Baroorashadii 1:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Cadowgu wuxuu gacanta ku fidiyey waxyaalaheedii wanaagsan oo dhan, Waayo, iyadu way aragtay in quruumihii ay meesheedii quduuska ahayd galeen, Kuwaasoo aad amartay inayan ururkaaga gelin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 23:3 : 3 Oo mid reer Cammoon ah ama mid reer Moo'aab ahu waa inuusan shirka Rabbiga gelin, xataa hadday toban qarni joogaan wax ay farcankoodu leeyihiin waa inayan weligood shirka Rabbiga gelin,
  • Yer 51:51 : 51 Annagu waannu ceeboonnay, maxaa yeelay, waxaannu maqalnay cay xun, oo ceeb baa wejigayagii qarisay, waayo, shisheeyayaal ayaa meelaha quduuska ah ee guriga Rabbiga soo dhex galay.
  • Ish 64:10-11 : 10 Magaalooyinkaagii quduuska ahaa cidlo bay noqdeen, Siyoon waxay noqotay cidlo oo kale, Yeruusaalemna waxay noqotay meel baabba' ah. 11 Gurigayagii quduuska ahaa oo qurxoonaa oo ahaa meeshii ay awowayaashayo kugu ammaani jireen dab baa lagu gubay, oo waxyaalahayagii wanwanaagsanaa oo dhanna waa la wada baabbi'iyey.
  • Nex 13:1 : 1 ¶ Oo maalintaas ayay kitaabkii Muuse akhriyeen iyadoo dadkii maqlayo; oo waxaa laga helay oo ku qornaa inayan shirka Ilaah weligood soo gelin mid reer Cammoon ah iyo mid reer Moo'aab ah toona;
  • Sab 74:4-8 : 4 Cadaawayaashaadii waxay ka qayliyeen shirkaaga dhexdiisa, Oo waxay calaamad ahaan u qotonsadeen calammadoodii. 5 Waxay u ekaadeen sidii niman faasas u qaatay hawd jiq ah. 6 Haddaba shuqulkiisii la qoray oo dhan Waxay ku wada dumiyaan gudmo iyo dubbayaal. 7 Meeshaada quduuska ah dab bay ku dhejiyeen, Oo waxay wada nijaaseeyeen meeshii magacaaga hoyga u ahayd. 8 Waxay qalbigooda iska yidhaahdeen, Kaalaya aan dhammaantood baabbi'innee, Waxay wada gubeen sunagogyadii Ilaah oo dalka ku dhex yiil oo dhan.
  • Bar 1:7 : 7 Yeruusaalem wakhtiga ay dhib iyo wareeg ku jirto ayay waxay soo xusuusataa Waxyaalihii wanaagsanaa oo ay waagii hore haysatay oo dhan. Markii dadkeedu gacanta cadowga ku dhacay, oo aan ninna caawiyin Ayaa cadaawayaashu iyada arkeen, oo baabba'eedana way ku majaajiloodeen.
  • Yex 7:22 : 22 Oo weliba wejigaygana iyagaan ka sii jeedin doonaa, oo iyana meeshayda qarsoon bay nijaasayn doonaan, oo kuwa wax dhaca ayaa gudaheeda geli doona oo nijaasayn doona.
  • Yex 9:7 : 7 Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Guriga nijaaseeya, oo barxadahana meydad ka buuxiya, oo haddana baxa. Markaasay bexeen oo magaaladii dad bay ku dhex laayeen.
  • Yex 44:7 : 7 waayo, meeshayda quduuska ah waxaad soo geliseen shisheeyayaal aan qalbiga ka gudnayn, oo aan jidhka ka gudnaynba inay soo galaan, oo ay nijaaseeyaan xataa daartayda markaad bixinaysaan cuntadayda ah baruurta iyo dhiigga, oo axdigaygii baad ku jebiseen waxyaalihiinnii karaahiyada ahaa oo dhan.
  • Mark 13:14 : 14 ¶ Laakiin goortaad aragtaan waxa baas oo hallaynta ah oo taagan meeshii uusan lahayn inuu taagnaado (kii akhriyaa ha garto), markaas kuwa Yahuudiya joogaa buuraha ha u carareen.
