey wixii Rabbigu u sheegay, oo shuqulkii habeennimuu sameeyey, maxaa yeelay, wuxuu ka cabsanayay reerkii aabbihiis iyo dadkii magaalada, oo taas darteed maalinnimo ma uu samayn karin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 4:1 : 1 ¶ Haddaba reer binu Israa'iilow, maqla qaynuunnada iyo xukummada aan idin barayo oo yeela si aad u noolaataan, oo aad u gashaan oo aad u hantidaan dalkii Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin uu idin siinayo.
  • Sab 112:5 : 5 Waxaa nimcaysan ninkii naxariis leh oo dadka wax amaahiya, Kaasu danihiisuu ku wadi doonaa caddaalad.
  • Mat 16:24 : 24 ¶ Markaasaa Ciise wuxuu xertiisii ku yidhi, Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado, ha dayriyo doonistiisa, iskutallaabtiisana ha soo qaato oo ha i soo raaco.
  • Yoox 2:5 : 5 Kolkaasaa hooyadiis waxay midiidinyadii ku tidhi, Wax kastuu idinku yidhaahdo, yeela.
  • Yoox 3:2 : 2 Isagu habeenkuu u yimid Ciise, wuxuuna ku yidhi, Macallimow, waannu og nahay inaad tahay macallin ka yimid Ilaah, waayo, ninna ma samayn karo calaamooyinkan aad samayso haddaan Ilaah la jirin.
  • Yoox 15:14 : 14 Saaxiibbaday baad tihiin haddaad yeeshaan waxaan idinku amro.
  • Gal 1:16 : 16 inuu Wiilkiisa iga dhex muujiyo inaan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo isaga warkiisa, isla markaasba lama aan tashan bini aadan.
  • 1 Tes 2:4 : 4 laakiinse siduu Ilaah noogu bogay inuu nagu ammaaneeyo injiilka, sidaasaannu u hadalnaa, mana aha inaannu dadka ka farxinno, laakiinse inaannu ka farxinno Ilaaha qalbigayaga imtixaama.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Xaak 6:28-29
    2 aayado
    80%

    28Oo dadkii magaaladu markay aroor hore soo tooseen ayay arkeen in meeshii allabariga Bacal loogu bixin jiray ay dunsan tahay iyo in geedihii Asheeraah oo agteeda ku yiil ay salka ka go'an yihiin, iyo in dibigii labaad lagu dul bixiyey meeshii allabariga oo loo dhisay.

    29Markaasaa midkoodba wuxuu kii kale ku yidhi, Yaa waxakan sameeyey? Oo markay haybiyeen oo dadkii weyddiiyeen ayaa la yidhi, Waxakan waxaa sameeyey Gidcoon ina Yoo'aash.

  • Xaak 6:24-26
    3 aayado
    79%

    24Markaasaa Gidcoon halkaas wuxuu Rabbiga uga dhisay meel allabari, oo wuxuu magaceedii u bixiyey Rabbigu waa nabad, oo taasu xataa maantadan la joogo waxay ku taal Cofraah tii reer Abiiceser.

    25¶ Oo isla habeenkaas ayaa Rabbigu ku yidhi isagii, Kaxayso dibiga aabbahaa, kaasoo ah dibiga labaad oo toddoba jirka ah, oo waxaad dumisaa meeshaa allabariga loogu bixiyo Bacal oo aabbahaa haysto, oo geedaha Asheeraah ku ag yaalna jar;

    26oo Rabbiga Ilaahaaga ah meel allabari uga dul dhis dhufayskan, oo hagaaji, oo kexee dibiga labaad, oo geedihii Asheeraah oo aad gooysay qoryihiisa ku bixi allabari la gubo.

  • Xaak 6:11-14
    4 aayado
    78%

    11¶ Markaasaa waxaa yimid malaggii Rabbiga, oo wuxuu hoos fadhiistay geedkii ku yiil Cofraah, oo uu lahaa Yoo'aash kii reer Abiiceser; oo wiilkiisii Gidcoon ahaa ayaa sarreen ku tumayay meeshii macsaradda inuu ka qariyo reer Midyaan.

    12Markaasaa malaggii Rabbigu u muuqday, oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu waa kula jiraa, nin yahow xoogga lahu.

