Xaakinnadii 8:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasuu dadkii reer Sukod ku yidhi, Waan idin baryayaaye, dadka ila socda kibis siiya, waayo, way daalan yihiin, oo anna waxaan eryoonayaa boqorrada reer Midyaan oo ah Sebah iyo Salmunnac.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 33:17 : 17 Yacquubna wuxuu u sodcaalay Sukod, wuxuuna ka dhistay guri, xoolihiisiina wuxuu u sameeyey xerooyin; sidaas daraaddeed meeshaas magaceeda waxaa la yidhaahdaa Sukod.
  • Sab 60:6 : 6 Ilaah wuxuu ku hadlay quduusnimadiisa oo yidhi, Anigu waan farxi doonaa, Shekem waan kala qaybin doonaa, oo waxaan qiyaasi doonaa dooxada Sukod.
  • 3 Yoox 1:6-8 : 6 Iyagu jacaylkaagay kiniisadda horteeda kaga markhaati fureen. Wanaag baad samayn lahayd haddii aad iyaga u ambabbixisid sida Ilaah istaahilo; 7 maxaa yeelay, magiciisa aawadiis ayay u ambabbexeen iyagoo aan waxba ka qaadan dadka aan Yuhuudda ahayn. 8 Sidaas daraaddeed waxaa inagu waajib ah inaynu kuwaas oo kale soo dhowayno, si aynu u noqonno kuwa runta kala wada shaqeeya iyaga.
  • Bil 14:18 : 18 Oo Malkisadaq oo ahaa boqorkii Saalem baa keenay cunto iyo khamri: wuxuuna ahaa wadaadkii Ilaaha ugu sarreeya.
  • Sharc 23:4 : 4 maxaa yeelay, markaad jidka soo socoteen, idinkama ay hor keenin kibis iyo biyo toona markaad Masar ka soo baxdeen, oo weliba waxay idiin soo kiraysteen Balcaam ina Becoor oo ka yimid Fetoor oo ku taal Mesobotamiya inuu idin habaaro aawadeed.
  • 1 Sam 25:18 : 18 Markaasaa Abiigayil dhaqsatay, oo waxay soo qaadatay laba boqol oo xabbadood oo kibis ah, iyo laba sibraar oo khamri ah, iyo shan neef oo ido ah oo la qalay, iyo shan koombo oo hadhuudh la dubay ah, iyo boqol rucubood oo sabiib ah, iyo laba boqol oo fud oo berde ah, oo waxay ku raratay dameerro.
  • 2 Sam 17:28-29 : 28 oo waxay u keeneen gogol, iyo fijaanno, iyo weelal dhoobo ah, iyo sarreen, iyo shaciir, iyo bur, iyo salool, iyo atar, iyo misir, iyo digir, 29 iyo malab, iyo subag, iyo ido, iyo faar lo'aad, oo waxay waxaas oo dhan u keeneen Daa'uud iyo dadkii la socday inay cunaan, waayo, waxay isyidhaahdeen, Dadku cidladay ku gaajoodeen, oo ku daaleen, oo ku harraadeen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Xaak 8:6-8
    3 aayado
    90%

    6Markaasaa amiirradii reer Sukod waxay ku yidhaahdeen, Sebah iyo Salmunnac miyey haatan gacantaada ku jiraan aannu colkaaga cunto siinnee?

    7Markaasaa Gidcoon wuxuu yidhi, Waa hagaag ee markii Rabbigu ii soo gacangeliyo Sebah iyo Salmunnac ayaan hilibkiinna ku jeexjeexi doonaa qodxanta cidlada iyo gocondhada.

    8Markaasuu intuu halkaas ka tegey ayuu u kacay xagga reer Fenuu'eel, sidii oo kaluu ku yidhi; oo raggii reer Fenuu'eel waxay ugu jawaabeen sidii ay reer Sukod ugu jawaabeen oo kale.

  • Xaak 8:10-16
    7 aayado
    88%

    10¶ Haddaba Sebah iyo Salmunnac waxay joogeen Qarqor, iyaga iyo ciidammadoodii, oo waxay ku dhowaayeen shan iyo toban kun oo nin, oo intaasuna waxay ahayd intii ka hadhay ciidankii reer bariga oo dhan; waayo, waxaa ka la'day boqol iyo labaatan kun oo nin oo seefqaad ah.