  • Sab 79:1-7 : 1 Ilaahow, quruumihii kale waxay u soo galeen dhaxalkaagii, Macbudkaagii quduuska ahaana way nijaaseeyeen, Oo Yeruusaalemna waxay ka dhigeen tuulmooyin. 2 Meydadkii addoommadaada waxay cunto uga dhigeen haadka samada, Oo hilibkii quduusiintaadana waxay cunto uga dhigeen dugaagga dhulka. 3 Dhiiggoodiina waxay Yeruusaalem hareeraheeda ugu daadiyeen sidii biyo oo kale, Cid aastaana ma jirin. 4 Waxaannu cay u noqonnay derisyadayadii, Kuwa nagu wareegsanna wax la quudhsado oo lagu qoslo. 5 Rabbiyow, ilaa goormaad noo cadhaysnaan doontaa? Ma weligaa baa? Masayrkaagu ma sida dab buu u ololi doonaa? 6 Cadhadaada ku soo deji quruumaha aan ku aqoon, Iyo boqortooyooyinka aan magacaaga kugu baryin. 7 Waayo, waxay laayeen reer Yacquub, Rugtoodiina way baabbi'iyeen.
  • Ish 5:13-14 : 13 Haddaba sidaas daraaddeed dadkaygii waxaa loo kaxaystay maxaabbiis ahaan, maxaa yeelay, aqoon ma laha, oo raggoodii sharafta lahaa way gaajoodeen, dadkoodii badnaana oon bay la gubteen. 14 Haddaba sidaas daraaddeed She'ool calooshiisii buu isballaadhiyey, oo afkiisiina qiyaasla'aan buu u kala qaaday, oo kuwooda haybadda leh, iyo dadkooda badan, iyo kuwooda buuqa, iyo ku alla koodii reyreeyaba isagay hoos ugu dhaadhacaan.
  • Ish 63:18 : 18 Wakhti yar keliya ayaa dadkaagii quduusanaa dalkii hanti ahaan u haysteen. Cadaawayaashayadii ayaa meeshaadii quduuska ahayd ku tuntay.
  • Yer 15:13 : 13 Maalkaaga iyo khasnadahaaga waxaan u wada bixin doonaa sidii boolida aan loo iibsan, waana dembigaagii aad waddankaaga oo dhan ku dhex samaysay daraaddiis.
  • Yer 20:5 : 5 Oo weliba magaaladan maalkeeda oo dhan, iyo waxyaalihii ay ku hawshootay oo dhan, iyo waxyaalaheeda qaaliga ah oo dhan, iyo khasnadaha boqorrada dalka Yahuudah oo dhanba, waxaan u gacangelin doonaa cadaawayaashooda, oo iyana way boobi doonaan, oo intay kaxaystaan ayay Baabuloon wareejin doonaan.
  • Yer 52:13 : 13 Markaasuu gubay gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka, oo wuxuu kaloo gubay guryihii Yeruusaalem oo dhan, kuwaasoo ahaa guri kasta oo weyn.
  • Yer 52:17-20 : 17 Markaasaa reer Kaldayiin waxay jejebiyeen tiirarkii naxaasta ahaa oo guriga Rabbiga ku jiray, iyo saldhigyadii iyo berkeddii naxaasta ahayd oo guriga Rabbiga ku jiray, oo naxaastoodiina waxay u qaadeen Baabuloon. 18 Oo waxay kaloo qaadeen dheryihii, iyo majarafadihii, iyo alaabtii laambadihii lagu safayn jiray, iyo maddiibadihii, iyo malgacadihii, iyo weelashii naxaasta ahaa oo lagu adeegi jiray oo dhan. 19 Oo sirkaalkii askartu wuxuu la tegey suxuuntii, iyo dabqaadayaashii, iyo maddiibadihii, iyo dheryihii, iyo laambadihii, iyo malgacadihii, iyo koobabkiiba, intii dahabka ahayd dahab ahaan buu u qaaday, oo intii lacagta ahaydna lacag ahaan. 20 Labadii tiir, iyo berkeddii, iyo laba iyo tobankii dibi oo naxaasta ahaa oo saldhigyada ka hooseeyey, oo Boqor Sulaymaan uu u sameeyey gurigii Rabbiga, dhammaan weelashaas naxaastoodu miisaan ma lahayn.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bar 1:2-9
    8 aayado
    81%