    13Oo markaasaa Gidcoon malaggii ku yidhi, Sayidkaygiiyow, haddii Rabbigu nala jiro, de maxaa waxyaalahan oo dhammu noogu dhaceen? Oo meeye kulli shuqulladiisii yaabka lahaa oo ay awowayaashayo noo sheegeen, oo ay nagu yidhaahdeen, Miyaanu Rabbigu naga soo bixin dalkii Masar? Laakiinse haatan Rabbigu waa na xooray, oo wuxuu gacanta noo geliyey reer Midyaan.

    14Markaasaa Rabbigu isagii eegay, oo wuxuu ku yidhi, Xooggaagan ku tag, oo reer binu Israa'iil ka badbaadi gacanta reer Midyaan. Sow kuma aanan dirin?

  • Xaak 8:20-22
    3 aayado
    76%

    20Markaasuu curadkiisii Yeter ku yidhi, Kac oo laa iyaga. Laakiinse wiilkii seeftiisii lama uu soo bixin; maxaa yeelay, wuu baqay, waayo, weli wuu yaraa.

    21Markaasaa Sebah iyo Salmunnac waxay ku yidhaahdeen, War adigu kac oo na laa; waayo, nin waluba siduu yahay ayaa xooggiisuna yahay. Markaasaa Gidcoon kacay oo laayay Sebah iyo Salmunnac, oo wuxuu qaatay bilihii ku xidhnaa qoorta awrtooda.

    22¶ Markaasaa dadkii reer binu Israa'iil waxay Gidcoon ku yidhaahdeen, Haddaba noo tali, adiga iyo wiilkaaga, iyo wiilkaaga wiilkiisuba; maxaa yeelay, waad naga badbaadisay gacantii reer Midyaan.

  • Xaak 7:1-10
    10 aayado
    76%

    1¶ Markaasay Yerubbacal oo ah Gidcoon iyo dadkii isaga la jiray oo dhan aroor hore kaceen, oo waxay degeen ishii Xarod dhinaceeda; oo xeradii reer Midyaanna waxay iyaga ka xigtay xagga woqooyi oo u dhow buurta Moreh, oo dooxadii ku dhex tiil.

    2¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Gidcoon ku yidhi, Dadka kula socdaa way igu badan yihiin inaan reer Midyaan gacanta u soo geliyo, waayo, waaba intaasoo ay reer binu Israa'iil ii faanaan, oo ay isyidhaahdaan, Gacantaydaa i badbaadisay.

    3Haddaba tag oo dadka dhegahooda ku naadi, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ku alla kii baqaya oo gariirayaa, ha iska noqdo oo ha ka tago Buur Gilecaad. Markaasaa dadkii waxaa dib uga noqday laba iyo labaatan kun oo nin, oo waxaa soo hadhay toban kun.

    4¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Gidcoon ku yidhi, Dadku weli aad buu u badan yahay; bal waxaad geeysaa biyaha, oo halkaasaan iyaga kuugu tijaabinayaa, oo waxay noqon doontaa, kii aan kugu idhaahdo, Kanu ha ku raaco, kaasaa ku raaci doonaa, oo ku alla kii aan kugu idhaahdo, Kanu ku raaci maayo, kaasu waa inaanu ku raacin.

    5Sidaas daraaddeed dadkii wuxuu keenay biyihii; markaasaa Rabbigu Gidcoon ku yidhi, Ku alla kii biyaha carrabkiisa ku leefleefa sida eey oo kale, kaas gooni ahaantiisa u sooc, sidaas oo kalena ku alla kii u jilba joogsada inuu biyaha cabbo isna gooni ahaantiisa u sooc.

    6Oo kuwii leefleefay oo calaacalahooda afka saaray tiradoodii waxay noqotay saddex boqol oo nin; laakiinse dadka intiisii kale way wada jilba joogsadeen inay biyihii cabbaan.

    7Markaasaa Rabbigu wuxuu Gidcoon ku yidhi, Saddexda boqol oo nin oo calaacalahooda biyo ka leefleefay ayaan idinku badbaadinayaa, oo reer Midyaanna gacantaadaan soo gelinayaa; laakiinse dadka intiisa kale oo dhammu ha iska tageen, oo nin waluba ha ku noqdo meeshiisii.

