Xaakinnadii 9:57

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

oo dadkii reer Shekem xumaantoodii oo dhan Ilaah baa ka jeebay madaxoodii, oo waxaa ku soo degay habaarkii Yootam ina Yerubbacal.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Xaak 9:20 : 20 haddii kalese, dab ha ka soo baxo Abiimeleg, oo ha laasto dadka Shekem iyo reer Millo; oo dadka Shekem iyo reer Millona dab ha ka soo baxo, oo ha laasto Abiimeleg.
  • Xaak 9:45 : 45 Oo Abiimelegna maalintaas oo dhan wuxuu la dirirayay magaaladii; oo wuu qabsaday magaaladii, oo dadkii ku jirayna wuu wada laayay; oo magaaladiina wuu dumiyey, wuxuuna ku daadiyey cusbo.
  • 1 Boq 16:34 : 34 Oo wakhtigiisii Yerixoo waxaa dhisay nin reer Beytel ah oo magiciisa la odhan jiray Xii'eel; oo markuu aasaaskeedii dhigay waxaa ka dhintay wiilkiisii curadka ahaa oo Abiiraam ahaa, markuu irdaheedii taagayna waxaa ka dhintay wiilkiisii yaraa oo Seguub ahaa, oo waxay noqotay sidii eraygii Rabbigu kula hadlay Yashuuca ina Nuun.
  • Yash 6:26 : 26 Markaasaa Yashuuca dhaariyey, oo wuxuu iyagii ku amray, oo ku yidhi, Kii kaca oo dhisa magaalada Yerixoo Rabbiga hortiisa inkaaru ha ku dhacdo. Markuu aasaaskeeda dhigo curadkiisuu waayi doonaa, markuu irdaheeda dhisona wiilkiisa ugu yar.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Xaak 9:55-56
    2 aayado
    83%

    55Dadkii reer binu Israa'iilna markay arkeen inuu Abiimeleg dhintay ayaa nin waluba meeshiisii tegey.

    56Oo sidaasaa Ilaah Abiimeleg xumaantii uu aabbihiis ku sameeyey uga jeebay, waayo, wuxuu laayay toddobaatan walaalihiis ah:

  • Xaak 9:23-27
    5 aayado
    79%

    23Oo Ilaahna dadkii Shekem iyo Abiimeleg dhexdooda wuxuu u soo diray jinni; oo dadkii Shekemna way khiyaaneeyeen Abiimeleg,

    24in dulmigii lagu sameeyey toddobaatankii wiil oo Yerubbacal uu yimaado, oo dhiiggoodii la saaro walaalkood Abiimeleg oo iyaga dilay, iyo dadkii reer Shekem oo gacmihiisa xoojiyey inuu laayo walaalihiis.

    25Oo dadkii reer Shekemna waxay isagii buuraha dushooda u saareen rag gaadmo ah, oo iyana waxay dhaceen wax alla wixii jidkaas agtooda ah soo maray; oo taas waxaa loo sheegay Abiimeleg.

    26¶ Markaasaa Gacal ina Cebed ayaa yimid isagoo la socda walaalihiis, oo wuxuu tegey Shekem; oo dadkii reer Shekemna way isku halleeyeen isagii.

    27Markaasay beeraha tageen, oo canabkoodii soo gurteen, oo waxay ku tunteen midhihii canabka, wayna iideen, oo waxay galeen gurigii ilaahood, oo wax bay cuneen oo cabbeen, oo waxay caayeen Abiimeleg.

  • Xaak 9:1-7
    7 aayado
    79%

    1¶ Markaasaa Abiimeleg ina Yerubbacal tegey xagga Shekem iyo abtiyaashiis, oo wuu la hadlay iyagii iyo reerka awowgiis oo dhan, oo wuxuu ku yidhi,

    2Waan idin baryayaaye, La hadla dadka Shekem oo dhan, oo bal weyddiiya, Kee baa idiin wanaagsan, in wiilasha Yerubbacal oo ah toddobaatan ay idiin wada taliyaan, mise in mid keliyahu idiin taliyo? Oo waxaad kaloo xusuusataan inaan ahay laftiinnii iyo hilibkiinnii.

    3Markaasay abtiyaashiis ula hadleen dadkii Shekem oo dhan, oo waxay u sheegeen erayadiisii oo dhan; kolkaasay qalbiyadoodii u leexdeen inay Abiimeleg raacaan; waayo, waxay yidhaahdeen, Isagu waa walaalkeen.

    4Markaasay waxay isagii gurigii Bacal Beriid ka siiyeen toddobaatan xabbadood oo lacag ah, oo Abiimeleg wuxuu ku kiraystay ciyaalasuuq iyo waxmatarayaal isaga raacay.