    2Habeenkii aad bay u ooydaa, oo ilmadeediina dhabannaday kaga taal. Kuwii jeclaa oo dhan iyadu kama haysato mid u qalbi qaboojiya. Saaxiibbadeedii oo dhammu way wada khiyaaneeyeen, Oo waxay noqdeen cadaawayaasheedii.

    3Quruunta Yahuudah maxaabiis ahaan baa loo kaxaystay dhibkeedii iyo addoonsigeedii weynaa aawadood. Quruumahay dhex deggan tahay, oo innaba nasasho ma hesho. Silciyayaasheedii oo dhammu waxay soo gaadheen iyadoo cidhiidhi ku dhex jirta.

    4Jidadkii Siyoon way baroortaan, maxaa yeelay, ninna iidaha uma yimaado. Irdaheedii oo dhammu waa cidla, wadaaddadeeduna way wada taahaan, Hablaheeda bikradaha ahuna way dhibaataysan yihiin, oo iyada qudheedana dhib qadhaadh baa haya.

    5Kuwii cidhiidhin jiray madax bay noqdeen, cadaawayaasheediina way barwaaqoobaan, Waayo, Rabbigu wuxuu iyada u dhibay xadgudubyadeedii badnaa aawadood. Carruurteediina maxaabiis ahaan bay cadowgoodii u hor socdeen.

    6Oo magaaladii Siyoon quruxdeedii oo dhammuna way ka dhammaatay. Amiirradeedii waxay noqdeen sidii deero daaq weyday, Oo waxay tageen iyagoo aan itaal ku lahayn kan eryanaya hortiis.

    7Yeruusaalem wakhtiga ay dhib iyo wareeg ku jirto ayay waxay soo xusuusataa Waxyaalihii wanaagsanaa oo ay waagii hore haysatay oo dhan. Markii dadkeedu gacanta cadowga ku dhacay, oo aan ninna caawiyin Ayaa cadaawayaashu iyada arkeen, oo baabba'eedana way ku majaajiloodeen.

    8Yeruusaalem aad iyo aad bay u dembaabtay, oo sidaas daraaddeed sida wax wasakh ah ayaa loo xooray. Intii sharfi jirtay oo dhammu way quudhsadaan, maxaa yeelay, waxay arkeen cawradeedii. Hubaal way taahdaa, wayna sii jeesataa.

    9Nijaasteedii waxay ku tiil googaradaheeda, kamana ay fiirsan ugudambaysteeda, Haddaba sidaas daraaddeed si aad loola yaabay ayay u dhacday, oo mid u qalbi qaboojiyana ma ay lahayn. Rabbiyow, bal dhibkayga fiiri, waayo, cadowgii wuu isweyneeyey.

  • Bar 2:5-7
    3 aayado
    80%

    5Sayidku wuxuu noqday sidii cadow oo kale, oo dadka Israa'iilna wuu liqay, Daarahoodii waaweynaana wuu wada liqay, oo qalcadahoodiina wuu wada burburiyey, Oo dalka Yahuudahna wuxuu ku badiyey baroor iyo oohin.

    6Taambuuggiisii wuxuu u dumiyey sidii waab beer ku yaal, Oo meeshii shirkiisana wuu baabbi'iyey. Rabbigu wuxuu ka dhigay in Siyoon lagu dhex illoobo iiddii iyo sabtidiiba, Oo dhirifkii cadhadiisa ayuu ku quudhsaday boqorkii iyo wadaadkiiba.

    7Sayidku wuu xooray meeshiisii allabariga, oo meeshiisii quduuska ahaydna wuu karhay, Derbiyadii daaraheeda waaweynna gacanta cadowga buu u geliyey. Oo gurigii Rabbigana way ku dhex qayliyeen sidii maalin iid ah.

  • 15¶ Taan jeclaa bal maxay gurigayga ku leedahay iyadoo kuwa badan wasakhnimo la samaysay? Ma hilibka quduuska ahu belaayada kaa qaadi kara? Markaad shar samaysid ayaad rayraysaa.

  • 3Tallaabooyinkaaga u soo qaad xagga baabba'a weligiis ah, Iyo xagga xumaanta uu cadowgu meesha quduuska ah ku sameeyey oo dhan.

  • 4Nebiyadeedu waa kuwo fudud oo khiyaano badan, oo wadaaddadeediina meeshii quduuska ahayd ayay nijaaseeyeen, oo sharcigiina si xun bay u dhaafeen.

  • 51Annagu waannu ceeboonnay, maxaa yeelay, waxaannu maqalnay cay xun, oo ceeb baa wejigayagii qarisay, waayo, shisheeyayaal ayaa meelaha quduuska ah ee guriga Rabbiga soo dhex galay.

  • 17Siyoon gacmahay hoorsataa, mase jiro mid u qalbi qaboojiya. Rabbigu wuxuu amray in kuwa dadka Yacquub ku wareegsan ay cadaawayaashooda noqdaan. Yeruusaalemna waxay dhexdooda ku tahay sida wax wasakh ah.