    11Kolkaasaa Gidcoon u kacay xagga kuwii teendhooyinka degganaa oo ku jiray meel bari ka xigta Nobax iyo Yaagbehaah, oo wuxuu laayay ciidankii, maxaa yeelay, ciidanku nabad buu u fadhiyey.

    12Oo Sebah iyo Salmunnac way carareen, oo isna wuu eryooday, wuuna soo qabsaday labadii boqor oo reer Midyaan oo ahaa Sebah iyo Salmunnac, oo ciidankii oo dhanna wuu ka nixiyey.

    13Oo Gidcoon ina Yoo'aash wuxuu dagaalkii kaga soo noqday jiirtii Xeres.

    14Markaasuu wuxuu qabtay nin dhallinyar oo reer Sukod ah, oo wax weyddiiyey; oo isna wuxuu u tilmaamay amiirradii reer Sukod iyo odayaashoodii, oo waxayna ahaayeen toddoba iyo toddobaatan nin.

    15Markaasuu wuxuu u yimid raggii reer Sukod, oo wuxuuna ku yidhi, Bal eega Sebah iyo Salmunnac, kuwii aad daraaddood iigu majaajilooteen oo aad igu tidhaahdeen, Sebah iyo Salmunnac miyey haatan gacantaada ku jiraan, aannu raggaaga daalan cunto siinnee?

    16Markaasuu kaxaystay odayaashii magaalada, oo wuxuu qaaday qodxantii cidlada iyo gocondho, wuuna ku edbiyey dadkii reer Sukod.

  • Xaak 8:1-4
    4 aayado
    76%

    1¶ Oo raggii reer Efrayim waxay Gidcoon ku yidhaahdeen, War maxaad waxan noogu samaysay, oo aad noogu yeedhi weyday, markaad u soo kacday inaad reer Midyaan la dagaallanto? Oo aad iyo aad bay u canaanteen isagii.

    2Oo isna wuxuu ku yidhi, Haddaba maxaan sameeyey oo u qalma waxaad samayseen? Ururinta dambe oo canabka reer Efrayim sow kama wanaagsana ururinta hore oo canabka reer Abiiceser?

    3Ilaah wuxuu gacanta idiin geliyey amiirradii reer Midyaan oo ahaa Cooreeb iyo Se'eeb; haddaba maxaan samayn karay oo u qalma waxaad samayseen? Oo markuu sidaas ku yidhi ayaa ciilkay u qabeen ka baxay.

    4Markaasay Gidcoon iyo saddexdii boqol oo nin ee la socotay isaga yimaadeen Webi Urdun, wayna ka gudbeen, oo in kastoo ay daalanaayeen weliba wax bay eryoonayeen.

  • Xaak 7:7-8
    2 aayado
    73%

    7Markaasaa Rabbigu wuxuu Gidcoon ku yidhi, Saddexda boqol oo nin oo calaacalahooda biyo ka leefleefay ayaan idinku badbaadinayaa, oo reer Midyaanna gacantaadaan soo gelinayaa; laakiinse dadka intiisa kale oo dhammu ha iska tageen, oo nin waluba ha ku noqdo meeshiisii.

    8Sidaas daraaddeed dadkii waxay gacmahoodii ku qaateen sahay iyo buunankoodii, oo kulli dadkii reer binu Israa'iil wuu iska diray, oo nin waluba wuxuu tegey teendhadiisii, laakiin wuxuu la hadhay saddexdii boqol oo nin. Oo xeradii reer Midyaanna waxay ku tiil dooxadii isaga ka hoosaysay.

  • Xaak 6:18-20
    3 aayado
    71%

    18Waan ku baryayaaye, halkaas ha ka tegin ilaa aan kuu imaado, oo aan qurbaankayga kuu keeno, oo aan ku hor dhigo. Isagu wuxuu yidhi, Waan ku sugayaa ilaa aad soo noqotid.

    19Markaasaa Gidcoon gudaha galay, oo wuxuu diyaariyey orgi yar, iyo qiyaas eefaah bur ah oo uu ka sameeyey kibis aan khamiir lahayn. Hilibkii wuxuu ku riday dambiil, maraqiina dheri buu ku shubay, oo wuxuu ugu keenay oo ku siiyey geedkii hoostiisa.

    20Markaasaa malaggii Ilaah wuxuu ku yidhi isagii, Hilibka iyo kibista aan khamiirka lahayn qaad, oo waxaad saartaa dhagaxan, oo maraqana ku qub. Oo isna sidaasuu yeelay.