    5Markaasuu reerkii aabbihiis ugu tegey Coofraah, oo wuxuu isku dhagax dushiis ku laayay walaalihiis ilmo Yerubbacal oo ahaa toddobaatan qof; laakiinse garuddambayskii Yerubbacal oo ahaa Yootam ayaa hadhay, waayo, wuu dhuuntay.

    6¶ Markaasaa waxaa soo shiray oo isku soo ururay dadkii Shekem oo dhan iyo reer Millo oo dhan, oo intay tageen ayay Abiimeleg boqor ka dhigteen, oo waxay ku ag boqreen geedkii tiirkii ku yiil Shekem.

    7Oo markii taas loo sheegay Yootam ayuu tegey oo wuxuu isku taagay Buur Gerisiim dusheedii, oo intuu qayliyey ayuu codkiisii kor u qaaday oo yidhi, Bal i maqla, dadka reer Shekemow, in Ilaah idin maqlo.

  • Xaak 9:46-47
    2 aayado
    74%

    46¶ Oo dadkii ku jiray munaaraddii Shekem markay taas maqleen, ayay galeen qalcaddii ku tiil gurigii ilaahooda Beriid la odhan jiray.

    47Markaasaa Abiimeleg waxaa loo sheegay in dadkii ku jiray munaaraddii Shekem oo dhammu ay isku urursan yihiin.

  • Xaak 9:18-20
    3 aayado
    73%

    18oo idinku maanta waxaad ku kacdeen reerkii aabbahay, oo waxaad isku dhagax ku layseen wiilashiisii oo ah toddobaatan qof, oo waxaad dadkii Shekem boqor uga dhigteen Abiimeleg oo ah wiilkii addoontiisa, maxaa yeelay, isagu waa walaalkiin;)

    19haddaba haddaad maanta daacad iyo si qumman ula macaamilooteen Yerubbacal iyo reerkiisii, de markaas Abiimeleg ku reyreeya oo isna ha idinku reyreeyo;

    20haddii kalese, dab ha ka soo baxo Abiimeleg, oo ha laasto dadka Shekem iyo reer Millo; oo dadka Shekem iyo reer Millona dab ha ka soo baxo, oo ha laasto Abiimeleg.

  • 49Markaasaa dadkii nin waluba wuxuu soo jaray laantiisii, oo waxay soo raaceen Abiimeleg, oo intay laamihii qalcaddii ku ag tuuleen ayay haddana dab sudheen, oo sidaasay dadkii munaaraddii Shekem joogay oo dhammu u wada le'deen; oo waxay ahaayeen in ku dhow kun qof oo rag iyo dumarba leh.

  • 9Iyagu aad bay isu kharribeen sidii wakhtigii Gibecaah. Isagaa soo xusuusan doona xumaantooda oo wuxuu soo ciqaabi doonaa dembiyadooda.

  • 9Iyaga ku samee wixii aad ku samaysay reer Midyaan, Iyo Siiseraa iyo Yaabiin markii ay ag joogeen Webi Qiishoon,

  • 16Haddaba haddaad daacad iyo si qumman ku socoteen, markii aad boqrateen Abiimeleg, iyo haddaad daacad kula macaamilooteen Yerubbacal iyo reerkiisii, oo aad u samayseen wixii uu idinka istaahilay;

  • 65Indhala'aanta qalbiga waad siin doontaa, inkaartaadana korkooda waad ka yeeli doontaa.

  • 29Markaasaa midkoodba wuxuu kii kale ku yidhi, Yaa waxakan sameeyey? Oo markay haybiyeen oo dadkii weyddiiyeen ayaa la yidhi, Waxakan waxaa sameeyey Gidcoon ina Yoo'aash.

  • 29¶ Oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu idin geeyo dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan, barakada waa inaad kaga dhawaaqdaan Buur Gerisiim, habaarkana waa inaad kaga dhawaaqdaan Buur Ceebaal.

  • 3Gacmahoodu waxay aad ugu dadaalaan inay sameeyaan wax shar ah. Amiirka iyo xaakinkuba waxay dadka weyddiistaan laaluush. Ninka weynuna wuxuu ku hadlaa xumaanta naftiisu doonayso, oo sidaasay isugu maroojiyaan xumaan.

  • 26Xamoor iyo wiilkiisii Shekemna waxay ku dileen seef afkeed, Diinahna way kala baxeen gurigii Shekem, wayna iska tageen.

  • 24Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, belaayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka degganba, taasoo ah kulli habaarrada ku qoran kitaabkii boqorka Yahuudah hortiisa lagu akhriyey oo dhan,