    8Sidaas daraaddeed dadkii waxay gacmahoodii ku qaateen sahay iyo buunankoodii, oo kulli dadkii reer binu Israa'iil wuu iska diray, oo nin waluba wuxuu tegey teendhadiisii, laakiin wuxuu la hadhay saddexdii boqol oo nin. Oo xeradii reer Midyaanna waxay ku tiil dooxadii isaga ka hoosaysay.

    9¶ Oo isla habeenkaas Rabbigu wuxuu Gidcoon ku yidhi, Kac, oo xerada ku dhaadhac, waayo, iyada gacantaan kuu geliyey.

    10Laakiinse haddaad ka baqaysid inaad ku dhaadhacdo, waxaad xerada kula dhaadhacdaa addoonkaaga Furaah,

  • Xaak 7:13-21
    9 aayado
    76%

    13Oo markuu Gidcoon yimid waxaa jiray nin saaxiibkiis riyo u sheegayay, oo wuxuu yidhi, War riyaan ku riyooday, oo waxaan arkay kibis shaciir laga sameeyey oo ku soo giringiratay xerada reer Midyaan, oo waxay soo gaadhay teendhada, oo intay ku dhacday ayay dumisay, oo markaasay gembiday, oo teendhadiina way dhacday.

    14Markaasaa saaxiibkiis u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Taasu wax kale ma aha, seeftii Gidcoon ina Yoo'aash mooyaane, kaasoo ah nin reer Israa'iil ah. Ilaah baa kaas gacantiisa geliyey reer Midyaan iyo ciidanka oo dhanba.

    15¶ Oo markii Gidcoon maqlay sheegistii riyada iyo micnaynteediiba ayuu Rabbiga caabuday, oo kolkaasuu xeradii reer binu Israa'iil ku noqday, oo wuxuu ku yidhi, Kaca, waayo, Rabbigu gacantuu idiin soo geliyey ciidanka reer Midyaan.

    16Markaasuu saddexdii boqol oo nin u kala qaybiyey saddex guuto, oo kulligoodba gacmahuu u geliyey buunan, iyo jalxado madhan oo ay qoryo ololayaa ku dhex jiraan.

    17Oo wuxuu ku yidhi iyagii, Ii fiirsada, oo yeela sidaan yeelo oo kale; oo bal eega, markii aan gaadho meesha xerada ku wareegsan waa inaad yeeshaan sidaan yeelo oo kale.

    18Markaan buunka afuufo, aniga iyo inta ila jirta oo dhammu, idinkuna buunanka dhinac walba kaga afuufa xerada, oo waxaad tidhaahdaan, Rabbiga aawadiis iyo Gidcoon aawadiis.

    19¶ Haddaba Gidcoon iyo boqolkii nin oo la jiray waxay yimaadeen meeshii xerada ku wareegsanayd, dhankii ugu fogaa, oo markaasna waxay ahayd habeenbadhkii goorta waardiyaha cusub la saaro; oo waxay afuufeen buunankii, jalxadihii gacmahooda ku jirayna way burburiyeen.

    20Markaasay saddexdii guutoba buunankii afuufeen, oo jalxadihiina way burburiyeen, oo qoryihii ololayayna waxay ku wada qabsadeen gacanta bidix, buunankiina gacanta midig inay afuufaan, oo waxay ku wada qayliyeen, Seeftii Rabbiga iyo Gidcoon.

    21Oo iyana nin waluba wuxuu istaagay meeshiisii iyagoo xerada ku wareegsan; markaasaa ciidankii oo dhammu wada yaacay; wayna qayliyeen oo carareen.

  • Xaak 8:13-14
    2 aayado
    75%

    13Oo Gidcoon ina Yoo'aash wuxuu dagaalkii kaga soo noqday jiirtii Xeres.

    14Markaasuu wuxuu qabtay nin dhallinyar oo reer Sukod ah, oo wax weyddiiyey; oo isna wuxuu u tilmaamay amiirradii reer Sukod iyo odayaashoodii, oo waxayna ahaayeen toddoba iyo toddobaatan nin.