  • 1Ilaahow, quruumihii kale waxay u soo galeen dhaxalkaagii, Macbudkaagii quduuska ahaana way nijaaseeyeen, Oo Yeruusaalemna waxay ka dhigeen tuulmooyin.

  • 11Dadkeeda oo dhammu way taahaan, oo kibis bay doondoonaan. Waxyaalahoodii wanaagsanaa cuntay siisteen si ay nafta ugu ceshadaan. Rabbiyow, bal eeg oo ka fiirso, waayo, waxaan noqday wax la nacay.

  • 11Oo hadda waxaa kaa shiray quruumo badan, oo waxay yidhaahdaan, Ha nijaasowdo, oo indhahayagu Siyoon ha fiiriyeen.

  • 10Dabadeedna waxaa arki doonta tan cadowgayga ah, oo aad bay u ceeboobi doontaa tan igu lahayd, Meeh Rabbiga Ilaahaaga ah? Indhahaygu way fiirin doonaan iyada, oo haatan waxaa iyada loogu tuman doonaa sidii dhoobada jidadka dhex taal.

  • 13Iridda dadkayga ha soo gelina wakhtiga ay belaayaysan yihiin, oo weliba dhibkooda ha fiirsanina wakhtiga ay belaayaysan yihiin, oo maalkoodana far ha saarina wakhtiga ay belaayaysan yihiin.

  • 18Wakhti yar keliya ayaa dadkaagii quduusanaa dalkii hanti ahaan u haysteen. Cadaawayaashayadii ayaa meeshaadii quduuska ahayd ku tuntay.

  • 15Hareeraha kaga qayliya, iyadu way isdhiibtay, aasaaskeedii wuu dhacay, derbiyadeediina waa la wada dumiyey, waayo, taasu waa aarsashadii Rabbiga. Iyada ka aarsada, oo sidii ay yeeli jirtay iyada ku sameeya.

  • 7Taswiiraheeda xardhan oo dhan waa la wada burburin doonaa, oo kirooyinkeeda oo dhanna dab baa lagu gubi doonaa, oo sanamyadeeda oo dhanna waan wada baabbi'in doonaa, waayo, iyadu waxay ku soo urursatay dhillo kiradeed, oo kulligoodna waxay dib ugu noqon doonaan dhillo kiradeed.

  • 17Rabbigu wuu sameeyey wixii uu ku talaggalay, Oo eraygiisii uu waagii hore amrayna wuu oofiyey. Wuu dumiyey, umana uu tudhin. Oo wuxuu ka dhigay in cadowgu kugu reyreeyo, Oo geeskii cadaawayaashaadana kor buu u taagay.

  • 6Oo iyana xukummadaydii bay sharnimadeedii kaga caasiyowday in ka sii badan quruumaha kale, oo qaynuunnadaydiina way ka caasiyowday in ka sii badan waddammada hareereheeda ku wareegsan, waayo, iyagu xukummadaydii iyo qaynuunnadaydiiba way diideen, oo innaba kuma ay socon.

  • 9Irdaheedii dhulkay ku tiimbadeen, oo qataarradeediina wuu wada burburiyey oo jejebiyey. Boqorkeedii iyo amiirradeediiba waxay dhex joogaan quruumaha, sharcigiina innaba ma jiro, Oo nebiyadeediina xagga Rabbiga waxba loogama muujin.

  • 17Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida kuwa beer dhawraya ayay hareeraheeda kaga kacsan yihiin, maxaa yeelay, iyadu way igu caasiyowday.

  • 10¶ Derbiyadeeda fuula oo dumiya, laakiinse ha wada baabbi'inina. Laamaheedana qaada, waayo, kuwii Rabbiga ma aha.

  • 26Quruuntaas kaga soo kaca darafyada dhulka ugu shisheeya, oo bakhaarradeeda fura, oo waxaad iyada u taalaysaan sida wax meel tuunsan oo kale, oo dhammaanteed baabbi'iya, oo innaba waxba ha ka reebina.

  • 17Oo reer Baabuloon ayaa iyada sariirtii caashaqa ugu soo galay, oo dhillanimadoodii iyaday ku nijaaseeyeen, oo iyana iyagay la nijaasowday, oo nafsaddeediina iyagay ka go'day.

  • 7Dalkiinnii waa cidla, magaalooyinkiinniina waa la gubay, oo waddankiinniina shisheeyayaal baa hortiinna ku cunay, waana cidla, sidii wax ay shisheeyayaal afgembiyeen.

  • 12Bal maxaad deyrkiisii u dumisay Si ay kuwa jidka maraa oo dhammu u goostaan?