  • Xaak 8:21-22
    2 aayado
    71%

    21Markaasaa Sebah iyo Salmunnac waxay ku yidhaahdeen, War adigu kac oo na laa; waayo, nin waluba siduu yahay ayaa xooggiisuna yahay. Markaasaa Gidcoon kacay oo laayay Sebah iyo Salmunnac, oo wuxuu qaatay bilihii ku xidhnaa qoorta awrtooda.

    22¶ Markaasaa dadkii reer binu Israa'iil waxay Gidcoon ku yidhaahdeen, Haddaba noo tali, adiga iyo wiilkaaga, iyo wiilkaaga wiilkiisuba; maxaa yeelay, waad naga badbaadisay gacantii reer Midyaan.

  • 4Way ku salaami doonaan, oo waxay ku siin doonaan laba xabbadood oo kibis ah, oo aad gacantooda ka guddoomi doonto.

  • Xaak 7:23-25
    3 aayado
    69%

    23Oo raggii reer binu Israa'iilna waxay isaga soo urureen reer Naftaali, iyo reer Aasheer, iyo reer Manaseh oo dhan, oo waxay eryoodeen reer Midyaan.

    24Markaasaa Gidcoon wargeeyayaal u diray dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Dhaadhaca, oo ka hor taga reer Midyaan, oo waxaad ka hor qabsataan biyaha ku jira tan iyo Beytbaaraah, iyo xataa Webi Urdun. Markaasay raggii reer Efrayim oo dhammu soo urureen oo waxay qabsadeen biyihii ku jiray tan iyo Beytbaaraah, iyo xataa Webi Urdun.

    25Oo waxay gacanta ku dhigeen labadii amiir oo reer Midyaan, oo ahaa Cooreeb iyo Se'eeb; oo markaasay Cooreeb ku dileen dhagaxii Cooreeb, oo Se'eebna waxay ku dileen macsaraddii Se'eeb, wayna sii eryoodeen reer Midyaan; markaasay madaxyadii Cooreeb iyo Se'eeb Gidcoon ugu keeneen Webi Urdun shishadiisa.

  • Xaak 7:1-2
    2 aayado
    69%

    1¶ Markaasay Yerubbacal oo ah Gidcoon iyo dadkii isaga la jiray oo dhan aroor hore kaceen, oo waxay degeen ishii Xarod dhinaceeda; oo xeradii reer Midyaanna waxay iyaga ka xigtay xagga woqooyi oo u dhow buurta Moreh, oo dooxadii ku dhex tiil.

    2¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Gidcoon ku yidhi, Dadka kula socdaa way igu badan yihiin inaan reer Midyaan gacanta u soo geliyo, waayo, waaba intaasoo ay reer binu Israa'iil ii faanaan, oo ay isyidhaahdaan, Gacantaydaa i badbaadisay.

  • 17¶ Markaasaa Yesay wuxuu wiilkiisii Daa'uud ku yidhi, Waxaad walaalahaa u qaaddaa eefaah hadhuudhkan duban ah, iyo tobankan xabbadood ee kibista ah, oo haddiiba xeradii u qaad oo walaalahaa u gee,

  • 33¶ Markaasaa waxaa is-urursaday reer Midyaan, iyo reer Camaaleq, iyo reer barigii oo dhan, oo intay Webi Urdun ka gudbeen ayay dooxadii Yesreceel degeen.

  • Xaak 7:12-15
    4 aayado
    69%

    12Oo reer Midyaan iyo reer Camaaleq iyo reer barigii oo dhammu waxay ku jireen dooxadii, iyagoo u faro badan sida ayax oo kale, oo geelooduna tiro ma lahayn, oo waxay la faro le'ekaayeen cammuudda badda xeebteeda taal.

    13Oo markuu Gidcoon yimid waxaa jiray nin saaxiibkiis riyo u sheegayay, oo wuxuu yidhi, War riyaan ku riyooday, oo waxaan arkay kibis shaciir laga sameeyey oo ku soo giringiratay xerada reer Midyaan, oo waxay soo gaadhay teendhada, oo intay ku dhacday ayay dumisay, oo markaasay gembiday, oo teendhadiina way dhacday.

    14Markaasaa saaxiibkiis u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Taasu wax kale ma aha, seeftii Gidcoon ina Yoo'aash mooyaane, kaasoo ah nin reer Israa'iil ah. Ilaah baa kaas gacantiisa geliyey reer Midyaan iyo ciidanka oo dhanba.