  • Xaak 6:36-40
    5 aayado
    75%

    36Markaasaa Gidcoon wuxuu Ilaah ku yidhi, Sidaad ii sheegtay, haddaad reer binu Israa'iil gacantayda ku badbaadinaysid,

    37bal eeg, meesha sarreenka lagu tumo ayaan dhigayaa dhogor idaad, haddaba haddii dharab qoyo dhogorta keliya oo dhulka kale oo dhammuna uu engegnaado, markaasaan ogaanayaa inaad gacantayda ku badbaadinaysid reer binu Israa'iil, sidaad ku hadashay.

    38Oo sidii bay noqotay, waayo, markuu toosay subaxdii dambe, oo tuujiyey dhogorta, wuxuu ka maroojiyey koob muuggiis oo biyo ah.

    39Markaasaa Gidcoon wuxuu Ilaah ku yidhi, Cadhadaadu yaanay igu kululaan oo markan keliya ayaan hadlayaa. Markan keliya aan dhogorta wax ku hubsado, waan ku baryayaaye. Bal markan dhogorta keliya engeg ha noqoto, laakiinse dhulka kale oo dhammu dharab ha lahaado.

    40Oo Ilaahna sidii buu yeelay habeenkaas; waayo, waxaa engegnaa dhogortii keliya, oo dhulka kale oo dhammuna dharab buu lahaa.

  • 11Kolkaasaa Gidcoon u kacay xagga kuwii teendhooyinka degganaa oo ku jiray meel bari ka xigta Nobax iyo Yaagbehaah, oo wuxuu laayay ciidankii, maxaa yeelay, ciidanku nabad buu u fadhiyey.

  • 22Markaasaa Gidcoon arkay inuu yahay malaggii Rabbiga, oo Gidcoon wuxuu yidhi, Waa ii hoog, Sayidow, Rabbiyow, waayo, malaggii Rabbiga ayaan fool ka fool u arkay.

  • Xaak 6:33-34
    2 aayado
    72%

    33¶ Markaasaa waxaa is-urursaday reer Midyaan, iyo reer Camaaleq, iyo reer barigii oo dhan, oo intay Webi Urdun ka gudbeen ayay dooxadii Yesreceel degeen.

    34Laakiinse Ruuxii Rabbigu wuxuu ku soo degay Gidcoon, markaasuu buun ku dhuftay, oo waxaa ku soo ururay reer Abiiceser.

  • 4Markaasay Gidcoon iyo saddexdii boqol oo nin ee la socotay isaga yimaadeen Webi Urdun, wayna ka gudbeen, oo in kastoo ay daalanaayeen weliba wax bay eryoonayeen.

  • 24Markaasaa Gidcoon wargeeyayaal u diray dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Dhaadhaca, oo ka hor taga reer Midyaan, oo waxaad ka hor qabsataan biyaha ku jira tan iyo Beytbaaraah, iyo xataa Webi Urdun. Markaasay raggii reer Efrayim oo dhammu soo urureen oo waxay qabsadeen biyihii ku jiray tan iyo Beytbaaraah, iyo xataa Webi Urdun.

  • 19Markaasaa Gidcoon gudaha galay, oo wuxuu diyaariyey orgi yar, iyo qiyaas eefaah bur ah oo uu ka sameeyey kibis aan khamiir lahayn. Hilibkii wuxuu ku riday dambiil, maraqiina dheri buu ku shubay, oo wuxuu ugu keenay oo ku siiyey geedkii hoostiisa.

  • 32Haddaba adiga iyo dadka kula jiraaba habeennimo soo kaca oo duurka ku soo dhuunta.

  • 7Markaasaa Gidcoon wuxuu yidhi, Waa hagaag ee markii Rabbigu ii soo gacangeliyo Sebah iyo Salmunnac ayaan hilibkiinna ku jeexjeexi doonaa qodxanta cidlada iyo gocondhada.

  • Xaak 8:28-29
    2 aayado
    70%

    28¶ Sidaasaa reer Midyaan loo hoosaysiiyey reer binu Israa'iil hortooda, oo mar dambena madaxooda kor uma ay qaadin. Oo wakhtigii Gidcoon dalku wuxuu nastay afartan sannadood.

    29Markaasaa wiilkii Yoo'aash, oo Yerubbacal ahaa intuu tegey ayuu iska degay gurigiisii.

  • 17(waayo, aabbahay idinkuu idiin diriray oo aawadiin buu naftiisii u biimeeyey, oo wuxuu idinka soo samatabbixiyey gacantii reer Midyaan;