  • 10Oo haatan waxaan soo bandhigi doonaa ceebteeda iyadoo ay u jeedaan kuwa iyada caashaqi jiray, oo ninna iyada kama samatabbixin doono gacantayda.

  • 12Boqorrada dhulka iyo dadka dunida deggan oo dhammuba ma ay rumaysteen In cadowga iyo nacabku ay irdaha Yeruusaalem geli doonaan.

  • 9Waayo, nabraheedu ma bogsan karaan, oo xataa waxay soo gaadheen dalka Yahuudah, oo waxay soo gaadheen xataa iridda dadkayga taasoo ah Yeruusaalem.

  • 10Adhijirro badan ayaa beertaydii canabka ahayd baabbi'iyey, qaybtaydii cagta bay kula tunteen, oo qaybtaydii wanaagsanaydna waxay ka dhigeen lamadegaan cidla ah.

  • Yex 22:25-26
    2 aayado
    73%

    25Shirqool bay nebiyadeedu dhexdeeda ku sameeyeen, sidii libaax ciyaya oo xoog wax ku qabsada. Nafo dad ayay baabbi'iyeen, oo waxay iska qaataan khasnad iyo waxyaalo qaali ah, oo waxay u yeeleen carmallo badan oo dhexdeeda jooga.

    26Oo wadaaddadeediina sharcigaygii si xun bay u dhaafeen, oo waxay nijaaseeyeen waxyaalahaygii quduuska ahaa. Innaba ma ay kala duwin wixii quduuska ahaa iyo wixii nijaasta ahaa, oo innaba dadka ma ay barin inay kala gartaan wixii nadiifta ahaa iyo wixii aan nadiifta ahayn, oo indhahoodana waxay ka qariyeen sabtiyadaydii, oo anigana dhexdoodaa wax nijaas ah laygaga dhigay.

  • 9Oo waxay noqotay inuu dalkii ku nijaasoobay fudaydkii dhillanimadeeda, oo iyana way ka sinaysatay dhagxan iyo geedo.

  • Yex 7:20-21
    2 aayado
    73%

    20Quruxdii sharraxaaddiisa kibir bay u beddeleen, oo waxay ka sameeyeen sanamyada waxyaalahoodii karaahiyada ahaa oo la nacay, sidaas daraaddeed waxaan iyaga uga dhigay sida wasakh oo kale.

    21Oo booli ahaan ayaan shisheeyayaal gacanta ugu gelin doonaa oo sida wax la soo dhacay oo kalena ayaan sharrowyada dunida u siin doonaa, oo iyaguna way nijaasayn doonaan.

  • 9Dumarkii dadkayga waxaad ka saartaan guryahoodii wacnaa, oo carruurtoodii yaryaraydna waxaad weligiin ka qaadataan ammaantaydii.

  • 5Waxaad qaadateen lacagtaydii iyo dahabkaygii, oo alaabtaydii wanaagsanayd oo qurxoonaydna waxaad geliseen macbudyadiinna,

  • 7Meeshaada quduuska ah dab bay ku dhejiyeen, Oo waxay wada nijaaseeyeen meeshii magacaaga hoyga u ahayd.

  • 18Meelahaagii quduuska ahaa waxaad ku nijaasaysay xumaatooyinkaagii badnaa, iyo xaqdarradii baayacmushtarkaaga, oo sidaas daraaddeed dhexdaadaan dab ka soo bixiyey, oo isna wuu ku baabbi'iyey, oo dhulka korkiisa ayaan dambas kaaga dhigay iyadoo ay kuwa kuu jeeda oo dhammu indhaha kugu hayaan.

  • 15Tanu waa magaaladii faraxa badnayd oo feyigla'aanta ku degganayd, oo qalbiga iska tidhi, Anigaa ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jirto. Waxay noqotay cidla iyo meel dugaag ku hoydo! Mid kasta oo agteeda soo maraaba wuu ku foodhyi doonaa oo gacanta quudhsasho la ruxi doonaa.

  • 11Haddaba Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Cadow baa dalka hareerayn doona, oo isna xooggiinna wuu idinka qaadi doonaa, oo daarihiinna waaweynna waa la wada dhici doonaa.

  • 10Maalin iyo habeenba derbiyadeeday ku dul wareegaan, Oo weliba waxaa ku dhex jira xumaan iyo belaayo.

  • 4maxaa yeelay, waa dhillanimadii faraha badnayd oo ay fashay dhilladii aad loo jeclaa oo ah sayidaddii sixirrada, oo quruumo ku iibisa dhillanimadeeda, oo reerona ku iibisa sixirradeeda.