    15¶ Oo markii Gidcoon maqlay sheegistii riyada iyo micnaynteediiba ayuu Rabbiga caabuday, oo kolkaasuu xeradii reer binu Israa'iil ku noqday, oo wuxuu ku yidhi, Kaca, waayo, Rabbigu gacantuu idiin soo geliyey ciidanka reer Midyaan.

  • 5oo waxaan idiin keeni doonaa wuxoogaa cunto ah, ee raaxaysta; waayo, waxaad u timaadeen addoonkiinna; markaas ka dib waad tegi doontaan. Oo waxay ku yidhaahdeen, Yeel sidaad tidhi.

  • Xaak 8:24-25
    2 aayado
    68%

    24Oo haddana Gidcoon wuxuu ku yidhi, Waxaan idin weyddiisan lahaa in ninkiin waluba i siiyo hilqadihii uu boolida u helay. (Waxay haysteen hilqado dahab ah, maxaa yeelay, waxay ahaayeen reer Ismaaciil).

    25Oo waxay ugu jawaabeen, Annagoo raalli ka ah ayaannu ku siinaynaa. Kolkaasay maro gogleen, oo nin kastaaba wuxuu ku tuuray hilqadihii uu boolida u helay.

  • Xaak 6:35-36
    2 aayado
    68%

    35Oo wuxuu wargeeyayaal u diray reer Manaseh oo dhan, oo iyana markaasay ku soo urureen; oo haddana wuxuu wargeeyayaal u diray reer Aasheer, iyo reer Sebulun, iyo reer Naftaali, oo iyana way u yimaadeen inay la kulmaan iyagii.

    36Markaasaa Gidcoon wuxuu Ilaah ku yidhi, Sidaad ii sheegtay, haddaad reer binu Israa'iil gacantayda ku badbaadinaysid,

  • 29iyo malab, iyo subag, iyo ido, iyo faar lo'aad, oo waxay waxaas oo dhan u keeneen Daa'uud iyo dadkii la socday inay cunaan, waayo, waxay isyidhaahdeen, Dadku cidladay ku gaajoodeen, oo ku daaleen, oo ku harraadeen.

  • Xaak 6:3-4
    2 aayado
    67%

    3Oo markii reer binu Israa'iil ay wax beeri jireen, waxaa iman jiray reer Midyaan iyo reer Camaaleq, iyo reer bariga, wayna ku kici jireen;

    4oo intay ag degaan ayay ka baabbi'in jireen wixii dhulka uga baxay, ilaa la soo gaadho Gaasa, oo reer binu Israa'iil ugama ay tegin wax la quuto, iyo ido, iyo dibi, iyo dameerro toona.

  • 42¶ Oo nin baa xagga Bacal Shalishaah ka yimid, oo wuxuu ninkii Ilaah kolaygiisii ugu keenay cunto midhihii hore ah, taas oo ah labaatan kibsood oo shaciir ah iyo sabuullo arabikhi oo qoyan. Oo wuxuu ku yidhi, War kuwan dadku ha cuneene sii.

  • Xaak 6:13-14
    2 aayado
    67%

    13Oo markaasaa Gidcoon malaggii ku yidhi, Sayidkaygiiyow, haddii Rabbigu nala jiro, de maxaa waxyaalahan oo dhammu noogu dhaceen? Oo meeye kulli shuqulladiisii yaabka lahaa oo ay awowayaashayo noo sheegeen, oo ay nagu yidhaahdeen, Miyaanu Rabbigu naga soo bixin dalkii Masar? Laakiinse haatan Rabbigu waa na xooray, oo wuxuu gacanta noo geliyey reer Midyaan.

    14Markaasaa Rabbigu isagii eegay, oo wuxuu ku yidhi, Xooggaagan ku tag, oo reer binu Israa'iil ka badbaadi gacanta reer Midyaan. Sow kuma aanan dirin?

  • 11Oo markay u sii socotay inay u keento ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Waan ku baryayaaye waxaad gacanta iigu soo qaaddaa in yar oo kibis ah.

  • 17Oo wuxuu ku yidhi iyagii, Ii fiirsada, oo yeela sidaan yeelo oo kale; oo bal eega, markii aan gaadho meesha xerada ku wareegsan waa inaad yeeshaan sidaan yeelo oo kale.